Maxaad ka ogtahay deegaanada ay ku kala xayiran yihiin horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab?. Warbixin.

Wixii ka danbeeyay markii Khawaarijta lagala wareegay in ka badan 50 oo ka tirsan Gobollada dalka, waxaa Khawaarijta soo wajahay wal wal xoog leh, ayagoo ka cabsi qaba in maleeshiyaadka ay qaldeen ay ka baxaan gacanta horjoogayaasha dhiigya cabka ah.

Xogo ay heshay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in horjoogayaasha Khawaarijta ay amaro ku soo rogeen meelaha ay wali haraadiga ku yihiin, waxaana ammaradaasi ka mid ah.

  • In la joojiyay isku socodka Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee deegaanada ay markii hore isaga gudbi jireen. Amarkaan ayaa ka dhaqan galay, magaalooyinka Saakow, Kuunyo Baraow, Jilib iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobalka Mudug.

Horjooge lagu magacaabo Buqaari oo kooxda u qaabilsan Maleeshiyaadka dabagalka oo ay ugu yeeraan Kooxda Mutaabacada, toosna uga amar qaata Horjooge Axmed Diiriye ayaa la sheegay in dhammaan horjoogayaashii kale iyo maleeshiyaadka uu amar ku siiyay qof kasta oo ka baxayasa Magaalooyinka Saakow iyo Jilib inuu haysto warqad ogolaasho ah oo ay magaalada uga bixi karaan, sidoo kale wuxuu amray in labadaan magaalo aysan qofna soo gali Karin, taas oo muujinaysa inta ay la egtahay cabsida soo wajahday Khawaarijta.

Illo ka tirsan Sirdoonka Qaranka ayaa dhanka kale inoo sheegay in cabsida iyo kala shakiga soo kala dhexgalay Khawaarijta uu sababay in wax ka badan shan goobood ay u kala xayiran yihiin Horjoogayaasha Khawaarijta ayna awoodi la’ yihiin inay hal meel isugu yimaadaan.

Deegaano ka tirsan gobalka Mudug oo si weyn uu uga soo ifbaxay khilaafka Khawaarijta oo markii danbe gaaray inay dhexdooda dagaalamaan ayaa horjoogayaasha ku xayiran oo aan ogaanay ayaa waxaa ka mid ah. Horjooge Xuseen Cali Fiidow, Horjooge Cali Ibraahim Geesay “Cali Rooti” horjooge C/laahi Jeeri iyo kuwa kale.

Halka Kuunyo Barow oo ka tirsan Shabeellaha hoose ay iyana ku xayiran yihiin Khawaarij Aadan Suno oo dhawaan u galay khawaarijta gabalkoodu sii dhagayo Horjooge Xasan Afgooye iyo horjoogyaal kale.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed, ayaa Khawaarijta markii ay ka saareen guud ahaan degmooyinka Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo qaybo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan, ayaa hadda waxay gudbeen Gobalka Galgaduud. Waxaana ka go’an Ciribtirka Khawaarijta.

Wasiir Daa’uud “SONNA waxaa ay mudan tahay ammaan ballaaran, waxay sameysay horumar dhanka wax soo saarka ah”.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guuradda 59-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Wakaaladdda wararka Soomaaliyeed (SONNA), u diray madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda wararka ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA mudantahay amaan ballaaran waxuuna tilmaamay in Wakaaladdu sameeyay muddooyinkii damme horumar dhanka wax soo saarka ah.

Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa maanta u dabaal-degeysa sanad guuraddii 59-aad ee aas-aaskeeda, 1964-tii shanta bisha koobaad ee Janaayo ayaa la aas-aasay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

SONNA ayaa ah hey’adda rasmiga ah ee u xilsaaran ururinta wararka dowladda gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada. Waana isha rasmiga ee laga xigta wararka dalka.

Wararka iyo Barnaamijyadda SONNA ee lagu baahiyo mareegta Internet-ka iyo baraha rasmiga ee Bulshadda ayaa ku baxa saddex luuqadood oo kala AF-Soomaali, Afka Carabiga iyo kan Ingiiriisiga. malaayiin qof oo ku nolol gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ku xiran oo daalcada.

