Guddoomiyaha hey’adda maareynta masiibooyinka oo kulan la qaatay guddoomiye ku xigeenka hey’adda maareynta masiibooyinka ee dalka Turkiga

ANKARA- Gudoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo yaqaan AFAD.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn.

Hey’adda maareynta masiibooyinka ee AFAD ayaa si gaar ah uga taageeri doonta dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah maareeynta qataraha iyo musiibooyinka.

Kulanka kadib wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku daba ridka iyo maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga.

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗰𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶 𝗗𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗼𝗼 𝗞𝗠𝗚 𝗮𝗵

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.

Mudane Xamse ayaa markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.

Wuxuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

     

Wasiirka Xanaanada Xoollaha XFS oo amray dadka deggan xarumaha wasaaradda in ay baneeyaan

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta dhagax dhigey Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay ku yeelan doonto dekeda Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha ayaa dhagax dhigey xarumaha Wasaaradda ee Dekadda Muqdisho oo ka kooban sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekedda Muqdisho ayuu Wasiir Eelay sheegay in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo habsami u socodka shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo lafdhabar u ah hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya,isagoo dhanka kalena amray dadka degan xarumaha wasaaradda in ay si deg deg ah uga guuraan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

    

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Magacaabay guddi warbixin kasoo diyaarisa shaqaaqooyinka ka socda Gobolka Sool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa
Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulankii shalay ee Golaha soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

 

Wasiirka Amniga Israa’iil oo booqasho daandaansi ah ku tagay masjidka Al-Aqsa

Wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta fog, Itamar Ben-Gvir ayaa manta oo talaado ah galay dhismaha uu ku yaallo masjidka Al-Aqsa ee bariga magaalada Quddus ee la haysto, tallaabadaas oo falastiiniyiinta ay ku tilmaameen daandaansi aan hore loo arag.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso weerarka uu wasiirka xagjirka ah ku qaaday masjidka Al-Aqsa,waxaana arrintaasi loo arkaa  daandaansi aan hore loo arag iyo xiisad khatar ah  oo sii hurinaysa colaadaha hadda jira.

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil iyo ra’iisul wasaarihii hore Yair Lapid ayaa ka digay in booqashada Ben-Gvir ay dhalin doonto rabshado iyo xiisado kale ooh or leh.

Falastiiniyiinta ayaa ka cabsi qaba in arrintan ay horseeddo isbedel ku yimaada xaaladda jirta hadda,iyadoo Israa’iiliyiinta midigta fog ay ku baaqayeen in macbad ay leeyihiin Yuhuuddu looga dhiso hadhaaga Masjidka Al Aqsa.

Wasiirka Amniga Israa’iil ayaa kamid ah xukuumadda cusub ee la dhaariyay todobaadkaan,waxaana hogaamiya r/wasaare Benjamin Netanyahu oo marar kala duwan soo qabtay xilkaasi.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo sheegay in deegaanaddii laga xorreeyey kooxaha khawaariijta la gaarsiin doono adeegyadda dowladda

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku sheegay in Xukuummadda dan-qaran daddaal weyn ku bixinayso sidii Adeegyadda bulshaddu u baahan tahay loo gaarsiin lahaa Deegaannada laga xorreeyey kooxaha Khawaariijta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhowaan deegaannada laga xorreeyey khawaarijta laga fulin doono mashaariic horumarineed si loo kabo kaabayaasha Nolosha sida beeraha iyo xoollaha nool ” Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa labo jiho, in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowladdnimada la gaarsiiyo oo adeega asaasiga ah ay helaan intaas kadib na loo jihaysto dhanka horumarinta dalka ” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo hadalkan ka jeediyey maddal wasaaradda qorshaynta Qaranku ku abaal marinaysay shaqaalaheeda.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh iyo xukuummaddiisa oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa gulufkii dagaal ee ugu cuslaa ku qaaday kooxaha khawaariijta taas oo sababtay in mudo yar guullo waaweyn laga soo hooyo furimaha dagaalka,goboladda Shabeellaha dhexe,hiiraan,galgaduud,galmudug iyo shabeellaha hoose ayey hawlgalada ugu culus ka dhaceen kuwaas oo dhamaantood laga guuray guullo wax ku oolka lagana xorreeyey deegaannadii ugu badnaa kooxaha khawaariijta.

