SHEEKADII: DUKE IYO DABAGAALLE

bari baa waxaa saaxiibay; Duke, dafo, iyo dabagaalle, waxayna ku heshiiyeen inay wada qaraabtaan oo wax walba oo ay helaan wada cunaan, midbana uu maalin soo qaraabo.

Maalintii ugu horeysay dabagaalle ayaa qaraabtay oo asagoo digiri kalxamaha uga buuxdo soo laabtay, sidaas ayaana maalintaa digir looga dhargay.

Maalintii xegtay ayaa dafadii qaraab loo daray, waxay keentay walad hilib ah oo ay dad ka daftay, halkii ayaana lagu qamsaxsaday.

Maalintii 3-aad ayaa dukihii qaraab tagay, markaa buu ileen gacmo uu wax ku soo qaado malehee 1-xabboo masago ah dhuunta ku soo qaaday, meeshii ayuu keenay yadoo uu dabagaalihii maqanyahay, wuxuuna u dhiibay dafadii oo ku yiri “badarkaan inoo kari”.

intay xabaddii masagada ahayd labo qalbac u kala jabisay ayay digsi biyo ka buuxaan dabka la saartay, cabbaar markuu karsamayay ayay maagtay dhadhami inuu bislaaday iyo in kale markaa bay labadii qalbac mid laqday, waxayna tiri “in iin wali waa ceeriin”, mar labaad ayay hadana dhadhamisay oo qalbicii labaad cuntay , waxay tiri” markaan waa bislaaday”, markaa bay biyihii oo karkarsan tukihii u keentay.

Markuu arkay inay biyo kulul kaliya u keentay , ayuu xanaaqay oo dharbaaxyo dab ka kulul dafadii ku il iyo goon uga dhiftay.

Maalintii ayaana la sheegaa inay bilaabatay cadaawadda dafada iyo tukaha oo haatan haada isugu neceb.

Dulucda sheekada: waa hadaad rabto in wax feecan laguu kariyo wax feecan keenso oo ruuxa karinaya u dhiibo.

 

BARO 7-WAXYAABOOD OO MASEYRKA LA XIDHIIDHA

Waa maxey maseyr? Ma hubo aqoon balaadhana uma lihi macnaha ereyga maseyr hasa yeeshee waxaan si kooban isugu dayayaa in aan sharaxo maseyrku . Maseyr waa wax ku beeran qof kasta oo nool misana caqli leh, waa shey aan la tilmaami karin halka uu ruuxa kaga jiro, waa wax ku xidhan qofka sida uu wax u doonayo , jaceyl iyo necbaan labadaba wuu noqon karaa , shaqo, lacag, guri, horumar iyo kuwa kaloo badan hinaasaha wuu geli karaa.

Hadaba, waxaan kuu soo gudbinayaa toddoba waxyaabood oo maseyrka la xidhiidha

1- Noqo Qof Macquul Ah (Be Reasonable)

Ugu horeyn aan soo qaato qofka mar kasta hinaasa (maseyra) isku day in waxan aad ka hinaaseysaa uu yahay wax loo qaateen ah oo ku xidhan dhaqanka nuucaas ah. Laga yaabee in waxaan aad ka booday uu yahay wax aad iska sawiratay ee uu sheydaan kuu muunadeeyay.

Tixgeli in aad u baahan tahay waqti ah in aad si dhab ah u fahamto dhibaatada xagga ay kaa heysato.Waxaad u baahan tahay waqti qaar ka mid ah in la fahmo waxa ay dhibaatadu tahay.

Waxaa laga yaabaa in ay kugu qaadato dhawr saacadood ilaa dhawr maalmood fadlan qor oo ururi dhamaan waxyaabaha naftaadu diiday , hadii kale ma xukumi kartid dareenkaaga.

2- Ninkaaga Aamin (Trust Your Man)

Hadii aad qof dumar ah tahay oo aad Nin leedahay waxaa hubaal ah in hinaase uu kugu imanayo, waxaad noqoneysaa neerfis waxaa kugu badanaya xanaaqa

( cadhada ) waayo ma dooneysid in gabadh kale ay kula wadaagto ninkaada.waxaan odhan ku odhan lahaa waa dhab waa xaalad xun. Gabdhaha qaarkood waxay noqon karaan kuwo aad u firfircoon oo xataa erya raggooda.

In kastoo eey sababtaadu tahay maxuu dhinac kale u eegay ? hadana Isku day in aad diiradda saarto dhinaca wanaagsan ee dhibaatadaada. Su’aalahan naftaada weydii

1-Maxey gabadhan kale ninkaadu ku soo jiidatay ?

2- Ma waxaad tahay gabdh leh nin qurux oo soo jiidasho leh ?

3-Sideen ku ahay diinta ma ahay qof ku dabaqa nolosha oo dhan ?

4-Waa sidee hab dhaqanka guriga iyo dibadaba ?

Marka aad intaasi jawaabo sax ah u hesho Maskaxda ku hay in ay kaa caawin doonto boor iskajafid aad la timaaddo meelaha qaar oo aad ka caajistay waayo waxey dhisaan xidhiidh adag oo nabadgelyo waara lu eh gurigaada.Waa adag tahay in la xakameeyo nin waqtigaada oo dhan, sidaa darteed waa in aad is dejiso oo isaga ku kalsoon tahay. Hadiise sheekada tahay sadar muuqda su’aal ka dhan taasi meesha kuma jirto.

3- Aqoonso Kalsooni darada. (Identify non confedence)

Kiisaska la xidhiidha Hinaasaha waa kuwa ka bilowda kalsooni darrada , hadaad ku fekeryso ninkaada naago kale ayuu la heystaa ha ahaadaan kuwa hore ay isku yaqaaneen ama saaxiibo hore ahaayeen, ama aad isku aragto qof laga qurux badan yahay waxaad dareemeysaa hinaaso kugu sababi kara in aad isku buuqdo ama maskaxda wax kaa gaadhaan. Markasta oo aad dareento wax shaki kaa geliya ruuxaad jeceshay in meelo kale uu u janjeedho waa inaad heshaa isku kalsoonaan naftaada ah midna ha iloobin in qadarta wax kastaa ka horeeyaan rabina ninkaada uu afar u baneeyay waa hadii jagooyin kaa banaan yihiin. Taladeydu waa noqo qof aan koontaroolka ka lumin walaaca faraha badana aad iska deyso si degan u feker rabina talo saaro.

4- illow wixii tagey. (Forget the Past)

Marka xurguf dhex marto lamaane nolosha wadaagay ,waxaa haboon in aad loo qodqodin wixii tagay iyo wixii laga hishiiyay.

waayo xanuun horay u bogsooday ayey soo kicisaa, bini’aadamku wuxuu leeyahay memory (maskax wax keydisa ) mararka qaar waxyaabo xun ayaa ku keydsama ruuxana deg deg uma iloobo, hasa yeeshee waxaa habboon in texgelinteeda la eego casharna laga barto qaladaadka horay u dhacay ayna noqon wax soo noqnoqda sababtoo ah wixii lagu celceliyo ee xumaan ah raadkooda wuu sii muuqdaa ilaa mustaqbalka fog,

tusaale hadii aad qiyaano horey u sameysay ama laguugu sameeyay dib ha u eegin yeelo hiigsi fog iyo marxalada aad markaasi ku jirto kuna dadaal sidii aad u maareyn laheyd.

5-Isla jooga waqti badan ( spend more time )
Waxaa jira waxyaabo badan oo labada isqabta aynaan u suura gelin waqti badan in ay ku bixiyaan sababtoo u ah xaaladaha qaarkood.

Tusaale ahaan, in aad shaqayso saacado badan oo aad guriga timaaddo xili danbe amaba magaalo kale aad ka haysato shaqo u baahan waqti badan.

Ahaanshahaasi darteedna aadan awoodin in midba midka kale inta badan si gaar ah u sheekystaan. Taasna marka dhalinyaro la yahay uma fiicna Sida caadiga ah ,shakiga hinaasahuna waa xiliyada uu soo shaac baxo sababta ugu weyn ee dhalisaana waa is faham daro.

hadaba maxaad sameyn kartaa ? In kasta oo aad Mashquul ku tahay shaqada hadana waa lagaga maarmaan in mararka qaar aad samayso, isku day ah in aad waqti la qaadatid xaaskaaga/ninkaaga . Si aad u muujiso jacayl iyo farxad ogow taasi waxey wanaajin doonaa xidhiidhkiina.

6-Godka Baraha warbaahinta Bulshada ( Ditch social media )

Waxaa laga yaabaa codadka xoogga iyo layaabka leh ee loo adeegsado warbaahinta bulshada in ay noqoto isha ugu balaadhan ee Hinaasaha, warbaahinta qaar ayaa si aan ka fiirsasho laheyn u sameeya sheekooyin mala awaal ah kuwaa oo had iyo jeer ka shaki siiya dadka wada howlgalayaasha ee xidhiidhka ka dhaxeeya.

Hadaba si looga fogaado dhibaatooyin fara badan iyo iskhilaaf soo kala dhex gala lamaanaha waxaa haboon in qiyaali loo fahmo sheekooyinka beenta ah ee habka jiliinka loo sameeyo ee warbaahinta qaar ka baxa, hadii dhinac kale laga eegana waxaa la yidhaahdaa jaceylka labada ruux qeyb ayey ka qaadataa laakiin aniga taasi ma hubo.

7- Xaqiijinta xaalada ( Clarify the Situation )

Xaalada walaaca ,Maskax cadaadiska ku dhaca ruuxa bini’aadamka ah iyo isfaham la’aanta ayaa qeyb ka ah in hinaaso uu yimaado , hadii xaaskaaga/ninkaaga aad jigraar kala kalunto waxaa lagaga maarmaan ah in la wada hadlo si loo xalilo dhibaatada iyadoo si cad oo qeexayo loona lafa gurayo arimaha taagan ee leysku mari la’yahay , muhiim ma’aha in labada ruux ee is qaba midkood uu werwer ku jiro .

Haddii aad si joogto ah u aragto in si qaab daran uu u dhaqmayo ninkaada/xaaskaada ama aad aragto calaamado qish ah, waxaa lagama maarmaan ah inaad ka hadasho dhibaatada qofka aad nolosha la wadaagto .

Gebogebadii waxaan jeclaan lahaa in aan idhaahdo, masayr waa mid ka mid ah waxyaabaha burburiya Xidhiidhka , gaar ahaan qoyska ama kuwa dhabaha u xaadhaya u yagleelida qoys cusub.

haddii aad dareento tani ogow waa la koontarooli karaa. Sidaas darteed, waa in aad barataa sida loo maareeyo caadifadda iyo dareenka.

Xasuusnow in samir iyo dulqaad loo baahan yahay, maleyso in hortaa waxani jiri jireen. Ha noqon qof wax kasta ka shakiya hana isku dayin in aad koontaroosho seygaada ama xaaskaada .noqo qof kalsoonida leh , Aamin tallana saaro Allah kuna dadaal samirka horaa loo yidhi qof sabraa sad leh .

Siciid xagaa Afrax

Journalist

SOOMAALIYA IYO CARABTA XIRIIR WALAALNIMO IYO GANACSI AYAA MIYAA KA DHAXEYN JIRAY?

Muddo Qarniyaala ah, ayaa xiriir Ganacsi iyo Islaannimo ka dhaxeeysay, Soomaalidii hore iyo Carabtii degganeyd Xijaas, Arla Shaam iyo Yemen. Soomaaliya oo waagaas la oran jiray: Dhulkii Udgoonka iyo Beeyada, ayaa xeebaha dalka ku soo xiran jiray ganacsatada Carabeed, marka laga reebo Shiinaha, Hindiya, Turkiga, Burtaqiiska iyo Sinsibaar.

Waxaa waddamada Carabta kala dhaxeeyay Soomaaliya isdhaafsiga Alaabta, Xaadaarad iyo Waxbarasho dhanka Diinta Islaamka.

Sida la ogyahay Soomaaliya waxay wax u dhoofin jirtay Dalalka kala ah: Yemen, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Saldanada Cumaan sida Xoolaha nool, Fooxa iyo Muuska, oo Soomaaliya Hodon iyo caanba ku ahayd.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Jaamacadda Carabta 70 sano muddo laga joogo, taasoo muujineysa sida aad ah ay iskugu dhawaayeen waddamadaasi.

Boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaallaan Goobaha Barakeysan ay muslimku ku hirto, sida Masjidul Xaramka iyo Masjidka Nebiga (Scw) halkaas. Muslimiinta sannad u tagaan gudashada waajibaadka xajka, tan iyo bur-burkii Soomaalidu si dadban bay waddamadaas khaliijka Carabta, Masar, Liibiya, u fidin jireen dadka Soomaalida gar-gaar Dibolomaasiyadeed iyo weliba mid Aadanimo.

Soomaaliya markasta waxay diiradda saareysay wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka.

Xilligaan Masar xiriirkii Dibolomaasiyadda ay ka jareen carabta. Waddanka Soomaaliya Dowladdii dhexe ee ka talin jirtay dalka waxaa ay arrintaasi ka istaagtay Mowqif Dhex-dhexaad ah.

Haddaba, Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa qaadatay Mowqif la mid ah kii waagaasi jiray, markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xariirka u jareen Dowladda Qatar, taasoo micnaheedu yahay in ay noo siman yihiin, Ogow risqigaaga Alle Subxaanah Watacaalaa ayaa bixiya.

Khilaaf kasta oo soo kala dhexgala Waddammada Carbeed ma ahaan jirin mid cadowtinimo qoto-dheer ku qotonta balse, 10-kii, Sano ee u dambeysay waxaa is bedel xoog leh ku yimid habkii Dibolomaasiyadda dalalkaasi iyo xiriirkii Siyaasadda taasoo loo aaneyn karo saameyntii dagaalkii qaboobaa ee bariga iyo reer galbeedka iyo siyaasaadda cusub ee Maraykanku kula dhaqmay Carabta iyo islaamka.

Arrintaasi, si kastaba ha ahaatee wax walba waa laga heshiin doonaa in kastoo xaalku yahay xilliyadaan mid cakiran oo muran badan dhaliyay, haddana kolleyba dib baa leysugu soo noqon xeyndaabka xiriirka dibolomaasiyadda iyo kan Gobolka kol ay ahaataba.

Waxaan u rajeyneynaa Xiriirka Carabta iyo Islaamku inuu uu noqdo mid Walaaltinimo iyo Islaannimo dhab ah ku qotoma mustaqbalka dhow.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

SIDEEN KAGA FAA’IIDAYSAN KARNAA DALAGA BEERAHEENNA.

Dhawaan waxaan socdaal gaaban ku tagey deegaanno hoos taga magaalooyinka balcad iyo af-gooye oo tabcashada beeraha aad ugu wanaagsan,  dhammaan jaadadka kala duwan ee dalagyadana lagu beeri karo.

Waxaan soo arkay dhul cosob ah iyo carro dihan oo xilli walba la tabcan karo, baahida iyo saboolnimada 50 kii sanadoodoo ugu dambaysay astaanta iyo summadda inoo noqdayna ayaanu isaga reebi karno.

Waxaan dhex galay beero wabiga jiinkiisa ku teedsan oo qudaar caynba cayn ah ihi ka buuxdo, qofkii arkaahina aanu janno fardowso mooyee meeshani waa goob aduunka kamida sinaba u rumaysan karin.

Wax walboo maankayga ku soo dhacay ama aan suuraysan karayba hortayda iyo hareerahayga ayaan ka milicsaday, gaajo iyo harraadna waanu is macasalaamaynay.

Tayasho iyo xog-wareysi ayaan la abbaaray dad fara ku tiris ah oo aanu agagaarta beeraha ku kulanay, waxayna ii sheegeen war yaab iyo qaadan waa igu noqday.

Waxay iiga tibix siiyeen in deegaanka wax walba lagu beeri karo, fasal kastana ay dalagyo boqolaal jaad ihi ka soo go’aan oo magaalooyinka loo daabulo.

Nasiib-darro dadka aan la kulmay badankooda waxaa iiga muuqatay inaanay la dhacsanayn sii wadidda tabcashadu oo waxay qaar u hanqal-taagayeen nolosha fadhiidkaa ee magaalooyinka iyo kaba sii darane midda bah-dilkaa ee qurbaha.

Waxaan foolashooda ka dheehday inay wax ka maqan u hundhurayaan oo aanay barwaaqada iyo bayddiga eebbe siiyay si buuxda ugu qanacsanayn.

Qaar baa ku leh beerahan waxba kuma haynee magaalooyinka ayaanu u guuraynaa si aanu carruurta wax-barasho u geysanno anaguna aanu uga xoogsanno oo nolol maalmeed uga raadsanno, balse dadku sidaa ma wada aha oo qaar iimaan lihi way jiraan.

Haddaba barwaaqada dalkeena rabbi ku manaystay ee aanu maanta arki la’nahay oo ka faa’iidaysan la’nahay xillimaanu u baxsan doonnaa waa weydiin aan dubaaq walboo fayow u bandhigayo, war-celin wax ku ool ahna ka idayo.

Laso qeyb labaad ee qormadan ka mid ah.

WQ: Abwaan Hareeri 

MAXAAD KA TAQAANA SUUFKA IYO SIDA LOOGA GANACSADO?

Haddaba, Dadkii hore ee dunidan ku noolaan jiray, waxay dharka ka sameysan jireen Caleemo, Cows, Mayrax, Maqaarka iyo Hargaha Xoolaha. Ka dib waxay dadkii barteen sida dhar looga sameysan lahaa Miiqyada Dunta ee Cudbiga ama Suufka iyo Xariirta.

Maanta waxaa dharka laga sameeyaa Dun dhar sameeye ah oo loo yaqaanno “Sintetik”, waxaana ka mid ah Nayloonka iyo Teteroonka, dharkan macmalka ah, waxaa sameeya Warshad, laakiin dharkii hore gacanta ayaa lagu sameyn jiray, welina hadda waa la sameeyaa, waxaana loo yaqaan “Dharka Aliindiga” Noocyada Miiqleyda ee dharka laga sameeyo waa:

1-Cudbiga (Suuf) la beero  2- Dhagorta Xoolaha 3- Xariirta, oo ah miiq uu sameeyo tixri. 4- Miiqleyda dadku sameeyo ee loo yaqaanno Nayloonka iyo weliba Tetroonka Beerista Cudbiga: Cudbigu wuxuu ka mid yahay geedaha Miiqleyda oo dabiici ah, dharka laga sameeyo Cudbiga wuxuu celiyaa dhaxanta xilliga kuleylahana jirka kuma dhego.

Cudbiga waxaa laga sameeyaa Miiqyo kala duwan oo laga dhigo dhar la xirto. Dhirirka geedka cudbiga ah wuxuu gaaraa mitir iyo Bar (1.5m) ka hor inta aanuu u baxeysan geedku, wuxuu marka hore bixiyaa buruq la yiraahdo “kubbad” waxaa ku dhex jira miro mad madoow, waxaana ku daboolan cudbi cad cad ama sida badaanab loo yaqaanno Suuf kaasoo laga sameeyo miiqyada dunta.

Cudbiga waxaa loo qeybiyaa midba inta dhererkiisu la egyahay, marka cudbiga la kala jiido haddii dhererkiisu ka yar yahay 3 senti mitir (3cm) Waxaa la yiraahdaa waa dun gaab, haddiise dhererkiisu 3cm ka badan yahay waxaa la yiraahdaa waa Dun dheer.

Cudbiga Dun dheeraha ah waxaa laga sameeyaa dhar wanaagsan, hase yeeshee Cudbiga ugu badan ee dunida laga beero waa Dungaab. Xaaladaha uu ku baxo geedka Cudbiga waa sidan soo socota: 1- Roob gaaraya (500 mm) ilaa (1000 mm) ama waraab u dhigma xilliga uu baxayo, wuxuuna u baahan yahay Roob ama Waraabin ku filan.

2- Wuxuu ku baxaa (200) maalmood iyo heer-kul gaaraya ilaa (21 Cg) oo aan baraf ku dhicin. 3- Qorrax kulul xilliga ubaxa uu bixinaayo iyo marka buruqda furmeyso amaba ay dillaaceyso. 4- Xilli qallalan oo lagu gooyo Cudbiga 5- Carro hodan ah ama Carro san oo qoto dheer oo ay ku jiraan maadooyin badan oo Orgaanik ah.

6- Shaqaale ku filan xilliga ururinta iyo goynta Cudbiga. Dalka Mareykanka ayaa ugu Horreeya beerista Cudbiga waxaana laga beeraa gobolka Koonfurta Bari ee Mareykanka, waxaa gobolkan lagu magacaabaa “Diilinta Cudbiga”, waxayna fidsan tahay laga soo billaabo Koonfurta gobolka Karolina ilaa gobolka Taksas iyo galbeedka webiga Missisibi.

Dalalka kale ee soo saara Cudbiga waxaa ka mid ah, qaar ka tirsan Qaaradaha Yurub, Hindiya, Bakistaan, Shiinaha, Masar, Meksiko iyo Baraasiil. Dunta Xariirta ah: Xaariirtu waa Dun ama Miiq uu sameeyo Tixri lagu magacaabo “Silki” marka Tirxigu uu ku jiro xilliga uu yar yahay ee meerto-nololeedkiisa ayuu afka ka soo saaraa Dun xariir ah, oo gaareysa hal kiiloo mitir (1km) ka dibna duntaasi xariirta ah ayaa si taxaddar leh loo duuduubaa.

Tirxiga sameeya xariirta waxaa la siiyaa caleenta geedka Malberry ama Tuut. Tirxigan sameeya xariirta wuxuu ku kooban yahay meelaha uu ka baxo geedka Tuut, waana dhulka leh Cimmillada Badda Cad ee Dhexe, meelahaasi oo waqtiyada jiilaalku gaaban yahay.

Xagaagu waa kuleyl, waxaana uu leeyahay roob sannadeed gaaray (500 mm) si loo uruuriyo xariirta, shaqada ugu horreysa ee la qabto waa in dib loo furfuro duuduubyada xariirta, waxaana lagu furfuraa gacanta ama mashiin.

Marka warshadda la geeyo miiqyada jilicsan ee xariirta ayaa dib la isugu soohaa dhowrkii miiq si ay u xoogeysto oo aanay u go’in marka dharka laga sameynayo. Halkii duub ee xariir ah dhererkiisu yahay 1km, marka warshaddu isku sahdoi, wuxuu noqdaa 450 mitir, oo ah xariir tayo leh ama 1320 mitir, oo ah xariir aan tayo lahayn, oo marka u dameysa la lsoo saaro, ka dibna waxaa laga sameeyaa dhar qurux badan oo xariir ah.

Dalka shiinaha iyo jabbaan waa dalalka ugu horreeya ee soo saara xariirta dunida. Wax soo-saarka xariirta ee dalka shiinaha, waxay ku kooban tahay gobollada tirada dadku ku badan yahay ee ku dhow magaalooyinka konton, shan tung, iyo bannaanado waqooyiga shiinaha ee u dhow magaalada warshadaha ee shagahay.

Waxaa kaloo xariirta laga soo saaraa waqooyiga isbeyn iyo bariga badda dhexe iyo sidoo kale dalka tayland.. Miiqda Xoolaha: Dhorota Xoolaha, waa miiqleydii ugu horreysay ee aadamigu dharka ka sameysan jiray, gaar ahaan dalalka ku yaal cimilo dhexdhexaad, Nooca dhogorta, xooggeeda iyo dhererkeeda, wuxuu ku xiran yahay nooca idaha laga soo jaray dhogorta laga soo saaro dunida , waxay ka timaadaa qaaradaha koonfurta, waxaana ugu wax soo saar badan dalalka Mangooliya iyo Ostraaliya.

WQ: Dr. Maxamed Isaaq Mursal

XORAYNTII AADAN YABAAL WAXAY HALBEEG U TAHAY GUUSHA LAGA GAARAY DAGAALKA LAGULA JIRO KHAWAARIIJTA. (WARBIXIN).

Dhawaan waxaa deegaannada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ka bilowday safaro ay gobolada iyo degmooyinka maamulkaas isaga kala gooshayaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya, Ra’iisul wasaraaha Xukuummadda Federaalka iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Madaxda ayaa waxay safaradooda kaga soo kala baxeen Magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Jowhar, kuwaasi oo safar dhulka ah ku soo maray deegaanno badan  oo dib looga xoreeyay Malaashiyaadka Kooxda Khawaarijta, iyagoo bar kulankoodu ahaa Degmada Aaden Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, ahna Xaruntii ugu weynad ee kooxda khawaarijta u ahayd Saldhiga gobolka Shabeellaha dhexe iyadoo madaxdu halkaas shirar ku wada qaateen xilliyo kala duwan, tan iyo markii guusha laga gaaray Kooxdii caburinta iyo baadda ku haysay Deeganada laga xoreeyey Khawaariijta.

Mas’uuliyiinta safarka dhulka soo maray keliya kuma koobna inta aan xagga sare kusoo xusnay balse waxa iyagu a dhankooda safaro ku tegay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Xoogga Dalka, Guddoomiyaasha Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Taariikhda Degmadda Aadan Yabaal:

Hadaan soo qaadanno  taariikhda Degmada Aaden yabaal oo kooban:- Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan degmooyin gobolka Sh.

Dhexe, waxayna ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee ku yaala shabeellada dhexe, degmadaani waxay leedahay taariikh dheer oo soo jireen ah, waxaa ku yaalla ceel ciid oo ka mid ah ceelashii ay ajuuraankii qodeen, balse duugoobay oo ciid uun laga saaray.

Magaaladaan waxaa ka mid aheyd dhulalkii boqortooyadii Reer Yacquub ee xukumayay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxayna Magaalada Jowhar u jirtaa 90-km.

Degmadani waxaa lagu xasuustaa hal heysyo badan, waxaana ka soo qaadan karnaa AADEN YABAAL U SOO AROOR, ABAALNA KUUMA ERGANEE, waxaa kaloo ka mid ah waa la Aaden Yabaaleey, taasoo loola jeedo waa la musuqmaasuqay, waxa xusid mudan Degamaddani waa Xarun ganacsi oo isku xirta Gobolada dalka.

Safaradda madaxda iyo muhiimadda ay leeyihiin:

Safarka Madaxda ayaa ujeedkoodu ahaa in la muujiyo isku furaanta Deegaanaddii kala xirnaa, oo ay go’doomiyeen Kooxdii Arxanka darrad ee Khaawaarijta, la iskuna wareystay halka looga sii jiheysan lahaa, waxaa kaloo ka mid ah muhiimadda safarka in la dhiirigaliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa Deegaanka ee xaq ku dirirka ah iyo in shacabka loogu bishaareeyo inay u timid Dowladdoodii, lana soo gaarsiin doono adeegyada aasaasiga u ah nolosha, maadaama aysan hadda ka jirin adeegayo ku filan, iyadoo Madaxweyne Xasan sheekh amray in deg deg loo hawl geliyo ceelashii biyaha oo khawaarijtu kala baxday bambooyinkii biyaha lagaga cabi jiray iyadoo dhammaan dib loo hawlgeliyey Ceelashii biyaha laga cabi jiray.

Degmada Aaden Yabaal ayaa noqon doonta xaruunta bar-kulanka ee looga sii dhaqaaqo Gobolada kale sida Galguduud iyo Mudug, waxaana Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa xoreynta Deegaanada ay dhawaan la wareegeen Deegaanno kale oo hoos yimaada Degmada Aaden Yabaal, waxaana ka mid ah Deegaanka Alkawthar, waxaana dhawaan dib lagula wareegi doonaa Degmada Ruun-nirgood, taaso oo ka dhiman Degmooyinka Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale waxaa la filaa in Adeegyada asaasiga u ah noolaha laga hirgalin doono Deegaanada laga  xoreeyay kooxda Khawaarijta, sidaasi awgeed ayuu Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin kuwaas oo ay ugu horreeyaan adeeg caafimaad, saldhig Booliiska, Waxbarasho, habeynta Ceelasha Biyaha.

Safarka Ra’iisul wasaaraha:

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda federaalka Soomaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmadda Aadan yabaal iyadoo halkaas ay kusoo dhoweeyeen Dadweynaha degmadda, mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha dhexe iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle, Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaybaha bulshadda ee kala duwan isagoo si gaar ah ugu kuur geli doona xaaladda nololeed ee dadweynaha.

SONNA Editorial.

MADAXDA DALKA WEEY KU QANCEEN GUULAHA ISDABA JOOGGA AH EE AY SOO HOOYEEN CIIDAMADA XOOGGA DALKA

Bilooyinkii ugu dambeeyay, waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Khawaariijta, iyagoo waayay maleeshiyaad badan oo si qalad ah loo fahamsiiyay aragtida saliimka ah ee aasaaska u ah diinta islaamka.

Dagaalladii u dambeeyay ee lala galay kooxaha khawaarijta, waxa ay sababeen in argagixisada lagu laayo goobo badan, isla markaana ay la kulmaan dhimasho, dhaawacyo iyo in la qab qabto tiro badan oo maxaabiis ah.

Guulahaas wax ku oolka ah ee lagu jabiyay maleeshiyaadka nabad-diidka ah, waxaa sababay ama ay ku yimaadeen dadaalka wada jirka ah ee ay ku dhaqaaqeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Maamul gobolleedyada dalka shacabka iyo ciidmmada xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa  Ciidammada Qalabka sida ugu hambalyeeyay guulaha isdabajoogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay SH/Dhexe,

Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in  kooxaha khawaariijta laga saaro gabi ahaan dalka, waxayna kula dardaarmeen ciidammada iyo kuwa deegaanka in la sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maanta waxaan aragnaa argagixiso la jebiyey, kuwa la dilay, kuwa dhaawac ahaan loo qabtay oo la daaweynayo, kuwa nolosha lagu soo qabtay oo maxkamadda ciidamada iyo garsoorka loo sii wado), kuwa firxad ah oo xabadda lala dabajoogo, wiilal soomaaliyeed oo si diiran u dagaalamaya iyo madax Soomaaliyeed oo dhiirigelineysa dagaalada ka dhanka ah khawaarijta.

Waxaan aaminsan nahay in la joogo waqtigii ugu dambeeyay ee dhagaheynu ay maqli lahaayeen dhamaadka kooxda arxanka daran ee khawaariijta, maadaama illaa hadda laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay ku sugnaayeen in ku dhow 15 sano.