Wasiir Daa’uud “SONNA waxaa ay mudan tahay ammaan ballaaran, waxay sameysay horumar dhanka wax soo saarka ah”.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guuradda 59-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Wakaaladdda wararka Soomaaliyeed (SONNA), u diray madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda wararka ee SONNA.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA mudantahay amaan ballaaran waxuuna tilmaamay in Wakaaladdu sameeyay muddooyinkii damme horumar dhanka wax soo saarka ah.

Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa maanta u dabaal-degeysa sanad guuraddii 59-aad ee aas-aaskeeda, 1964-tii shanta bisha koobaad ee Janaayo ayaa la aas-aasay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

SONNA ayaa ah hey’adda rasmiga ah ee u xilsaaran ururinta wararka dowladda gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada. Waana isha rasmiga ee laga xigta wararka dalka.

Wararka iyo Barnaamijyadda SONNA ee lagu baahiyo mareegta Internet-ka iyo baraha rasmiga ee Bulshadda ayaa ku baxa saddex luuqadood oo kala AF-Soomaali, Afka Carabiga iyo kan Ingiiriisiga. malaayiin qof oo ku nolol gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ku xiran oo daalcada.

Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldageysa sanadguurada 59-aad

Wakaaladahaa wararka waa hey’addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana kamid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida,- AFP, Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha

Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Sadex iyo tobankii  sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadii  dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay  u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kaler ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa hambalyo u diray xuska Aasaaska Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta ku beegan

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray xuska Sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA,oo ku beegan maanta.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeey bahda wasaaradda warfaafinta oo uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska,wasiir ku-xigeenka,Agaasimaha guud,Agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala Wakaaladda SONNA,isagoo faray in ay sii laba jibaaraan hawsha baaxadda weyn ee nafhurnimadda leh oo u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Wakaaladda SONNA, ayaa la aasaasay 5-tii Janaayo sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah,balse wakaaladda ayaa door weyn ka qaadatay in ay bulshadda iyo mida caalamkaba la wadaagto fariimo ay fahmi karaan iyadoo gobolada iyo degmooyinka dalku ay sugi jireen wararka SONNA iyadoo lagu xasuusto beri samaadkii Heestii odhan jirtay.

Wagareey ka waasacan
Wax la yaab leh weeyaan
Sida wariye SONNA ah
Wiilkan soo hadlaayoow
Ma wadaagno sheekee
Colka waraf ma lagu dayay.

Wakaaladda Wararka SONNA waxay u xilsaaran tahay gudbinta Fariinta Dowladda iyo dagaalka ka dhanka khawaariijta,waxayna wada shaqayn toos ah la leedahay Wakaaladdaha waaweyn ee caalamka oo si joogto ah u xigta wararka iyo xogaha ay baahiso SONNA.

DULQAAD LA’AANTA LAGU ARKO BARAHA BULSHADA MAXAA SABAB U AH?

Aadanaha wuu kala duwan yahay mana jirto labo oo isku mid ah xitaa mataanaha aan la kala garan ee wada dhashay..waayo qof walba qofka kale wax buu kaga duwan yahay.

Sidoo kalena waxaan isku mid aheyn dabeecadaha dadka oo waxaad arkeysaa qof u sameysan guluf ,,colaad ama xanaaq iyo caro joogto halka mid kale oo laga yaabo in ay wada dhasheen uu yahay qof degan , qabow oo aad u wanaagsan oo leh is dhexgal bulsho.

“Maxay yihiin astaamaha qofka leh isdhexgal bulsho oo dadka si walba ula noolaan kara?” ayaa la weydiiyey nin aqoon u leh culuunta (Pyschology) ee shaqada ku leh dhinaca maskaxda iyo dabeecadaha wuxuuna yiri “Qofkani wuxuu leeyahay degenaan uu wax ku dhageysto..qofka wax dhageysta ee dadka kale marka ay hadlayaan fursadaha siiyana waa qof wanaagsan”.

Ma aha dhageysiga oo keliya ee bulshada dhexgalkeedu waxay u baahan tahay in qofku leeyahay dulqaad oo mararka qaar waxyaabaha lama filaanka ah eek u iman kara uu si fudud u arki karo oo aanu isla markiiba caro ka qaadin.

Tusaale ahaan waxaad arkeysaa qof eray uu si u yiri in qof si kale u arko oo uu isla markiiba caro ka muujiyo oo uu ku dhaqaaqo falcelis aan loo baahneyn taas oo haddii uu si degan uga fekeri lahaa laga yaabo in aanu u arki laheyn wax sidaas u weyn.

Dulqaad la’aanta faraha badan waxaa beryahan dambe lagu arkaa baraha bulshada oo inta badan aad ku arkeyso dad si caro eh eedeymo iyo xitaa aflagaadooyin isugu dhaafasanaya iyagoo aan ka fekerin dhibta ay u leedahay sumacadooda iyo in erayada qaar ee ay isticmaalayaan ay muuqaal xun ka bixinayaan sida ay u fekeraan.

Bulshada laguma dhex galo war badni ama af dheeri waxaa lagu dhex galaa sumcad fiican iyo hab soo jiidasho leh oo aad u abbaarto la dhaqanka iyo dhex galka bulshada.

Dhaqanka wanaagsan waa in dadka aad soo dhex dhigto fikir wanaagsan iyo erayo wanaagsan oo ka tarjumi kara qaabka aad u fekerto waayo ficilkaaga ayaa laga qiyaas qaataa qaabka aad u fekereyso oo ay ku jirto oraahdo aad mar walba ku isticmaasho bulshada dhexdeeda.

Wanaagga qofka ayaa is bari kara dadkuna way ku bartaan qofka hadba dabeecadaha uu bulshada la dhex yimado..hadaba qofka fikrado iyo afkaar qaldan hadduu dadka la dhex socdo oo weliba ku adeegsado baraha bulshada ee lagu wada jiro maxaa ka dhalan kara.

Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha qaar ee lagu dhex arko baraha bulshada ma aha dhaqan fiican waxayna u baahan tahay in qof kasta uu ka taxadaro waxa uu bulshada dhex keenayo waayo dadku waxay rabaan wax wartar leh oo anfacaya ee ma raabaan wax iska dheh uun ah oo lagu soo qoro ama looga hadlo baraha bulshada ..

Ogow maanta wixii aad ku bandhigto bar bulsho ha ahaato bar Youtube ama facebook waxay noqonayaan wax keydsan berrina lama dafiri karo oo waa keyd qof walba horyaala oo adigana kuu yaalla.

Dhaqanka wanaagsan iyo dabeecadda suubban waa aadanaha oo isaga diga xumaanta wanaagaana is fara ee weligaa ha u adeegsan baraha bulshada wax xun hana ku muujin akhlaaqiyaad aan loo baahneyn oo iska dheh uun ah

 WQ: Mohamed Shiil

 

HADDII LAGA XOREEYAY MAXAA KALOO LOO BAAHAN YAHAY?

Waxaan maanta isha la raaceynaa meelihii laga xorreeyay maleeshiyaadka qaabka daran ee argagixisada Al-Shabaab, oo haatan loo yaqaan (Khawaariijta)

Waa dhab in laga xorreeyay deegaamo badan oo ay salka dhigteen muddo dheer iyagoo mooday inay xalaaleeysteen.

Waa loo baahnaa waana arrin laga soo daahay waana guul usoo hoyatay ummadda iyo muwaafaqada la gaaray, waa arrin ammaanteeda leh soomaaliya oo iska tabar yar inay la dagaasho argagixiso caalami ah.

Teeda kala, waxaa habboon in dagaalka socda uusan noqon hal bacad lagu lisay ee uu noqdo sida mid guul dhameystiran laga gaaray.

Haddaba, dhulalka laga xorreeyay maxeysatada gaajada ah ee aan waxba ummadda u reebin, waxaa dowladda iyo bulshada soomaaliyeed looga baahan yahay inay la gaaraan gurmad deg deg ah oo weliba isdaba joog ah, waayo dadkii ku dhaqnaa halkaasi waa dad ay naftu ku daba yartahay oo muddo dheer gumeysi ku jiray kadibna laga qaatay xoolo iyo xandho waxii ay lahaayeen.

Haddaan usoo laabto muhiimadda aan ka leeyahay maqaalkaan waa in xorreyntu noqoto mid isdaba joog ah oo aan firaaq la siinin cadowga si uu u helo fadhi fiican oo uu biyo ku cabo qorigana ku cabeysto, waaba inaan laga daba harin sidii uu cararo waa in loo daba socdaa oo marnaba loo neefin taasi ayaa sababi karta inay isa soo wada dhiibaan markii cagta cagta loo saaro.

Waan ka saarnay waan ka harnay, way isaga baxeen sax maahan waa in laga dhigaa digsi kor iyo hoos dab ka shidan yahay oo kale, waayo haddey fursad kuu helaan way kuu fikirayaan laakiin haddii leyska daba socdo mahelayaan waqti ay dhulka wax kugu duugaan xitaa, taasi waa taas.

Teeda kale, dhulalka laga xorreeyo argagixisada loogama baahna in caweys lagu dhaxtuntee waxay u baahan tahay in isla markiiba la geeyo ciidammo boliis ah iyadoo dib u habeyn deg deg ah lagu sameynayo xeryahii ciidammada iyo saldhigyadii booliiska, waxaa sidoo kale loo baahan yahay in isla markiiba la magacaabo maamulkii degamadaas ama tuuladaas iyadoo la soo celinayo dhammaan nidaamkii dowladnimo.

Waa arrin muhiim ah in isla markiiba la dhiso dadkii mas’uul ka noqon lahaa degmada ama tuulada ciidammo rigli ah ee la wareega ammaanka halkaasi si ay ciidammada usii wataan howlahooda xorreynta mana aha tuula kasta ama degmo kasta in laba isbuuc ama bil leyska dhax fadhiyo soomaalida waxay ku maahmaahdaa “Howsha aan ku hureynin waa leyska horraamiyaa”

Haddaba, geesiyaasha sooma jeestayaasha Ciidammada qalabka sidaa ee naftooda u huray inay dalka ka xorreeyaan kana difaacaan Argagixisada mindhicirrada dadka cuna ee ay soo dirsadeen shisheeye aan doonaynin in dalkeennu xasilo u sheegayaa in ay cadowga u diidaan hurdo iyo inuu harsado, waa in la gaarsiiya in uu isgaran waayo iyo inuu afka la gefo gacanta taas ayaa leydinka sugayaa, waana ina noqdaan hal la dilay oo la waray iyo hal la qabtay oo garbaashka lagu wado.

Sidaas daraadeed, waa in muhiimmadda laga abaaraa xorreynta laga leeyahay ee aan lagu mashquulin ciyaaro iyo faan iyo annagaa reer qurac iyo reer qansax ah, howshu waa inay ku socotaa hal gacan oo soomaalinimo ah, taas ayaana ku gaari karnaa guusha kama dambeysta ah.

WQ: Ina Boodda Dheere

 

ISLAAMKU WUXUU KOOBAYAA DHAMMAAN DHINACAYADA NOOLASHA DADKA

Dad badani way yaabayaan markay ogaadaan in islaamku uusan ahayn kaliya cibaadooyin iyo talooyin guud oo akhlaaqda ku saabsan, sida ay ku yaqaaneen diimaha kale badankood.

Hadaba islaamku dhab ahaantii ma aha kaliya wax ay ruuxdu ubaahantahay ama duco iyo salaad ay muslimiintu ku sameeyaan masaajida.

Mana aha kaliya caqiido iyo falsafad ay rumaysanyihiin dadka raacsan oo qura.

Mana aha kaliya nidaam dhaqaale ama deegaan oo dhamaystiran.

Mana aha kaliya xeerar iyo aragtiyo laga dhiso nidaamka iyo bulshada.

Sidoo kale ma aha xirmo akhlaaqda iyo anshaxa ah oo lagula dhaqmo dadka kele.

Balse waa hab dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan dhincyada kala duwan ee noolasha, isla markaana ma xayirayo xorriyadda dadka laakiin wuxuu ufududaynayaa noloshooda, si ay xooga u saaraan wax soo saarka iyo dhismaha iyo ilbaxnimada, wuxuuna ka mid yahay nicmooyinka waawayn ee Ilaahay ku galadaystay adoomihiisa, sida uu Qur’aanku cadaynayo (Maa’ido:3).

