BARASHADA DHISMA-AFEEDKA.

af walboo aradka guudkiisa laga hadlaahi wuxuu leeyahay xeerar, astaamo, iyo hab-dhismeed u gaar ah oo adeegsigiisa udub-dhaxaad u ah.

Si lamida kuwa la ayniga ah Af-soomaaligu wuxuu leeyahay hannaan lagu magacaabo dhisma-afeed”Naxwe” oo loola jeedo tiirarka iyo qotomada uu hadalku ka koobanyahay, waxayna 3 qeybood oo kala ah: codad, qeybaha hadalka, iyo sameynta weedhaha.

1) codad: waa sida ay dhawaqyadu ku unkanmaan ama ku samaysmaan, iskuna raac raacaan ama isugu xirmaan, eray kasta oo lagu dhawaaqayo wuxuu ka kooban yahay xubno la yidhaahdo “Alamo” oo mid walba gaar loo akhriyo markii la hikaadinayo.

Tusaale: erayga dha-llin-ya-ro= dhallinyaro dhawaaqiisu wuxuu ka koobanyahay 4 alan ama xubnood oo la isugu geeyay, ka dibna yeeshay nuxur la garan karo.

2) QEYBAHA HADALKA: waa laamaha ay isir ahaan u kala baxaan weedhaha iyo hawraaraha af-soomaaligu markii la abla-ablaynayo, waana 11 qeybood oo kala ah: magac, magac uyaal, fal, fal-kaab, xadhiidhiye, meeleeye, tilmaame, sifo, yaab, qodob, iyo qurub.

Seddaxda ugu dambeysa”yaab, qodob, iyo qurub” kol kolna waa laga reebaa oo 8  baa lagu soo koobaa, mar marna waa lagu daraa oo 11 bay ku noqdaan, sidoo kale yeele”faacil” iyo la yeele”mafcuul” ayaa gooraha qaar tiradan 11-ka ah la raaciyaa.

Yeele iyo la yeele isir ahaan waxay ka soo jeedaan magac ama magac uyaal, waana labada jado oo ay weedhaha ku soo galaan maxaa yeelay markasta oo midkood hawraar dhammaystiran lagu soo hadal qaado ciddii wax samaysay ayuu noqayaa oo  yeele ah ama wuxuu noqanayaa kii wax lagu sameeyay oo la yeele ah, sidaa tirada qeybaha hadalka si  toos ah loogu dari karo.

Qormadan iyo kuwa xigaba waxaanu haddii Eebbe yidhaahdo mid mid ugu faaqidi doonnaa 11-ka qeybood ee hadalku ka koobanyahay, waxaana ugu horreysiinaynaa magaca iyo jaadadkiisa.

MAGAC: waa eray tilmaama ama baadi-sooc lagu garto u ah qof, goob, iyo walax, wuxuuna u kala baxaa 2 qeybood oo kala ah: magac guud, iyo magac gaar ah, mar kalena waxaa loo kala saaraa magac muuqda”caad-yaal” iyo magac qarsoon “cilanaad”, magaca muuqaadaahi wuxuu u sii kala qeybsamaa tirsame iyo ma-tirsame, halka magaca aan uu u kala bixi karo wadaroobe iyo ma-wadaroobe.

MAGAC GUUD: waa magac la wada leeyahay  oo ka dhexeeya dhammaan inta isku jaad ah oo uu summadda u yahay tusaale Hooyo, wiil, magaalo, geed, dugaag, ugaar,cudur, dhaqan iwm.

MAGAC GAAR AH: waa magac  gooni u ah walax, goob, ama koox gaar ah tusaale: muqdisho, hargeysa, galool,qansax, koorre, iwm.

Fg: magaca guud lakabyo ama heer kala sarreeya wuu yeelan karaa tusaale “dad” markii la yidhaahdo waa magac guud oo ay dhammaan aadanuhu wada yeeliyiin, balse la dhaho “soomaali” wuxuu magac guud u yahay oo ka dhexeeyaa bulshada soomaaliyeed, sidoo kale “dugaag” wuxuu magac guud u yahay duur-joogta iyo dab-joogtaba, hayeeshee haddii la yidhaahdo “waraabe” waxaa wadaaga dhurwaaga oo idil oo mid gaar u lihi ma jiro.

 

Halkaa waxaa kaaga muuqata inuu magaca guud u kala bixi karo: mid aad u baahsan iyo mid aan aad u baahsanayn ,balse la wada yeelay oo aan cid gaar ah tilmaamayn.

ASTAAMAHA MAGACA: magacyadu waxay leeyihiin summado saddex ah oo qeybaha kaloo hadalka looga garto, waxayna kala yihiin cayn, qodob, iyo wadaroobid.

1-CEYN: waxaa loola jeedaa in dhawaaqa magucu uu labnimo iyo dhedignimo midkood ku tusiyo, tusaale magaca “nabad” hab-dhaca dhawaaqiisa waxaa laga dhadhansan karaa dhedignimo, halka “jaceylna” ay labnimo ka muuqato.

2-QODOB: waa alan labo xaraf ka kooban oo magaca gadaal ka raaca, kana dhiga mid laysla garanayo ama la wada ogyahay, waxayna ka koobanyihiin 7 aodob oo kala ah (ka, ga, ha, sha, ta, da, iyo A), tusaale: “wiil” haddii lagu daro  qodob wiil+ka wuxuu noqanayaa wiilka, dhiil×sha= dhiisha, guri+ga= guriga, magaalo+da= magaalada.

3-WADAROOBID:  Astaamaha magaca lagu garto waxaa ka mida inuu wadar noqan karo tusaale magaalo=magaalooyin, degmo=degmooyin, guri=guryo, doon= doomo iwm.

La soco qeybta xegta.

WQ: Abwaan Hareeri