Cid waloow ka qeyb qaadato ka hortagga fikirka qaldan iyo ficillada guracan ee argagixisada, si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka.

SONNA

CADOWGA GUDUHA MUXUU KAGA DUWAN YAHAY KAN DIBADDA?

Cadowga dibaddu waa mid kaa soo weerara cir, bad iyo dhul oo aad wadaagtaan waxaana idinka dhexeeya xafiiltan ku saabsan xaduudaha waana mid u baahan in isha lagu hayo si aan loo soo gelin dhulka aad sharciga u leedahay.

waana mid adduunkoo dhan ay isku tixgeliyaan waxayna dowlad kasta xaq u leedahay in ay iska difaacdo cadow kasta oo soo damaaciya geyigeeda kaasna waxaa la yiraahdaa cadowga dibadda laakiin cadowga gudaha waa mid laga abuuray siyaadda dibadda ka dhashay gudaha dalka wuxuuna ka Qatar badan yahay cadowga xudduudaha ka yimaada boqolkiiba   boqol.

waxayna dhibaateeyaan abniga iyo ganacsiga iyo wax kastoo ku saabsan nolosha iyo guud ahaan  arrimaha bulshada dhibaatooyinka cadowga  arrimaha gudaha ma ahan kuwo sahal lagu xallinkaro waxayna u baahan yihiin tashi adag iyo tabaabushe dheer iyo diyaar garoow qaabka wax looga qaban lahaa arrimaha murugsan ee ka jira gudaha dalkaaga kaddib markii lagu dayo wada hadallo iyo heshiis loogana quusto talo iyo walaalnimo.

waxaa furan in laga qaato aragti mideysan mar haddii aysan ummaddooda wax wax dan ah u hayn dhibaatooyinka cadowga gudaha waxaa gabaabsi noqonaya ama istaagaya hurumarka dalka oo dhan sida wax soosaarka dalagga beeraha iyo xoolaha la dhaqdo  waxa kale oo istaagaya wax barashada safarrada iyo dib u dhiska dalka waxaa buraya waddooyinka iyo is dhexmarka bulshada  iyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Sidaas awadeed cadowga gudahu wuu ka halis badan yahay cadowga dibadda waayo wuxuu qayabiyaa bulshada ay kasoo jeedaan waxayna abuuraan kala qax iyo dagaallo gudaha ka dhaca ummadda isku danta ah oo aan sinaba u kala maarmin halkaasna waxaa ka dhaca in lawaayo noloshii bulshada oo isku tiirsanayd.

waayo nolosha bulshadu waa mid isku aan sinaba u kala maarmin marka  la eego safarrada iyo ganacsiga waaweyn  arrimaha daaqa iyo guuraaga haddaba soomaaliya waxaa haysatay muddo colaad laga abuuray dibadda oo loogu keenay diyaaradaha iyo maraakiibta taasoo burburisay noloshii dadka soomaliyeed una diiday in la dhiso qaran awood leh haddaba marka la is barbardhigo colaadda iyo midda gudaha waxa aad iyo aad u dhibaato badan colaadda laga abuuro gudaha dalka waayo tan dibadda dadkaagu isku meel ayey wax ka arkayaan wayna sahalan tahay sida ay isaga caabbiyaan dadkaagu laakiin markii middidu calool ku tagto qatarteeda ayey leedahay.

waxaana sahlan sda lagaaga ka xeysto bulshada inta wax magaratada ah lookala jaro ururro iyo kooxo mid mid uu  taageersan yahay waxaan dhaceysa in wiil iyo aabbehiis in ay dagaal isaga hor yimaadaan ayagoo feker kala duwan ay xambaarsan yihiin laakiin dagaalka dibaddu waa ka duwan yahay sidaas oo waa mid caalamka iyo dowladaha aad xuduudda wadaagtaan ee kugu mersan xagga badda cirka iyo dhulka wuxuuna leeyahay qaab la isaga difaaco.

wuxuuna leeyahay xudduudo la aqoonsan yahay oo ciddii kusoo xedgudubta gardarrada la saarayo waxaana sharci ah in ummaddaasi lasoo weeraray Iska difaacdo cadowga gardarada kusoo doontay ayagoo waxba kala harin waana mid ay xaq u leeyihiin  ummad kasta oo adduunka ku nool in ay iska difaacaan cadowga gudaha iyo kan  dibadda.

intaba waayo xornimada adduunka lagu raaxeysanayo laguma soo helin baryo iyo dawarsi amase walaaloow waxayga ii daa ee dad waddaniyiin ah ayaa nafta iyo maalka u huray sidaas awadeed waxaa wanaagsan in aad dib u fiiriso halgankii aysoo mareen geesiyaashi S Y L sidii ay cadowga gudaha iyo kan dibaddaba ay  libta guushaba uga keenen.

cadowga guduhu wuxuu in badan ka Qatar badan yahay cadowga dibadda midka  waxaana looga adkaankaraa midnimo iyo iskaashi iyo walaalnimo si ay gudbaan isagana  celiyaan coladda lasoo xawilay oo mudada dheer ay la daalaa dhaceyso ummadda muslinka ah ee soomaaliyeed wuxuuna abwaankii dhashaadeysugtaa ceebti aad dhowrataa abide,

WQ: Abwaan Gabayre

MAXAA KU DHACAY BAAL WEYNTII SOOMAALIYEED (SHILINKII SOOMAALIGA)

Shilinka Soomaaliga waxa lagu dhawaaqay ama la hirgaliyay sanadkii 1921- dii xilligaasi oo gumeystihii Ingiriisku uu meel mariyay gaar ahaan gobolada Waqooyi uu ka talinayay, laakiin si rasmi ah waxaa loo qarameeyey 15-kii Bishii December 1962-dii.

