Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay Musuq-maasuqa Khudbaddii u ka jeedayay Salaadda Jimcaha

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa yiri“War ha cararin hadaadan tuug aheyn oo aadan wax isku ogeyn, in maalin aad maxakamad hor istaagtay oo aad garantay danbi ma ahan, laakin in lagugu cadeeyo waxii laguugu eedeeyay ayaa danbi ah,ninka ka celin karay oo ka celin wayay dadka Ehelka u ah ee musuqmaasuq ku dhex jira waa masuuliyada darro.

Munkarka waa in aad gacanta ku joojisa,lacagta  ay dowladda wax ku qaban lahayd hadii aad adigu ku dalxiisto maxay wax ku qabaneysa?,waxaan Aaminsanahay in aysan ku sii dhiiraneyn  dhallinyarada wax xadaysa hadii aad gacanta ka qabtaan arrintaas,walaalayaal wad aragteen xisaabaadka dowladda waxaa maqan malaayiin doller oo lacag ah.

Dowladii Soomaaliyeed iyadoo huwaan magacii iyo haybadii Ummadda ayeey inta maalin walba meel tagto  leedahay ha nala caawiiyo,Ilaahay baan idinku dhaariyee miyey na qabta?”

Dowladda ma horumarin karto,mana bulaalin karto umaan qaban karto dadkeeda adeegyada waajibka ku ah hadii nin walba wax u rabo musuq maasuqo,waxaan culimadda kula dardarmaya in ay door ka qaataan sidii loo joojin lahaa musuq maasuqa.

Halkaan hoose ka daawo Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Kheekh Maxamuud oo Khudbadii u ka jeedayay Salaada Jimcaha.