Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023.

Bisha       Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada

January     $423,950.00.                $036,500

February   $375,530.00.                 $071,160

March         $268,840.                    $78,770

April.           $231,460.                   $219,290

May              $361,470.                   $386,060

June              $480,550.                  $340,730

 

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

Madaxweynaha JFS oo kulan casho sharaf ah ku maamuusay madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkii Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Musuq-maasuqa Khudbaddii u ka jeedayay Salaadda Jimcaha

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa yiri“War ha cararin hadaadan tuug aheyn oo aadan wax isku ogeyn, in maalin aad maxakamad hor istaagtay oo aad garantay danbi ma ahan, laakin in lagugu cadeeyo waxii laguugu eedeeyay ayaa danbi ah,ninka ka celin karay oo ka celin wayay dadka Ehelka u ah ee musuqmaasuq ku dhex jira waa masuuliyada darro.

Munkarka waa in aad gacanta ku joojisa,lacagta  ay dowladda wax ku qaban lahayd hadii aad adigu ku dalxiisto maxay wax ku qabaneysa?,waxaan Aaminsanahay in aysan ku sii dhiiraneyn  dhallinyarada wax xadaysa hadii aad gacanta ka qabtaan arrintaas,walaalayaal wad aragteen xisaabaadka dowladda waxaa maqan malaayiin doller oo lacag ah.

Dowladii Soomaaliyeed iyadoo huwaan magacii iyo haybadii Ummadda ayeey inta maalin walba meel tagto  leedahay ha nala caawiiyo,Ilaahay baan idinku dhaariyee miyey na qabta?”

Dowladda ma horumarin karto,mana bulaalin karto umaan qaban karto dadkeeda adeegyada waajibka ku ah hadii nin walba wax u rabo musuq maasuqo,waxaan culimadda kula dardarmaya in ay door ka qaataan sidii loo joojin lahaa musuq maasuqa.

Halkaan hoose ka daawo Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Kheekh Maxamuud oo Khudbadii u ka jeedayay Salaada Jimcaha.

Liiska koobka adduunka 2026 ee dalalka Afrika oo la soo saaray

Magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa lagu sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.

Ciyaarahaan ayaa socon doona muddo ku dhaw 2 sano, waxaana dal kasta oo Afrika ah uu dheeli doonaa 10 ciyaarood.

Soomaaliya sanadkaan waxay fursad weyn u heysataa ka qeyb galka koobka Adduunka ee 2026.

Boqolaal Soomaali ah oo u duceeyay dadkii ku dhintay iskudaygii afganbi ee horey uga dhacay Turkiga

Boqolaal shacab ah oo maanta salaadda Jumcaha ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa u duceeyay dadkii ku dhintay afganbigii fashilmay ee 15 Luuliyo 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ahna kusimaha wasiirka mudane  xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali, uqaabilsanaha safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda Tikka ee Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabaddaasi  kooban ee loogu duceeyay dadkaasi ,

Munaasabadda ducacada ah ayaa lagu soo bandhigay sawirro ka turmaya waxa ka dhacay Turkiga 15-kii Luuliyo 2016-kii iyo sida geesinimada leh ee dadka Turkiga ah ku wajaheen  afganbigaas fashilmay ee lagu doonayay in Dimuqraadiyada dalkaas afka dhulka loo galiyo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ahna kusimaha wasiirka mudane  xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali iyo Boqolaalkii shacab ee salaadda ku tukaday Masjidka ayaa Alle uga baryay in uu dadkii ku dhintay afganbigaas uu siiyo naxariis janno,

Safiirka J.F.S ee Masar oo la kulmay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee dalkaasi

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar aya a kulan la xiriiray dhanka waxbarashada la qaatay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee Masar Dr: Maxamed Samiir Xamsa.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaraddaasi ayaa waxa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Tacliinta Sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya iyo Madaxa Waxbarashadda ee Safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka aya uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Masar deeqaha Waxbarasho ee dalkeenna la siiyo isago xusay xiriirka Waxbarasho ee Masar iyo Soomaaliya inuu yahay mid muddo fog soo jiray, islamarkaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo ,wuxuuna Wasaaradda Tacliinta Sarre ku amaanay iney marar badan xalliyeen caqabado kalla duwan.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay mashaakilaadka ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan nidaamka cusub ee ay sanadkaan soo kordhisay dowladda Masar ,wuxuuna isagoo ka duulaya caqabadaha tagaan ee soo wajahay qaar kamid ah Ardayda Soomaaliyeed soo jeedoyay in la adkeeyo  xiriirka laba geesoodka ee waxbarashadda Soomaaliya iyo Masar.

Dhanka kalle Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sarre ee Masar ayaa dhankiisa ballan qaaday in sidda ugu dhaqsaha badan loo xallin doono mashaakilaadka haysta Ardayda Soomaaliyeed isagoo Safiirka ku bogaadiyay inuu yahay Masuul garanaya Ahmiyadda ay leedahay waxbarashada .

Putin “sahayda hubka reer galbeedka ee ku socda Kyiv ma bedeli doonto habka dagaalka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin  ayaa sheegay in taangiyada ajnabiga ah ee reer galbeedka ay bartilmaameed mudnaanta leh ku yihiin ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine,

Putin, oo la hadlay telefishinka qaranka Khamiistii ayaa sidoo kale xaqiijiyay mowqifkiisa ah in xubinnimada Ukraine ee NATO ay khatar gelin doonto ammaanka Ruushka ,isagoo caddeeyay in bixinta hubka reer galbeedka ay sii kordhineyso xiisadda iyo walaaca caalamiga ee jira.

Mar wax laga weydiiyay go’aanka Faransiiska uu ku siinayo Ukraine gantaallada riddada dheer ee socon kara 250km, Putin wuxuu yiri “Haa, waxay geystaan khasaare, laakiin ma jiraan wax khatar ah oo ka dhacaya aagga dagaalka.”

Hadalka Putin ayaa daba socda madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiistii sheegay in Ruushka uu mar hore ku guuldarreystay dagaalka Ukraine,wuxuuna ibtaa raaciyay in weerarrada ay wadaan ciidamada Ukraine ay Moscow ku riixi doonaan miiska wada xaajoodka.

Lataliyaha madaxweynaha ee xakameynta hubka sharci darrada ah oo soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka Soomaaliya oo maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.

“ Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cunaqateynta hubka” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Marwo Makko.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada kaa oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.

Share this Article

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamuud Macalim Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci, gaar ahaan kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay qoysas danyar ah

Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta Xaafada Weydow ee degaanka Garasbaaley waxa ay gargaar ugu qeybisay 3,000 oo Qoys oo iskugu jira dad danyar ah,kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo dad barakacyaal ah oo hore gobollada wadanka uga soo barakacay colaado iyo abaaro.

Gargaarkaan ayaa iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka,waxayna dadkii ka faa’ideystay u mahadnaqeen hay’adda SoDMA ,

Goobta lagu qeybinayey gargaarkan waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan Hay’adda SoDMA.