Wasiir Fiqi oo Dhuusamareeb ka furaya shirka xasillinta iyo barnaamijka deegaan bile ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira heerarka dowladda iyo xubno beesha caalamka ah ayaa goordhow gaaray caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, iyada oo ay halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyeen maamulka Galmudug.

Safarka shaqo ee Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa la xiriira daahfuridda shir maanta dhacaya oo ku saabsan arrimaha Xasillinta iyo Barnaamijka Deegaan Bile ee Galmudug, kaas oo waxtar u leh bulshada deegaanka.

Shirkan oo goordhow ka furmi donna Dhuusamareeb, ayaa waxaa ka qeybgalaya hey’ado kala duwan oo ka socda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha dalka oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay masiirka Umadda Soomaaliyeed, samaynta go’aamada wadar oggolka ah ee ku salaysan siyaasadda dowladda Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale lagu qabto Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dowladda oo dooneysa in ay fuliso siyaasaddeeda ku salaysan in wadatashi lala yeesho dhammaanba qeybaha bulshada, si ay aragtidooda ugu dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan dowlad dhiska iyo ka samata bixinta waddanka dhibaatooyinkii uu soo maray”.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in wadatashigan uu sal u yahay in aragti mideysan laga yeesho dhinacyada dowlad dhiska, horumarinta, la dagaallanka khawaarijta, amniga, dib u qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya, si uu dalku u noqdo mid horumarsan isla markaana ah mid nabdoon.

Ciidanka xoogga Dalka oo dilay Horjoogayaal katirsan khawaarijta

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

40 ka tirsan Khawaarijta oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka, sidookale khawaarijta waxaa lagu dilay madaxii Maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow.

Degaanka Weel-Maaroow ayaa 42-KM u jirta dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin horjoogayaal sare sare ee Kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal, iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha khawaarijta ee ragaadiyay nabadda Soomaaliya.

 

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee wax qabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 12 July, 2023
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku shir guddoominaya shir wadatashi oo ay ka soo qeybgelayaan madaxda hadda talada haysa iyo kuwii hore.
2- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, amniga iyo hormarinta dalka.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad uu ku sharaxay xaaladda dalka iyo muhimadda taageerada dowlad dhiska Soomaaliyeed ka jeediyay Xarunta Degmada Yaaqshiidka oo lagu qabtey munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda dalka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo taageeray dadaalada ay wadaan odayaasha dhaqanka ee Puntland ee la xiriira xal u helista xurgufta siyaasadeed ee dhowaan halkaasi ka dhacdey.
5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).
6- Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku baaqey muhiimad siinta xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda biyo nadiif ah iyo koronto jaban.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada, isagoo wasiiro cusub u magacaabey wasaaradaha Maaliyadda, iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.
8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka soo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada .
9- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.
10- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shaaciyay liiska 18- qof oo isugu jira mas’uuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan hay’adaha dowladda oo loo haysto eedaymo musuq maasuq, qaarkoodna ay baxsad ka yihiin caddaaladda.
11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha Qurba Joogta Soomaaliyeed.
12- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya jiidaha hore ee dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.
13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan wadareedka farsamo ee dhaqan gelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.
14- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aweys oo ka qeyb galay dood lagu qabtay Twitter Space-ka Telefashinka Qaranka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay soo ceshato doorkii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.
15- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kormeeray xarunta Akademiyadda Generaal Kaahiye oo ay ka socoto sixidda imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.
16- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.
17- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
18- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka Ururka Dalalka Dhexdhexaadka ee (Non-Aligned Movement).
19- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.
20- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarashada heerka 2-aad ee takahsuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo.
21- Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo xaqiijiyey in 40 eedaysane loo qabtay eedo la xiriira musuqmaasuq.
22- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa Muqdisho yimid kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal ee dhinaca sirdoonka iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.
23- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgalisay xarun lagula tacaalayo cudurka cagaarshowga.
24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
25- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo talo-bixin dadweyne gelineysa qabyo-qoraalka qorshaha hay’adda ee 2023-2027.
26- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab hawlgal ka dhacay deegaanka Welmarow ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
27- Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Gorgor ayaa burburiyay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaano hoos taga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
28- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellahe Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
29- Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka degaanka Bajeela ayaa duleedka degaanka Baraag-Ciise ku dilay xubin ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta halka mid kalena nolasha lagu soo qabtay.
30- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.
31- Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Baladul-Amiin ayaa dilay xubno ka mid ah kooxaha Khawaarijta oo doonayey inay weerar gaadmo ah halkaasi ka geystaan.
32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.
33- Awoodda Khawaarijta Al Shabab ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose oo si weyn loo wiiqay muddadii sannadka ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga weerarada isdaba jooga ku wadeen Khawaarijta. Hawlgaladaasi Shabeellaha Hoose waxaa Khawaarijta looga dilay 800 oo maleeshiyaad, kuwo kale oo badanna waa lagu dhaawacay
34- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay degaanka Danoow ayaa fashiliyay weerar ay Khawaarijta Al Shabab damacsanayeen inay ka fuliyaan degaannadda Kabtaanka,Waagade iyo Seddax Buundo oo ka tirsan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
==========DHAMMAAD============

Shir ku saabsan katashiga masiirka dalka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirkan loogu hadli doono arrimo ku qotama masiirka dalka ayaa waxaa lagu casuumay madaxdii hore ee dalka soo hogaamisay oo isugu jira Madaxweynayaal iyo Ra’iisul wasaarayaal kuwaasoo intooda badan soo gaaray dalka si ay uga qeyb noqdaan shirka wata tashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan oo guddoomin doono madaxweynaha dalka mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aano ay u aayaan shacabka soomaaliyeed ee ay halakeen dhibaatooyinka isugu jira colaadaha iyo abaaraha kuwaasoo ka dhashay khilaafaadka iyo ismaandhaafka siyaasadeed oo inta badan ragaadiya horumaradii ay gaari lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
Shirka waxaa si wadajir ah uga qeyb geli doonaan madaxda hadda haysa hoggaanka dalka iyo madaxdii hore ee dalka soo martay waxaana lagu lafa guri doonaa xaaladda guud ee dalka, iyadoo lays weydaarsan doono talooyin ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah.

In ka badan 50-Khawaarij ah oo lagu dilay Jubbada hoose

Kismaayo: Hawlgal burburin ah oo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay in ka badan 50 ka tirsan Khawaariijta, kuwaas oo ay ka mid yihiin horjoogeyaal.

Madaxii maaliyadda ee deegaanka Weel-maaroow ayaa lagu dilay hawlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandoosta Danab iyo kuwa Jubbaland ay maanta ka fuliyeen deegaanka Weel-maaroow oo 45 km dhinaca woqooyi bari ka xiga degmada Afmadow.

Ciidamada ayaa nolosha ku qabtay tiro maleyshiyaad ah, hub iyo gaadiid dagaal sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Todobaadkan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa todobaadkan hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey deegaano ka tirsan Jubada hoose, waxaana maleeshiyada laga saaray deegaano ay cadaadis ku hayeen 10-sano ka badan.

Midowga Afrika oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa

Addis Ababa: Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika danjire Muusa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku soo dhoweeyey danjiraha Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee midowga Afrika ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, sidoo kale mudane Faki ayaa safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad celiyay midowga Afrika kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, waxaana danjire Warfaa kulanka ku weheliyay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyey madaxweynaha hay’adda WFDP iyo wafdi la socda

Wafdi balaaran oo ka socda hay’adda WFDP oo uu hogaaminaayo Ambassador Akramy El zaghat oo ah madaxweeynaha WFDP ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse oo au wehliyaan xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Xamsa Aadan Xaadoow, agaasimaha waaxda hab-maamuuska wasaarada arrimaha dibada Yaxye Yusuf Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa wafdiga ka socday hay’adda WFDP ku qaabilay qaybta VIP-da ee garoonka, kulankaas oo ku aadanaa sida hay’addu uga shaqeeyn doonto dalka, iyo sida ay ula falgali doonto wasaaradaha ay quseeyaan hawlaha ay dalka ka qabanayso dhawaan.

Hay’adda ayaa dalka ka fulin doonta mashaariic ay ka mid yihiin inay Soomaaliya kala shaqayso kordhinta maalgashiga, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha gaar ahaan kordhinta xirfadaha haweenka iyo arimaha bini’aadnimada.

Golaha Xukuumadu ayaa horey u ansiyey 15-kii bishii Juun in ay dalka ka shaqeyso iyadoo fadhigeedu uu noqon doono Mogadishu maadaama ay hadda xarun ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir muhiima ku casuumay madaxda xilka haysa iyo kuwii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay madaxda talada haysa iyo madaxdii hore si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmaya maalinta barri ah, waxaana ka qaybgalaya madaxweynayaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaareyaashii hore iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Wufuudda ka qeybgaleysa shirkan ayaa qaar ka mid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho.