Muqdisho oo dhowaan lagu qaban doono shirweyne Maalgashi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka, Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab,wuxuuna Guddoomiyahu kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerada walaaltinimo ee had iyo jeer ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka aqoonta iyo xirfadaha ee labada Caasimadood, mataaneynta, tababarrada iyo maalgashiga Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirweyne Maalgashi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo maalgashiga Warshadaha iyo adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada.