SU’AAL YAAB LEH OO LA WEYDIIYAY KOOLIISTIHII SARQAANSANAA

Dhallinyarada koolada isticmaaasha Isla markaana sarqaansanaa haddii aan ugu horeyn aan Ka bixiyo sharaxaad kooban dhalinyaradaan ayaa iskugu jira dhalinyaro da”yar kuwa da’weyn kuwaas oo isticmaala koolada.

Dhallintan inta badan waxaa lagu arkaa ayaga oo ku dhuuqaya wadooyinka hareerahooda, kuwaas oo sida badan nafsaddooda geliya halis aysan u diyaar garoobin

Dhalinyaradan koolada dhuuqa ayaa inta badan waxaa haysata daruufo badan oo ay uga soo carareen guryohooda, qaarkood ayaa ii sheegay dhallinyaradan in waalidiintooda ay dhinteen ay Ku soo koreen nolol silic ah taasi oo sababtay in ay noqdaan koola dhuuqyaal oo aan waxbadan oo rajo ah laheyn.

Halka qaar kale ay ii sheegeen in waalidiintooda aysan wax haysan oo ay u soo shaqatageen ayaga oo noqday caseeyaal balse caseeynimadii kuma aysan adkeysan waxa ay barteen isticmaalka koolada taasi oo u soo waariday in nolashooda ay isbadal Ku imaato oo ay noqdeen darbi jiifyaal caba koolada.

Koolada la dhuuqo waxa ay dadka Ka dhigtaa mid istiin ah ama sarqaan san, waxuuna qofka cabo isku arkaa in uu yahay qof awood badan leh dadka oo idil Ka adag, sidoo kalena waxa ay Ka dhigtaa qofka caba mid dhulka uu jooga Ka sareeya taasi oo aad arki karta qofka caba koolada marka uu soconaayo lugaha dhulka kuma xejin karo, markaad aragto waxaad u maleeyneysaa nin godod Ka tilaabsanaayo marka uu soconaayo taasi oo sababta in uu sarajooga Ka dhaco.

Qofka koolada dhuuqa nolashiisa ayey Qatar Ku tahay sababtoo ah waxa uu Ka dhacayaa nolosha, mararka qaar waxaa Ku dhaca cudurka dilaaga ah ee Kansarka, sidoo kalena mustaqbalkiisa ayaa mugdi galaaya qofka caba ama dhuuqa koolada.

Bulshada Soomaliyeed waa dad Wanaagsan u dhimriya qofka walaalkood ah oo dhiban oo Ku jira xaalad kasta oo Qatar ah waa dad Ka waanaya dhibaatooyinka haysta kana caawiya baahiyohooda .

waxaad arkaysaa goobo lagu xanaaneeyo dhalinyaradaan koolada dhuuqda ayaga oo la baraya diinteena suuban iyo maadiga ugana nasteexeenaayo halista ay leedahay koolada u na sheega in uusan Alle raali Ka noqon qofka isticmaalo wuxuusan Alle raali Ka aheen.

Marka dadka Soomaliyeed ma jirto cid wax Ku siisa balse Alle dartii ayey u caawiyaan walaalahooda dhiban si ay aaqiro Jano u helaan.

haddii aan u soo noqdo sheekada xiisaha leh dhallinyaro Ka imaaday jaamacadda xilli galab ah ayaa wadada waxa ay Kula kulmeen raga dhallinyaro ah kuwaas oo ahaa dhallinyaro dhuuqda koolada oo la taagnaa dariiqyada waxayna weydiiyeen su`aal ah sidee jeclaan la heedeen in Bisha Ramadaan laga dhigo?

Ugu danbeyn mid ka mid ah dhallinyaradii sarqaansanayd ee Cabtooyda aheed ayaa yiri “waxaan jeclaan lahaa in Bisha Ramadaan laga dhigo sida Koobka Adduunka oo afartii sanaba mar la qabto soomaaliyana wareegga Group-yada lagu soo reebo sidaasna aan soonka uga harno”.

Sheekadaan figradeeda iyo dhacdadeedaba waxaa Iska leh, Cabdishakuur Yuusuf Aadan .

WD: Abdinaasir Yuusuf Aadan.