ILAALI XUQUUQDA DADKA KALE SI LOO ILAALIYO XUQUUQDAADA

Xuquuqda aadanaha waa damaanad qaad sharuucda caalami ah ee lagu difaacayo lahaansha qof, kooxo ama guud ahaan aadanaha ku nool dunida gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay, haweenka, caruurta, qaxootiga, barakacayaasha, dadka naafada ah, iyo dadka dalka loogu yimidka sida ku qeexan shuruucda, heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga.

XUQUUQDA AADANAHA WAXAA LAGU SOO KOOBAA LABO QEYBOOD:

A:- Qeybta 1-aad waa xuquuq uu aadanuhu la dhasho sida :

  • Xaqa xuriyadda asaasiga ah. مقالة عمر بن خطاب رضي الله متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمعاتهم أحرارا
  • Xaqa karaamada aadanaha. قال تعالى- ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر

 

B:- Qeybta 2-aad waa xuquuq uu aadanuhu ku kasbado sharuucda dalkiisa iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

 

Shuruucda dalka waxaa ka mid ah :

  • shuruucda dalka waxaa ugu horeeya shareecada islaamka.
  • dastuurka dalka oo isna waafaqsan shareecada islaamka.
  • xeerarka kale ee uu baarlamaanku soo saaro.

Shuruucda Caalamiga ah waxaa ka mid ah :

  • shuruucda ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga ah ee ay soomaaliya qeyb ka tahay
  • shuruucda iyo heshiisyada goboleed ee ay soomaaliya qeyb ka tahay.

Hadaba, shuruucda dalka iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee kor ku xusan qof kasta wuxuu ku kasbanayaa inuu ku helo dhamaan xuquuqda ku xusan shuuruucda ee laga ma maarmaanka u ah noloshiisa, sida :

xuquuqda waxbarashada, xuquuqda caafimaadka, xuriyada xuriyada, xuquuqda shaqada, xuquuqda nabadda iyo badbaadada iyo xuquuqda kale ee uu aadanuhu baahan yahay, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay in uu sheegto dhamaan xuquuqdaasi,

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta uu ilaaliyo xuquuqda dadka kale si loo ilaaliyo xuquuqdiisa.

 

Waxaa Diyaariyey :

 

             Axmed Cabdi Cumar (Borille)

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha WHHXA

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

BOGGA DHACDOOYINKA GXX101 EE 13-KA FEB 2023 ————————————————————————————————————-WAA TEE MAGAALADDA SOOMAALIYEED EE KU GUULEYSATAY ABAALMARINTA?

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka carruurta u fiican.

 

UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha.

Hay’adda waxay sheegtay in tan iyo 2014, ay magaalada dhaqangelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada iyagoo la shaqeynaya dowladda Somaliland iyo UNICEF-ba.

Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka ka soo qaadeen illaa $40,000 oo doolar oo la isticmaali jiray 2014 halka ay 2021 gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar.

TIRADA DHIMASHADA DHULGARIIIRKII TURKIGA OO SII SIYAADAY

Kooxaha samatabixinta ayaa ku shaqeynaya qabow daran iyo roob mahiigaan ah xilli ay iskudayayaan inay soo badbaadiyaan dad loo malaynayo inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay koonfur bari waddanka Turkiga.

In ka badan 4,300 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka halka in 15,000 oo qof oo kalana ay ku dhaawacmeen Turkiga iyo xadka Suuriya, kaddib markii dhulgariirku uu ku dhuftay arooryadii hore ee Isniinta.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in tirada dadka ku dhintay musiibadaasi ay aad u sii kordhi karto maadaama kooxaha gurmadka degdega ay suuragal tahay inay soo helaan dad kale.

Kooxaha samatabixinta ayaa dardargelinaya baadigoobka ay ugu jiraan inay soo helaan dad ka badbaaday dhibaatada halkaas ka dhacday.

KUMUU AHAA MADAXWEYNIHII  HORAY DILKA U  GEYSTAY  EE HADDA GEERIYOODAY

Xirfadda siyaasadeed ee Pervez Musharaf, oo ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee militariga Pakistan, ayaa lagu qeexaa xagjirnimo.

