Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 2-aad

Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

Diinta Islaamku, sidee uga hadashay ammaamada, khiyaannada iyo masuq-maasuqa?.

Wasiir Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali ” Ammaanada oo la khiyaano mushtamaca oo dhan ayay ku soo noqoneysaa, qof walba mas’uuliyadda uu haayo haddii uu ku dadaalo waxaa iman doonto, waxaan la sheegayo in ay baaba’aan masuq-maaasuqa la sheegayo, inta ay shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga ( CSW) ay daweeyeen, masuq maasuq nidaam bini-aadam sameeyay ama Diin kale oo daweysay anigu ma maqal,”.

Dowladda waxay si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuqmaasuqa  oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.

Dhanka la dagaallanka Khawaarijtu, Dowladda waxay ku qaadday dagaal saddex weji leh. Dagaalladaas waxay keeneen guusha ah in la wiiqo awooddii Khawaarijta Al-shabaab. Dowladda markaan waxay ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadayso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilasheysa u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri Raiisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Si looga hortago masuq maasuqa, hey’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hey’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka Waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, Maxkamad degmo, Gobol, mid racfaan, iyo Maxkamad sare,” ayuu yiri Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud oo wax badan ka hadlay ariimha Musuq maamuqa ayaa waxa uu sheegay Caddaalad, ammaan, horumar ineysan imaan Karin haddii aan caddaalada la horgeynin shaqsiyaadka wax is-daba marinaya ama masuq-maasuqa ku kacaya.

” Dadka la daba cararayo hala dhaafo, caddaalad heli meyno, tuug iskama celin karno, dadka jeebadahooda lacagta Kuma baaqato, Dowladdana uma timaado, laakiin Dowladda uma timaado. Maxay Dowladda ku shaqeynee?. Amniga maxay ku sugee?, ninkan garsoorka ah ee caddaalad inuu falo aan rabno sidee la yeelaa?, waa lugeeyaan jidka ayay lugeeyaan nolol macno leh ma heystaan, Malaayiin dollar xukun ahaa loo keenaa, waxaa la rabaa inuu ka garnaqo oo xukun caadil ah ka sameeyo, isagana saakay ilmahiisa iyagoo baahan ama isagoo dhinacyada iska fiir-fiiranayo ayuu bajaaj soo raacay oo uu xafiiska ku yimid oo uu garta ka naqayo,”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiila-sheysa u badan tahay ee dakhliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah oo dollar qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.

‘Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen. Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaasi, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isna soo hadal qaaday dadaalka Dowladda ee ku wajahan la dagaalanka cadowga kale ee haraadiyay Dowladnimada Soomaaliya.

Si looga hortago masuq maasuqa, hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne.

La soco Qeybta 3-aad.

Gudoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhigiisa Rugta Ganacsiga Serbia

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre ayaa safar shaqo ku jooga  Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia,waxaana uu kula kulmay Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ka mid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN GroupLTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda ee Barigga Yurub.

Shirkadaha uu la kulmay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub sidoo  kale waxaa u la kulmay dhigiiaa Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Marko Čadež iyo Milovan Kocić.

Shirkadaha Ganacsiga ee labada ee dal Somalia iyo Serbia ayaa rajeynaya in ay ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha.

Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

        

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qayb gashay shirka wadatashiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xalay hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mudane Xamse ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.
Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

In ka badan 16-Khawaarij ah oo lagu dilay Jubbada hoose

Kismaayo: Ciidanka Kumaandoosta Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa caawa burburiyey saldhig ay Khawaarijtu ku lahaayeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku dileen ilaa 17 dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta.

Tiro maleeshiyo ah oo dhawaan ka soo qalinjabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka degmada Bu’aale ayaa howlgalka lagu beegsaday, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ciidanka ayaa noo xaqiijiyey in Khawaarijta lagu laayey howlgalka caawa ay u badnaayeen ajaanib ku soo gardarootay dalkeena.

Ciidanka Sirdoonka oo hawlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduuda labada Shabeelle

Ciidanka sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey xuduuda ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis, waxaana howlgalladaas lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar laleeyihiin Khawaarijta.

Sidoo kale ciidanka hey’adda NISA ayaa howlgalladaas ku burburiyey goobo ay ku dhuumaaleysan jireen Khawaarijtii isaga carartay deegaanadaas, waxaana hawlgalkan uu qayb ka yahay guluf ka dhan ah kooxda ee ka socda gobollada dalka qaarkood.

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda FS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii xilkan kaga horreeyey mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur, iyadoo uu goob joog munaasabadaasi ka ahaa Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Dr Cilmi ayaa xusay in mudadii uu xafiiska joogay in wasaaraddu qaaday tallaabooyin badan oo dhaqaalaha dalka lagu horumarinayo, laguna xoojinayo wadashaqaynta ay Soomaaliya la leedahay hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah.

“Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii deyn cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda” ayuu yiri Dr Cilmi.

Wasiirka cusub ee wasaaradda mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dhinaciisa xusay in ay wasaaradda ay horyaalaan hawlo baaxad leh oo dalka muhiim u ah, uuna xoogga saari doono sidii looga mira dhalin lahaa.

“Waan garwaaqsanahay baaxadda ay leedahay masuuliyadda la ii igmaday iyo kaalinta ay wasaaraddu kaga jirto dib u habaynta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Mudane Biixi.

Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub iyo hawlwadeenada kale ee wasaaradda kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si hufan oo isla xisaabtan leh.

Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda muddane Biixi Iimaan Cige, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Xamze Cabdi Bare.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, howlwadeenada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda mudane Mudane Biixi iimaan Cige ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah dalka la hirgeliyay, kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay qabaneyso wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda wasaaraddan, muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadka qaranku u idmaday” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan.

Wasiirka xilka la wareegay  Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.” ayuu yiri Dr.Maxamed Cilmi

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay wasiirkii hore, isaga oo Wasiirrka Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale waxa uu Ra’iisal wasaaraha carabka ku adkeeyey in wasaaradda ay der dergeliso nidaamka dib u habeynta loogu sameenayo shaqaalaha dowladda.

Share this Article

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyey guddiga dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay

Addsi Ababa: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa warqadaha aqoonsiga u gudbiyey Gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha Afrika ee Qaramada Midoobay (UNECA) danjire Antonio Pedro, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta UNECA ee Addis Ababa, iyadoo intii shirku socday uu safiir Warfaa la wadaagay horumarada kala duwan ee ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, sidoo kale masuulinta labada dhinac waxay ka wada hadleen oo isla garteen xoojinta wada shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Danjire Warfaa waxaa kulanka kala qayb galay qaar kamid ah diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, isagoo madaxda ugu sarraysa UNECA ku adkeeyey inay sii laba jibaaraan wada shaqaynta iyo taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Dawladnimada Soomaaliya.

Munaasabad xil-wareejin oo ka dhacday Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  oo ay taariikhdu tahay 12 July 2023, lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha  cusub ee Wasaaradda Caafimaadka  Dr; Guuleed Cabdijaliil Sheekh Cali iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Mr; Axmed Yuusuf Cabdulle.

Xafladda oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr: Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada XFS, Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxamed Xuseen, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal, Xubno sare oo ka socday Xafiisyada kala duwan ee Dowladda iyo dhamaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu  kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Mr. Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Dr; Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliyiinta kale ee kasoo qeyb gashay ayaa laga soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxaa si diiran loo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoona loo soo jeediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.

      

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Shirguddoomiyey Kalfadhiga Saddexaad ee Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 2-aad ee Golaha Aqalka Sare

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Khadiijo Maxamed Almakhsuumi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahisay muhiimiyadda uu Dalka u leeyahay sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.

Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo maaraynta deegaanka si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.