DALXIISKA SOOMAALIYA

Dowladda Soomaaliya ayaa 13-ka bisha Sabtembar sannad walba u aqoonsatay in ay tahay maalinta dalxiiska Soomaaliya, ujeeddaduna waxa ay tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa dalxiiska gudaha ee Soomaaliya,.

muda hadda laga jogo shan sano, dowladda Soomaaliya waxa ay xus iyo isu imaatan ka samaynaysay sidii sare loogu qadi lahaa dalxiiska somaliaya, sannadkii 2017-kii ayey Soomaliya ku biirtay hey’adda Dalxiiska Adduunka, waxayna sheegtay in ay ka go’antay in dib loo soo nooleynayo dalxiiska Soomaaliya.

Dalxiiska Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, tan iyo 1960-kii, wuxuu ka mid ahaa hantida ama waxa ugu muhiimsan ee uu wadanku lahaa iyo kaabayaal dalxiis oo gumeystihii Taliyaaniga uu ku wareejiyay dowoalddii Soomaaliya ka curatay 1960-kii. Waxyaabihii u ku wareejiyayna waxaa ka mid ahaa hoteelada caanka ah ee Juba iyo Shabeele Hoteel.

Waaxda dalxiiska Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay bur burkii, waxayna qaadatay ku dhowaad 30 sano, sidii dib loogu soo nooleyn lahaa.

Shan sanadood soo laabashadeedii ka dib wax la taaban karo uma qabsoomin walow ay cududaar ka dhiganayaan xiligii Caronha oo gaabis balaadhani ku yimid shaqooyinka dawladda iyo kuwa caadiga ah ba.

Yaasir Baafo, oo ka mid ah dadka u ololeeya dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya, ayaa sheegay in dalkeena  uu ka mid yahay dalalka caalamka ee dalxiiska dhabiiciga ah leh, haddii ay ahaan lahayd cimiladda, badda, beeraha, buuraha, biyo dhaca, carada iyo wabiyada.

Inkastoo amni ahaan, Soomaaliya weli aanay ka jrin isku hallayn buux, sidoo kalena Dowladda Federaalka waxay wali dagaal kula jirta ururk Al Shabaab oo beegsada hoteellada, haddana muddooyinkii la soo dhaafay waxaa jiray dad si iskood ah isu abaabulay oo dalxiiska Soomaaliya soo bandhigaya, iyagoo ka faa’ideesanaya cimilda, doogga qurxoon, badda iyo xoolaha loo daawasho tago.

Soomaliya waxa ay leedaha goobo aad u fara badan o loo dalxiis taga, in kastoo qaad kood ay suuro gal ahayn in la tago sababa amni, goobhaas waxaa ka mid ah; Goobwayn, Jaziirada  Sacaada Diin, isha baydhabo, Xeebta Jaziira iyo Xeebta Eyl.
Xeebta Jazeera oo ah dhul xeebeed u jirta 20 KM magaalada Muqdisho ayaa ah goob horay loogu asteeyay in ay ka mid noqoto goobaha dalxiiska Soomaaliya xilligii dowladii dhexe.

XEEBTA JAZIIRA.

Xeebta Jazeera oo ah dhul xeebeed u jirta 20 KM magaalada Muqdisho ayaa ah goob horay loogu asteeyay in ay ka mid noqoto goobaha dalxiiska Soomaaliya xilligii dowladii dhexe ee Kacaanka.

Inkastoo aysan lahayn hoteello la seexo oo u dhow, haddana xeebta Jasiira waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan Soomaaliya.

Xeebta Jaziira ayaa ahayad mesha kaliya ee loo damaashaad tago burburkii ilaa laga soo gaadhay 2015.

Magaalada Xeebeedka Eyl

Eyl oo ah magaalo taariikhi ah una jirta 240 kilomitir magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa caan ku ah buuro iyo dhismooyin taariikhi ah tan iyo Talyaanigii iyo Xarumihii saldhiga u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ay wali dhismooyinkaas qadiimiga ah ka dhex muuqdo magaalada bartamaheeda.

Magaalada waxaa kale oo ay leedahay beero iyo xeeb qurxoon. Waxaa ay sidoo kale leedahay matxaf lagu keydiya ama lagu qurxiyay waxyaabaha u gaarka ah dhaqanka Soomaalida.

Waxay kamid tahay goobaha la booqdo ee gudaha dalka. Sidoo kale waxaa ku yaala dhisma weyn oo uu dhisay Sayid Maxamed Cabdile Xassan.

Sacaadu Diin

Jasiiradda Sacaadu Diin waa jasiirad yar oo ku taalla xeebta magaalada Seylac ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaana loo socdaa 15-20 daqiiqo oo doon ah. Waxay ka mid tahay meelaha ugu bilicda iyo daawasha qurxoon ee ay booqdan dalxiisa yaashu.

Goobtani had iyo jeer way cagaaran tahay, waxaana ka baxa geedka loo yaqaano qandalka, wana goob biyaheedu ay degan yihiin. Sacaadadiin waa jasiiradda ugu caansan jasiiradaha Soomaaliya ee loo dalxiis tago.

Goob weyn

Goobweyn waxay ku taallaa duleedka magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxayna 10km u jirtaa magaalada Kismayo.

Qaab dhismeedka Goobweyn iyo  waxyabaheeda dabiiciga ah, waxay ay ka mid yihiin meelaha aadka looga xiiseeyo dalalka caalamka, waana bar ay isaga darsamaan biyaha badda iyo wabiga Jubba oo Qur’aanka lagu sheegay.

Goobta waxaa beero ka sameystay dad beeraley ah, waxayna leedahay dhir kala duwan, maadaama laga heli karo biyaha badda iyo kuwa wabiga.

Sidoo kale waxay hadda noqotay goob dalxiis oo inta badan dadka taga magaalada Kismayo ay booqdaan ayna isaga soo qaadaan sawiroiyo nuuqaalo, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan biyaha wabiga Jubba iyo kuwa badweynta Hindiya.

WQ; NIMCO SAGAL

WASAQOWGA BIYAHA IYO WAXYAABAHA KEENA

Wasakhowga biyaha ee xiligan aanu joogno waxaa keena isticmaalka mashiinnada iyo agabka tirada badan ee dunida laga isticmaalo, waxaa sidoo kale keena dadka ku nool deegaanka oo bata.

Tusaale haddii uu dadku bato deegaanka iyo qalabka la isticmaalayo way badanayaaan si xawli ah xili kasta, adduunyaduna waa sidoo kale, waxaa badanaya isticmaalka biyha iyo baahiida loo qabo, waxaa wasaq noqonaya Ceelsha Barkadaha, Balliyada iyo meelaha biyha lagu kaydiyo.

Wasakhowga biyaha ee ay keenan wax qabadyada adanuhu waxa ay ka bilaameen markii uu bilaamay ka caankii warshadaha .

Halkee bay wasakheynta biyuhu ka timaaddaa?

Caadi ahaan, wasakhaynta biyuhu waxay ku timaaddaa iyada oo si toos ah ama aan toos ahayn looga sii daayo kheyraadka biyaha (webiyada, badahaiyo harooyinka Ee Wasakhda kala duwan. Dabeecaddu waxay awood u leedahay inay is-nadiifiso haddii ay hesho qaddar yar oo wasakhda ah, oo sidan oo kale, dib ugu soo noqoto dheelitirka. Dhibaatadu waxay bilaabmaysaa marka wasakhdu ay dhaafto awoodda nuugista ee nidaamka.

Noocyada ugu muhiimsan ee wasakheynta biyaha:

Mid ka mid ah waa inuu ku sameeyaa isaga wareegga dabiiciga ah, inta lagu jiro taas oo ay la xiriiri karto qaybo ka mid ah wasakheynta ,sida macdanta la baabi’iyay ama la hakiyay iyo walxaha dabiiciga ah ee ka jira qolofka dhulka iyo biyaha.

Laakiin nooc kale oo wasakheynta biyaha ah – oo u janjeera midka ugu muhiimsan uguna waxyeellada badan – waa mid xiriir gaar ah la leh ficilka aadanaha. Halkan waxaan ku haynaa Kuwa ugu caansan waxaan ka sheegi karnaa

Ka-daadinta walxaha sunta ah ee hadhay ee ka imanaya geeddi-socodka warshadaha iyo magaalooyinka, kuwaas oo lagu tuuro wabiyada, badaha , harooyinka iyo wabiyadda

Wasakhda ay soo saartay isticmaalka degdega ah ee sunta cayayaanka iyo bacriminta beeraha xoog leh, kuwaas oo ku dhaca biyaha hoostooda.