Ka dib markii uu xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii, Musharaf waxaa uu wajahay tiro isku dayo dil ah oo uu ka badbaday, isaga oo dhexda u galay safka hore ee halganka u dhexeeya Islaamiyiinta xagjirka ah iyo reer galbeedka.

Waxaa xusid mudan, in uu isbahaysi la samaystay Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay in uu ka caawiyay casriyaynta Pakistan iyo horumarinta dhaqaalaha.

Balse sannadkii 2008-dii, Musharraf waxa uu guul darro kala kulmay doorashadii waddankaas ka dhacday waxaana qasab looga saaray xafiiska. Mihnadiisa siyaasadeed waxay ugu dambeyntii ku dhammaatay ceeb iyo xarig: waxaa lagu xukumay khiyaano qaran iyo dil isagoo maqan 2019kii.

Waxaa xusid mudan, in uu isbahaysi la samaystay Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay in uu ka caawiyay casriyaynta Pakistan iyo horumarinta dhaqaalaha.

Balse sannadkii 2008-dii, Musharraf waxa uu guul darro kala kulmay doorashadii waddankaas ka dhacday waxaana qasab looga saaray xafiiska. Mihnadiisa siyaasadeed waxay ugu dambeyntii ku dhammaatay ceeb iyo xarig: waxaa lagu xukumay khiyaano qaran iyo dil isagoo maqan 2019kii.

CARRUURTA UK OO LA OGAADAY KHATARTA UU KU HAYO TALEEFOONKA

Madaxa shirkadda telefoonnada Samsung ee UK ayaa sheegay in gabadhiisa uu telefoonkeedii u horreeyay u iibiyay markii ay 11 jir ahayd.

“Shakhsiyan, ma jecli in carruurta da’da yar la siiyo teleefoon.

Waalidiinta ayaa leh go’aanka xilliga ay carruurtooda telefoon u iibinayaan,” ayuu yiri James Kitto.

Waxa uu intaa raaciyay in da‘ kasta oo qofka uu ku qaato telefoonka, arrinta muhiimka ah ay tahay in ay ka badbaadaan xumaanta iyo dhibaatada taalla internet-ka.

Xafiiska tayada waxbarashada ee UK ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah carruurta dhigata dugsiyada hoose ee dalkaas ay haystaan telefoonnada casriga ah.

 

Carruur ay da’doodu tahay 9 jir ayaa telefoonnadooda ka daawada muuqaallada galmada, sida lagu ogaaday daraasad laga sameeyay UK.

BOOLIS HOWSHIISA KU JIRO OO TUUGO MOOBILKIISII KA DAFTAY

 

Dadka adeegsada baraha bulshada ee caasimadda Nairobi ayaa si weyn u hadal haya fal burcadeed ka dhacay xaafadda Kasarani, xilli rag tuugo ah ay telefoon ka dafeen nin boolis ah.

Muuqaal ay duubeen kaameradaha CCTV ayaa muujinaya nin ka tirsan booliska wadooyinka oo kala hagaya gawaari kadibna ay telefoon uu ku hadlayay ka dafeen saddex nin oo mooto saaran.

Muuqaalka ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshadda ay kuwada xiriirto.

Arrintan ayaa ka fajicisay dad badan oo siyaaso kala duwan uga hadlay falkaas.

GABADH SHEEGTAY IN AY NAFTEEDA LAMAANE LA TAHAY

Emma Watson waxay sheegtay in ay dareentay “Walwal iyo walaac” ka dib markii 30 sano ay gaartay, sababtoo ah cadaadis weyn ayaa ku soo kordhay markii da’daas ay gartay.

Waa jilaa caan ah taas oo 30 sano ay u buuxsantay bishii April ee sannadkan. Waxay sheegtay in ay ka carootay “qulqulka farriimaha iska soo daba dhacayay” ee lagu weydiinayay waxay tahay guusha ay gaartay, mar haddii 30 jir ay noqotay.

“Haddii aanan lagu guursan, haddii canug aadan haysan… Waxaa jiro walwal aan qiyaas lahayn,” ayey sheegtay.

Laakiin Emma waxay tilmaamtay in ay tahay iskaabulo faraxsan, taas oo ay ku tilmaamtay “in ay lammaane la tahay nafteeda”.

AALADDA FACEBOOK OO LA OGAAADAY IN AANAY CAAFIMAADKA U WANAAGSANAYN

Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub.

Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.

Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka.

Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.

Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in “isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada”.

 

SAAMEYNTA TABAN AY KHAWAARIJTA BULSHADA KU DHEX YEESHEEN!

Tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen ururka diinteena suuban ka been abuurtay ee Khawaarijta, waxay gabood-falo guracan ka geysteen dalkeenna magaalo iyo miyiba.

Cabsi gelin iyo handadaad ayey ku bilowdeen iyagoo qurgooyo iyo ficilo xun dadka ku sameynayey, muddo kadib markii ay sii ballaarteenna waxay bilaabeen in ay ummadda baadaan oo ay ugu yeeraan sikaawaad taasoo baal marsan diinteenna wanaagsan iyo sunnaha Rasuulkeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxay curyaamiyeen kumanaan carruur Soomaaliyeed oo soo hanaqaadaeyey, haween iyo dad reer miyi ah.

Dowladdeena oo garab weyn ka heshay dowladaha garab siinayo ayaa bilowday in ay magaalooyinka waa-weyn ka saaraan, kadib khawaarijta maxay ku dhuumaaleysan jireen dhulka miyiga ah ee dhirtu ku badantahay, halkaasi oo ay dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda ay dhibaato ba’an ku hayeen.

Dadka reer miyiga ah ee inta badan noloshooda ku tiirsantahay xoolaha nool iyo beeraha ayaa u adkeysan kari waayey dhibta ay ku hayaan kooxaha Khawaarijta ah ee haraadiga ku ah miyiga Soomaaliya, kooxdaan oo bilowday in ay ummadda ka bartilmaameedsadaan nolosha aas-aasiga ah oo ay aasaan ceelasha biyaha, oo ay sameeyaan jid-gooyo, carrurrtana ay  kaxeystaan, hablahana khasab ku guursadaan.

Dhibaatooyinkaa iyo kuwo kaloo badan oo isbiirsaday waxaa u adkeysan waayey dadka reer miyiga oo horaan ba dadkaan arxanka daran khaatiyan ka joogay, deegaanno badan oo bartamaha Soomaaliya ah ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaqyo kacdoon   oo kasoo horjeeda kooxdaan cadowga ah ayaa iskood isu abaabulay kaasoo guulo badan laga gaaray kooxdaan taagta daran ilaa ay isaga baxaan bartamaha Soomaaliya meelaha ugu muhiimsanaa iyagoo ku yaaban meelo dhif iyo naadir ah oo ay moodaan in ay gabbaad u tahay balse aanan looga harayn oo wali lasii baacsanayo.

Yar iyo weyn iyadoo aanan loo kala hadhin ayaa dagaal toos ah lagu qaaday, is-abaabulkaasi wuxuu la magac baxay Macawiisleey oo ah ciidan naf hurayaal ah oo deegaanka u dhashay waxaan garab weyn siinayey oo ka garab dagaalamayey, geesiyada aan nacabka iyo gumeysiga u nixin ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyreed.

Dedaalkaasi bilowday sanadkii tegey badhtamihiisii oo ay bilaabeen dadka deegaanka kadibna dowladda Soomaaliya hub, ciidan iyo saanadba la garab istaagtay waxaa laga guuleystay kooxdii iftiinkooda sii dhacayey, waxana la ogaaday in ay ba ahaayeen “adoo deyrsanayey mar ma lagaaga daray” deegaankastana waxaa looga dhawaaqay in lagu jihaado kuwaan diinta ka been sheegay, iyadoo dowladdeenu iclaamisay dagaal ka dhan ah Alsheydaan in lagu qaado meel walba ay dalka ka joogaan.

Markii ay ogaadeen in uu gabbalkoodu dhacay ayey waxay bilaabeen in ay af-duub sameeyaan iyagoo kala jeeda in ay qabaa’ilka heshiis xoog ah kaga dalbadaan, waxaana jirta in ay beerahii oo barwaaqo sooran ah laga goosan kari waayey oo ay dadka arqalad ku hayaan.

Dagaalkaan oo ka bilowday Hiiraan oo gaaray dhammaan deegaannada Hirshabeele ugu dambeyn wuxuu gaaray Galgaduud iyo Mudug isagoo markii dambe dalka dhan ka hana qaaday.

Dalka Edatorial

TAABAGELINTA NABADDA WAA FIKIR ISKU TASHI AH

Ummad kasta marka ya fekeraan oo ay gartaan waxa ka maqan Meesha ay jiraan si loo helo baadida maqan waxay qorsheeyaan ama meel isla dhigaan in la helo amni iyo kala dambeyn si loo qabto shirar looga hadlayo arrimaha loo baahan yahay.

Horumarka nabaddu waa midka ugu horreeya qorsheyaasha kala duwan ee horumarka , gogosha lagu wada hadlayo, shorarka wada tashiga si ay u noqdaan kuwo madaxbannaan oo aan ka cabsaneyn suuqyada iyo waddooyinka .

Waxaa waajib ah in la dejiyo qaacido nabadeed iyo amnio o muwaadinku danahiisa kaga fekeri karo waxayna arrintaa u baahan tahay feker iyo wada tashi wadajir ah .

Xaaladaha amniga ma aha kuwo hal gacan  wax lagu xasilin karo waana in marka hore xukuumaddu ciidan u diyaarisaa kaas oo ah mid u taagan xaaladda amniga magaalooyinka iyo degaamada mar kasta oo loo baahdana laga heli karo telefanno u gaar ah lana dejiyo baro u gaar ah oo ay ka gurman karaan.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la soo celiyo roondadii habeenkii wareegi jirtay ayna helaan xiriir bulshada dhexdeeda ah ayna yihiin kuwo u tababaran la shaqeynta dadweynaha soona jiidan kara bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ciidanka ammaanka waa kuwo ka duwan ciidamada kale o oleh xirfad aqooneed oo isdhexgalka bulshada isla markaana la socon kara wax kasta oo ka dhex jira waana in ciidankaasi yeeshaan saldhigyo gaar ah toos ugu ixrnaadaan goobaha lagu lafa gurayo arrimaha amniga.

Si loo yareeyo qarashka waa in la soo kobo goobaha shirarka ee ay ciidankaasi mas’uul ka ha yihiin haddii ay goobahaasi bataana waxaa badaneysa baahida amniga .

Ciidankani waa in ay helaan guddiyo kala sarreeeya oo kala heer heer ah ilaa heer gobol waana in ay yeeshaan calaamado u gaar ah oo xitaa ciidamada kale ku aqoonsan karaan.

Ciidanka xasilintu waa in ay ka kooban yihiin dad waayo arag ah waana in ay helaan wacyigalin dheeraad ah ayna guddiyada amnigu si joogto ah ula socdaan xaaladdooda siiba qaabka shaqada iyo wax kasta oo ku soo kordha.

Aminiga la’aantii waa aqoon la’aan iyo dhibaato waana kalsooni darro sidaas darteed waa in amnigu noqdaa waxa ugu horreeya eel aga shaqeeyo ka hor arrimaha kale oo dhan.

WQ; Abwaan Gabayre

HA CUNIN DAAWO AAN DHAQTAR KUU QORIN

Magaalada Muqdisho marka aad tagto farmashiyeyaasha lagu gado dawooyinka waxaad arkeysaa dadyow aad u fara badan oo imaanaya isla markaana weydiisanaya in laga gado dawooyin aaney u wadan qoraalka dhaqaatiirta.

