Wasiirka warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hey’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hey’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya , Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Wakiilka UNDP uga waramay dardar-gelinta hawlaha wacyigelinta ee wasaaraddu waddo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada , dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo xasilinta. Wasiirka ayaa intaa ku daray barnaamij hawleedka wasaaradda ee sannadkan ay ka mid yihiin in shacabka si toos ah oo furan looga warbixiyo waxqabdka dowladda, taasina ay xoojineyso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Wakiilka UNDP Mr Mason, ayaa dhinaciisa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Warfaafinta ay waddo ee dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay barnaamijyada UNDP ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaanna hawlaha wacyigelinta ee wasaaradda ay waddo,isagoo ballanqaadey Wakiilku in UNDP ay kaalinteeda kaga aaddan taageerada Soomaaliya sii xoojineyso.

Xukuumadda Seoul oo Pyongyang ugu hanjabtay inay hakineyso heshiiskii Military ee u dhaxeeyay labada dal

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeo, ayaa sheegay maanta oo Arbaca ah inuu ka fiirsan doono hakinta heshiiskii milatari ee labada dal ay gareen sanadkii 2018-ka, haddii Kuuriyada Waqooyi ay mar kale ku soo xadgudubto hawada dalkiisa.

Arrinkan ayaa yimid, Ka dib markii lagu wargeliyay Madaxweyne Yoon, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Waqooyi ay ku soo xad gudbeen hawadda dalkiisa usbuucii hore.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Yon hap, Madaxweyne Yoon, ayaa faray sarakiisha ciidamada Cirka ee Kuuriyada Koonfureed, inay jawaab celin ka bixiyaan haddii markale lagu soo xad gudbo hawada dalkiisa.

Xariirka labada Kuuriya ayaa ahaa mid aan wanaagsaneen muddo dheer, balse waxay xiisadda sii korartay markii Yoon, uu xafiiska la wareegay bishii May, markaasi oo uu ballan qaaday inuu go’aan adag ka qaadan doono heshiiska Pyongyang.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeo, ayaa amar ku siiyay Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Seoul, in uu bilaabo tallaabooyin deg-deg ah oo lagu horumarinaayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka, inta lagu jira sanadkan, kuwaas oo qabta hawlo badan oo ay ka mid yihiin ilaalinta hawada, sahaminta iyo ka qeyb galka dagaalka elektaroonigga ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay dadkii ku shahiiday qaraxii ka dhacay Maxaas.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Khawaarijtu ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

 

Wax ka badel lagu sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Farsamo ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu isbadel ku sameeyay xubno ka tirsan Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed isagoo magacaabay xubno cusub.

Gudoomiyaha ayaa laba xubnood oo horay ugu magacaabay guddgii hore ku badalay laba xunood oo kale.

Maraykanka oo sheegay inuu ka walaacsan yahay booqashada wasiirka Amniga Israel ku tegay Masjid Al-Aqsa

Washington (Wargeyska) Maraykanka ayaa aad uga walaacsan talaabadii uu talaadadii Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvi ku tagay dhismaha Masjidka Al-Aqsa isagoo sheegay in ay xiisad kicin karto. “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ficil kasta oo hal dhinac ah oo awood u leh inay sii xumeeyaan xiisadda si sax ah sababtoo ah waxaan rabnaa inaan aragno taas caksigeeda,” afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Ned Price ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Waxaan ku baaqaynaa in xiisadaha la dhimo,Waxaan rabnaa inaan aragno xiisadaha oo sii yaraanaya,” ayuu yidhi. “Mareykanku wuxuu si adag ugu taagan yahay ilaalinta xaaladda taariikhiga ah ee ku saabsan goobaha barakeysan ayuu yiri afhayeen Ned Price.

Israa’iil ayaa qabsatay bariga Quddus intii uu socday dagaalkii dhex maray Israel iyo Carabta sanaddihii 1967 ilaa 1980 oo ay ugu dambayn si weyn isugu fidisay magaaladda Qudus.

Ciidamada Ruushka oo sheegay inay burburiyeen Madafiicdii uu Mareykanka ugu deeqay Ukraine

Af-hayeenka Wasaaradda Difaaca Ruushkaa, Igor Konashenkov oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay burburiyeen Laba difaac oo madaafiicda Goobta ah, nooca lagu farsameeyey Maraykanka ee loo yaqaanno HIMARS, kuwaasi oo qeyb ka ah Gantaalada loogu deeqay Ciiddanka Ukraine.

Waxa uu af-hayeenka tilmaamay in duqeymahan ku talagalkooda ay ahayeen in lagu burburiyo Gantaalladan oo yaallay meel ku dhow Gobalka Donetsk ee Bariga dalka Ukraine.

Sidokale Ciiddanka Ruushka waxay shegeen in intii uu socday Hawlgalkan ay burburiyeen Sedax kamid ah Madaafiicda Howitzer M777 oo isla dalkaas Maraykanka lagu farsameeyey.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda difaaca Ruushka waxa kale oo uu xusay inay duqeeymo ku dileen in ka badan 130 maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaasi oo lagu beegsaday degaanka Maslyakovka, oo u dhow magaalladda Kramatorsk ee Gobalka Donetsk.

Duqeymahaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii ay Milliteriga Ukraine duqeyn Gantaal ku dileen ugu yaraan 63 askar oo ka mid ah Ciidamada Ruushka, oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Makiibka ee Gobalka Donetsk oo ay Raashiya qeybo ka maamulaan.

 

Guddoomiyaha Degmadda Maxaas oo faahfaahin ka bixiyey qaraxyo ka dhacay degmadaasi

Kooxda khawaariijta arxan laawayaasha ah ayaa saaka Subaxnimadii hore laba qarax ku weeraray shacabka Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degmadda Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Qaraxyaddu sababeen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah, ayna ku guda jiraan gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadda” wax aan ku gudda jiraa u gurmashada Dadkii khawaariijtu ku waxyeelaysay shacabka, faahfaahinta khasaaraha dib ayaan kasoo sheegaynaa” ayuu yiri guddoomiye degmadda Maxaas.

Goobaha khawaariijtu ka fulisay qaraxyadda ayaa ahaa goobo ganacsi oo dadka shacabka ahi ku haysteen maqaayado iyo suuqyo wax lagu iibiyo.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS oo kormeer shaqa ku tagay xarunta dhexe Shaybaarka Qaranka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Md. Xildh. Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulale ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Shaybaarka Qaranka kaas oo qabta dhamaan howlaha baarista iyo ka hortagga cudurrada iyo dib u xaqiijinta Baaritaanadda lagasoo qaado dhammaan goobaha kala duwan ee Dalka.

Wasiirka Ku xigeenka ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Maamulka iyo howlwadeenada ka shaqeeya Shaybaarka Qaranka, kadibna waxa uu kormeeray dhammaan qeybaha uu ka koobanayahay Shaybaarka iyo qalabka yaalla.

Ugu dambaynti, Wasiirka ayaa shaqalaaha kula dardaarmay in ay dar dargaliyaan howlaha baaxadda leh oo ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed isla markaana mas’uuliyadda saaraan in ay u gutaan si hufan lagunala xisaabtami doono.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo lagu soo dhaweeyay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta

Imaaraadka– Wafdi  uu hogaaminaayo Wasiirka  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa  gaaray magaalada Abu Dubai.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay  madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa inta uu jogo Imaraadka  waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dalkaas, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka midtahay xoojinta xiriirkal abada Dal iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah kula qaatay Villa Soomaaliya safiirka dalka Itoobiya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalkeenna Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, waxa uuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka gobolka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.