KA GANACSIGA KHERAADKA BADDA WAA MID FAA’IDO KU JIRTO

Waxaa jira ganacsato soomaaliyeed ooh adda fahmay faa’idooyinka ku jira kheyradka badda , inta aan la gaarin faa’idooyinka waaweyn sida shidaalka iyo dheemanka ayaa waxaa jira nafley badan oo ka mid ah kheyraadka badda oo Ilaahay ku manneystay baddeena .

Waxaa jira shirkado yar yar oo si toos ah uga ganacsada kalluunka qeybihiisa kala duwan kuwaas oo subax kasta ka soo saara malaayiin iyo malaayiin una qeybiya hoteelada iyo maqaayadaha waaweyn ee magaalada qaarna ay dibedda u diraan sida Dubai , sacuudiga iyo dhammaan gobolada dalka oo ay xiriir la leeyihiin.

Cunista iyo ka ganacsiga ka sokow waxya dhaqaale u yihiin xoolaha miyiga ku nool sida geela , ariga , lo’da kuwaas oo boqolkiiba toban hadda laga qalo meeshii awal boqolkiiba soddon la qali lahaa , dadna maba cunaan hadda hilibka xoolaha oo waxay cunaan kalluunka caafimaad awgiis.

Qaar ayaa la isku daweeyaa iyadoo la isticmaalo hilibka kalluunka oo keliya .

Hadda ka hor soomaalida ma aqoon cunista kalluunka marka laga reebo dad yar oo dega dhinaca xeebaha .

Xoolo badan ayuu Ilaahay na siiyey oo ku nool badda dadka soomaaliyeedna hadda si fiican ayey u fahmeen cunista kheyraadkaa, shirkado badan ayaa sameeyey doonyo iyo shabaqa lagu jillaabto dad bandanna wey u tababareen kuwa ku nool degaanka xeebahana hore ayey u yaqaaneen kalluumeysiga iyo kallaanka jillaabashadiisa.

Subax walba gobolada iyo degmooyinka waxaa u baxa gaadiid sida kalluun waxayna dadku hadda u soo jeesteen ka faa’ideysiga kheyraadka badda waxaana in badan taas ku dhaqaalooba xoolo badan oo la iibgeyn lahaa .

Dadkii hore uga faani jiray hadda wey ku faanaan in ay kalluumeystaan , barashaduna waa hoggaanka ku geysa Meesha nolosha fiican ay ku jrito laakiin aad bay u wanaagsan tahay kheyraadka waddankeenna ku jira oo dhan iyo midba waxa u uku wanaagsan yahay.

WQ: Abwaan Gabeyre

Dowladda Mali oo xabsiga ka sii daysay tiro kamid ah ciidamada Ivory Coast

Madaxa maamulka ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay 49 Askari oo u dhashay Ivory Coast, kuwaas oo la xiray sannadkii hore.

Ciidamadan ayaa lagu xukumay xabsi, ka dib markii lagu helay eedaymo ay ka mid ahayeen shirqoollo ka dhan ah Dawladda Mali iyo inay khatar ku yihiin ammaanka dalkaas. .

Askartan ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bamako bishii July ee sanadkii tagay, golaha Milateriga Mali, ayaa Askartan ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal, halka Ivory Coast ay sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Mali ayaa Askartan ku xukumay 20 sano oo xarig ah 30-kii December 2022-kii, kadib markii lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay wax u dhimaan ammaanka dalka Mali.

Ugu danbeyntii Madaxwaynaha ku meel gaadhka ah ee Mali, Korneyl Asimi Guetta, ayaa cafis u fidiyay oo gabi ahaanba baabi’iyay xukunkii lagu riday Askartan u dhalatay Ivory Coast, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Dawladda Mali.

 

 

Ciidamada Xooga Dalka oo howlgallo ka sameeyay degaanno katirsan Galmudug

Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 21-aad, Guutada 13-aad ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Geesiyaasha Qaranka oo ku raadjooga firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya degaanno ka tirsan gobolka mudug, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda illaa ay Gacanta kaga dhigaan meelaha ay ku dhumaleeysanayaan.

Howlgalladan ay Ciidamada ka sameyeen degaannada Galmudug ayaa dhaawac weeyn ku noqonaya Maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaasi dhamaanba degmooyinkii iyo degaanadii ay ka jogeen gobalka Shabeellaha dhexe laga fara maroojiyay.