Maxamed Axmed Hilowle oo ah gade farmashiye ku yaalla Muqdisho ayaa ii sheegay in uu xilliyada u badan habeenkii uu la kulmo dad da’ kasta leh oo weydiinaya dawooyin ay magic ahaan u sheegayaan ama wata qolof ama baakado hore looga isticmaalay dawooyin hore loogu qoray dad kale iyagoo doonaya in ay isku daweeyaan iyagoo aan u tagin wax dhaqtar ah ama aan sidan waraaqihii dhaqtarka.

“Mararka qaar waxay ku leeyihiin I sii daawadan iyagoo ku tusaya qlofka ama baakadda dawo hore loo isticmaalay marka aad weydiiso warqaddii dhaqtarkana wey kugu xanaaqayaan” ayuuna yiri.

Dadka qaar ayaa ku adkeysanaya in haddiiba ay heystaan qolofka ama baakadda dawadii ay hore ugu caafimaadeen aan loo baahneyn in ay dhaqtar u tagaan oo uu soo qoro waraaq.

Waxaa kale oo jira dhallinyaro iyagana habeenkii mashquuliya farmashiyeyaasha oo ka raadiya dawooyin ay dhinac kale u adeegsadaan oo qaarkood maandooriye ahaan u isticmaalaan .

“Kuwani waxay isticmaalaan oo ay mar walba weydiiyaan noocyo kaniino ah oo ay ku jiraan Taramadol, Diazapem iyo kuwo kale oo ay si aan xad laheyn u qaataan waxaase soo kordhay kuwo ay aad u raadiyaan oo ay isku duraan” ayuu yiri Maxamed Cilmi oo ah kalkaaliye caafimaad oo iibiya farmashiye ku yaalla xamar jadiid.

Dhaqtar Cali Maxamed Maxamuud oo ka mid ah dhaqaatiirta Muqdisho ayaa sheegay in qaadashada dawo aan laguu qorin ay leedahay dhibaato isla markaana ay ka dhalan karaan cuduro halis ah.

“Waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa in dadka joogtada u isticmaala kiniinka hurdada ee aan loo qorin una isticmaala mukhaadaraad ahaan ay marka dambe qaadi karaan cudurada ay ku jiraan laleelmada iyo gariirka” ayuu yiri dhaqtarka.

Waxaa uu ka digay in aan la caadeysan in la qaato dawooyin aan dhaqtar qorin taas oo ah dhibaato taagan oo  ku soo kordheysa gayiga soomaalida gaar ahaan dhallinyarada.

WQ: Mohamed Shiil

DHARKA CUSUB OO AAN LEYSKA MAYRIN IYO MAKE UP-KUBA BADANAA WAXAA LAGA QAADAA CUDURRO DHANKA MAQAARKA AH

Way adag tahay inaad iska caabbiso xirashada dhar cusub oo aad imika uun soo iibsatay, laakiin dhakhaatiirta cudurrada maqaarku waxay inoo sheegayaan khatarta ay caadadaasi leedahay oo ay mudan tahay inaan ka taxaddarno.

Donald Belsito oo ah dhakhtar cudurrada maqaarka ku takhasusay oo ka tirsan xarunta caafimaadka jaamacadda Columbia University, ayaa yiri, marka la xirto dhar cusub ee aan la iska mayrin, waxa uu keeni karaa xasaasiyad dhanka jirka ah ama cudurro ay ka mid yihiin Scabies iyo lice.

Belsito waxa uu caddeeyay in dharka aan kasoo iibsaneyno tukaamada uu jeermis badani ka buuxo, waxaa horey iskugu soo tijaabiyay dad tiro badan oo doonayay inay iibsadaan, waxaana dhici karta inay dadkaasi cudurro dhanka maqaarka ah ay horey u qabeen.

