Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka hortagay weerar ay saaka Maleeshiyaadka Khawaarijtu ku qaadeen xarumaha Ciidanka Xooggu ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose,

Khawaarijta ayaa weerarkaas u adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo xigay, waxaana halkaas Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku soo duulay degmadaas.

Dhanka kale, wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo iyo taliyaha qeybta 43-aad ayaa ku sugan degmada Afrmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan dagaalka Laascaanood.

“ Waxaan dirayaa baaq nabadeed oo ku aadan dagaalka Laascaanood, aragtida dowladda Soomaaliyeed horey ayaa loo soo tebiyay oo madaxda qaranka uga hadashay. Dowladda Soomaaliyeed waxay u taagan tahay oo mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta sharafka iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed iyo badqabkiisa meel kasta uu joogo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

  Halkan hoose ka Akhriso baaqa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka:- 

Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa faah faaahino dheeraad ah ka bixiyay howlgal ka dhanka kooxda Khawaarijta oo ay ciidamada qaranka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

“ Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, eeriya lagu magacaabo Doonleey oo dhaxeyso Shabeellow iyo Camaara, halkaas oo cadowga u ahayd Talis deegaan iyo difaac weyna ay ku lahaayeen dagaalkaas ka dhacay. Dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saac ayaa ka dhacay deegaanka, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan,nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Khawaarijta dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay maleeshiyaad fara badan oo gaaraya 117 khawaarij ah, waxayna ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen.

Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga iyo safiirka Mareykenka ee hay’adaha Qaramada Midoobay u fadhiya Rome

ROME:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Rome, Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Mudane Guido Crosetto.

Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Safiirka Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya waxaana tilmaamtay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

  

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta kala wareegay degaanka Doonyaale ee Gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwaa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal ay ku qaadeen degaanka Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug kala wareegay maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanyay.
Degaankaan ayaa u dhexeeya magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug ee degaannada maamul goboleedka Galmudug.
Taliyaha ciidanka dhulka XDS General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Maamulka Galmudug ay dagaalka khasaare ku gaarsiiyeen Khawaarijta iyagoo ugu galay gododkii ay gabbaadka ka dhigaan jireen.
Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wixii war ah oo ku soo kordha halkaan kala soco.

Boqolaal Soomaali ah oo ka qeyb galay daah-furka safaaradda Soomaaliya ee London

Boqolaal Soomaali ah oo ku dhaqan Dalka Ingiriiska iyo wadamo kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey furitaanka safaaradda Soomaaliya ee magaalada London.

Xafladdaan oo xarigga looga jaray safaaradda,waxaa ka hadlay Safiirka Safaaradda  Soomaaliya ee Dalka Ingiriiska C/qaadir Axmed Kheyr iyo xubno kale oo muhiim ah.

Xafladdaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleen dad can ah oo uu kamid ahaa Moow faarax iyo xubno kale,waxaa halkaasi mahadcelin loogu jeediyay guddigii dadaalka u galay daahfurka safaadda oomaalida.

Safaaradda ayaa la filayaa in adeeg muhiim ah u qabato in ka badan Shan boqol oo kun oo soomaali ah oo ku nool Dalka Ingiriiska.

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday xarumaha ay ku jiraan maxaabiista soomalida ee Sacuudi Carabiya

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta C/Kariin cali Afrax iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maalmahaan booqasho shaqo ku jooga Dalka Sacuudi carabiya ayaa booqday maxaabista soomaalida ee ku jira xabsiyada Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya .

Taliya Ciidanka Asluubta iyo xubnaha kale ee la socday,waxaa xarumaha xabsiyadaasi ku soo dhoweeyay taliyayaasha xabsiyada Shimees iyo Dabbaan, Maajid Bandar,isagoo u kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka maxaabiista ah ee Soomaaliya.

C/Kariin cali Afrax oo boqashaasi kaib kulanla yeeshay madax ka socotay asaaradda arrimaha gudaha,ayaa dalbaday in la daboolo guud ahaan baahiyaha dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Sii hayaha taliyaha Ciidanka Asluubta,waxaa booqashadaasi ku wehelinaayey Qunsulka Soomaalida ee Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf

Ciidanka Boliiska oo gacanta ku dhigay rag kaarar been abuur ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Ciidanka Boliiska ee ka howlgala saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo la sheegay in kaarar been abuur ah ay ku dhacayeen dadka barackayaasha ah ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho .

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in raggaasi ay lacag min 10 dollar ah ay ka qaateen dadka danyarta ah, kadibna u qeybiyay Kaarar been ah , oo ay tilmaameen in  in dhawaan ay ku heli doonaan deeq lacageed iyo raashin.

Eedeysanayaashaasi ayaa dadka barakacayaasha ah u u sheegay in ay yihiin Hey’adaha Ka shaqeeya Arrimaha gargaarka.

Xaflad lagu maamuusaayo maalinta ciidanka badda oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka socda xaflad ballaatan oo lagu maamuusaayo xuska maalinta ciidanka badda Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah u leh dadka iyo dalka.

Xuska sanadkaan oo ku soo beegmay sanadguurada 58 ee ka soo wareegatay aasaaska ciidanka badda ,waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan golayaasha dowladda,madaxda ciidamada iyo marti sharaf kale.

10-kii febraayo sanadkii 1965-tii ayeey aheyd markii dhidibada loo taagay ciidanka badda Soomaaliya oo loo xilsaaray ilaalinta xeebaha iyo khayraadka badda Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday gargaar dheeraad ah oo la siiyo Turkiga iyo Suuriya

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya.

Madaxa Qaramada Midoobay  ayaa sidoo kale  ku dhawaaqay shir deeq ah  oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay  isugu imaan doonaan dalalka deeq-bixiyayaasha caalamiga ah .

Dhinaca kale,Bangiga Adduunka ayaa u ballan qaaday Turkiga lacag dhan $1.78-bn oo gargaar soo kabasho ah.

Kolanyadii ugu horreeyay ee gargaarka Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga-galbeed Suuriya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyadoo aan la soo marin goobaha ay maamusho dowladda Suuriya

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 21,000. Ugu yaraan 17,674 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay, halka la og yahay in 3,377 ay ku dhinteen Suuriya.