Qashinka lagu daadiyay xeebahaama goobaha u dhaw biyaha, nasiib daro qashinku wuxuu qaataa boqolaal ama kumanaan sano in la xaalufiyo ama uu dhamaado.

Adeegsiga shidaalka wasakhda ah ee doomaha laga daadiyo amaba laga badalo,kuwaas oo ku dhammaada badda nadaafadda doomaha.

sidoo kale hadhaadiga qashinka ama burburka agabka ku luma ama lagu waayo bada sida burburka doomaha iy marakiibta ku khalibantay bada gudaheeda.

Adeegsiga shidaalka wasakhda ah ee doomaha, kuwaas oo ku dhammaada badda nadaafadda doomaha, ama shilalka ka dhasha, sida Hantida.

Cawaaqibta wasakheynta biyaha

Sidaan ognahay, wasakhaynta biyaha noocan ahi waxay horseedi kartaa wasakheynta webiyada, si wasakheynta badda, ama xitaa harooyinka, barkadaha biyaha, biyo xireenada … Dhamaantiis, wax kasta oo biyo ku jira.

Marka horeba, wasakhayntani waxay saamaysaa xayawaanka iyo noolaha ku dhex nool biyaha gudahooda, waxaa intaas ka halis badan sunta wasakhda waxa  loo soo gudbiyaa silsiladda cuntada, oo waxay ku soo duulayaan ilaa ay ka gaarayaan iskuxirayaasha sare, taasi waa annaga. Annaga oo quudinayna noolaha ku nool biyaha wasakhaysan, sida kalluunka iyo kalluunka qolofta leh, waxaannu ku liqnaa oo ku ururinnaa sunta ay cuneen, taas oo leh cawaaqib xumo muddo dheer ah, sida muuqaalka cudurada sida xasaasiyadda, ama xitaa Kansarka kuwaas oo ay nooga soo gudbayaan noolaha abada ku nool oo aan cuno.

WQ: NIMCO SAGAL

TAGTADAADA QURUXSO

Nolosha aradku waa dharaaro kooban, inta xabaasha lagu jirayaahi waa ammin dheer oo kumanaan gu’ gaadha in kastoo ay imminka joogidda ifku gabangabo ku dhawdahay, waa Aakhirona waa ma dhammaato oo lagama geeriyoodo, lagama gaboobo.

Jiritaanka nooluhu waa 4 heer oo kala ah uurka hooyada, adduunka, dalluunta ama barsaqa, iyo janno iyo naar midduu qofka ayaankiisu ku duwo oo ah halka ugu dambeysa oo lagu waari doono.

4-taa hal midoo kamid ah ayaa kanshe Laynoo siiyay inaanu shaqaysanno oo lama dhaafaanka Eebbe  ina faray gudanno,samo-falka iyo tabacu waa inoo ekoonyahay, waana ifka oo intaanu joogno oo aanu wanaag iyo xumaanba dhitaysan karo.

Haddaba waxaa habboon inaanu maalmahan yaroo aanu joogno dunida ka sahay qaadanno  oo aanu wax kastoo Raalli-gelinaya ku dadaalno, gefafka iyo falalka gurracanoo hadhowto beegga xumaanta inagu kordhin doonana ka feejignaano.

Foog walboo aanu soo toosno waxaa feecan inaanu go’aan ku gaadhno inaanu dharaartaas oo dhan wax togan oo wax inoo taraya isku howlno, tillaabooyinka aayo-xumada horseedana ka dhowrsanno oo goortaa gudbaysa aanu samaan ku sagootinno, falkasoo sirgicanna ka sariigganno.

Waxyaabaha halista ah oo aanu sida maalin lahaa  u samayno waxaa kamida: xanta, beenta, qiyaanada, isku dirka, qooraansiga dadka aan eegisdoodu banaanayn lab iyo dhedig kay rabaanba ha ahaadeene, caay iyo nabidda, salaada oo xilligooda la dhaafiyo, waxyaaba aanu cunayno oo aynaan xalaal ahaantooda u meel dayin, faafinta sirta qof inagu kalsoon, iwm.

Intaasoo dhami waa gefaf haddii aynu ka hakoon wayno nolosheenna iyo anshexeenaba burburin doona oo meel xun gaadhsiin doona, Aakhirona culeyska falalka taban inagu badan doona oo dhibaato baaxad leh inagu noqan doona.