Dhakhtaradda cuduradda maqaarka ee la yiraahdo Dr. Lindsay Borden oo iyaduna ka tirsan xarunta caafimadka Jaamacadda Colombia ayaa dhankeeda sheegtay in dharka cusub oo la mayraa ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Waxay intaa sii raacisay, inay dukaamadu adeegsadaan maadooyin kiimiko ah oo jirka aadanaha dhibaato u geysta, sida; kuwo jactadka dharka looga ilaaliyo iyo kuwo kale oo dharka shiirkooda lagula dagaalamo, kuwa lagu carfiyo,  kiimikooyinkaas oo dhibaato u geysan kara jirka aadanaha, marka iyadoo aan la mayrin la iska xirto dharka.

dharka hudhayda ayaa  ka mid ah dharka dadka qaar ay isticmaalaan iyagoo aan  si fiican iska mayrin arintaa ayaa ah mid leh khatar caafimaad daro ah kuna keeni karta dhibatooyin jirkaaga.

Sidoo kale  rinjiga dharka ayaa keena xasaasiyad dadka qaar marka ay dharka xirtaan iyagoon iska mayrin, laakiin mashaakilaadka caafimaad oo dhan waxaa lagaga adkaan karaa si sahlan, waa marka aad iska mayrto dharka inta aan la xiran ka hor.

Gaba gabade daraasada ayaa si gaar uga digtay in laga fogaado dharka hoos gashiga ah oo horay loo soo isticmaalay intii suurta gal ah.

Dhanka kale, Dhibaatada Make Up-ka uu leeyahay oo la ogaaday.

Soomaaliya, waxaa ku soo badanayo waxa loo yaqaan (Make-up) oo loo yaqaan qofka Kareemada la isku qorxiyo gaar ahaan dumarka inta badan ay isticmaal, dadka qaarne way ka ganacsadaan make up-ka.

Qurxinta wajiga waxaa aad u isticmaalo dumarka, kuwaas oo aad ka arki karto baraha bulshada sida, facebook iyo instagram iyagoo ku baratamay make up ay soo marsatay.

Muhiimadda make up-ka loo marsado ayaa ah, qofka marka uu marsado waxa u ekaanayaa qof qurux badan oo dabiici ah, waxa uuna yeelanayaa qofka soo jiidasho.

Sidoo kale, qofka ayaa dareemaya kalsooni nafeed, oo mala awaal ah.

Marsashada make up-ka aadka u badan ayaa sababo cudurro badan sida waxa ka mid ah

1: Caabuqa indhaha: Marka wajiga laguu marinayo make up-ka, ayaa waxa soo gaarayo hareeraha indhaha make-up yar.

2: Finan iyo dulduleello waa weyn: Maqaarkaagu waa qeyb aad u Muhiim ah oo jirkaaga ka mid ah sida unugyada kale.

3: Madax xanuun:Kiimikooyinkan ayaa loo yaqaanay inay keenaan madax xanuun, xanaaqa , xuubka kale   inay waxyeello u gaystaan  sida indhaha.

  1. xasaasiyad: Xasaasiyad iyo finanka finanka jirka haddii aad leedahay maqaar xasaasi ah.

5: Gabow: Markaad isticmaasho alaabada maqaarka muddo dheer waa is badalayaa .

7: Kansar: Make up-ka waxaa ku jira maadooyin dhaliya cudurka kansarka .

Haddaba, waxaan ku waanineynaa dhallinyarada u badan hablaha in ay ka foojignaadaan isticmaalka Make Up-ka madaama uuleeyahay dhibatooyin caafimad daro ah.

WQ: Axmed Geesood

Khawaariijta oo looga adkaaday dagaalka fikirka (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa maarkii ay xilka la wareegtay muddo haatan laga joogo muddo 7-bilood ah, ayaa durba Iclaamisay in dagaal lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Khawaarijta, kaasi oo ka kooban mid Militari, Mid Dhaqaale iyo mid Fikirka ah ama Wacyoigalinta dhinaca Diin ta ah, waxaana la qabtay shirar ay ka soo wada qeybgalayaan dhammaan Culuu’udiinka Soomaaliyeed kaasi oo kala dhacay Dalka Dibaddisa iyo gudahiisa, kuwaasi oo looga gol lahaa inay la bayaaniyo waxa ay Diintu ka qabto Kooxdaasi, waaana ka soo baxay go’aanno lagu caddeynayo.

Sheikh Cali Wajiis oo ka mid Culumada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay bur burinta ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ku hayso goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka, waxaana uu sheegay in Khawaarijtu ay u soo jeesatay burburinta diinteena, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda, wuxuuna  adkeeyay go’aanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso soo afjarida kooxda,

“Argagaxisadu waxay u soo jeesatay burburinta diinteena Islaamka, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda  waana in leyska celiyaa si taas aysan ugu rumoobin”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis, wuxuuna sii raaciyay, isalmarkaana Sheekha   bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xili sanado badan ay dhibaato ku haysay Argagixisada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay deegaanno iyo degmooyinka badan ka xoreeyaan Khawaarijta, kuwaas oo hadda dib loogu soo celiyay adeegyadii bulsho ee muddo argagixisada hortaagneyd, sisaasi awgeed ayuu Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

“ Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la’nahay lala dagaallamo oo sidii dowladda ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bay uga hadleen,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha JFS.

Masuuliyiinta kale ee ka hadlay arrintaasi ayaa waxaa a mid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaaday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoono iyo Akoono tiro badan oo lacagaha looggu diri jiray khawaarijta isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.

Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu cadeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab kaasi oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed ” Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa kaloo jira in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay qabatay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaaladda Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaa kaloo jira mid ka soo baxay wasaaraddaasi  7-dii bishan Febraayo ee sanadkan, ayna ka soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadleysay la macaamilka Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo  dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah, isla markaana si siman oo loo dhan yahay u wadaagta fursadaha jira, wuxuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sii raaciyay ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”, Madaxweynu waxa uu hadaladaasi ka sheegay mar uu Magaalada Roma hadal uga jeediyay Jaamacadda LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Haddaba maadaama ay Dowladda Soomaaliya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ciribitiri lahaa Fikirka Xagjirka ah ayay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijin lahaa arrimahaasi xaqiijintooda, Ilaah mahadii waxaa soo dhammaaday waayahooda jiritaan, waxayna dowladda mar walba soo saartaa awaamiir lagu giijinayo dagaalkooda oo kala ah,  mid Ciidan, mid Dhqaaale iyo mid Fikirka ah ama ka wacyigalinta Bulshada, waana ku wada guuleysteen dhammaantood seddexdaasi arrimood oo ay Dowladdu ku dagaal gashay, iyadoo midka ugu muhiimsan uu yahay kan Fikirka oo ay Culumaaudiinku u tilmaameen inay Kooxda Khawaarijtu wadin ama ku dhaqmeyn wax Diin ah, sidaasi awgeed Khawaariij waxaa looga adkaaday dagaalka fikirka, sidii looga adkaaday kii Militari iyo kii dhaqaalaba.

Madaxweyne JFS oo magaalada Rooma kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka wada hadlay dadaallada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin horumarka laga sameeyay amniga, xoojinta hay’adaha dowladda iyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

   

Madaxweyne Xasan Sheikh ”Waa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo  dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya.

       

Wasiirka Beeraha XFS oo Adis Ababa uga qeyb galay shir ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow oo weheliyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini-adanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay magaalada Adis Ababa uga qayb-galay kulan heer wasiiro ah oo ku saabsan sugnaanta cuntada Geeska Afrika.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga Beeraha ee Midowga Afrika iyo ururka caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (IFRC) ayaa diirada lagu saaray saddexdan qodob ee hoose ku xusan oo muhiim gaar ah u leh horumarinta Beeraha si loo gaaro isku filnaansho cunno waarta.

  1. Mudnaanta istaraatiijiga ah ee u baahan maalgashi si loo gaaro iskufilnaasho cunno oo waarta.
  2. In la sameeyo qorshe hawleed wadajir ah oo bini’aadantinimo oo degdeg ah iyo barnaamijyo ku salaysan adkeysiga muddada fog si loo xaddido gaajada ba’an iyo nafaqo darida ka jirta gobolka.
  3. Abaabulidda taageero istaraatiijiyadeed iyo ilo dhaqaale ee lagu kobcinayo xalalka sugnaanta cunnada ee mustaqbalka fog ee Geeska Afrika.