 

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Jamhuuriga oo ku guuleystay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Mareykanka Kevin McCarthy, ayaa maanta oo Sabti ah ku guuleystay madaxtinimada Aqalka Koongareeska Mareykanka, wareegii 15-aad ee cod bixinta.

Kevin McCarthy ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu helo codadkii lagama maarmaanka u ahaa in loo doorto Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Sida ku cad warbixinnada McCarthy oo hadda 57 sano jir ah ayaa ku guuleystay codad gaaraya 216.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Mareykanka, Kevin McCarthy, ayaa galay tartan adag, kaasi oo wareggii 15-aad ka guleeystay xubnahii uu la tartamay.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwiat

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) oo ku sugan Dalka Kuwait ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwiat, waxaana uu la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Danjire Cabdullaahi Odawaa iyo diplomats-ka kale ee ka howl-gala Safaaradda.
Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay Safiirka iyo xubnaha kale ee uu la kulmay, waxaana uu ku bogaadiyay dadaalkooda Shaqo iyo shaqada ay u hayaan Jaaliyadda Soomaaliyed.
Sidoo kale Wasiir Beenebeene wuxuu Madaxda Safaaradda ku ammaanay sida uga shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadda reer Kuwait, iyo wada shaqaynta xooggan ee kala dhaxayso bulshada.
          

Wasiiro Ka Tirsan XFS iyo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo maanta salaadii Jimcaha ku wada tukaday masjid ku yaalla Muqdisho

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Roobow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  ahna madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa maanta salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.

Ka qeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  Amb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.

 

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood.
Dhanka kale waxa uu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen argagixisada Alshabaab, kuwaas oo wali haysta fursad ay kaga bixi karaan.

Khawaarijta oo khasaaro xooggan kala kulmay dagaalkii saakay ee deegaanka Hilowle-gaab

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka  Sh/dhexe ayaa saaka kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab gaarsiiyay jab iyo khasaaro xooggan ,kadib markii maleeshiyaadkaasi ay isku dayeen in ay dagaal dhuumaaleysi ah ku qaadaan deegaanka Hilowle gaab oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe

Axmed Xasan Caddow {Axmed Daaci} oo maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay ka hortagen kooxahaasi,isla markaana ay gaarsiiyen waxyeello kala duwan oo isugu jiray naf iyo maalba .

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha khawaarijta looga guuleystay dagaalkii saaka ,isla markaana ciidamada dowladda ay ku sii raad joogaan firxadka kooxahaasi.

Mareykanka oo ku yaboohay lacago la siinayo ciddii soo sheegta xogta Macallin Ayman iyo dhagarqabayaal kale

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka oo ay maamusho Hay’adda Nabadsugidda, ayaa sheegtay in ay abaal-marin lacageed oo dhan 10-Milyan oo Dollar ku bixineyso cid kasta oo keenta xog lagu soo xiri karo ama lagu ogaan karo halka uu joogo Macallin Ayman iyo saraakiil kale .

Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu  maleegay ama gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee xilligaasi ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Dalka Kenya.

Macalin Ayman waa hogaamiyaha Jaysh Ayman oo ah unug ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo weeraro argagixiso ka wada Kenya iyo Soomaaliya.

Ayman ayaa mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020. Bishii Noofambar 2020, waxayna Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay Ayman inuu yahay argagixiso caalami ah.

Weerarkaan oo dhacay subaxnimadii hore Janaayo 2020, ayaa Khawaarijta Al-Shabaab waxa ay ku dileen askari Maraykan ah iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka ,waxayna dhaawaceen laba kale oo ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo mid saddexaad oo qandaraasle ah.

Garoonka Manda Bay Airfield waa qayb ka mid ah saldhigyada ciidamada Difaaca Kenya oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka si ay tababarro iyo taageero la xiriirta wax ka qabashada dhibaatooyinka, iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka u siiyaan la-hawlgalayaasha Bariga Afrika.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii Maarso 2008-dii Khawaarijta Al-Shabaab u aqoonsatay urur argagixiso caalami.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarumo lagu farsameeyo hubka iyo gaadiidka ee Dalka Imaaraadka Carabta

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Warshadaha soo saara hubka, rasaasta iyo Gaadiidka ee dalkaasi.

Wasaaradda ayaa dardar gelineysa qorshaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab,kadib kolkii kooxdaaasi haatan laga saaray deegaano badan oo dalka ka tirsan

Sidoo kale Wasaaraddu waxay xoojisay tayaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.