Waa cabsi taagan, waa arrin taabaneysa guud ahaan bulshadeenna Muslimka ah, waa arrin dhowr jeer leysku dayay joojinta Balwadaha kala duwan, haddana nasiib darro waa lagu guul darreystay, sababtoo ah si dhab ah loogama howlgelin iyadoo la ogyahay dhibaatada ay ku hayaan guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna dalkeenna.
Waxyaabahan leysku yiraahdo Balwadda ee ay ka midka yihiin Khamriga, Qaadka, Shiishadda, Tabuugga, kaniiniyada kala duwan ee nooc waliba leh, Cirbidaha leysku mudo iwm, waa cudur dilaa ah isla markaana ah hoojiyeyaasha dhaqaalaha, isku direyaasha qoysaska, Baahiyeyaasha Cudurrada halista ah.
Sidoo kale, waa baabi’yaha nabadda iyo horumarka qofka bini’aadamka ah iyo guud ahaan bulshada.
Dhibaatada ay ku hayaan dalka maahan wax halkaan lagu soo koobi karo nafsiyan wa caqliyan, heer waxaa la marayaa gabdhihii guryaha lagu ceshan la’yahay.
Haddaba, waxaa jira kuwo gafanayaal ah oo u bartay miirashada dhiigga shacabka tababarta yar kuwaasoo had iyo jeer ka ganacsada kana taajira wax aan bulshadeenna munaasab u ahayn.
Haddey noqon lahayd daawooyin dhacay, raashin xumaaday, qaadka iyo qurun, tabuug, xashiish, khamri iwm.
Waxaan mar kale iyo mar kale shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee xalaasha ah ka codsaneynaa in ay dalka ka joojiyaan ama ka reebaan oo ka mamnuucaan waxyaabahan daroogada ah ee dalku ka saldhigan waayay.
Waa waxa ugu horreeya ee dambiyada sameeya, waayo qofka miirba malaha marka uu soo isticmaalo ashyaa’daan ka dibna bulshadii ayuu dib ugu soo noqonayaa, marka waa halis joogta ah oo qaarkood laga dhigtay wax iska caadi ah.
Dambiyada waa weyn ee dalka ka dhacana badanaa waxaa sameeya kuwa isticmaala wasaqdaas.
Waa waxyaabaha badiyaa dhaliya waxa loo yaqaanno mental health ama cudurrada Maskaxda.
Si kastaba ha ahaatee, waa ilaah mahaddii in laga howl galay arrintaas Soomaalidu waxay tiraahdaa tuba tubay dhaantaa, bal annaga dalka hanalooga joojiyo qaadka iyo daroogada kala duqwan welibana bareegga yaan mar dambe looga kicin.
Iyadoo halkaasi laga sii tixraacayo ayaa waxaa dowladdeenna xil weyn ka saaran yahay in ay joojiso dhammaan wixii dalka iyo dadka wax u dhimaya, waxaana weli ka rajeynaynaa in ay billowdo olole lagu cirib tirayo kuwa soo raaca qaadka sida tuwaakada loo yaqaanno tabuugga oo beryahan dambe noqday wax si aada looga beec mushtaro, gaar ahaan waxaan codsaneynaa in dowladdu marna aysan waddanka usaamixin waxyaabaha dhallinyaradu lagu marqaamiyo gaar ahaan Tubaakada loo yaqaanno Shiishada, Tabuugga iyo kuwa la midka ah ee sida furan u yaalla magaalada sida aadka ahno loogu gado sandaqadaha yar yar ee xaafadaha ku yaalla .
Ardaydii way ka soo taagan yihiin inay wax bartaan waalidiintiina qaati bay taagan yihiin, sababtuna waa barashada ay barteen dhuuqista iyo cunista muqadaraadka.
Caafimaadku waa shey qaali ah, kuwani liddi ayay ku yihiin caafimaadka, marka waxaa habboon in aan marnaba la oggolaanin laguna daro waxyaabaha dalka ka mamnuuca ah, isla markaana ciqaab culus dhegaha loo geliyo ganacsadaha ka soo horjeesta awaamirta dowladda.
Dowladdu waa inaysan fiirin canshuurta oo keliya, kuwani canshuurta laga qaado maahan xalaal sidaa awgeed ganacsadaha soo dejiya waa in hortiisa lagu gubaa isla markaana lala tiigsadaa sharciga, waayo wuxuu maskax ahaan iyo jir ahaanba u la dagaalsan yahay bulshada soomaaliyeed oo ku howlan soo dhacsiga nolol maalmeedkooda.
Waa hubaal haddii munkarka la suuliyo inay halkaasi beddeleyso nabad iyo amni sugan oo bulshadu ku naaloodaan.
Qaadka iyo Calaqa iyo wixii la hal maala waa waxa ugu horreeya ee sababa Ilmuhu inay noqdaan Caasiwaalideyn waana waxa ugu horreeya ee dhaliya jariimooyinka waa weyn ee dalka ka dhaca.
Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegayaa in guryahooda ka dhowraan in ay soo galaan kuwa isticmaala ashyaa’daas muqaddaraadka ah, kana foojignaadaan in ay caruurtooda isticmaalaan lana saaxiibaan, maahmaahi carbeed ayaa tiraahda (ha la saaxiibin saaxibka xu nee sharta badan) waayo dhibkii ka yimaada ama ku yimaada aday kugu soo laabanayaan oo aabbe iyo hooyo ku leedahay.
Waxaan dowladdeenna sharafka badan ka codsanayaa in ay arrintaas qaad joojinta ah sii adkeyso welina ku darto midka haatan yaalla ee laga keeno itoobiya, si lacagta adag ee ku baxda nooga harto, loogana jixin jixin, waayo shacabka soomaaliyeed 90% raalli kama aha in dalkooda lagu cuno wax dadka dhibaya dib loogu furo qaadka qurunka badan ee wasaqeeyay hawadii nadiifka ahayd ee rabbi nagu galladeystay iyo bii’ada caafimaadka badan.
Weliba waxaan rajeynaynaa in si dhaqso ah wax looga qabto kuwa bannaan yaalka ah sida tabuugga, khamriga, Calaqa, shiishadda kuwa si xun usocodka ah ee wada fusuqa iyo fasaadka, iwm.
Waxaana Codsaneynaa in dowladdeennu si cad ula dagaasho, sharciyo adagna ka soo saarto, wixii shareecada ka soo horjeeda ee ummaddaan muslimka ah dhibaya.
WQ: Osman Dhiblaawe