Golaha Ammaanka oo ka hadlay booqashada Israa’iil ee masjidka Al-aqsa

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay,booqashada xubnaha Israa’iil ay ku tageen masjidka Aqsa  ,iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado xalka xaaladda cakiran ee ka taagan dhismaha Masjidka Al Aqsa ee magaalada Quddus.

golaha ammaanku ,waxa ay ka hadleen xaaladda xarunta Al Aqsa iyo khatarta ka dhalan karta in ay sii kordhaan dagaal dhexmara Falastiin iyo Israa’iil,balse hadalladoodu waa kuwo xadidan,mana jiro wax dhaleeecen ah oo loo jeediyay Israa’iil.

Laakiin,Goluhu ma aysan ballan qaadin wax tallaabo ah maalmo kadib markii wasiirka cusub ee amniga Israa’iil Itamaar Ben-Gvir uu booqasho muran badan dhalisay ku tagay goobtaasi, waxayna madaxda Falastiiniyiinta ay ku tilmaameen daandaansi aan horay loo arag.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin Riyad Mansour ayaa Khamiistii ku riixay Golaha Ammaanka in ay tallaabo ka qaadaan Israa’iil, falalka daandaansiga ah ee  ay ka waddo Qudus,gaar ahaan dhismaha masjidka Aqsa.

Masjidka Al Aqsa waa goobta sadexaad ee ugu barakeysan kadib Maka iyo Madiina,waxaana sidoo kale  ixtiraama Yuhuudda, kuwaas oo ugu yeera Buurta Macbadka.

Madaxweynaha Galmudug oo shir gudoomiyay kulanka Isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowlad goboleedka Galmudug oo maanta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Shirka ayaa warbixino looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Wasaaradda Amniga ayaa soo jeedisay qorshaha dib u xoreynta deegaanada Galmudug, ayadoona sidoo kale wasaaradda Arrimaha gudaha ay soo bandhigtay qorshayaasha xasilinta deegaanadaas (Stabilization strategy).
Ugu danbeyntii, xubnaha Golaha wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe howleedka sanadka 2023.
   

RW Xamse “Waan bogaadinayaa Warbaahinta Qaranka kaalinteeda dib u xoreynta dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta “

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed {SONNA} oo dib u dhis lagu sameeyay.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in howl wadeennada Warbaahinta Qaranka ay yihiin Naftood Hurayaal u taagan isku xirka dowladda iyo bulshadda, isla markaana wargalin iyo wacyi galin ku aadan ilalinta danaha qaranka siiya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse” Aadbaan ugu bogaadinayaa Warbaahinta Qaranka kaalinteeda dib u xoreynta dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

      
                

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Hambalyo u Diray Wakaaladda SONNA oo maanta u dabaaldagaya sanadguurada 59-aad

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xajir Ducaale ayaa Hambayo u diray Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta gaarhaan Maareeyaha iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabaaldagaya sanadguurada 59-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Wakaaladda SONNA oo ku Asteysan 5 January 1964-tii.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xariga ka jaray dib u dayactirka dhismaha xarunta SONNA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray dib u dayactirka dhismaha xarunta Wakaaladda SONNA iyo daahfurka adeegga wararka deg degga ah ee SONNA NEWS.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xarig jarka kadib dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 59 aad ee SONNA u diray madaxda wasaaradda Warfaafinta iyo shaqaalaha wakaaladda.

Ra’iisul wasaare Xamse” Aadbaan ugu bogaadinayaa Warbaahinta Qaranka kaalinteeda dib u xoreynta dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ku shaqayso Wakaaladda SONNA, isagoo war bixinno ka dhagaystay maamulka iyo howl-wadeennada Wakaaladda.

Booqashada Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ee Wakaaladda SONNA ayaa kusoo aadeyso xilli ay Wakaaladdu ku tallaabsatay horumar fara badan oo dhan walba ah tan iyo markii ay dib u howl billowday burburki ka dib.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyey shirka golaha Wasiirada ayaa faray golaha in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka.

Madaxweyne Xasan ayaa golaha faray in la hubiyo Mashaariicda  horumarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

                    

Wasiirka difaaca XFS oo booqday dhaawacyadii Zoobe-2 ee loo qaaday dalka Imaaraat-ka

Abu-dhabi- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday Isbitaalka Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Imaaraatka Carabta, halkaas oo lagu dabiibayo qaar kamid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee Qaraxii Zoobe-2.

Wasiirka ayaa intuu ku guda jiray booqashada bukaannada wuxuu u kuur galay daryeelka caafimaad ee ay heleen dhaawacyada mudadii la dabiibayay.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Dowladda Imaaraatka Carabta daryeelka hagar la’aanta ah ee ay u fidiyeen dhaawacyada dadkii Soomaaliyeed ee ku wax yeelloobay qaraxii Zoobe-2.

    

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay madaxda ururrada bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta bulshada  la qaatay madaxda Ururada Bulshada Rayidka.

Qodabada looga hadlay shirka ayaa waxaa kamid ahaa sidii ururada Bulshada ay maamulka gobolka ugu garab istaagi lahaayeen amniga, bilicda Caasimadda iyo in si wadajir looga shaqeeyo xalinta caqabadaha bulshada heysato.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sugidda amniga caasimadda uu marayo meel wanaagsan, isagoo dul istaagay dhibaatada ay shacabka ku hayaa ciyaal weerada, wuxuuna sheegay in dagaal culus lagu qaaday ciyaal weero ayna sii yaraanayaan.

  

BANDHIGGA GANACSIGA EE SOMALI TRADE SHOW (WARBXIN)

Waxa la soo gabagabeeyay barnaamijka bandhigga ganacsiga, kaas oo ay so qaban qaabiyeen SOMALI TRADE SHOW.Bandhiggu wuxuu ahaa mid si cajiib ah oo farshaxeysan looga soo shaqeeyay sidoo kalena ay halkaasi ka muuqatay maamuus, qaderin iyo qaabeyn heer sare ah.

Barnaamijkan bandhigga ganacsiga ah ayaa qabsoomay sanadki 3-aad oo xariir ah, taas oo fursad weyn u aheyd ganacsatada Soomaaliyeed isla markaasna ay muujiyeen baahida ay u qabaan bandhigyo ganacsi oo midkaan la jaad ah.

Waxaa goobta yimid ganacsato badan si ay u soo bandhigaan adeegyada iyo badeecadaha kala duwan ee ay u hayaan macaamiisha, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay dhowr kun oo qof oo xiiseynayey ka qeyb galka iyo ka qeyb qadashada bandhigga ganacsiga.

Dhanka kale, waxaa goobtaas yimid mas’uuliyiin, khuburro iyo Hal-Abuurro dhanka ganacsiga ah, kuwaas oo barnaamijyo iskugu jiro waayo aragnimo, dhiiri gelin, xogsiin iyo tala bixin uga qeyb qaatey inta bandhigga uu socdey.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Rugta ganacsiga iyo Wasaradda ganacsiga xubno matalayo ay si habsami leh ugu qeyb qaateen inta u socdey bandhigga ganacsiga kuwaas oo ayagana u sameeyey ballan qaadyo, talo siin iyo dhiiri gelin ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxyabaha kale ee soo jiidashada laha isla markaasna bandhigga ganacsiga muhimaddiisa kor u qaadayey waxaa ka mid ahaa in shirkadaha ka qeyb galay barnaamijkaan ay fursado shaqo u abureen isla markaasna goobta ku shaqaaleysiiyeen qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ahaa.

Barnaamijka waxaa dhextaal u ahaa Dood Cilmiyeed ay ka qeyb qadanayeen khabiirro iyo aqoonyahanno ka kala socdey hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Haddaba, maxay ka faa’ideen ganacsatada Soomaaliyeed barnaamijka bandhigga ganacsiga.

  1. Waxay u aheyd fursad ay ku soo bandhigteen, kuna tusayeen macamiishooda adeegyada iyo beedacadaha cusub ee ay so kordhiyeen iyo kuwa ay horey u hayeen intaba.
  2. Ku fara adeegidda macaamishooda si tartanka xoogga leh ee waddanka ka jiro ay uga qeyb noqdaan mar walba.
  3. Ogaanshaha shirkadaha kale ee ay adeegga iyo badeecadaha isku midka ah bixiyaan iyo kala duwanaan-shahooda.
  4. Ballaarinta ganacsigooda si ay u gaaro Macaamishooda.
  5. Ogaanshaha fursadaha suuqa ka jiro
  6. So dhega dhageynta baahiyaha  macaamisha

.7. Xoojinta, xayeysiinta iyo kor u qaadidda sumcadda ganacsigooda

Haddaba dhanka kale, maxay ka faa’ideen macaamiisha iyo dadka kale ee ka so qeyb galay Bandhiggaan.

1.Kalmadaha khuburrada, Aqoonyahannada iyo hal-abuurrada oo faa’ido mug leh u lahaa ka soo qeyb galayaasha

2.Ogaanshaha fursadaha banaan ee aan wali laga faa’ideysan ee ka jira suuqa .

3.La kulanka  ganacsatada si aad u hesho  macluumaad dahabi ah.

  1. Barashada dad cusub (Networking) si aad uga faa’ideysato khibraddooda ganacsi.

maxuu yahay doorka ka saaran isku xirka ganacsatada iyo macaamiisha ee Somali trade show u qabteen.

  1. Usoo bandhigidda adeegyada iyo badeecadaha Soomaalida adduunka iyo waliba Soomaalida kale
  2. Isku keenidda Ganacsatada iyo macaamiil aan horey isku aqoon balse isku baahna.
  3. isku keenidda ganacsatada iyo bulshada si ay xog iyo macluumaad isku dhaafsadaan.
  4. Dhiiri gelinta  ganacsatada si ay u sii horumariyaan ganacsigooda
  5. soo jiidashada maalgashadeyaasha waddanka iyo kuwa dibadda si ay u arkaan horumarka ganacsiga Soomaliyeed uu sameynayo.
  6. Baraarujinta, dhiiro gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay ula yimaadaan hal-abuur ganacsi.

Ugu danbeyn barnaamijka Bandhigga Ganacsiga ayaa soo idlaaday, kuna soo dhamaaday jawi xiiso iyo xamaasad badani ka muuqato.

WQ: C/raxiim Abuukar Axmed Jimcaale