Waa tii laga mahmaahayoo wixii tagey tiigsi malaha, balse aanu timaada hagaagsanno oo hab-dhaqankeena tifaf-tirno, falalkeena wixii wanaagsan ku jaan-goyno, wixii iska ku tiri ku teen ah oo aan dheef lahaynna iska dayno.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaal dageysa sanad-guurada 59-aad

Wakaaladahaa wararka waa hey’addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana kamid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida,- AFP, Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha

Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Sadex iyo tobankii  sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadii  dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay  u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kaler ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa heshiis la gaaray Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Emarat-ka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo hawlo shaqo u jooga magaalada Abu dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta iskaashi dhanka milatariga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixaxday dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta.

Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

Iskashigan ayaa kor u qaadayaa awoodda difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtiraayo Dalka Soomaaliya.

  

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno muhiim ah uu kaga dhageystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran barnaamijyada Xukuumadda ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda warbixin ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee dhawaan la ansixiyey iyo kobaca dakhliga gudaha, iyadoo Baanka Dhexe uu soo jeediyay daabacaaadda Lacagta Shillin Soomaaliga, taasi oo ahmiyad gaar ah u leh dhaqaalaha dalka.
Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa isna kulanka ku soo bandhigay hindiseyaasha sharci ee la xiriira dhaqaalaha dalka oo gaaraya sagaal sharci, kuwaasi oo qaarkood Golaha Wasiirradu ansixiyay, loona gudbiyay Baarlamaanka, qaarna hadda gacanta lagu hayo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo shuruucdaasi ugu dambeyn bisha Maarso 2023.
Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey barnaamijyada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyadoo uu tilmaamay in guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug ay fududeeyeen isu socodka gaadiidka iyo bulshada, ayna muhiim tahay in la dayac tiro jidadka isku xira deegaannada la xorreeyay.
Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barrre ayaa faray Guddiyada heer Wasiir ee barnaamijyada Tiirka Dhaqaalaha ee Xukuumadda Dan-Qaran in ay dardar geliyaan fulinta qorsheyaasha laga sugayo sanadkan, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda horumarka, xasilloonida iyo amniga.
       

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan natiijo wanaagsan ku soo dhammaaday la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kuwait

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa kulan natiijo wanaagsan ku soo dhammaaday la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah. Labada mas’uul ayaa ka wada hadalnay iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, iyo arrimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Beenebeene ayaa dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, kuna socday Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al- Ahmed ku wareejiyay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Kuwait.

Wasiir Sheikh Salem ayaa guddoomay dhambaal qoraalka Madaxweynaha, kana mahadceliyay wada shaqaynta iyo xiriirka wanaagsna ee markasta ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Amb. Mohamed El-Amine Souef, La-taliyaha Dhanka Howlgalka Jeneraal Peter Omola Iyo Madaxa Siyaasadda ee ATMIS Mudane Babatunde Taiwo.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisa howl-galka nabad ilaalinta ATMIS kulankooda ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga goobta uu ka furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Sidoo kale madaxda ATMIS ayaa waxay soo dhaweeyeen shirka waxayna ballan qaadeen in in ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga.

   

MAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Jannaayo 04, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanta u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey.
DHAMMAAD

TIXANAHA SHEEKADA MAANO-FAAY (QEYBTA 22-AAD)

Hadalka iyo hawsha, wuxuu badin jiray hawsha. Gacantiisa wuu madax bannayn jiray.

Xornimo buuxduu siin jiray. Wuu u fasixi jiray in ay gabadha korkeeda ku faalasho. Tijaabo ka qaaddo, marba meeshii la macaata ku falaaddo, meeshii ka sii jiidatana uga sii rug doorsato.

Gacantiisu sida badan socdaalkeedaas sahanka ahi waxay ka bilowdaa sacabka gabadha ee soo xiga jirjirkiisa. Intuu sheeko macaan u saaro, ayuu labada sacab is duldhigaa, kiisa iyo keeda.

Hadday keeda la baxdo, wuxuu u qaataa digniin hore, iyo dayro bilawgeed. Hadday halkiisa u daysatana wuxuu u fasirtaa ‘waxba kama qabo’ markaasuu kiisa dhaqdhaqaajiyaa, labada sacab ciyaarsiis iyo dhoolatusad gaaban dhex mariyaa.

Waayirka korontada ee kobtaas ka dhashaa, marka uu labadaba korkooda diiriyo, dareemaanna in ay intii hore isaga dhow yihiin, ayuu sacabkiisu bilaabaa in uu gacanteeda kor u sii raaco, marka ay ka dhammaatana meelo kale oo istraatiiji ah uga sii gudbo, isagoo si xiisa leh u sii mushaaxaya.

Maxaddooyinka qaarkoodna ku sii nasanaya. Sacabkaas sahanka ahi socdaalkiisa kama soo laabto ilaa uu gabadha garbaheeda la soo wareego ee cududdeeda shishe soo cantoobiyo, jirkeedoo dhanna soo janjeeriyo.

Waxaa ku xigta daymo ilqabad leh iyo dhunkasho gaaban oo tijaabo ah. Haddii ay saaxiibteen intaas oo dhan ‘Haah’ uga jawaabto, wuxuu u ‘biisaa’ dhunkashooyinka gaagaaban ilaa ay isu baddelaan tii dheerayd ee la isla darandoorinayey; halkaasoo gabadhu ka bilowdo inay ‘hawsha’ wax ka qaybsato! Barbarkay ka baxdaa waa bakayla-qaleen! Gidaarkii qalada ee u dhaxeeyey halkaasuu ku dhalaalaa, sidii baraf qorrax la dhigay. Ninkii sidaas yeeli jiray, caawa wuxuu u muuqdaa si kale.

Waa kaas sida ‘jentel-maannimada’ ah u fadhiya, madixiina ku xanuunay siduu erayo u kala xulaayey, sheekooyin u allifayey, dunta afkeedii u raadinayey, marba shax hor leh u jeexayey, afkiisa iyo addinkiisaba u ilaalinayey, eraygii ka soo baxaba dib ugu miisaamayey, wajigiisa u maqaar saarayey, milicsigiisa u macaaninayey, keedana macnihiisa u akhrisanayey.

Sacabkiisii sahanka u bisa bisoon jiray, wuxuu amar adag ku siiyey in uusan habeenkaas dhufayskiisa ka bixin.

“Sahankii aad caawa Maana-Faay korkeeda ku aaddaa, wuxuu noqon doonaa shimbirtii dabka qaadday, ee buulkii hooyadeed gubtay, iyana ku gubatay,” ayuu ku waaniyey. Wuxuu qabey in nin kastaa gabar kasta ‘haye’ ka keeni karo, haddii uu garto sida la isula eegto erayga ku habboon, waqtiga ku habboon iyo meesha ku habboon.

Axmed isbeddel weyn ayaa habeenkaas ku dhacay. Isaga qudhiisu wuu isla yaabbanaa. Maxay ku akhrisay qoftaani? Maxay uga duwan tahay kuwii hore? Muxuu yahay xishoodka aan caadiga ahayn ee ay ku abuurtay? Maxay tahay qaddarintaan xad dhaafka ah ee cabsida u eg? Goormuu qaddarinta intaas le’eg siin jiray gabar uu shukaansi u hor fadhiyo? Goormuu ujeeddadiisa jidkaas dheer u soo mari jiray ee waqti isaga dhumin jirtay? Sow kii hablaha u yaraysan jiray sidii ilmo carruur ah oo uu ciyaarinayo.

Maxay tahay qoftaan uu kor u eegayo, sidii boqorad uu shaqaale u yahay, amarna ka sugaayo? Caawa isagii baa carruur isla noqday, arrintiisa la yaabban, ujeeddadiisuna u qeexanayn. Dhibaato kasta ha maree, dhab ahaan wuu ku guulaystay in uu Maana jawiga oggolaysiiyo, maskaxdeedana cabsidii badnayd ka saaro, inkastoo arrimaha uu kala hadlaayey ayan hoos uga gudbin sheeko guud iyo erayo maaweelis ah.

Marar badan bay erayadaas xiisaha leh ku illaaweysey dareenkii qalada iyo meesha cabsida leh ee ay fadhido. Laakiinse in yar kadibba intay soo gocatay kud isku dhahaysey, ee lahayd, “Yaakhey ma baxaynoo an waa daahaye?” Dhawr jeer la basan-basi. Marba saxanka loo baddel.

Markii dambase Axmed baa garab siiyey ee yiri, “Ina kiciya, Maana waa daahinnaye!” Maana-Faay orod bay ku kortay jaranjartii dheerayd ee gurigooda. Meesha ay cagta dhigayso, nalkiii ay ku arki lahayd in ay daarato way ka deg-degsatay. Mugdigii baa maja xaabiyey. Waqtigii ay dhaqaalaysanaysey iyo mid ka badanna ka dhumiyey.

In mar ka badan bay turunturrootay, kufidna ku sigatay. Nasiib bayse ku baxsatay. Markay kor sii aaddaba boodboodka wadnaheedu wuu laba jibbaarmayey, culayskeeduna wuu is dhimayey, siday iyada la ahayd. Markay albaabka ku sii dhawaataba, cabsidu way la soo cuslaanaysey. Haddaayey, markii ay buuqii Xamar-Weyne iyo xaafadihii ay tiqiin soo dhex gashay aad bay u rayraysay. Waxay ku faraxday khatartii Jungal ee ay ka soo samata baxday. Laakiinse markii gurigoodii u muuqday, ayay ku dhalatay cabsi tii hore ka weyn.

Waa markii ugu horreysey ee ay keligeed tobanka habeennimo ka timid meel aan la ogayn. Maxay ku hadli doontaa? Maxay isku daafici kartaa? Maxay ku marmarsootaa? Yaa ka rumeysanaya hadday ku andacooto, “Gabartii aan isku fasalka aheyn, duruustii aan la soo akhrisahaayey aa nala dheeraatay.” Shaki la’aan aabbe iyo hooyo saacaddaan way yaabban yihiin. Dariskana qayla dhaantii gaartay. Meel kasta “Maana-Faay yaa arkay?” baa la iswaydiinayaa. Alla ceeb badanaa, seen albaabka uga geli doonaa? Yaa i bitiya dabayl camal oo qolkayga dariishadda iga soo geliya. Alla Ilaahayow cawada lee i faki, dib dambe maba u nakhahaayiye! Ilaahayow indhahood iga sii jeedi, afkoodna iga xir, intiin ka moodaayo! Alla anigaayeey! Waa kanaa albaabkii jaa waa la xiray!” Markay iridkoodii ku soo dhawaatay bay soo taagtaagsatay.

Shanqartay iska ilaalinaysey. Albaabkii xirnaa bay is ag taagtay, iyadoo neefta isku celinaysa, wadnahana sacabka ku haysa, sidii iyadoo ka baqaysa in uu soo fara baxsado, feeruhuna celin kari waayaan. Markay in yar taagnayd ee neeftii soo ceshatay, ayay intay albaabkii ku soo dhawaatay dhabanka saartay.

Waxay is tiri, “Dadka buuqaya codkooda dhagayso.” Wax hadal ahba way maqli wayday. Meel yar oo albaabku ka jeexnaa bay isha saartay.

Mise daaraddii la fariisan jiray waaba cidla. Alla fiicanaa! Neeftii ku xirantay baa ka soo boodday. Indhaha iyo sacabbaday cirka u taagtay sidii iyadoo leh, “Nasiib badaniyaa!” Geesinnimadii soo gashay bay albaabkii gacan gadaal ka baqaysa tartiib ugu gargaraacday. Hooyadeed oo alaabtii fiidkii lagu casheeyey kala aruurinaysa, ayaa jikada ka tiri, “Yaa waaye? Yaah?” Mar labaad buu wadnaheedu bug soo yiri, inuu bannaanka u soo booday bay la noqotay. Sacab bay ku celisay. Jawaabtii bay la daahday. Dani waa seetee, mar dambay si miskiinnimo ah u tiri, “Ani waaye maama!” Yarkii Cumar, oo hooyadi ag taagnaa baa albaabkii ku orday, isagoo ku qaylinaaya, “Abbaay Maana. Abbaay Maana!” Aad buu walaashiis u jecel yahay iyana u jeceshahay, uguna roon tahay.

Intuu albaabkii fag siiyey buu lugaha isaga maray sidii uu waligi yeeli jiray. Iyana intay ku soo foorarsatay oo dhabannada ka dhunkatay, bay dhegta u saartay

 

la soco qeybta xigta

 

WQ MAXAMED DAAHIR AFRAH