Xilligaasi Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu daabacay lacag xaanshi ah ( warqad ah) oo ka kooban 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin iyo 100 shilin.

Isbadalkii labaad waxaa shilin Soomaaliga lagu sameeyey 1975-tii iyo 1979-kii xiligaasi oo mar kale dib loo soo daabacay ama loo cusbooneysiiyey lacagtii hore.

Balse sanadkii 1983-dii ayaa la daabacay 50 shilin oo warqad ah ama (xaanshi ah,) iyada oo 1989-kiina la daabacay 500 shilin markii ugu horeysey.

Sanadkii 1990-kii ayaa la daabacay lacagta kunka shilin ee soomaaliga isku taala ama halka warqad ah waxayna noqotey tirsigii ugu badnaa ee shilinka soomaaliga ah ee la soo daaboco taariikhda.

Tan iyo burburkii dowladii dhexe, Bangiga dhexe ee soomaaliya ma uusan soo saarin wax lacag cusub oo shilin soomaali ah,wixii ka dambeeyay xiligasi lacagtii shilinka soomaaliga ahaa si ayar aayar ah ayuu suuqa uga baxayay.

Sanadkii 2000 waxaa dibadda lagu soo sameeyay ama lagu soo daabacay lacag shilin soomaali oo cusub oo ka kooban 1000 shilin iyo 500,waxaana meesha ka baxay lacagihii shilinka, 20, 50 iyo 100,in kastoo qaar ka mid ah gobolada qaarkood ay wali isticmalaan lacagahaasi,balse laga joojiyay 2011-dii. 500-tii boqol ee shilinka soomaliga ahayd ayaa la joojiyay isticlaamkeeda wixii ka dambeeyay 2001-ilaa 2002,waxaa kasoo haray shilinkii soomaaliga ahaa isticmaalkiisa 1000-ka shilin oo kaligiisa ah.

Sharci ahaanshaha Lacagta 1000 kun shilin ayaa iyaduna dood ka taagan madaama uusan soo saarin lacagtaasi qaarkeed bangiga dhexe ee dalka, waayo waxaa jiray lacag fara badan oo been abuur ah oo ku milmay lacagtii 1000 ahayd, in kastoo hadana la isticlaamo oo aan wax doodi ah dadku aysan ka qabin,inkastoo gobollada qaar laga diido qadashada kunka shilin qaarkiis ee lagu daabaco ama lagu farsameeyo gudaha dalka.

Saamaynta ganaacsiga iyo ku tiirsanaanta lacagta Doolarka Mareykanka ayaa ah hadal haynta ugu badani ay tahay marka la soo hadal qaado shilin soomaaliga Qadka ka baxay ee uu ka nool yahay Kunka shilin ee tacbaanka ah.

Isbedelka sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha Ascaarta kala duwan ee suuqyada dalka waxaa saldhig u ah Doolar Mareykanka($USD) ,iyadoo mararka qaar ay sababtay Sicir Barabar iyo sare u kac dhinaca maciishadda.

Dadka bartay Cilmiga dhaqaalaha ayaa walwal ka muujinaya Dabar Go’a ku dhacay shilinka soomaaliga (Somali currency) iyo isticmaalka lacagta Doolar oo miyi iyo magaalaba ku tiirsan noloshooda.

Mushaaradka la siiyo shaqaalaha hay’adaha Dowliga ah iyo kuwa an Dowliga ahayn waa Doolar,waxbarshada laga soo bilaabo Dugsiyada ilaa iyo heer Jaamacadeed fiiga ama lacagta Bisha waxaa lagu bixiyaa Doolar, Adeegga asaasiga ah sida Biyaha,Korontada,Kirada Guryahay,waxaa la mid Goobaha caafimaadka waa Doolar,wax kasta waa Doolar, Markay intaasi joogto waxaa la is waydiin, soomaaliya ma gobol ka mid ah baa dalka Mareykanka? mise waa dal ku yaala Geeska Afrika oo Doolar lagu qasbay iney ku bedeshaan Lacagtooda shilinka ahayd, mise iyagaa doortay?.

Dowladihii soo maray dalka wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe,waxaa jiro hadal hayn iyo heshiis ku saabsan soo daabacidda shilin soomaali balse ilaa iyo hadda lama haayo,wax ka soo naasacaddaaday, iyadoo dad badani ay isu sheegayaan in isticmalka lacagta Doolarka Mareykanka ay meesha saartay baahida shilinka soomaaliga ah.

Haddaba maxaa hortaagan in la helo lacag shilin soomaali ah oo baddesha kunka shilin ee hadda la isticmaallo oo an wax sarif iyo lacago jabjab ah toona lahayn?.

WD:Dalka Journal

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗮𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya.