Lataliyaha madaxweynaha ee xakameynta hubka sharci darrada ah oo soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka Soomaaliya oo maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.

“ Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cunaqateynta hubka” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Marwo Makko.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada kaa oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.

Share this Article

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamuud Macalim Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci, gaar ahaan kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay qoysas danyar ah

Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta Xaafada Weydow ee degaanka Garasbaaley waxa ay gargaar ugu qeybisay 3,000 oo Qoys oo iskugu jira dad danyar ah,kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo dad barakacyaal ah oo hore gobollada wadanka uga soo barakacay colaado iyo abaaro.

Gargaarkaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka,waxayna dadkii ka faa’ideystay u mahadnaqeen hay’adda SoDMA ,

Goobta lagu qeybinayey gargaarkan waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan Hay’adda SoDMA.

          

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Shirka oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga soo saaray warmurtiyed.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda Dalka Finland

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay weheliyaan lataliyeyaal-sare iyo agaasimayaal ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Emma Pajunen oo ah qunsulka u qaabilsan waxbarashada iyo horumarinta bulshada isla markaana ah ku Simaha Safiirka dalka Finland iyo Ida Rasanen oo ah isuduwaha arrimaha siyaasadda iyo horumarinta.

Kulankaan oo isbarasho ku bilaawday labada dhinac ah ka dib ayaa ku simaha Safiirka dalka Finland ahna qunsulka u qaabilsan waxbarashada iyo horumarinta bulshada warbixin kooban ka siiyay Guddoomiyaha howlaha guud ee dalka ka qabtaan iyo taageerada mashaariicda maaliyadeed ay dalka Soomaaliya ka sameeyeen iyo hay’adaha kala duwan ay la shaqeeyan ayaa aad u soo dhaweeysay soo dhaweyntii wacneyd ee lagu soo dhaweeyay Xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa dhankiisa warbixin kooban ka siiyay xilliga la aas-aasay Hay’adda SoDMA iyo howlaha ballaaran ay ka qabatay Abaaraha, Fatahaadaha, Gargaarka iyo Gurmadka degdega ah mudadii yareed ay Hay’adda jirtay, una sheegay in ay sii laba jibaari doonaan, Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Dowladda Finland howlaha ay dalka ka qabato uguna mahadceliyay Masuuliyiinta ka socotay Safaarada Finland booqashada ay ku yimadeen Xarunta SODMA.      

Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kullan muhiim ah la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.

kullanka ayaa diirada lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.

Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Wakiilka ugu horeyn warbixin ka siiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hannaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, wuxuuna u caddeyay in DFS ka go’an tahay  hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wakiilka ayuu uga Mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxayna muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ku jireen ansixinta xubno cusub

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa  lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay shir Isbeddelka Cimilada

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay shir heer caalami ah oo lagu midaynaayo barnaamijka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan,ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.

Wasiirka deegaanka iyo is badelka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa faah faahisay Hindisaha Cagaarinta Afrika ee Madaxweynuhu daahfuray wasiir Khadiijo ay sheegtay in ay Soomaaliya muddo dheer ay wajahaysay Xaalufka Deegaanka iyo isbadelka Cimilada oo ay sababtay  dhibaatooyin dhanka Fatahadaha,Abaaraha,Daadadka iyo xeebah oo ay soo buux dhaafiyeen bacaad fara badan  oo ku soo guuray taas oo dhibto ku noqday Deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ka duulay ka jawaabaya dhibaatooyinka soo wajahay Deegaanka waxaa u ku dhawaaqay qorshaha Deegaanka Cagaaran si wax looga qabto dhibaatada Deegaanka.

Lix ruux oo ku dhintay bannaanbaxyo ka dhacay Kenya

Muddo toddobaad ah gudohood waxaa markii labaad dalka Kenya,gaar ahaan Mirobi iyo magaalooyin kale  ka dhacay bannaanbaxyo looga horjeedo dowladda, kuwaas oo hakad galiyay  ganacsigii, isla markaana sababay khalkhal xooggan oo ka jira dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sheegay in askarta ay dileen lix qof, in ka badan 10 kalena loo qaaday isbitaallada. Sarkaalkan ayaa sheegay in lixda ruux ee la dilay loo toogtay inay khalkhal galiyeen goobaha ganacsiga.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ku baaqay kacdoon shacab iyo dibadbaxyo toddobaadle ah oo dalka oo dhan ka dhaca ,kaas oo uu tilmaamay in  looga soo horjeedo dowladda madaxweyne William Ruto oo dhowaan soo rogay canshuur kordhin sare u qaadday maciishada.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in kordhinta canshuuraha ay sii kordhin doonto dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka Kenyaanka ah oo markii horeba la daalaa dhacayay sare u kaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ah oo ay ka mid tahay cunnada.

Madaxweyne Ruto ayaa xilka loo dhaariyay bishii Sebtembar ee lasoo dhaafay,wuxuuna  dhaxlay dhaqaale xumo, sicir-bararka iyo shilinka Kenya oo hoos u dhacay.

Shirka wadatashiga oo looga hadlayo xaaladda dalka ayaa galay maalintiisi labaad

Waxaa Maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho Shir waxaa  lagu gorfaynayo geedi socodka siyaasadda dalka,Amniga,ciribtirka Khawaarijta,dib u Eegista Dastuurka,dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.

Madaxweynah XFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah u fidyay siyaasiyiinta iyo Madax dalka  horay xilal kala duwaan uga soo qabtay si ay uga qayb qaataan geedi socodka siyaasadeed iyo jahaynta mustaqbalka Doorashooyinka dalka.

shirkaan oo ahaa shirkii ugu horeyay oo nuucisa ah oo ay isugu yimaadan dowladda iyo madasha siyaasiyiinta,waxaa sidoo kale maanta shirka ku soo biraya labada guddoomiye baarlamaan iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Maanta ayaa shirka waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha jahaynta doorashooyinka iyo sidii ay u garfayn lahayeen arrimaah la xiriirah go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee maamul goboleedayda,gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho, inta aan la horgayn labada golle ee Baarlamaanka JFS.