GUDDOONKA LABADA AQAL OO MAANTA KULAN KU YEESHAY XARUNTA GOLAHA SHACABKA EE VILLA HARGEYSA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal waxaana ayna ku yeesheen xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ubaahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada  Aqal ee Baarlamaanka dalka, waxaana loo balamay in dib laisugu soo laabto kulan kale oo muhiim u ah Shaqada Baarlamaanka JFS.

    

Hay’adda duulista oo war ka soo saartay shilkii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho

War-saxaafadeed ka soobaxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa looga hadlay shilka diyaaraddii maanta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka oo soo gaaray Muqdisho

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirishiid iyo Cabdiwali Cali Gaas ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,iyagoo ka qaybgali doona shirka Berri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Waxaa horay magaalada loogu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin R/wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiir Huruuse oo furay tababar ku saabsan Diblomaasiyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa maanta tababbar u furay dufcadii 11-aad oo ku biirtay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Wasiirka ayaa sheegay in tababarkani ay qaadanayaan dad dhallinyaro ah, kaas oo mihiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay Dublomaasiyiintii hore intooda badani noqdeen howl gab ama ay meesha ka baxeen.

Mudane, Huruuse ayaa sheegay inay xiriirro la sameeyeen dalal ay aad u sarreyso Dublomaasiyaddooda si ay dhallinyaradeenna wax baratay u siiyaan tababarro tayo leh, si ay u kororsadaan aqoontooda iyo waaya aragnimadooda.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda iyo howl wadeennadeeduba ay ka go’an tahay sii wadidda tababarrada iyo sare u qaadidda garaadka Dublomaasiyiinta cusub iyo kuwii horay u shaqaynayay intuba.

Wasaaradda Gaadiidka oo ka warbixisay shilka diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in hal ruux uu dhaawac ka soo gaaray shil diyaaradeed oo Garoonka Aadan Cadde ka dhaca.

Wasiirka ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka aysan saarneyn diyaaradda .

[11/07, 1:15 pm] AB: Diyaarada ay leedahay Shirkadda Hala Airline oo Rakaab kasoo qaaday magaalada Garoowe ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijisay Wasiirka Duulista iyo Hawada XFS Fardowsa Cusmaan Cigaal.

“Diyaaradda Hala ayaa markay soo caga dhigatay Rainway 05 ayay ka baxday laamiga dhinaca Civil aviation-ka ayay ku dhacday oo afka la gashay, dadkuna waa fiican yihiin, hal qof baa dhaawac ah oo meel ka jaban, laakiin dadka intooda kale waa fiican yihiin, Iinsha Allaah warbixin kalena waa ka heli doonnaa siday wax u dhaceen waa ogaan doonnaa, maareeyaha iyo kooxdiisii ayaana ku maqan”

Wasiirka ayaa sheegtay in Diyaaraddan anay la socon Ra’iisulwasaareyaashii hore dalka Cumar Cabdirashiid Cali iyo Cabdiweli Cali Gaas, balse ay la socdaan diyaarad kale oo ay leedahay isla shirkadda Hala Airline.

Shilkan ayaa sababay dhaawaca hal qof oo shacab ah, waxana si nabdoon looga samata bixiyey dhammaan Rakaabkii kale ee la socday Diyaaradda.

Maxkamad ku taal Liibiya oo xukuntay 37 qof oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xabsiga dhigtay 37 qof oo lagu helay dambi ah ka ganacsiga dadka, ka dib markii ay dhinteen 11 tahriibayaal ah oo dhowaan ku qaraqmay badda Mediterranean-ka.Shan xubnood ayaa lagu xukumay xabsi daa’in,halka kuwa kale la dulsaaray xabsi u dhaxeeya sanad ilaa 15 sano.

Dhammaan dadkaasi la xukumay ayaa lagu eedeeyay in ay ku hawlanaayeen abaabulka doon burburtay oo la rabay inay tahriibayaal u qaaddo Dalka Talyaaniga.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay dhibaatooyin kala kulmaan gacanta kooxaha mukhalasiinta iyo maamulada  xarumaha xabsiyada ee dalkaasi.

Liibiya ayaa waxaa hareeyay colaado iyo fowdo tan iyo markii xilka laga tuuray Korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Shirweynaha Wada tashiga oo berri ka furmaya Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS Fardowso Cusmaan Cigaal iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mudane, Xasan Cali Khayre oo muddooyinkii dambe dalka ka maqnaa.

Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb ah Madaxda ku casuuman Shirweynaha Wada tashiga oo beri ka furmaya Muqdisho, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaareyaashii hore ee Dalka Cabdiwali Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhow la filayaa inay ka soo dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo ka qaybgeli doona shirka ka furmaya magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka oo qorsheynaysa dib u dhiska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Dhuusamareeb- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga XFS Cabdinuur Daahir Fiidow oo uu wehliyo Safiir ku Xigeenka Midowga Yurub Thomas Kieler ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dhismaha Xerada Ciidanka xoogga dalka  Qeeybta 21aad ee uu fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay u leedahay Wasaaradda Gaashaandhiga dhismayaasha Xerooyinka Ciidanka gaar ahaan barta hogaaminta ciidanka qeeybta oo muhiim u ah dagaalka lagu ciribtiraayo khawaarijta.

