HIDDO, DHAQAN IYO ASAL RAAC

Marka aad maqasho hidde iyo dhaqan waa labo is dhashay waxaa weyn hiddaha oo dhaqanku wuxuu ka soo jeedaa hiddaha oo waxaa waalid ah hiddaha.

Haddii aan metal u soo qaadanno geed laama badan oo guud sare ay qariyeen ubax kala nuuc ah iyo miro iyo laama farqa leh oo midiba dacalka ay geeda kale ku duubatay oo quruxda aadan in dhaha u dhameyn kareyn, waxaa waraabiyey xididdaha salka ku teedsan, waxaana asalka ah salka geedka oo hiddahii asaga ayaa ah.

Geedkaasi wuxuu leeyahay magac lagu yaqaan oo lagu hidda raaco, geedkaas isaga ah hooskiisa iyo miraha fiican ee uu leeyahay ayaa lagu amaanaa, waana geed hidde wanaagsan oo geedaha kale laga xusho.

Geedaha waxaa ku nasta oo hoos fariista dadka safareyda ah iyo  dadka iska lugeynaya waana wax lagu farxo.

sidaas oo kale noolaha uu ilaahey dunida guudkeeda ku abuuray ayaa kala heybad qurxoon kalana dhaqan wanaagsan, waxaana lagu kala doortaa hiddaha iyo heybad wanaagga.

Dhanka kale, waxaa jira dad  hiddahoodu ka soo jeedo odoyaal ku fiicnaa hoggaaminta, geesinimada, deeqsinimo, hal abuurka suugaanta,  akhliga wanagsan iyo xaajo galnimada iyo dulqaadka iyo soo jiidashada qaybaha bulshada.

waxaa la yiraahdaa aabbayaashiisi hore ayuu ka keenay hiddaha wanagsan oo nin hal abuurka ku fiican ama deeq bixinta ayuu ka soo jeedaa.

Sidoo kale, waa deeqsi ama waa nin murti badan sida gabayada, maahmaahyada iwm ayaa la dhahaa ruuxaas afmaalka ah ayaa la dhahaa wuu hiddo raacay.

Ruuxa hadalka deeqsiin kara oo runta badan oo beenta aqoon, dulqaadka  badan kaasina hiddaha wanaagsan ayey ka mid tahay oo waa laga soo xushaa qaybaha ragga.

Xagga haweenka haddii aan aadno marka la gaaro xilliga guurka ayaa waxaa dhaca in sidaas oo kale in la weydiiyo hiddaha ay ka soo jeeddo  in la weydiiyo hooyada iyo aabbaha dhalay iyo hiddaha ay ka soo jeeddo.

waxaa la is weydiiyaa ma yihiin dad geesiyaal ah ama hidde culimo ah inuu qabiilkeedu laan dheere yahay iyo in kale, waxaa kale oo la oran jiray ama wax lagu xulan jiray waqtiga guurka xagga quruxda iyo wejiga iyo xubnaha.

Arrintani waa mid ku timaada quruxda gaarinimada, xishoodka iyo dad soo dhoweyntu, waxaas oo dhan waxay ka mid ahaayeen qodobbada xulashada ee guurka.

waxaan kor ku soo sheekeynay qaybaha geedaha iyo ragga, waana isku mid wax kasta oo dunida guudkeeda Ilaahey ku abuuray oo wuxuu leeyahay hidde iyo meel uu ka soo farcamo oo dib loogu akhriyo xumaan iyo wanaag wixii lagu arko, waxaana ka soo farcama qaybaha dhaqanka oo dhan, hiddaha ayey ka yimaadaan waana loogu abtiriyaa xumaan iyo wanaag wixii uu la yimaado.

Waa wax yaalka la kala dhaxlo sida marti soorka wejiga furan iyo dulqaadka iyo deeqsinimadu waxay ka timaadaa hiddaha iyo asalka meesha uu ku leeyahay qofku, waxaa la mid ah noolaha uu ilaahey naf ku abuuray oo ay ka mid yihiin geedaha xoolaha la dhaqdo iyo duur joogta qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin maroodiga, geriga, biciidka, cowllada, deerada, libaaxa, shabeelka, haramcadka.

qaybaha wax u gaarsada iyo kuwa la ugaarsado iyo bini aadamka oo ah khaliifkii  carrada ilaahey u dhiibay mid kasta wuxuu leeyahay hidde iyo asal laakiin aadanahu waa ka duwan yahay intaas oo dhan.

Aadanaha waxaa dhalay hal aabbe iyo hooyo kaligeed ah, waxaa lagu magacabaa aabbaha dhalay dadka aadan hooyaduna waa xaawo, ka dib marka dib loo soo akhriyo, aabbahii labaad wuxuu ahaa nabi nuux cs waxaana ka dib laga farcamay seddax wiil oo nuux dhalay.

waxay kala ahaayeen xaam bini nuux saam bini nuux iyo yaafis bini nuux  haddaba dadka dunida jooga waxaa dhalay seddexdaaas wiil oo ilma nuux ah waana aabihii  labaad nabi nuux mana dad meelkale ka yimid kaddibna waxay ku kala leexdeen dadka dunida joogaa diin iyo deegaan laakiin ma jiraan wax kale oo ay is dheer yihiin  sharafta iyo nasabaddu waa diinta iyo all aka cabsiga iyo qof waliba sida uu u dhowro sharafkiisa .ss

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre