Xaflad lagu maamuusaayo maalinta ciidanka badda oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka socda xaflad ballaatan oo lagu maamuusaayo xuska maalinta ciidanka badda Soomaaliya oo ahmiyad gaar ah u leh dadka iyo dalka.

Xuska sanadkaan oo ku soo beegmay sanadguurada 58 ee ka soo wareegatay aasaaska ciidanka badda ,waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan golayaasha dowladda,madaxda ciidamada iyo marti sharaf kale.

10-kii febraayo sanadkii 1965-tii ayeey aheyd markii dhidibada loo taagay ciidanka badda Soomaaliya oo loo xilsaaray ilaalinta xeebaha iyo khayraadka badda Soomaaliya.