WAA MAXAY XAASIDNIMO

Xaasidnimada waxaan oran karnaa waa laba qaybood mid uu qofka ku dhasho iyo mid qofka uu gadaal ka noqdo iyada oo ay ku kaliftay inuu xaasid noqdo wadciga adag uu kusoo koray ama marxalada kala duwan ee nolosha kasoo martay,

Xaasidnimada waa wax qofka qalbigiisa ku jirta oo ku kalifaysa qofka ama ku khasbaysa in uu dadka xasdo si walbaba ay ahaato isaga oon ka faa’iideyn waxba,

Hadaba waxan kala qaadaynaa tan lagu dhasho iyo tan gadaal laga noqdo, Xaasidnimada lagu dhasho waa mid qofka iskaga abuuran taas oo aan oran karno waaba qofka hobby-giisa oo uu ka helo ,waxayna kasoo bilaabata xiliga caruurnimada,

Tusaale ahaan ilmaha qaar waxaad arkaysa ilma ilma kale inta uu dadka waaweyn iska eego qaniinaya ama wax ku dhufanaaya, alaabtiisa ka tuuraya, qalinkiisa ama kabihiisa mid ka mid ah waa ilmaha mar walba inta ay iska fiiriyaan qofka ay wax ku samaynayn oo ah ilma kale oo lodkoda ah wax dibin daabyo ah oo uu kaga xanaajinaayo ku sameeya, ilmahaas waxa ka daremaysa waxaas uu ku samaynaayo ilmaha kale oo uu kaga xanaajinayo inu ku raaxaysanayo oo uu farxad ku dareemayo,

hada ku qabato oo waydiiso waxa ku kalifay magaranaayo wax sabab ah, saas ayuu kuweynaada xaasid nimadiisina wuu la weynaada,waxa ayna gaarsiisa heer xun oo uu la naco wax kasta oo wanaagsan umada walaalihis ah, waxa kale oo ay gaarsiisaa heer uu ka naxo qof walba oo wax wanaagsan haysta oo ku ku fekero sidii uu uga kala tuuri laha ama uu uga bur burin lahaa.

Hadaba tan lagu dhasho iyo tan gadaal uu qofku ka noqdaba waxa ay ka siman yihiin dhaqan ka iyo wax walba oo ay samaynayaan marka uu qofku weynaado,

MAXA LAGU GARTA QOFKA XAASIDKA AH?

1: Qofka xaasid ka waxa lagu gartaa waa dibindaabyo miiran wana mid ka shaqeeya gadaashada si uu ufuro xarig kasta oo aad xirtid oo maslaxadaadu ku jirto weliba si dadban oo aadan iska garan ayuu sidaas u sameeya.

2: qofka xaasidka ah waxa lagu gartaa waa munaafaq kuu isticmaalaya laba weji, weji fiican oo aad ku taqanid oo uu dadka ku siro si loo moodo qof fiican iyo weji u qarsoon oo cadowtinimo ah oo uu noloshaada rabo inuu ku gubo.

3: Qofka xaasidka ah waxa lagu garta in uu aad iskugu dardaro dadka isaga oo iska dhigaaya qof caawimaad badan, asxaan badan, run sheeg badan, si aad isugu fur furto oo uu xogtaada iyo meelaha aad weakness ka ama aad ka debecsantahay uu u ogaado si uu u helo wadada ugu fudud oo uu kugu baabin karo noloshaadana u kala tuuri karo.

4: Qofka xaasid ka aha waxa lagu gartaa xiriir joogta ah oo kabadan sidii caadiga ahayd isaga oo aay ujeedadiisu tahay si uu marwalba xogtaada iyo waxa ka cusub noloshaada uu u ogaado si uu isna hawshiisa u wato,adigana aad ugu moodid saaxib fiican oo kaa warhaya marwalba balse arinku sidaas wuu ka duwan yahay.

5: Qofka xaasidka ah waa mid xan badan mar walbana ka sheekeya dadka sharafta leh isaga oo dhaliil xun u raadinayaa dadkas wanaagooda iyo guusha ay gaareen.