Midowga Yurub ayaa maalgelinaaya dhismaha Taliska Qeybta, iyadoo mashruuca ay fulin doonaan Xafiiska Qaramada Midoobe ee u qaabbilsan fulinta Mashaariicda, ( UNITED NATIONS OFFICE FOR PROJECT SERVICES).

Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)

Waxaa jirta in mar dhow uu dalka si rasmi ah uga billowdo Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa mar kale ujeedada dagaalkan waxaa faahfaahin ka bixiyay Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ka hor caddeeyay Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka Shabaab, si dalka looga xoreeyo, isagoo carabka ku adkeeyay in Wejiga labaad ee howlgalka oo ay ka qeyb-qaadan doonaan dalalka dariska ah uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada gudaha Soomaaliya.

“Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle oggolaado” ayuu yiri Madaxwaynuh, sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb qaato.”ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay doorka culumada ee ku aadan dagaalka ay iclaamisay dowladdiisa, maadaama ay horay Fatwo uga saareen la dirirka Shabaab, waxa uuna intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay heli karaan ay dooneen taageero, si meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab. “Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab aysan dowladdu ka laheyn dan siyaasadeed, balse u jeedka uu yahay in shacabka laga dul-qaado kooxdaan oo weeraro saf-ballaaran ah ka fulisa dalka oo dhan iyo xitta dalalka dariska ah. “Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan aheyn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga Shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin, sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay inay waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Marka iyadoo laga duulayo amarka Madaweynaha ayaa la wadaa diyaargorow iyo dagaallo hor leh oo ka dhan ah Kooxda Khawaarijta ah, waxaana xusid mudan in Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS, kuwaasi oo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khwaarijta, isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeeysiga la isaga dul qaaday, inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacabka ugu dhibateeyso, gobonimadeenno waa bar inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsan yahay in aan dhameystirneen”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga. Wasiirka ayaa sidoo kale ku dheraaday dhibaatada khawaarijta muddada dheer ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay cirintirka khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, dalkana guud ahaan laga sifeyn doono khawaarijta.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ka wada deegaanada ay khawaarijtu ku dhuumaaleysaneyso howlgallo looga saaray khawaarijta, si Shacabka Soomaaliyeed u helaan xornimo iyo in la gaarsiiyo adeegyada dowaladnimo oo ay u baahan yihiin, iyadoo Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu si lixaad leh uga socda goobo fara badan oo dalka ka mid ah. Mid ka mid ah hawlgadii ugu dambeeyay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah waxaa uu xalay uu ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku  soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in  ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi, waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka Rayidka ah waxyeeleeyaan, iyadoo Shacabka magaalada Xagar ay si diiran  u soo dhaweeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Dowlad goboleedka Jubbaland , kuwaasi oo goob fagaare ah isugu soo baxay, iyagoo muujiyey sida ugu faraxsan yihiin guusha ay ciidamada qalabka sida soo hooyeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Shacabka Xagar  kula hadlay Bartamaha Magaalada waxaana ay uga Mahadceliyeen sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen  iyagoo u soo jeediyay inay ciidanka kala shaqeeyaan ciribtirka Khawaarijta, waxayna Ciidamadu si buuxda ula wareegay magaalada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ka mid goobaha ay Khawaarijtu muddo dheer shacabka ku dhibaateyneysay, waxaana ay ciidamada ku guda jiraan howlgalka khawaarijta dalka looga xoreynayo.

Dhinaca kale Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayeen deegaanno hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxayna Ciidanku howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaanno kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedada howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga Khawaarijta iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaasi oo la soo wadaaga xogta Khawaarijta dhuumaaleysiga ah, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.

Waxaa kaloo jira in Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanayey Ciidanka degaanka Bajeela ay howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileen  xubin ka tirsan  Maleeshiyaad  khawaarijta halka mid kalena  nolosha ay ku qabteen, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay  mooto, isgaarsiinta ciidanka, iyo hubkii ay wateen dhagar qabayaasha la weeraray.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii  bulshada degan deegaan Baraag-Ciise ay ciidanka ku soo wargaliyeen in laga qaadayo lacago baad ah oo aysan awoodin, waxayna Sarkiisha howlgalka hogaaminaysay ay warbaahinta qaranka u sheegay in si guul ah uu ku soo  dhaamaday howlgalka.

Howlgal kale oo ay Ciidamada xoogga dalka ku baacsanayeen firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana Howlgalka lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaasi uga sameysteen Khawaarijtu.

 

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

Baraawe- Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da (Qaaxada) ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.