ISLAAMKU WAA NABAD IYO HORUMAR (QEYBTA 1-AAD)

Alle ayaa mahad idilkeed u sugnaatay, nabad galyo iyo naxriis Rasuulkeena Muxamed dushiisa Ilaahay ha yeelo;

Intaa ka dib, maqaalkaan waxaan diiradda ku saari doonaa sida Islaamku muhiimad u siiyey nabada, sidaa daraadeed, waxan jeclahay in aan wax yar ka iftiimiyo, marka aan sidaas leeyahayna uma jeedo in aan la ogayn ahmiyadda nabadgalyadu leedahay ee waxaan isleeyahay sidi loo baahnaa looma fahmin.

Haddii aan muwduuca sii guda-galo walaalayaal nabad galyadu muhiimad khaas ah ayay uleedahay jiridaanka aadanaha, xayawaanka, iyo jamadaadka (manoolaha), waxaabana ladhihi karaa waa tiirka koowaad ee nolosha, hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layiri marar badan.

Sharaxaad badan uma baahna arintaas, aadanahu wuu ka cararaa meeshii aysan nabadi ka jirin, si kasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay, sidoo kale xayawaanka ayaa ka guura halka lagu waxyeeleeyo barwaaqo kasta oo uu kuqabay, jamaadaadkuna jiri mayaan haddii ayan helin nabad iyo daryeel, taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta, soomaalidu waa tusaale nool, markii dalkeena bur burka iyo nabad la’aanta ka dhacday wixii dhacay waaba la ogaa ee isagama sheekeynayno.

Sidaas darteed Islaamku muhiimad weyn ayuu siiyey adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxaana la dhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecada sugtay in laxifdiyo.

Islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa, magacyada Ilahay waxaa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu tahay nabadgalyo, nabi Muxamad(scw) markan kusalinayno waxaa nala faray inaan niraahno (salalahu calayhi wasalim) oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato, salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay Ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa, arrimahaas oo dhan haddii aan u fiirsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

Diinteena suuban ee Islaamka ah waxay nafaraysaa in aan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa oo nabad loogu wada noolaan lahaa taasina ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro, Alle(sw) waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri:-

(qofkii u dila qof mumin ah si ulakac ah, abaalkiisu waa jahanamo xaal uu kuwaarayo, ilaahayna waa ucarooday korkiisa wuuna nacladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn) waxaa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyiri:-

(sidedaba uma sugnaanin qof mu’min ah inuu dilo mu’min kale ilaa si kama ah mooyee) wuxuu kale oo yiri (kaliya waxa abalkoodu yahay kuwa ladiriraya alle iyo rasuulkiisa oo kufidinaya arlada fasaad in ladilo ama lasalbiyo ama gacmahooda iyo lugahooda isdhaaf loo jaro ama arlada laga masaafuriyo, sidaas ayay waxay ku leyihiin addunyada dulli iyo hoog aakhirana waxay leeyihiin cadaab wayn).

waxaa kaloo yiri rabbi swt:-“ha dilina naftii alle xarimay in la dilo ilaa inaad xaq ku dishaan mooyee. sidaasaa alle idiin dardaarmayaa ee waxaad mudan tihiin inaad garataan”.

WD: Ibraahim Warsame

ISKA ILAALI BALWADDA WAA DILAAGA NAFTAADA

Haddii aad tahay qof wax bartay ama miduu ilaahey akhli siiyey waxaa loo baahan yahay inaad  marka hore naftaada xakameyso oo aad ka celiso xumaanta iyo wixii ilaaheey ka reebay wixii ay u baahan tahayna waa laguu sheegay oo aysan ka maarmi Karin, laakiin waxaa jira dad badan oo naftooda ay ka qaalib noqotay oo haddana marka aad la hadasho aad is leedahay kuwaan dadka iyagaa ugu akhli badan, haddana waa kuwa dadka ugu liita oo intey naf iyo sheydaan raaceen ku ciyaaraya sharafkooda iyo diintooda.

Waxay ku qanacsan yihiin xumaanta iyo dhibkey ku jiraan iyo fool xumada qaarbaad arkeysaa mushaarkooda oo dhan intuu qaad iyo khamro siistay meelna aan ku ogeyn xaaskii iyo caruurtii uu mas’uulka ka ahaa mana waalna marka aad u fiirsato laguma khiyaasi karo dad waalan haddana laguma xisaabi karo dad fayoow.

Marka aad u dhegeysato calaacalkooda marka ay dadka wax weydiisanayaan  waa dad dhimirkoodu joogo laakiin marka u fiirsato waxaad ogaaneysaa in qaarkood yihiin waalida dhaqanta

Marka qof xarigga ugu jira naf iyo sheydaan kama samri karaan wixii dhalay iyo kuwii ehelka u ahaa waxaana ugu sii daran waalidka oo godka ama qabriga in la geliyo mooyaane aan meel kale uga samri kareynin waayo waa wax la dhalay oo  dhib badan ayuu ka soo maray waalidku.

kuwaasi waxaa ku jira kuwo waano lagala quustay oo aan wax celiya laheyn haddaba, dadka balwadaha leh dhibaato iyo culeys badan ayey ku hayaan qaysaska ay ka dhasheen gaar ahaan kuwa ay mas’uulka ka yihiin, hadduu rabo ha noqdo mid shaqeysta waayo shaqadiisu waa qasaare sababtoo ah wuxuu ku baabinayaa qaad iyo khamri iyo kaniini calaq mana ahan dhibaatada naftiisa mid keliya ku kooban ee nafaf kalena waxba uguma yaal.

Haddaba, isticmaalaha muqaddaraadkoow isaga tag oo ha cunin hana cabin ka  quusta waa qasaare adduun iyo mid aakhiro, qabrigana su,aal ayaa idinku sugeysee ku tashada.

Sidaas awgeed, ogow qof walbow waqtigu waa socdaa ee yaan kedis lagugu qaban ee ka digtoonow wax macnaa kuuma leh jaha wareerka iyo waalida naftaada aad waaleyso waqtiga yar ee aad heysato, waxaana kuu habboon inaad ka faa,iideysato oo raadiso liibaanta adduunka iyo tan aakhirada sidii aad ku heli laheyd ee naftaada Alla u dhiib oo ka har waxyaalka sheydaanku kuu xayiisiinayo

WQ:  Abwaan Gabayre

 

 

QOF WALBOOW TOWBA KEEN INTAYSAN TII RABBI KUUGU IMAN

Alle ayaa ka nasahan ceeb iyo xumaan oo idil, wuxuu Alle naleeyahay Dadow ma jirto dhibaato idin kaaga dhacda naftiina, xoolihiina iyo adduunyadiina oo idil illaa waxaa sababay danbiyada aad Alle ka gasheen in badan oo danbiyadaas ka mid ahna Alle idin kuma ciqaabayo oo waa idiin dhaafayaa.

Marka walaalayaal dhibka iyo musiibooyinkaan caalamka ka jira waxaa sababay waa danbiyada bini’aadanka oo batay, muddo sodonka sano ah dhibaatooyin badan ayay dadka soomaaliyeed isku gaysteen oo danbiyo badan ayaa ka dhashay oo ay ka mid yihiin dagaallo dhexmaray dadkii Soomaaliyeed ee walaalaha ahaa.

Dagaalladaasi waxay sababeen in dadka layska dilo, xoolo la kala dhaco, guryo la kala xoogo .

Danbiyadaas  ciqaabtii ka dhalatay waxay sababtay in labaatan sano ka dib dowladeenii inaysayn wali gaarin halkii la filayay oo ahayd inay dalka dhan gacanta ku dhigto, amniga dalka inay si buuxda u sukto, inay shaqo abuur u samayso dhallinyarada Soomaaliyeed, inay qayraadka dabiiciga ah ee dalka uu leeyahay soo saarto iyo qaar kale oo badan, waxaana intaasoo dhan sababay dunuubteenii aadka ubadneed ee aan dhexdeena kala galnay iyo mid aan Alle ka galnay.

Haddaba, walaalaayaal haddii aan Soomaali nahay dhibaatada nahaysata ma jirto dhibaato ka wayn haddii aad eekto qaraxyada dadka aadka u badani lagu xasuuqayo ee markasta dhacaya, qilaafka aan dhamaaneyn, qabyaaladda iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah intaba waxaa sababaya dunuubteena oo badatay.

Haddaba, Xalku muxuu yahay?

Sidoo kale, Alle wuxuu leeyahay ku dheh Nabi Maxamadow {Nabadgaliyo iyo naxariis dushiisa ha ahaate} Dadka u towbad keenaana Alle, towbada  wuu aqbalaaye.

Culimada islaamku waxay towbad keenka ku macneeyeen hadduu yahay danbi aad Alle ka gashay labo ayaa lagaa rabaa inaad danbigii faraha kala baxdo iyo inaad ka qoomamayso denbigii aad samaysay, haddii uu yahay danbigu midaad bini’aadam ka gashay waxaa lagaa rabaa qodob saddexaad oo ah inaad qofkii aad danbiga ka gashay ka codsato in uu ku cafiyo oo tiraahdo icafi walaal ama haddaad xoolo ka dhacday aad u celiso.

Haddii aan Towbadkeeno maxaa dhacaya?

Alle wuxuu leyahay haddii aad towbadkeentaan waxaan idiin di’inayaa roobab is-daba jooga ah oo ay ku oon baxaan xoolaha iyo duunyada kale oo dhan, waxaa kale oo inoo badinayaa awlaadda iyo maalka sidoo kale beero iyo wabiyo ayuu Alle nasiinayaa.

Haddii aan Soomaalinahay waxaa nahay dad walaalo ah oo isku isir ah, haddana xilligii burburka dagaal sokeeye ayaa na dhexmaray laakiin, hadda waxaa muuqata is-dhexgal iyo in dowladnimo loo bisil yahay waxaana aqriste habboon inaad iska cafiso hadduu qof kale dhibaato kuu gaystay ama haddii aad qof kale aad danbi ka  gashay u tak intay goori goor tahay kaana dalbo cafis, haddii aad xoolo ka qaadatay u celi si aad ciqaab aakhiro iyo mid adduun aad uga badbaadid islamarkaana aad liibaan u heshid.

Alle waxaan ka baryaynaa inuu danbiyadeena dhaafo islamarkaana qalbiyada Umadda Soomaaliyeed isku furo dowladeenana dowlad awood leh oo shacabkeeda danihiisa ka shaqaysa ka yeelo Aamiin.

WQ: {Afar Indhood}

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DHAGAR-QABE DHULKAA SHEEGA

Goobtu waa magaalada silfar biriin ee gobolka meerilaan ee dal weynaha maraykanka, dharaartuna talaado foogteeda hore sanadkii 1993-kii.
Gabar lagu magacaabo liifiyaan rays ayaa gaarigeeda kaga degtay afaafka hore ee guriga walaasheed, balse waxay ilowday inay daaqadda xirto oo ayadoo furan ayay ka tagtay.
Dhinaca guriga ayay u dhaqaaday si ay u eegto faldambiyeed ay 3 nin fuliyeen oo saacado ka hor  halkaa ka dhacay.
Intaa ka dib ayadoo meyd ah oo dhulka taalla ayaa waxaa arkay  askari boolis ah, sidoo kale wuxuu helay haweenay kale oo gudaha guriga lagu dilay iyo wiil yar oo asna u muuqda in la toogtay.

Maantaaa iyo habeenkeediiba baaritaan ayay boolisku ka wadeen guriga iyo agagaarkiisa oo ah halka dadka lagu laayay, waxayna aqoonsadeen dhibanayaasha oo dhan.

Meeli hoor waxay ahayd hooyo 43 jir ah oo ka howlgasha hay’adda duulista rayidka ah ee dalka maraykanka, 3 xabadood ayaana madaxa laga dhiftay.

Wiilkeeda oo 8 jir ahaa laguna magacaabi jiray tiriboor ayaa asagana lugaha iyo gacmaha ayaa laga xiray, waxayna boolisku ogaadeen in qalabka neefsiga oo hore uga xirnaa laga horay ka dibna uu sidaa ku geeriyooday.

Gabar kale oo lagu magacaabi jiray jeeni sandhar , oo ahayd dhaqtarad wiilka yar baxnaaninaysay ayaa ayadana baaritaan meydkeeda lagu sameeyay lagu ogaaday in qoobka ama karaankurka iyo isha maadkeeda rasaasta lagala eegtay.

Baaritaan 24 saacadood ka badan qaatay ayay boolisku ka sameeyeen goobta balse wax raad ah oo dambiilaha la xariira ma aanay helin, darbiyada gurigana waxay ku arkeen rasaas ku dhacday iyo dhiiggii dadka lalaayay oo ku sayrmay, taasoo daboolka ka qaaday baaxadda faldambiyeedka.

Dhiiggii iyo raadadkii kale ee dhacdada ayay baaritaan dhinaca biology-ga ah ku sameeyeen balse Iyana xog dheeraada oo dhibaneyaasha dhaafsiisan lagama ogaan.

Hareeraha guriga waxay boolisku ku arkeen qaar ka mida haraaga qalabkii uu dambiiluhu adeegsaday kolkii uu dadka gumaadayay, balse cidda uu yahay ayaa lagu jahwareeray.

Gaarigii ay wadan jirtay maldareed hoor oo ay hooyada dhibanaha ah ayaa  asna goobtii waa laga waayay , hayeeshee waxaa laga helay meel aan goobta sidaa uga fogayn.

Dambiga halkaa ka dhacay wuxuu ahaa si gaar ah loo qorsheeyay, fulintiisa qaab argagax leh lagu gunaanaday.

Booliska iyo baareyaashu aad bay u dadaalayeen balse dhagarqabaha qudhiisa ayaa mucjiso ahaa oo si fudud xogtiisa laguma heli karin maxaa yeelay raad walba oo lagu aqoonsan karo waa uu ka saan tirtay.

Guriga alaabtii taalay jaqaf kama aanu maqnayn taasina waxay cadday u ahayd inaanu falku ahayn mid tuugnimo la xariira ee uu ujeeddooyin kale ku qotomay.

Haweenay oo u dhaxda odaygii ay Hooyada la dilay Kala tageen oo ku luglahaanta dhacda looga shakiyay ayaa la qabtay, taasoo ahayd qofkii koobaad ee falkan lagu tuhmo.

Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Looransi hoor wuxuu khilaaf xoogani Kala dhexeeyay islaanta guriga lahayd oo dhibaneyaasha la dilay ka mid ahayd,xurguftooduna waxay ahayd mid masayr salka ku haysa maadaama uu Hal nin wada qabi jiray.
Odayga oo la oran jiray hoor wuxuu lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii ka shaqayn jiray meel istudio ah, wuxuuna ahaa hal-abuure heesaha sameeya, qudhiisuna wuxuu lahaa cod la yaab leh oo uu miraha ku qaadi jiray.
Xilligaa guulo badan ayuu ka gaaray dhinaca suugaanta, 1973 ayuuna guursaday maldareed oo shaqaale diyaaradeed ahayd, waxayna Kala tageen sanadkii 1987-kii, balse khilaafkoodu ma dhammaan.

Garsoore furriinkooda goob joog ka ahaa oo lagu magacaabo hoobli diin ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen khilaafkooda ayna hoor ku xukumeen inuu bixiyo 18 kun oo doolar oo lagu baxnaaniyo wiilka ay isku dhaleen oo koomo ku jiray, balse wuu ka cagajiidayay inuu lacagtaa bixiyo.

Dhinaca kale odaygu wuxuu hantiyay hal Mallion iyo 7 boqol kun oo doolar oo uu ka helay qoyskii la laayay maadaama uu asagu xaq u lahaa dhaxalkooda, wuxuuna galay nolol ladnaan iyo baraaro leh.

Lacagtaasi waxay ahayd magdhow ahaan loo siiyay hooyada qoyska  oo lagu magacaabi jiray maldareed ka dib markii wiilkeeda qalliin qaldan lagu sameeyay, dhacdii qoyska lagu xasuuqay ka dib waxaa ka faa’iidaystay oo dhaqaalahaa la wareegay odayga.

Dabcan lacag waxaa ka faa’iidaystay hoor iyo xaaskiisa cusub ee looransi, markii uu asagu geeriyoodona wax walba looransi ayaa u Hari lahayd.

Saacado ka dib Markii uu faldambiyeedyadku dhacay waxay boolisku tageen guriga hoor iyo looransi, balse si lama filaan ah ayuu ugu jawaabay, wuxuuna ku yiri waan idin raacayaa balse Hal qareen ayaan u baahanay.

Intaa ka dib boolisku waxay geeyeen xaafiis ay baaritaannada u adeegsan jireen si ay su’aalo u weydiiyaan, waxayna ku yiraahdeen xagee baad joogtay xilligii uu falku dhacayay, wuxuuna ugu warceliyay saaxiibtay ayaan la joogay.

Faldambiyeedkii dhacay wuxuu ahaa mid gobolka mayrland oo dhan gilgilay, waxaana ku naf waayay wiil yar oo koomo ku jiray, hooyadiis, iyo gabar kalkaaliso ahayd oo dawaynta gabanka haweenkaa ku qornayd.

Baaritaanka kiiskani wuu ku adkaaday Fpi-da , maadaama uu tuhunsanuhu ku sugnaa los angelos oo 3 kun oo kmr ka durugsan goobta uu falku ka dhacay.

Guriga iyo agagaarkiisa waxaa la geeyay tobaneeyo eeyaha wax uriyo ah si loo helo xog tixraac ah oo dambiilaha ku saabsan, tanina qeyb kamida bastoolad oo haraageeda goobta lag helay, waxaana lagu wareejiyay fpi-da si ay u baaraan, waxayna caddeeyeen inaanay wuxu bastoolad ahayn ee ay yihiin qeyb kamida qoriga loo yaqaanno ar 7.

AR 7 waa qori fudud oo xittaa ay carruurta yar yari qaaadan karaan, dambiiluhuna asaga ayuu falka arxandaradda ah ku gaystay, wuxuuna ka saaray numberkii astaanta u ahaa si aan loo garan.

Inta badan dambiileyaasha waxaa ku adkaada inay astaanta qorigaa qariyaan, balse Kani waa ka duwan yahay oo waaba tir tiray numberadii oo dhan.

Gabar uu dhalay hoor oo  ninkii qabi jiray hooyada la dilay oo 18 jir ahay, laguna magacaabo difanis hoor ayay boolisku su’aalo qorigaa ku saabsan weydiiyeen si fudud ayayna dhammaantood uga jawaabtay, sidoo kale waxay bixisay ama sheegtay sir la yaab leh.
Tolow sirtaasi maxay ahayd, dambiiluhu’se kumuu noqan doonaa la soco qeybta labaad ee muuqaal xiga ku jirta.

WQ: Abwaan Hareeri

CIIDAMADA DOWLADDA OO SI TARTIIB AH ULA WAREEGAYA FARIISIMADA ATMIS (WARBIXIN)

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac baxay Ciidanka Howsha ku midoobay (TASK FORCE), sanadkii 1992kii, kaasi oo uu hoggaaminayay Wadanka Maraykanka, ayna a mid ahaayeen Wadamada Faransiiska, Talyaamiga, Bijam, Maleesiya, Turkiye iyo kuwa kala socday Afrika iyo Carabta, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd in ay kaalmeeyaan Dadka Soomaaliyeed oo berigaasi ay ka jireen dagaalo sokeeye oo sii daba dheeraaday, kaasi oo sababtay in ay dilaacdo Macluul ba’an, runtiina waxay u fidiyeen gacan bini’aadannimo, waana ku guuleysteen samata bixinta Dadkii baahnaa, muddo kadibna waa ay ka baxeen sabab kasta ha ahaatee sanadkii 1995-kii.

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Macluushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaatooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wadamada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixitaankooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabateyntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cuneqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taageero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii…

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciidamada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo September 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka, si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay Mas’uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nabadeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maamusho ammaankeeda. Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, saldhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Kenyana waxay iyaguna wareejiyeen Deegaanka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareejiyeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay kaloo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Shabeelada Hoose kuna yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi waxay tiradoodu dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha ku sugan Aagga Deegaannada Shabeelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Waan ku filanahay in si buuxda aan dalka ugala wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaanna waan ciribtireyna Khawaarij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaranka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii raaciyay “ Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee waxaa la iska rabaa in ammaanka guud la lala wareego”.

SONNA EDATORIAL

 

10) XAQA XAYAWAANKA (QEYBTII 3-AAD)

Noolaha  kale ee aan dadka ahayn waxay iyagana leeyihiin xuquuq, waxaana xuquuqdaas ka mid ah kuwan soo socda.

  • In la waraabiyo oo cunto la siiyo haddii ay oomaan ama ay gaajoodaan. Waayo nebiga waxa uu yiri (qofka aan naxariisan looma naxariisto.)
  • In loo naxariisto oo loo beer nuglaado.
  • In birta loogu raaxeeyo marka la gawracayo ama la maqaar bixinayo (in bir af badan lagu qalo)
  • In aan la cadaabin ama la ciqaabin, nooca ay doontaba ha ahaatee. (in la gaajeeyo, la garaaco, la gubo, aad loo raro ama la sunto.
  • In xaqqa ilaahey ee sekada ah laga bixiyo.

11) XAQA JIDKA AMA DHABBAHA.

Xaqqa uu ku leeyahay jidka qofka fariista waxaa ka mid ah

  • in uu indhaha laabo oo aanu dadka eegeegin.
  • In uu dhibka ka daayo dadka jidka maraaya, oo aanu caayin ama maalka ka xoogin.
  • In uu slaanta ka qaado qofkasta oo salaama.
  • In uu wanaagga faro,
  • In uu xumaantana reeba.
  • Waa in uu baadida bariiyaa oo yaboohiyaa.

12)  XAQA WAALIDK

Waxaa ku waajib ah waalidiinta iyo macalimiinta iyo barbaariye kastaba in uu baro  oo uu ku barbaariyo ilmaha  inta ay yaryar yihiin ilaa ay qaataa oo ay ku dhaqmaan.

  • Waa in uu hadalkooda maqlaa.
  • Waa in markii ay istaagaan uu la istaagaa.
  • Waa in uu kaalintooda buuxiyaa.
  • Waa in aanu hor soconin.
  • Waa in hadalkiisa aanu hadalkooda ka kor marin.
  • Waa in aanu ka daba hadlin.
  • Waa in uu ajiibaa markii loo yeero, oo uusan ka dhaga adaygin.
  • Waa in uu ku dadaalaa wixii raali gelinaya.
  • Waa in uu garbaha u raariciyaa.
  • Waa in aanu ugu abaal sheegan wanaagga uu u sameeyey iyo amarkooda oo uu adeecay.
  • Waa in aanu indhaha ku gubin oo aanu wejigiisa wejigooda u dhameyn.
  • Waa in aanu amar la’aantoda safrin.

QIIMAHA AY LEEDAHAY BAARINIMADA WAALIDKA

  • Raalinimadooda waa raalinimada ilaahey.
  • Caradoodana waa carada ilaahey. (ama ka careysiintoodu waa ka careysiinta ilaahey.
  • U baari noqoshadoodu waxaa laga hor mariyey jihaadka dar ilaahey.
  • (Ninii nebiga u yimid eek u yiri, nebi allow aan jihaado, nebiguna uu ku yiri ma leedahay waalid, haa buu ku yiri, iyaga ku jahaad.
  • Qiimeynta dadka ay saaxiibada la ahaayeen.
  • Ka hor marinta baarinimada hooyada baarinimadda aabaha.
  1. XAQA CARRUURTA
  • In lagula hadlo si dabacsam oo asluub leh.
  • Inuu u soo hinqado haddii ay u soo galaan.
  • Inuu gacanta ka dhuunkado subaxa iyo galabta iyo munaasibadaha
  • Ilalinta sumacadooda, sharaftooda iyo maalkoodaba.
  • Ixtiraamidooda iyo siinta waxa ay u baahdaan ee ay weydiistaan
  • Kala tashigooda arimaha iyo hawlaha oo dhan.
  • U duceynta iyo u dembi dhaaf dalabkooda oo uu badiyo
  • Haddii uu qof marti ah la joogo inuu fariisto meel ka durugsan oo ay ka arkayaan, waxaa laga yaabaa inay adeeg degdeg ah uga baahdaan.
  • Inuu sameeyo waxa farxad gelinaya labada waalid iyaga oo aan amrin.
  • Inuu codkiisa codkooda ka kor marina ma agtooda uusan ku qaylin.
  • Waa in aanu hadalka ka  kala goyn iyaga oohadlaya.
  • Iyaga oo an u idmin in uu guriga ka bixin.
  • In aanu ka nixin haddii ay hurdaan.
  • Waa in aan laga qiimeyn ilmaha iyo aradda.
  • Waa in aan lagu qaylin oo aan la dhaleeceyn, haddii ay sameeyaan wax aadan ku farxin.
  • Waa in aadan ku qoslin meesha ay fadhiyaan, haddii aanu ahayn qosolka mid ay iyagu sababeen. Oo rabaan.
  • Waa in aadan cunin marka aad xeero la wadaageyso, cuntada xagooda jirta.
  • Waa in aadan cuntada marka la soo dhigo aadan hortooda bilaabin.
  • Waa in aadan hurdin ama aadan seexan iyaga oo fadhiya, inaykuu ogolaadaan mooyee.
  • Waa in aadan lugaha hortooda ku fidsan.
  • Waa in aadan guriga hortood gelin ama aadan horsocod marka ay socdaan.
  • Waa inuu u jawaabaa markiiba marka ay u yeeraan.
  • In la ixtiraamo asaxaabtooda iyaga oo nool ama marka ay dhintaan ka dib.
  • Waa in aanu la saaxiibin qof aan waalidkiisa baari u ahayn.

Waa inuu yiraahdaa ilaahow sidii ay ii soo koriyeen ugu naxariiso.

Waxaa diyaariyey

Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)

 

XILKU WAA MEERTO EE XEER JAJAB MAAHAN

Soomaalidu waxay laheyd hidde iyo dhaqan waxayna aad iyo aad isaga ilaalin jirtay hunguri xumada boobka iyo wax jecleysiga haddii waqtiga jiilaalka ah ay neef geela qashaan waxay lahaayeen saami qaybsi wax la yiraahdo oo waxaa lagu saleen jiray sida qaaraanka oo kale ay reeruhu u bixiyaan.

Wakhtiga culeys yimaado sida magta oo kale ay qaybsanayaan waxaa la dhigi jiray gogol waxaana si miiran oo raalli leysaga yahay loo wadaagi jiray qaaraankii magta iyo wax walba oo soo siyaada, sida quraan akhriska, duugta, iscaawintaa sii ba qofka jiran oo kale iwm.

Haddaba, maanta waxaa murug iyo jaha wareer ku riday dadka soomaaliyeed jagooyinka siyaasadeed markii aan qaybsaneyno waxaa dhasha buuq iyo xasarado mararka qaarna waxaa dhacda in dagaallo la isaga hor yimado oo dad iyo maalba ay ku baaba,aan.

Waxaa kale oo taas kasii daran qof ayaa jago mudda gaaban loo dhiibayaa wuxuu moodayaa inuu isaga leeyahay oo xisaabtaba uguma jirto in saaxibkii kale berrito la keeni karo.

Haddaba, adigoo raalli ah oggoloow in xilka laguu dhiibay shalay maantana lagaa qaadi karo xilku dadka ayuu u dhaxeeyaa ee maahan sidee aniga leyga qaadi karaa ama beesheyda ayaa iska leh xilkaan waana fikrad qaldan taasi.

Ma jiro qof xaq u leh in uu xilka iska maamusho ama uu iska hayo sidii dhaxalkii oo kale, haddii howlaha socda aad xagal daaciso jagada waa lagaa qaadaa waxaana laguugu beddelayaa qofka u heelan shaqada oo u adeegaya bulshada inteeda kale.

Haddii qof waliba xilkii loo dhiibay dayaco ama uu musuq maasuqo dowladdu waxay ku qasban tahay in ay dadka ka hor wareejiso baddelkiisana la keeno, taa daraadeed waa in qof waliba marka hore muujiyaa hufnaan shaqo iyo maamul wanaag dadku raali ka wada yihiin.

Dhibaatada ugu weynna waxay ka jirtaa in qofka markiisa horeba lagu soo xusho nin jecleysi, qabiileysi, goboleysi iwm.

Qofka haddii lagu soo xulo karti, aqoon, hufnaan shaqo, iyo u qalmidda shaqo waa wax laqaadan karo, waa in marka hore xulashada ay tahay maxaad taqaannaa aysan arrintu noqon yaa taqaanna.

haddii aan sidaas oggolaanno wax badan ayaa noo hagaagaya soomaaliyeey ee halla ogaado, xilkuna waa meerto oo ma lihid kaligaa ee lasoco u danee dalkaada iyo dadkaaga ee adigu ha daneysanin berritana waxaa dhici karta haddii wanaag lagaga bartay in xil kale laguu dhiibo ee sidaas talada ku darso.

WQ: Abwaan Gabayre

 

XANTU WAX FIICAN MAAHAN

Dadka qaarkii markay qof maqan wax ka sheegayaan hadaa tiraahdo Jooji qofkaa ha xaman wuu kaa maqan yahay. Waxay ku leeyihiin Maxaad ku hadleysaa waxaan ka sheegayo waa run.

Haddaba waa maxay xan? Macnaha Xanta waa sidan:
Haddii waxa qofkaa kaa maqan aad ka sheegayso ay xitaa tahay wax uu sameeyay waxa la yiraahdaa Xan. Haddii ay been tahay waxa la yiraahdaa Qadaf (Aflagaado xun oo been abuur ah).

Alle SWT waxa uu Quraanka inoogu sheegay in Xantu ay tahay wax aad u xun ayna ka dhigan tahay qofka oo cunaya Hilibka walaalkii.
Dadki maanta waa fududaysteen, qaarkood waxay ku leeyihiin xan maaha ee waa fariin aan rabo in uu gudbiyo, kuwa kalena takhasus ayayba ku noqdeen oo waxaa lagu gartaa markay rabaan in ay wax kuu sheegaan waxay ku leeyihiin:

Dhaaro in aadan cidna u sheegeen ama afkeena waa isku amaan! Qof aad taqaanay baad dhaafeysaa adigoo ugu talagalin, qofkaa wuxuu bilaabayaa isla marki in uu is weydiiyo, muxuu kuu dhaafay oo kuu salaami waayay armaa warki aad ka sheegtay loo sheegaa Welwel baa ku beermaya ileen waa is ogyahay in uu wax sheeg badan yahay.
Sidoo kale, hadii inta qof la soo waco lagu yiraahdo war xan ah baan kuu hayaa waa inoo beri, qofkaa ma joogi karo waa waalanayaa wuxuuna leeyahay, “war hada ii sheeg xan baa ugu baahi badan ma seexan karee”
Maanta waaba la is balansadaa Xan fresh ah baan kuu hayaa aan isu nimaano hadhowna dadkaa la tusaa ama loogu faanaa in 2 saacadood ay dad wada xamanayeen.

Xanta ilaahey baa ka deershay adduun iyo aakhiro midna kuma wanaagsana xunta marka aad heyso waxay la mid tahay adigoo cunaya hilibka walaalkaa taasina maahan wax wanaagsan.

Soomaalidu waxay tiraahdaa xan sheeg waa ceeb sheeg sidaa daraadeed maahan wax fiican waana doqonnimo in aad noqoto qof xan u joog ah, waxaa kaaga wanaagsan intaad qof xaman lahayd in aad runta u sheegto, haddey kaa dhacdana in aad u tagto walaalkaa oo aad cafis ka dalbato una sheegto sida aad u xamateen iyo wixii aad ka sheegteen taasi ayaad kaga badbaadi kartaa cuqubadii kaa soo gaari lahayd xantaad xamanteed ruux walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah.

Si kastaba arrinku ha ahaadee waxaan kaa waninayaa in aad ka fogaato xanta iyo iwm haddaad tahay qof islaam ah oo Rabbi iyo Rasuul yaqaan.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

MAXAAD KA TAQAANNAA TAARIIKHDA GOBOLKA GALGADUUD

Maqaalkeena maanta waxaa ku soo qaadaneynaa taariikhda gobolka galgaduud
ee Bartamaha Soomaaliya oo ah mid ka mid ah gobolada Soomaaliya kuwooda ugu baaxadda weyn.

Galgaduud waxeey xuduud dhuleed la wadaagtaa Gobolada Hiiraan Dhanka koofur-galbeed shabeellaha dhexe dhanka koofurbari ee saaran xeebta badeweynta hindiya, oo jihada bari kasaaran iyo Gobolka Mudug oo waqooyi ka saaran, Galbeedkana waxaa ka xiga xaduud beenaadka soomaali galbeedda ku jirta gacanta gumeeystaha xabashida ee isku magacaawda Itoobiya.

Macnaha Galmudug waxaa weeye Galgaduud iyo Mudug oo leys raacshay halkaasna waa midiowga labada gobol ayuu tilmaamayaa magacaas, dhuusamareebna waa caasimadda galgaduud iyo mudugba laakiin Gobolkan oo leh deegaanno cajaa’ib ah oo juquraafi ahaan, macdan iyo deegaan ahaanba Soomaalidu ku taqaan, Tusaale ahaan Dhagaxa Gibsonka loo yaqaano ee Ceelbuur oo Soomaaliya iyo carabaha oo dhan laga isticmaalo oo laga sameeyo dabqaadyada, burjikooyinka…IWM ayaa laga helaa

aridibaaxa loo iibgeeyo dal iyo dibad oo uu gobolkani la qeeybsado Hiiraan oo ku deegaan ah.. iyo digir gaduudda soomaalidu u taqaanno digirta ceelbuur iyo falfaliirta intaasoo isku wada jira ayaa laga helaa gobolka.

Deegaanada iyo degmooyinka qadiimka ah ee waa weeyn ee gobolkaan hoos yimaada waxaa ka mid ah, ceel buur Ceeldheer, Mareeg, Masagawaay, Qod-Qod, Galhareeri, Ceelgaras, dhuusomareeb, Ceel-lahelay, sinadhaqo, Cadaado, Godinlabe, Mareergur, Balan-Balle, Ballicad, Gadoon, Guriceel, Ceeldheere, Gerijir, iyo degmada diri, bargaan, wabxo iyo Xeraale. waxaa kuwaasna sii hoostaga tuulooyin iyo beello aad u faro badan.

xagga juqraafiga dulka xeebtu waa deex kadiifad cagaaran oo kale ah xooluhuna cowska afka kama qaadaan duurjoogta iyo xooluhuna isma cunaan dadkuna ugaarta ma laayaan oo waxeey ka aaminsan yihiin in ay iyagu idaha leeyihiin ugaartuna tahay xoolo jinni!

Cadaado iyo caabudwaaq waxaa u dhaxeeya dhul lagu qiyaasi kari 60km oo isku wareeg ah, waxaana loo yaqaanaa bangeelle dhulkaas waayadii hore ugaar kaliya ayaa joogtay hadase waxaa daaqa geella

sidoo kale, waxaa ku yaalla cows dadka iyo xoolaha kala qarinaaya oo aad u dheer, aagga caradda gaduudan ee balliyada badan waa dhulka aricadka lagu dhaqdo wuxuu leeyahay dhir iyo howd aad u baaxad weeyn

waxaa ka baxa geedka soomaalidu ku faanto oo aan adduunyada meel kale ka bixin ee la yiraahdo Gudda, amase geedka Yicibta, xagga hiiraan xigta waa wada dhul biyo iyo buuraleey ah qurux badan daawashada indhahana uroon.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023.

Bisha       Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada

January     $423,950.00.                $036,500

February   $375,530.00.                 $071,160

March         $268,840.                    $78,770

April.           $231,460.                   $219,290

May              $361,470.                   $386,060

June              $480,550.                  $340,730

 

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.