TUUGGII CAQLIGA BADNAA (QEYBTII 1-AAD)

Tuug guuray oo muddo xadidda xoolaha ummadda muddo dheer ku qaraabanayay ayaa habeen guri dagan oo ay dadkii lahaa hawo gadis uga maqanyihiin u soo dhacay.
Kolkii uu gudaha galay wuxuu durbadiiba isku qaaday oo bartamaha u joogsaday qolkii jiifka, wuxuuna billaabay baaris iyo fatashaad si uu wax fudud oo uu haaban karo uga raadsado.
Armaajo walba wuu furay, koomadiis kasta ayuu balaqay, daahyada iyo qaanadahana wuu eegay, balse wax alliyo wax uu qaato ayuu ka waayay.
Asagoo gurigii dhex meeraysanaya haddabana doc ama dhinac indhaha ku fiiqay, ayuu meel jawaano hoostood ah uga jeeday sanduuq ama abxad weyn oo ku dadan.
Haleel ayuu u abbaaray oo durbadiiba waa uu jabiyay, balse waxba wuu ka waayay markii laga reebo buug weyn oo ay baalashiisa tirooyin xisaab ihi ku qornaayeen.
Guriga waxaa lahaa nin sarafle ah oo kamida lacag Kala rogayaasha waaweyn ee magaalada, buuggana wuxuu ku qoran jiray xogo la xariira howlmaalmeedkiisa iyo hanti loo dhiibto.
Tuugga waxay muhiimaddiisa iyo yoolka uu diiradda saarayayba ahaan inuu wax fudud haabto ka dibna uu la cararo, alaabaha culus iyo kuwa aan waxba u taraynna Dan kama lahayn, balse markii uu buugga arkay qorshe cusub ayaa u soo baxay.
Wuxuu ku fakaray inuu buugga qaato ka dibna uu baahiyo, makuu ninkaa lahaa la soo xariirona uu xoogaa qarasha oo baadi fur ah weydiisto, haddana way la ahaan waysay maxaa yeelay ninka saraflaha ihi wuu garan lahaa in buugga gurigiisa la xaday.
Wax maamintii iyo maantuujiskii ayuu dib uga noqday oo cabaar ayuu abla-ablaynta qorshaha isku howlay, ka dibna wuxuu go’aan buuxa ku gaaray qodob biyo kama dhibcaan ah oo uu maskaxdiisa ka helay.

Qodobkaasi wuxuu ahaa inuu buugga lacag dhowr Mallion ah gees uga qorto ka dibna uu ninka saraflaha ah ku qabsado oo ku yiraahdo lacagtii aan kuu dhiibtay isii, sidaas ayuuna yeelay.
Magaciisa oo 3xan, taariikhda, iyo tirada lacagta oo dhowr Mallion ahayd ayuu buuggii ku xariiqday ka dibna intuu isku laabay oo santuuqiisii ku riday, alaabtii uu Kala daadiyayna isku aruuriyay ayuu iska baxay.
Lasoco qeybta labaad.
WQ: Abwaan Hareeri

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 48 -AAD)

Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”

Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”

Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay- Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”

“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”

“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”

“Wallaahi hadda in oo kula hadlana waa rebey, adna waaba i weceesee, baraabar waayebee, waxaanba iska arkay, ad wax ma ogtid, waa imaaheesaa waa baxee lee, wax ma na warsaheesid, ma kastay?”

“Laakiin waxaan u jeedaa, lamadaani beri lamadaani beri ma ahee waliba ka sii badan, gebertaayna Maana-Faay, aad iyo aad aniga xaalkeeda murugaas i geliyey. Minanka waa ka soo daaheesaa. Iihi. Cawadii ma kuu hurdeeso, hungurigii ma kuu cuneeso. Iihi, gabartii waa kuu murugeysan tahay lee. Wax ma kuu sheegaheeso. Haddii warsado, maxaa ku daaray dhoho, warkeyga waaba dhibaa. Dhirifaa ka soo haray. Wax kasta waa ka dhirfeey.”

“Iihi, adina waa u jeeddaa gabartaan sidii nakhatay. Muggoo ani waa ku dhibtooday. Haddii macallin u qaba leeheed, haddii takhtar u gee leheed, haddii wax kale ku suubi leheed, adigay ku jirtaa.”

Xaajigu inkastoo uusan gabadha xaalkeeda ula socon sida hooyadeed ula socoto, habartuna ku dadaali jirtay in ay gabadheeda u ceeb qariso, haddana wuu la socday isbeddelka Maana-Faay ku dhacay, waayo, ma ahayn wax qarsoomi kara. Arrintaasina waxay ku haysay walwal xoog leh. Sidaas awgeed, wuxuu go’aan degdeg ah la soo gaaray walaalkii Aw-Mukhtaar. Waana sababta uu galabtaas Ay-Caddeey ugu yeeray.

Intuu qaxwihii kululaa qab siiyey, ayuu isagoo koobkii dhulka u sii wada wuxuu yiri, “Caddeey, runtaada waaye, gabartaan xaalkeeda ma fiicna, taladana annakay na jirtaa, annakaa waalidiintii eh. Ani naftirkeyga in hadal kuu sheego waa rebey. Maanta waxaa i soo khabsaday walaalkeyga Aw- Mukhtaar.

Waxaas i dhahay ‘Eebbowgey i dhegeyso. Yarkii waa i dhibay, Abuukar. Cawadii siyeed saac, sagaal saac, markiin fejerka u baxo aas iga hor imaahaa. Wareeg lee. Sagaal saac cawo ninkii socday khatar ma ku sugnoo? Maana-Faay naftirkeeda waa weynaatay.

Aweesna waa imaaday. Hadda waxaan rabaa in iskool-xirow waxba la sugin, dadkaan arooskoodii Jimcadaan laga dhigo, oona eh bil Mowliid 14.’ Waxaan dhahay marxabba. Barbaar waaye, anina habartaan u sii sheegaa, ee ogow. Maxaa jiraa Caddeey gabartaan waa weynaatay. In dhakhso loogu aroosiyo maahine si kale ma ku degeyso.

Macallinna ma degeeso, takhtarna ma ku degeeso, wax kalena ma ku degeeso. Hadda xaalkaas aan soo dhammeesannay, baraabar ma ahoo Caddeey?”

Intay soo ruqaansatay, codkeedii miskiinka ahaana quwad dahsoonayd ku dallacday bay tiri, “Haah! Waaba soo dhammeesateenba miyaa? Ma soo dhammeesateenbo?”

“Mayee waa soo dhammeesannay. Maxaa jiraa adina waa kuu sheegoohaayaa,” ayuu si gabbasho ku jirto u yiri, isagoo u eg nin looga naxsaday ka hor-

imaad kadis ah. Hadduu ku tala geli lahaa wuxuu sii diyaarsan lahaa erayo uu isku difaaco.

“Waxaa soo dhammeesan kartiin ma jirto,” Caddeey baa tiri, “Xaal dhammaadayna ma ii keeni kartiin. Wax ma ii sheegeesid, wax ma i warsaheesid. Wax lee soo dhammeesaheesaa miyaa?”

Isagoo weli is-qaboojinaya si ayan mashruuciisa carqaladi uga hor imaan, ayuu yiri, “Laakiin adi hadda maa kuu kow eh, Soonfurtii ani ma kuu sheeginoo in afarta carruur walaalaha eh la is- dhaafiyo oo la isu aroosiyo?”

“Markaas naftirkeeda wax adi iyooney walaalkaada soo dhammeesateen lee ii sheegtay mooshi maahine, ani taladay ma aheen.”

“Hadda xaalkaan waa dhammaaday. Anina khoolkeeyga waa baxay, khoolkeeyga ma soo nakhsahaayo. Adina rabsha naga dhaaf Caddeey!”

“Geberteyda igaarkaas ma lagu daraayo, minankaasna ma la geehaayo. Geberteyda meel xun ma la gelihaayo. Walaalkaada naag xun aas khabaa. Soonto an waa akhaan, afkeeda hanuunaas dheer yahay. Balaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteyda ma aha. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow aa lagu daraa. Koo kaloo lagu daraayo ma leh.”

Xaaji Muumin intuu markiisa kululaaday buu si xanaaq ah u yiri, isagoo xaaskiisa indho kuukuusan ku fiiqaya, “Haah! Caddeey illaa, ani lillaahi aan kugu wadey, adna lakhdabaad igu wadey. Inaad taladeyda ku jirin oo adi gaar u tashaheesid, an waa ogaaday Caddeey. Berigaan ogaaday. Berigaan ogaaday.”

“Abidkaada ogaaw maahine waligaada ogaaw.” Xaaji Muumin intuu istaagay, tusbixiisiina hore u qaatay buu si kulul u yiri, “I makhal Caddeey! Ani adoogiiyaan ahay, ani wudin dhoho aa yeelaysaa, maahine koo kale ma jiro.

Maana-Faay, Abuukar Aw-Mukhtaar aa lagu daraa. War badan ma rabo. Hadal dambena ma igu soo nakhi kartid!” Waana dhaqaaqay isagoo xammaysan.

“Waa kugu soo nakhaa, waana kuu sheegaa,” Ay- Caddeey baa ka daba qaylisay. “Nidar aan ku maray, saddexdeeydaa saaran, waa i fureysaa maahine, Maana-Faay nin aan Jiilaani Xaaji Macow aheen oo lagu daraayo ma jiro!”

Intay markeeda istaagtay bay gurigii ku dhaqaajisay, iyadoo xiimaysa, xooggeediina laba jibbaarmay. Alaabooyin bay kala tuurtuurtay. Ilmihii bay ku qaylqaylisay, qaarkoodna u gacan qaadday.

Armaajadii bay huruuftay. Alaabna kala baxday. Ugu dambaystiina intay shukadeedii hore u qaadatay bay iska dhaqaaqday, iyadoo hoos ka guryamaysa.

Ay-Caddeey sideeda qof dhib badan ma aha. Mar dhif ah ayey dhacdaa in khilaaf dhexmaro iyada iyo ninkeeda.

Hase yeeshee, guurka Maana-Faay, baa wuxuu yahay arrin xasaasi ah. Waa arrin muddo badan laga dhur sugaayey, loo wada hanqal taagayey; qofba si u qorsheysanaayey.

Xaaji Muumin markii u horreysay ee uu arrintaan xaaskiisa la socodsiiyey, Ay-Caddeey diidmo cad uma muujin, umana riyaaqin. Inkastoo uu ka maqlay erayo aan badnayn oo ay ku durayso Iikar iyo hooyadii Soonto, haddana waxay ula ekaatay qof aan mashruuca hor taagnayn.

Dhinaca bixinta Maana way ka biya diidsan tahay, laakiin, dhanka aroosinta Aweys way ku faraxsan tahay. Waa arrin ay in badan ku riyoonaysey. Jiijana qof xun ma aha. Hase yeeshee, Ay-Caddeey markay ciddooda war gelisay, ayay haweenku ku soo guubaabiyeen “gabadhaasi yay innaga na dhaafin.

Aweysna annagaa gabar fiican u hayna.” Maana waa qof qaali ah oo loo wada han weyn yahay. Abtiyaasheed iyo adeerradeed qolaba dhankeeday ka dhawranaysey.

 

Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyey goobo khawaarijtu ku kaydsan jireen sunta qaraxyada iyo saanad ciidan

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku kaydsan jireen khawaaeijtu sunta iyo alaadaha kale ee ay khawaarijta ka sameeyan walxaha qarxa iyo goob kale oo ku kaydsadaan hubka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid gobollada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana dhawaan lagu wadaa in uu bilowda wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

SIDEE LOOGA HORTEGI KARAA ISTICMAALKA XAD DHAAFKA AH EE LACAGTA DOLLARKA AH?

Dalkeena Soomaaliya waa dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay leh xuduudo la yaqaan lehna lacag astaan u ah oo uu dal walba leeyahay dalkeena waxa uu leeyahay lacag shilling Soomaali ah oo soo martay heerar kala duwan islamarkaana ay adeegsadaan shacabka Soomaaliyeed dowladdoodana ay u ilaaliso lacagtooda iyo sharafkooda.

Soddon sano Ka hor isticmaalka shilinka Soomaaliga aad ayuu u xoogganaa islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ay isticmaalkeeda u badan yihiin waxaana adkeeda isticmaalka lacagta dollarka oo xad laheed awood badan waxaa lahaa shilinka Soomaaliga ah dowladduna ayadaa ayaa ilaalin jirtay oo lasocon jirtay dhaq dhaqaaqa shilin soomaaliga ah taasina waxa ay nagaar siisay in shilinka Soomaaliga ah uu noqdo mid qiimihiisa uu aad u sareeyo.

Sodon sano kadib markii ay inaga bur burtay dowladdii ugu xoogga badneed geeska Africa dalkeena waxa uu noqday meel bahal galeen ah islamarkaana sidii doona laga yeesho taasina waxa ay keentay in waxkasta ay naga burburaan oo waxkastana ay qiimo beelaan oo kaabayaasha dhaqaale ee dalkeena uu meesha kabaxay oo ay qeyb Ka tahay lacagteena Soomaaliga ah.

Shilinka Soomaaliga ah waa uu shaqeeyaa laakiin shaqo noocee ah ayuu shaqeeyaa waxa uu u shaqeeyaa si silac ah oo ay shacabkeena ay ku dhib qabaan isticmaalleeda taasina waxa ay keentay in dalkii uu isticmaalka ku batay lacagta dollarka ah.

Sodonkii sano ee burkii iyo dowladd dhiskii aan ku guda jirnay majir soo daabicid lagu sameeye lacagta shillinka soomaaliga ah balse waxaa jiray isku dayo badan oo ay doonayeen dowladeena in ay soo sameeso lacagta shillinka soomaaliga ah balse wali ma guuleysan taasina waxa ay keentay in lacag soomaaliga ay yaraato isticmaaleeda sababtuna waxa ay tahay waa lacagtii oo aan laheen adkeesi badan oo ay jeex jeexmeyso oo isticmaalkeeda uu sii yaraaday.

Waxa ay aad u isticmaalaan shacabkeena Soomaaliyeed lacagaha qalaad sida dollarka oo ay u isticmaalaan si tiro beel ah waxaan lagu isticmaalaa goobo badan sida Bangiyada, Suuqayada dalka, Xarumaha dowladda oo dollarka si xad dhaaf ah loogu shaqeeyo, Airportka iyo Dekadaha dalka iyo sidoo kale waxaa jiro lacago dollar ah oo lagu isticmaalo qaab electronic ah oo loo yaqaan EVE+PLUS oo ay saaid bulshada Soomaaliyeed u isticmaalaan taasina waxa ay keentay in shilinka Soomaaliga ah uu si tartartiib ah uu qadka kasii baxaayo.

Lacagta dollarka ah waa lacag ay leedahay dowladda Mareekanka oo adduunka laga isticmaalo balse dowladd waliba oo adduunka ah lacagtooda ayey istcmaalooda xoogga saaraan sababtuna waxa ay tahay haddii dowladda Mareekanka uu burburo waxaa qadka Ka baxaayoo lacagta dollarka ah taasina waxa ay kugu keeneysaa qasaaro aad u xun oo aad kasoo kabsan karin hadhow.

Hadaba maxaa xal ah si loo bad baadiyo lacagteena shilinka Soomaaliga ah.

Waxaa loo baahan yahay laba shey oo kaliya oo kala ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mida kowaad dowladdu waxa ay u taagan tahay waa ilaaliyaha bulshadeeda waxaana ay ku ilaalisaa sharcigeeda u yaala islamarkaano u difaaceysaa amaankii, cirdigiisa, sharafkiisa iyo waxa uu leeyahay sidoo kale dowladdu dadkeeda waxa ay u ilaalisaa waxa ay heshiisa bulsho ku yihiin sida lacagta shillinka soomaaliga ah waxaana laga rabaa dowladda in ay soo daabacdo lacag taya leh oo shilin soomaali ah islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiira galiso isticmaalka shilinka Soomaaliga ah si looga gudbo isticmaalka lacagta dollarka ah badalkeeda lagaliyo lacagteena Soomaaliga ah.