Marka uu ku yiri qof aan muslim ahayn – asagoo ku jeesjeesaya- mid ka mid ah asxaabta rasuulka suuban- magiicsu yahay Salmaan Alfaarisi-: saaxiibkiin ( wuxuu u jeedaa rasuulka Alle) wuxuu idin barayaa wax kasta xitaa aadaabta saxarada iyo kaadida? Wuxuu ku jawaabay saxaabigaa wayn: haa, wuu na baray, kadibna wuxuu u sheegay axkaamta islaamka iyo aadabtiisa ku saabsan arinkan. (Muslim 262).

 

Ifka iyo aakhirada

Islaamku waa hab dhamaystiran oo ku saabsan dhamaan dhincyada kala duwan ee nolasha.

 

Dhamaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin nolasha aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa kajirta.

 

Masaaridii hore ee xilliyadii fircoon jiray waxay marin jireen maydka maadooyin ka ilaalisa inuu qurmo, kadibna waxay la aasi jireen hantidiisa qaaliga ah oo dhan, ayagoo u malaynaya inuu ubaahan doono hantidaas geerida ka dib.

Halka qoomiyada TIBT oo ka tirsan shiinaha ay jarjari jireen jirka dadka ka dhinta,   ayagoo u bandhigaya shinbiraha iyo dugaagta, hinduuskana ilaa iyo hadda waxay gubaan qofka ka dhinta, ayagoo rumaysan inay sidaas ku badbaadinayaan naftiisa.

Kuwaasina waxay tusaalooyin kooban u yihiin dhaqamada kala duwan ee baroordiiqda iyo sagootinta maydka, taasoo dadku aad ugu kala duwanyihiin, ayagoo ka duulaya kala duwanaanta diimahooda iyo waxay ka aaminsayihiin noolasha ka danbaysa geerida, iyo waxay ka qabaan tiro su’aalo ah oo qoto dheer oo u baahan jawaabo, sida:

Ma jirtaa nolol danbe?

Waa side qaabkeedu?

Maxaase halkaa looga baahanyahay?

maadaama geeridu tahay dhab dadku isku wada raacsanyahay inay dhamaanteen ina sugayso,  ama aan aaminsanaano nolol danbe ama yaynaan aaminsanaanin, ama aan u diyaar garawno xiligaa ama aan islowsiino.

su,aasha aan marnaba la iska dhaga tiri Karin, ee mar kasta qofku iswaydiiyo waxay tahay:

Ma jirtaa nolol geerida ka danbaysa mise ma jirto?

Jiritaankeenu ma ciyaar baa?

Waana su’aal kusoo noqnoqonaysa maskaxdeena, Qur’aankuna uu in badan siyaabo kala duwan ugu soo celceliyay, isla markaana nooga waramay shalaytada dad badan maalinta qiyaamo, waayo mayna ka fikirn jawaabta su’aashan, oo mayna isu diyaarinin geediga aakhiro, sidaa awgeed dadkaa qaar waxay dhihi doonaan waqtigaa: alla hadaan naftayda ushaqaysan lahaa! Ku kalena wuxuu dhihi doonaa: alla hadii ciid aan ahaan lahaa!! (fajr: 24, naba’: 40).

Sida la ogyahay dhamaan dadka haysta diimaha Allah soo dajiyay waxay rumaysanyihiin noolasha aakhiro, iyo abaalgudka iyo ciqaabta halkaa jirta, waayo arinkaasi waa nuxurka waxay rususha Alle oo dhan ay la yimaadeen, sidoo kale caqligu wuxuu ina tusayaa in aysan wax macno ah lahayn noolasha iyo diinta iyo akhlaaqdu hadaysan nolol kale oo la is xisaabinayo aysan jirin, oo markaa qof kasta abaalkiisa la siinayo khayr ama shar.

Dadka qaar waxaa ku adag inay rumeeyaan in teedka  u dhexeeya cibaadada iyo raaxaysiga, ama cibaadada iyo Hantida uusan ka jirin caqiidada islaamka.. rasuulka suuban ee Muxammad wuxuu noo sheegayaa in qofku marka uu sameeyo wax sax ah wuxuu doono ha ku saabsanaado, oo uu ula jeedo khayr, in laga abaal marin falkaas aakhiro, xitaa hadii uu yahay qodax uu ka qaadayo jidka dadku maraan, ama uu yahay cunno uu afka u galinayo xaaskiisa! (Bukhaari 56).

Markii rasuulku Muxammad (Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) uu sheegay in albaabada khayrka ay badanyihiin oon lasoo koobi karin, wuxuu tusaale usoo qaatay arin ka yaabisay asxaabtiisa marka uu yir: hadii mid idinka mid ah uu xaaskiisa shahwada la guto waxaa loo qorayaa ajir, waxay dheheen asxaabtii: oo sidee ajir u heli asagoo shahwo gudanaya? Wuxuu yiri rasuulkii suubanaa: ka warama hadii uu shahwadiisa ku guto xaaraan miyaan danbi loo qoraynin, waxay dheheen: haa, wuxuu yiri: sidoo kale hadii uu shahwadiisa xalaal ku guto ajir ayaa loo qorayaa. (Muslim 1006).

Sidaa darteed qof kasta oo barta Islaamka wuxuu arkayaa marka u horaysa isu dheelitirnaanta noolasha aduunka iyo noolasha aakhiro siduu Qur’aanku tilmaamayo, isla waqtiga uu islaamku dadka ku boorinayo cibaadada si ay ajir u heelaan aakhiro, wuxuu  ku farayaa in ay ku dadaalaan aduunyada ayagoo raadsanaya deeqda allle (suurada Jumuca 9-10), wuxuuna dadaalkaa ku mudanayaa ajir maadaama uu ula jeedo falkiisaas Ilaahay, muslimkana waxaa la faray inuu Ilaahay ku caabudo dadaadlka uu ugu jiro shaqadiisa iyo raadinta arsaaqdiisa iyo tarbiyaynta caruurtiisa, iyo daryeelka caafimaadkiisa iyo deegaankiisa, iyo hormarinta bulshadiisa, sida uu Ilaahay ugu caabudayo salaadiisa iyo sadaqadiisa iyo soonkiisa.

Taasina waa mid ka mid ah sirta xasiloonida iyo nabadgalyada hoose ee uu mislimku dareemayo, marka uu arko wada jaanqaadka ka dhexeeya noolashiisa iyo aakhiradiisa, raaxaysigiisa iyo cibaadadiisa, oo aysan jirin wax iska hor imaad ah ama isdhaaf xagaa ku saabsan, balse uu yahay dhismo dhamaystiran oo is xoojinaya.

Wuxuuna Qur’aanku noo tilmaamayaa in halkudhagga muslimka ee kulminaya falsafada islaamka ee arinkaas, asagoo faraya inuu ku dhawaaqo halkudhaggaa: noolashayda oo dhan waa caabudida Alle, noocyadeeda kala duwan, Ilaahay ma laha kaliya salaadayda iyo cibaadadayda, balse dhamaan xaaladaha noolashayda oo dhan Ilaahay ayaan ugu dhawaanaya, asagaana iigu abaal gudi doona geeridayda kadib, sidaasaana ahaanayaa mid ku dhagan amarka Alle iyo diinkiisa islaamka (Ancaam: 162).

 

WD: Ibraahim Warsame

AQOONTII BADNEYD EE CABDULLAAHI BINU MASCUUD: (QEYBTII 2-AAD)

wuxuu ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahra aqriska qur’aanka.

Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahray aqriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii qureyshna ay arkayaan.

Maalin ayaa waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) – wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar, waxay is yiraahdeen, wallaahi gaaladii qureysh weli ma aynan maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan loo aqrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur aanka!?.

Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri annigaa maqashiinaya qur aanka. Saxaabadii ayaa ku yiri, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey xummaan la doonaan.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yiri, anniga ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa shartooda iga reebaya ina ilaalinaya Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda.

Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u aqrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan

Qureysh ayaa dhageysatay qur aanka, waxayna yiraahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?!

Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yiri, wuxuu aqrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur aanka ah. Gaaladii ma aynan sugin inta uu ka dhameenayo aqriska qur aanka e, way ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo aqrinaya qur aanka ilaa uu ka gaaray aqriskii qur aanka intii uu Eebbe ka doono inuu aqriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yiri, sidan ayaan kaaga cabsanaynay.

Cabdullaahi ayaa yiri, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yiri, maya, intaas ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku yiri:

Cusmaan Binu Cafaan: Maxaad ka sheegaynaysaa?

Cabdullaahi Ibnu Mascuud:   Denbigayga ayaan ka sheeganayaa .

Cusmaan Binu Cafaan: Maxaad u baahan tahay?

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Naxariista Rabbigay.

Cusmaan Binu Cafaan: Mushaarkii aad sannado kahor diiday Inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Uma baahni mushaarkaas

Cusmaan Binu Cafaan: Haddaba, gabdhahaada ayaa qaadanaya adiga gadaashaa

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: Gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta aqriyaan suuradda Al-

waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii aqriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii.

Markii la gaaray habeenkii, ruuxdii Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay haleeshay saaxiibkii sareeyay (Ilaah), isagoo carabkiisana ka qoyan yahay xuska Alle, waa qur aanka e.

Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana nagu sugo wadiiqadii suubanaha Rasuulka Muxammad (scw) iyo saxaabada intuba aamiin.

WD: Ibraahim Warsame

 

 

 

 

HOWL-GALLADA CIIDAN EE KA SOCDA DALKA WAA ASTAANTA DHAMAADKA KHAWAARIJTA

Bilooyinkii ugu dambeeyay,waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,iyagoo waayeen maleeshiyaad badan oo si qalad ah loo fahamsiiyay aragtida saliimka ah ee aasaaska u ah diinta islaamka.

Dagaaladdii u dambeeyay ee lala galay kooxaha khawaarijta,waxa ay sababeen in argagixisada lagu laayo ggobo badan,isla markaana ay la kulmaan dhimasho,dhawwacyo iyo in la qabto tiro badan oo maxaabiis ah.

Guulahaas wax ku oolka ah ee lagu jabiyay maleeshiyaadka nabad-diidka ah, waxaa sababay ama ay ku yimaadeen dadaalka wada jirka ah ee ay ku dhaqaaqeen madax weyne xasan shiiq maxamuud , maamul gobaleedyada dalka , shacabka iyo  ciidmada xooga dalka.

Iyadoo laga duulayo tallaabooyinka horumarka leh ee ay ciidamadu u qaadeen xoreynta dalka aawadeed, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa waxay Ciidammada Qalabka sida ugu hambalyeeyeen guulaha isdabajoogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay  Gobolka SH/Dhexe,

Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in  kooxaha khawaarijta laga saaro gabi ahaan dalka, waxayna kula dardaarmeen ciidamada iyo kuwa deegaanka in la sii wado dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maanta waxaan aragnaa argagixiso la jebiyey ,kuwa la dilay, kuwa dhaawac ahaan loo qabtay oo la daaweynayo, kuwa nolosha lagu soo qabtay oo maxkamadda ciidamada iyo garsoorka loo sii wado), kuwa firxad ah oo xabada lala dabajoogo  , wiilal soomaaliyeed oo si dhiiran u dagaalamaya iyo madax Soomaaliyeed oo dhiirigelineysa dagaalada ka dhanka ah khawaarijta.

Waxaan aaminsan nahay  in la joogo waqtigii ugu dambeyay ee dhagaheynu ay maqli lahaayeen dhamaadka kooxda arxanka daran ee khawaarijta,maadaama illaa hada laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay ku sugnaayeen in ku dhow 15 sano.

Howlgallada ciidan ee ka socda dalka waa astaanta dhamaadka khawaarijta,sidaa radaaded, madaxda dalka weey ku qanceen guulaha isdaba joogga ah ee ay soo hooyeen cidamada, waxaana lagama maarmaan ah in cid kasta ay ka qeybqaadato  ka hortagga fikirka qaldan iyo ficilada guracna ee argagixisada,si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka.

SONNA