6: Qofka xaasidka ah waa qof neceb oo mar walba jecel inuu dab ka dhex shido lamaanaha isqaba ama isguursan raba oo isku faraxsan,saaxibada isku wanagsan oo is jecel,deriska isku wanagsan,walalaha isku faraxsan oo isjecel,waalidka iyo ilmihiisa iyo laba qof oo kasta oo wanaag ka dhexeyo ( Somaliduna waxay ku maahmaahda hebel waa sadex neceb)

7: Qofka xaasidka ahi waa mid xanuunsanaya oo ka xuunsanaya nimcada Ilaahay dadkiisa u qaybinayo ee maalin laha ah waxa uu jecelyahay in Khaaliqa isaga uun wax siiyo oo dadka oo dhami aysan wax kasoo gaarin nimcadaas,dhibatada haysata xaasidkana waxay tahay dagaal aan guul laga gaarayn ayuu ku jiraa dharaar iyo habeen,

8: Qofka xaasid ka ah waa mid ay ka maqan tahay xasiloonida iyo farxada oo aaminsan in waxkasta oo wanagsan Allah isaga ka qadiyey oo ku fekeraaya dadka kale ayaa adiga kaa nasiib wanagsan ,

9: Qofka xaasidka ah waa saaxibka dhabta ah ee shaydaanka ama kaba sii xagjira oo shaydanka aya la qaatay waa qof xitaa markuu Salaada ku jiro ku mashquulsan oo ka fekeraya sidii uu qof walalkiis ah u damiri laha ama dabin ugu dhigilahaa,waa qof waqtigiisa inta ugu badan ku lumiya baabi’inta iyo wax yeelaynta bini’aadamka .balse waa mid marwalba ku fashilma dabinta iyo xumaanta uu sameeyo,guulna aan ka gaarin.

10: qofka xaasidka ah waxa ku yar iimanka iyo ka cabsashada Rabbi (SW) waxaana u fudud wax walba oo uu cagta ku marin karo wanaaga dadka, xitaa in uu ruuxda ka jaro qof way uga fududahay koob biyaha ah oo la cabo sababtoo ah cuqdada iyo xumanta qalbigiisa ka buuxda ayaa ilowsiisey Alle ka cabsigii iyo wixii uu la kulmi lahaa maalinta qiyaame.

11: Qofka xaasidka ah waa maseyrloow maseyrku maha keliya kan ay kala maseyran labada is qaba ama xiriirka leh balse kan xaasidku waa maseyr uu ka maseyro qof wax wanagsan haysta,qof awlaad wanagsan haysta,qof lacag haysta,qof wax bartay,qof sharaf leh,qof qurux badan,iwm.

–Hadaba kuma soo koobi karno qofka xaasid

Hadaba kumasoo koobi karno qofka xaasidka ah sifooyinkiisa oo dhan halkan;qof kasta oo calaamadahan iyo ka badanba leh waxa muhiim ah in laga feejignaado loona duceeyo in rabi soo hanuuniyo…waxa kaloo muhiim ah qofkii iska dareema xaasidnimo yar ama calaamadahan oo kale leh in uu isdaba qabto ilaahayna utoobad keeno.kana ducaysto in Allaah ka dilo xididka xaasidnimo oo jirkiisa kujira,waayo xaasidnimadu waxay cibaadada qofka ucunta sida dabku dhuxusha ubaabi’iyo oo danbas uga dhigo

–Nebigeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate wuxuu yiri xaasidnimada iyo iimaanku meel kuma wada kulmaan,marka qof aan iiman lahayn xaalka uu kusugan yahay waad garan kartaan,ilaahay qalbigena xiqdiga iyo xasadka haka fogeeyo.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

SADAQADA IYO FAA’IIDOOYINKA AY LEEDAHAY (QEYBTA 1-AAD)

Sadaqadu waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka gaarsiiya horumar aduun iyo aakhiro, faa’iidooyinkeedana ma ahan wax lasoo koobi karo, balse haddii aan isku dayno in aan xusno qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay sadaqada ama wax la bixiddu ay leedahay waxaa ka mid ah:

1-Sadaqadu waa shay sare qofkeedana way saraysiisaa, maxaa yeelay sadaqadu waxay kamid tahay acmaasha ilaahay ugu jecel yahay waxaana daliil u ah xadiiskan oranaya: (camal laqabto ilaahay wuxuu ugu jecelyahay qof mu’min ah oo laga farxiyo sida in dayn laga bixiyo, gaajo laga bi,iyo  ama kurbo kale oo haysa laga dulqaado),

Cumar binu khadaab R.C . wuxuu yiri (sadaqada waxay ufaantaa acmaasha kale oo waxay dhahdaa anaa idin kugu fadli badan), ilaahayna xadiisul qudsi wuxuu ku yiri (banii aadamow wax quudi waalagu quudine), sidaa darteed walaalkayga muslimka ah waligaa gacantaadu ha ahaato midda sare ee wax bixisa ee sharfan, yaysan noqon midda hoose ee wax la siiyo ee xaqiran (baahan) .

2- Sadaqadu qofka wax sadaqaysta waxay ka ilaalisaa balaayada iyo kurbooyinka, arintaas baraatik ahaan ayaa loo arkay adilo cadaynayana waa ay jiraan, waxaana kamid ah xadiiskaan (sadaqadu waxay horjoogsataa 70 meelood ama dhinac oo qofka xumaan uga soo socotay ), dhacdo layaab leh:

– Ninbaa todobo sano la il darnaa dhaawac jilibka uga yaalay dhakhaatiirtii oo dhanna waxba way ka qaban waayeen kadibna wuxuu dhibaatadiisa usheegay C/laahi binu mubaarak wuxuu kula taliyay ninkii: inuu meel dadka ku nool biyo ubaahanyihiin ceel uga qodo, wuxuuna yiri C/laahi waxaan rajaynayaa in ceelkaas il biyo ah ka soo burqato sadaqadaas awgeedna dhiigu kaa joogsado.

-Isadaan kalana waxay wajiga nabro waaweyn kasoo yaaceen sheekhii la dhihi jiray abuu cabdullaahi oo qoray kitaabka lagu magacaabo (al-mustadrik) wuxuu la xanuunsanaa dhaawacyadaas mudo ku dhow hal sano in badanna waxaa uduceeyay ahlu khayrka mase bogsan wakhti dambe ayuu gurigiisa hortiisa muslimiinta uga qoday meel biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan hal usbuuc intuusan dhamaan ayuu caafimaaday wajigiisiina noqday markuu waligii ugu qurux badnaa .

– Qisadaan kalana malakul jibriilbaa uyimid nibi yacquub c.s wuxuuna ku yiri (mataqaanaa sababta aad u indha beeshay dhabarkaaguna usoo gotay, yuusuf walaalihiina usameeyeen waxay sameeyeen? sadexdaa su’aalood ayuu weydiiyay, jibriilbaana ka jawaabay su’aalaha oo wuxuu yiri:

waxaad qalateen neef ariya ka dibna waxaa idiin yimid miskiin agoona oo sooman waxna maydaan ka siin).

markaad isku fiiriso ciwaanka lambarka 2aad iyo qisooyinka aynu keenay, maxaa kuu soo baxay akhristow ?

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

BARAKADA GANACSIGA.

ganacsaigu wuxuu ka mid yahay xirfadaha barakaysan oo diinta ayaaba lagu sheegay, wuxuuna leeyahay Faa’iidooyin wax ku oola oo nolosha bulshada sare u qaada.

Ganacsigu waa mihnad horseeda is badal degdeg ah oo dhanka nolosha ah, wuxuuna kamid yahay tiirarka lama huraanka ah ee ay nolosha reer magaalku ku dhisantahay oo la’aantiis miyiga mooyee magaalooyinka si loogu dhaqnaadaahi way adagtahay.

Muhiimaddiisa iyo wax-tarkiisa markii laga  soo tago ganacsigu waa awood ay samayntaydeedu dhinac walba sida qoraxda uga dhex muuqato, hurumarka bulshaduna ku xidhanyahay.

Shaqada dowladda iyo daqliga dalkuba  ganacsiga ayay  ku socdaan oo canshuuraha  ayaa ah ilayska dhaqaale ee  wadanka oo  hay’adaha ayuu shidaal dhaqaajiya u yahay.

Isbadalka xowligaa oo ay magaalada dhismeheeda iyo horumarka bulshaduba ku socdaan ganacsiga ayaa hormuud u ah oo udub-dhaxaad iyo aas-aasba u ah.

Awoodda iyo saamaynta ganacsigu  waa mid aan cidna ka dahsoonayn oo xitaa xilliyada adag waxaanu dowlad iyo shacabba u qayshannaa oo Alle ka sukow gacan siin ka dalbannaa ganacsata.

Waa xirfad si fudud noloshaada u bilaysa oo kaa dhigaysa taajir horumarinta naftiisa iyo guud ahaan dalkaba hormuud u ah, ixtiraam iyo maamuusna bulshada ku dhex leh.

Ganacsigu si dhaqso ah ayuu u bullaalaa balse xaaraanta iyo qiyaanada in laga dhowro ayuu ku barako iyo wax tar badanyahay ee xalaal miirte noqo haddaad mihnaddan galayso.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

XISAABI XIL MALEH HADDAAN LA XUMEYNIN (QAYBTII 2-AAD)

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaan kuu dhiibay ii dhiib dhabiil rag ma dhaafto mana ahan wax ceeb ah, laakiin waa xanuun iyo murug badan tahay markii ay hor yimadiin imtixaan iyo xisaabo  hore oo aadan iska fileyn in lagu weydiinayo maalin maalmaha ka mid ah, waana mid loo baahan yahay in dadku xisaabtamaan.

Sidoo kale, Shirkadaha leysku darsado iyo xisaabaha la isku aaminay wax la iska weydiiyo meesha ay wax marayaan si halkaas ay horay uga sii socdaan danahii la isku aaminay ee adduunyada taas oo dadka qaar ay u moodayaan xujo iyo daandaansi laakiin waa dariiqa keliya ee lagu heli karo in dadku is aaminaan.

Hantida way lumeysa  haddii aan  la xisaabtamin oo xisaabta ayaa wax lagu saxaa goortaasna waxaa ka dhasha is aamin faa,iido sii kororta, haddaba ogaada xisaabtanku waxbuu hagaajiyaa.

Eeg isla xisaabtanku waxba ma xumeeyo waxaana ku shaqeysta shirkadaha waa weyn ee dunida iyo dowladaha oo iska ilaalinaya hanti boobka iyo musuqmaasuqa waxayna dhacdaa sannadkiiba halmar, sannadahan kama dhicin dalkeenna xisaabi xilmaleh mana jiro dad loo soo xiray, haddey ahaan lahayd mas,uul sare iyo mid hoose, waayaabe dalkeenan ma caddaaladbaa ma waxaa la waayey dad  hantidii qaranka lunsaday mase dadkii la xasaabtami lahaa ayaa Meesha ka maqan,

mase  waa qaataye qaado ayaa lagu macneyn karaa xaalkeenna?.

Haddaba, dalkeennu wuxuu u baahan yahay ilaalin iyo isla xisaabtan dhab ah oo sannad iyo bil iyo maalin intaba, waayo dalka markii uu sidaan oo kale uu ka soo kabsanayo burbur iyo dagaallo sokeeye iyo Virusyadii caalamiga ahaa waxaa loo baahan yahay in aan cidna lagu cafin waxay qaadatay oo sharci darro ahaa.

Adduunku weligiisba way ka jireen dad tuuga ah oo booba hantida dalka iyo kuwo daacad ugu shaqeeya.

Haddaba, talo ahaan waxaa haboonaan lahayd in dib loo soo celiyaa barnaamijkii xisaabi xil maleh ee dalka gudahiisa ka dhici jiray sannadkiiba halmar oo dadna lagu amaani jiray dadna lagu ciqaabi jiray.

taasoo sida badan lala xisaabtami jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha dalka oo dhan iyadoo dad badan oo iska fududeysta xoolaha dadweynaha  ku mutesan jireen xabsi iyo ganaax adag, qaar kalana ay heli jireen abaalmarin, dallacaad derejo billado sharafeed iyo shaqo wanaag, sidoo kalena laysku abaal marin jiray  wax qabadka iyo wixii kale ee uu xaq u yeesho.

Waxaa jiray waqti lagula xisaabtamo qof waliba wixii uu bulshada u qabtay iyo wixii dhib iyo hagardaamo uu geystay dalka iyo dadka waxaana waajib ah in qof waliba in uu dalka xaqiisa ka helo,haddii uu dembi ka galayna lagu ciqaabo, waana isla xisabtanka ugu fiican, waayo markii uu qabiil ku xisaabtami lahaa waxaa ka wanaagsan inuu ku xisaabtamo qarannimo iyo wax qabad derejadana aysan bixin xildhibaanno ay isku beel yahiin iyo odoyaashiisu.

Sideedaba xilalka iyo derajooyinka waa in lagu muteestaa aqoon, shaqo wanaag geesinimo, howlgarnimo, daacadnimo, waayo aragnimo ay waddaniyad ku dheehan tahay.

waxaa habboon in xukuumadahu ay wax ka ogaadaan Hay’adahooda ciddii horumar sameysay iyo kuwa maamul xumada ku sifooba, kuwa la dulmiyay oo xaqdarrada iyo dhibaatada sheeganaya iyo kuwa haloo yeelada ku daaqaya hantida dadweynaha.

waxaa loo baahan yahay in loo dhabba galo xaalkoodu sida ayadoo lala gelayo isla xisaabtan dhab ah waxaa sidoo kale habboon in dib loo soo celiyo isla xisaabtanka sannadkiiba halmar hadiiba aan la heleynin sannadkiiba laba mar

WQ: Abwaan Gabayre