JAAMACADDAHEENU MA YIHIIN KUWO SOO SAARA AQOON YAHAN ISKU FILAN OO QAYB KA AH HORUMARKA DHAQAN-DHAQAALE EE BULSHO MISE WAA ….???

Haddaba maxaa lagu xallin karaa dhibaatooyinka haysta Jaamacadaha iyo dhallinta Soomaaliyeed?

Barashada dhabta ah waa inay ahaataa mid ku salaysan fahamka ama barashada nolosha dhabta ah taasoo ku dhiiri galinaysa ardada inay ahaadaan hal-abuuroyaal leh wax soosaaris ama curin ay lawadaagi karaan dunida. Sababtoo ah noocan waxbarasho kuma salaysna xifdin aragtiyo oo kaliya (Memorising theory) balse waa mid si xoogan ugu salaysan barasho ficil la socdo. macnuhu waa in qiimaynta ardayga sal looga dhigaa hanashada xirfado iyo inuu hanto karti uu ku soo bandhigi karo fikrado cusub wax ku ool ah.

Aragtidan cusub waxay ardayga jaamiciga ah siinaysaa fursad ah barasho iyo inuu dabaqo wixii uu bartay oo xiriir xoogan la leh bii`ada uu ku nool yahay, halkii uu waqtiga ugu dhumi lahaa inuu fasal iska fadhiyo oo ku mashquulo wax xifdin, memorisign theory. si arintaan u miro dhasho waa in barashada laga dhigaa mid shaqsi, macnuhu waa in arday walba labaro waxa uu xiisaynayo oo uu himada u hayo, laguna salaynayo awoodiisa, kartidiisa iyo hamigiisa isaga u gaarka ah.

Ma qiyaasi karanaa dhibka ay la kulmi karaan ardaydu marka iyagoo xambaarsan xiiso iyo hami sare ay galaan waxbarashada sare isagoon lakulmin welwel iyo walaac ku saabsan kuliyadii ay dooran lahaayeen iyo fursadaha shaqo ee horttaala marka ay dhameeyaan waxbarsahdaas.

Xalku waxa uu ku jiraa in lagu dhiiri galiyo ardayda inay ahaadaan kuwa wax xaliya (problem solving) waana halka nolosho ka abuuranto. tusaale ardaygii waxaa haysa shaqo la`aan waa dhib taagan, aqoontu waa inay siisaa qaabkii iyo habki iuu shaqo ku abuuran lahaa. Awoodna u leh inay bulshadooda u abuuri karan shaqooyin, ay ku hagaajiyaan noloshooda. khabiirka ayaa ugu baaqay jaamacada Africa inay wax ka badalaaan habdhaqanka ah inay in hawshoodu tahay oo kaliya inay ardayda imtixaanaan, cbuundana siiyaan, isagoo sii raaciyey in hanaan ka waxbarasho ee jaamacdaha Africa uu dhimanayo una baahan yahay in lasaxo oo lagu sameeyo dib u eegis.

 

Isku xirnaanshaha ardada iyo jaamacada.

Runtii waxbarashada saxda ahi kaliya kuma eka in jaamacadu ardayga siiso tacliin iyo inay ilaaliso waxa uu xiisaynayo balse waa in jaamacadu ardayga siisaa aqoon ka tarjumaysa xaqiijinta riyadiisa mustaqbalka ee dhanka lahaanshaha xirfado iyo siduu ku heli lahaa shaqada uu xiisaynayo una gaari lahaa nolol wanaagsan (Batter life), waxabrashada dhabta ahi waa in ardayga labaro waxa uu xiisaynayo ee uu danaynayo ee maahan tan lagu qasbayo.

Ardayda oo lasiiyo si dhab ah aqoonta uu xiisaynayo waxa u beeqaamaya waqti iyo lacag. Waayo tacliinta oo lagu saleeyo waxa uu xiisanayo ardaygu fahmina karo, waxay badbaadinaysana mustaqbalkiisa dambe, sidaa awgeen yoolka jaamacadu waa inay ahaataa soosaarista jiil aqoon yahanka oo isku fialn bulshadana wax ku ool u ah, een culays ku ahayn bulshada ama khatar ku ahayn dalkiisa.

Waayahandambe jaamacadaha ayaa ku fashilmay inay ahaadaan kuwa isku xiraya aqoonta iyo baahida shaqo ee suuqa, taasoo ardayga siinaysa inuu ku hubaysnaato xirfado iyo aqoon kaladuwan sidoo kale inuu lahaado fikrado tayo leh oo waxtar uleh hormarkiisa, deegaanka iyo bulshadiisaba. Sidoo kale waxay kor u qaadaysaa qiimaha iyo tayada tacliinta oo u rogaysa aradayga jaamiciga ahi inuu ahasdo kii bulshadiisa shaqo u abuuri alahaa halkii uu ahaan lahaa shaqo raajiciye. Jaamacadaha ayaa iska indho tiraya inay aqoonsadaan kala duwanaanshaha ardayda dhanka garaadka, dhugta iyo jirkiisa, waxayna dhaqan galiyaan waxbarasho ay soominguuriyeen oo laga yaabo qaarkood inaanu ka tarjumayn baahiya bulshada ama laga yaabo in laga guuray cilmigaas oo ay soo baxeen qaabab ka casrisan kuwa ay isticmaalaan jaamacadaha dalka oo inatooda badan kufahsilmeen inay soo saaraan bulsho isku filan oo leh hal abuur ay ku hour mari karto dhan kasta noloshooda. Waana in jaamacaduhu ku saleeyaan cilmiga ay bixinayaan inuu ayahay mid u faa idaynaya dalka iyo bulshada kana tarjumaayo baahiyahooda dhan walba, lana socdaan cilmiga cusub iyo joogtaynta dib u eegista manaahijtooda. Oo ay ka fogaadaan waxa loo yaqaan (Copy paste).

Waalidiintuna waa inay ogaadaan inay dhalaan macdan ceeriin ah, ayna xil iska saaraan sidii ay dawr ugu yeelan lahaayeen waxa loo barayo ubadkooda iyo sida aqoontaasi u tahay mid ka tarjumaysa maarayta baahiyahiisa shaqo iyo tan horumarinta dalkiisa iyo bulshadiisa.

Ugu dambayn waa qasab in dawladu furto indhaheeda, soona noolayso oo ay qaadato dawkeeda kaga aadan toosinta, korjoogtaynta iyo inay marwalba qiimayn ku samayso jaamacadahaas, si aan dalka iyo jiilkiisaba looga dayicin waqtiga iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan talcliinta ubadkooda xili ay la daalaaa dhacayaan duruufo adag.

 

 

Qore

Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaan)

First counsellor

Somali emabassy

Khartoum – Sudan