Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo madax ka socotay Saudi Arabia iyo Ingiriiska oo daahfuray mashruuc cunto qeybin ah

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, Safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u daah-furay Mashruuc gargaar cunto deg deg ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Gargaarkaan oo ay ku yabooheen dowladaha Sacuudi Carabiya iyo UK ayaa waxay soo marsiiyeen hay’adda King Salmaan ee ka shaqaysa arrimaha gargaarka.

Gudoomiyaha hay’adda, Safiirrka Dalka Sacuudiga u fadhiya Soomaliya iyo madax ka sacota safaradda UK iyo Qaramada Midoobay ayaa qayb ka ahaa furitaanka mashruucaan gargaarka ah.

Mashruucaan gargaarka ah ayaa waxaa la qorsheeyay  in raashin lagu gaarsiiyo  dad gaaraya 97,585 halka 34,964 oo qoysna Lacaga la siin doono.

R/W Xamse oo kulan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada XFS oo ay wehliyaan Wasiirrada Waxbarashada D/Gobolleedyada

Photographer: Abdishukri Haybe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo Wasiirrada Waxbarashada Maamul Gobolleedyada, kadib markii ay talaadadii daahfureen hannaanka qaadashada 3000 oo macallimiin cusub ah.

Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Wasiir Ku xigeenka, Mudane Axmed Cismaan Daqare iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay warbixin faahfaahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habraaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.

Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daahfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qabanqaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbarashada waxqabadka iyo tallaabooyinka muuqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haqabtirka baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS oo dowladda Turkiga ugu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta booqasho ku tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga si uu ula qeybsado tiiranyada iyo xanuunka tacsida dadkii ku geeriyooday dhulgariirki musiibadda ahaa ee ka dhacay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha iyo xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa Alle naxariistiisa uga baryay dadka ku dhintay dhulgariirka. Waxaana uu saxiixay Guddooomiyaha buugga tacsida ee loo furay dadka ku dhintay musiibadii dhulgariirka Isniintii ka dhacay, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Madaxweynaha JFS ayuu sheegay in ay aad uga xunyihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga.

   

Shirka golaha wasiirradda Galmudug oo looga hadlay xasillinta deegaanadii laga xorreeyay Khawaarijta

Dhuusamareeb- Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirrada ee Dowladda Galmudug oo maanta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay howlgalada dib u xoreynta ee ka socda deegaanada Galmudug iyo safar dhulka ah oo uu dhawaan ku soo kormeeray qaar ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay cadowga argagaxisada ah.

Dhinaca kale, Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo ku saabsanaa barnaamijka xasilinta ee deegaanada la xorreeyay iyo gurmad dhawaan la gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Golaha sida ay u garab istaageen bulshada ku dhaqan deegaanada la xoreeyay, asagoona kula dardaarmay dhamaan xubnaha Golaha wasiirada inay gacan ka geystaan gurmadka deegaanada dhawaan la xoreeyay oo ay ka jiraan xaalado bini’aadanimo.

         

Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Kenya

Nairobi- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo booqasho ku tagay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Kenya ayaa waxaa halkaasu ku soo dhaweeyay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kenya, mudane Nuuradiin Xaaji .

Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee kenya oo ay kaga wada hadleen, shaqooyinka baaxadda leh ee labada xafiis iyo waxyaabaha mudnaanta leh ay ka wada shaqeyn karaan sida karaanka xirfadlayaasha xafiiska, habraaca baarista iyo eedeynta, barnaamijka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagaixisada.

Inta uu socday kulanka labada xeer ilaaliye ayaa sidoo kale waxaa looga wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta gaar ahaan arrimaha la xariira nidaamka maareynta kiisaska iyo dambiyada ka gudba xaduudaha oo muhim u ah tayada shaqo ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

    

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa u tacsiyeeyay dowladda Turkiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General  Sulub Axmed Firin ayaa kulan Tacsi ah ugu tagay Safarada Dowladda Turkiga ay ku leedahay Magalada Muqdisho si uu uga Tacsiyeeyo Dowlada Iyo Shacabka Reer Turkiga musiibadii Dhulgariirka aheed ee ku dhufatay dalkaas.

Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya H.E. İbrahim Mete Yağlı iyo u qeybsamaha Arrimaha Ciidamada Col Halil altıntaş, ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay Safaarada, waxa uuna safiirku ka Gudoomay Dhabaalkii Tacsida ahaa.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa uga Mahad celiyay booqashada Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Safarada ugu yimid.

         

RW Xamse oo uga tacsiyeeyay dowladda Turkiga dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane  Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu uga tacsiyeeyo Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadka ku dhintay musiibadda dhulgariirkii ka dhacay Isniintii.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada ayaa u duceeyay dadka dhintay, isaga oo saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii ku dhintay dhulgariirka, waxaana isaga oo ku hadlaya codka Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed uu sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan dowladda Turkiga iyo shacabkeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu codsaday in salaadda Jimacaha ee berri si wadajir ah loogu soo duceeyo dadkii ku dhintay dhulgariirkaasi dalka Turkiga iyo Suuriya inuu Allaah naxariistiisa Janno ugu deeqo, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

      

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland oo qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid Jubaland.

Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hey’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Dowlad goboleed Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar galinta howlgalada dib u xoraynta ee Dowlada Jubaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubaland.

   

Mashruuc gargaar cunt degdeg ah oo loogu talagalay dadka abaaruhu Saameeyeen oo Muqdisho laga daah furay

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, Safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u daah-furay Mashruuc gargaar cunto deg deg ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Gargaarkaan oo ay ku yabooheen dowladaha Sacuudi Carabiya iyo UK ayaa waxay soo marsiiyeen hay’adda King Salmaan ee ka shaqaysa arrimaha gargaarka, mashruucaan gargaar ayaa waxaa raashin la siin doonaa 97,585 halka 34,964 oo qoysna Lacaga la siin doono.

Gudoomiyaha hay’adda, Safiirrka Dalka Sacuudiga u fadhiya Soomaliya iyo madax ka sacota safaradda UK iyo Qaramada Midoobay ayaa qayb ka ahaa furitaanka mashruucaan gargaar.

       

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo xarriga ka jaray xafiiska guddoonka waxaana uu dhagax dhigay xafiisyada golaha shacabka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jaray xafiiska guddoonka islamarkaana dhagax dhigay xafiisyadda guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Dhismayaasha iyo dhagax dhiga Xafiisyadda ayaa waxay ka mid yihiin ballan qaadyadii uu horay u qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Munaasad kooban oo ka dhacday Xafiiska Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeeysa ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.