Tan labaad shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay waa in ay ilaaliyaan lacagtooda ay leeyihiin islamarkaana ay isticmaalaan meeshana Ka saaraan isticmaalka badan ee dollarka oo galistiisa ay badan tahay si aan oga bad baadni.

WQ Abdinaasir Yuusuf Aadan

MAALGASHIGAA MUUJIYA HORUMARKA DHAQAALAHA

Wadamada soo koraya waxaa horumarkooda dhanka dhaqaalaha ku xiran yahay maalgashiga horay u maray iyo hay’adda maaliyadda.

Waddamada qaarkood ayaa door wacan ka ciyaara dhanka wax soo saarka Warshadaha oo muhiim u ah kor u kaca dhaqaalaha waddamada dunida 3-aad.

wax soo saarka beeraha oo hoos u dhac ku yimaada meela badan oo qaaradda afrika ka mid ah ayaa haddana si weyn diiradda u saarin xanaanada xoolaha nool iyo kalluumeysiga si arrimo badan oo ku xiran daqliga iyo horumaka dhaqalaaha kaalin uga qaatan hergelinteeda tahay iskaashiga caalamiga daneeya.

Dalalka gaar ahaan shiinaha iyo dalalka iska daneefiyaanka, kaasoo abuura iskaashi ganacsi isdhaxgal iyo wax wada qabsi, sidaasi oo ay tahay haddana waxaa jira waddamo daneeya kheyraadka dihan ee dalkeenna soomaaliya iyadoo waddamo badana ay xiiseeyaan istaraatiijiyada geeska afrika dhul iyo badba.

Waxaa u baahan in la horumariyo wax soo saarka kalluumeysiga iyadoo la abuurayo iskaashatooyin kalluumeysi si markaasi xoog u yeeshaan wax soo saarka kalluun tayo leh isla markaasna la wajaho sidii loo gaari lahaa in dibadda loo iibgeeyo isagoo warshadeysan.

Waa muhiim ka faa’iideysiga maalgashiga waddaniga dalka u dhashay ee damiirka waddaniga leh, si ay qeyb uga qaataan sektarrada beeraha iyo dalxiiska, iyadoo la abuurayo hay’ado door ka ciyaaraya shaqo abuurka taasoo wehlisa xannaanada xoolaha sidii loogu heli lahaa meelo lagu xannaaneeyo laguna daweeyo, si tayadooda iyo caafimaadkooda u noqdo mid taam ah oo aan shaki la gelin Karin.

Waa lagama maarmaan in la diyaariyo qorsho habeysan oo dhaliya habka maalgashiga waddanka oo damaanad leh.

Dib usoo celinta warhadihii dalka hore u lahaa oo burburay, ayaa micno weyn sameyn kara sida warshaddii sonkorta, dharka, maacuunta, daawada iyo kuwo kale.

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa lama huraan in maalgashi horumarsan oo dib usoo celiya bilicda caasimadda, horumarka guud ee qeybaha waxsoo saarka dalka loo helo maalgelin guud.

WQ: Ibraahin Abuukar Cali (Fanax)

DALKEENNA MA LAGA BAD BAADIN KARAA DHAQAALO XUMADA IYO SHAQO LA’AANTA.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu la daala dhacaayaa dhaqaalo xumo aad u xooggan oo dhan kasta Ka haysta waxaana ay sababtay dhaqaalaha dalka in uu gaaro meel hoose oo dib u dhac dalka u keentay.

Dhaqaalo xumadan baahsan waxaa sababay caqabado badan oo is biirsaday oo aan loo helin xal waara oo looga gudbi lahaa caqabadahaas islamarkaana dalka uu dhaqaalihiisa uu ku imaan lahaa isbaddal aad u xooggan.

Sidoo kale, dalka waxaa ka jirta shaqo la’aan baahsan iyadana u baahan ina wax laga qabto oo si fiican looga baaraan dego

Haddaba burburkii ko hor dalka waxa uu ahaa dal dhaqaalihiisa uu aad u xooggan yahay islamarkaana uu dhaqaalaha dalka uu ka badnaa waxaana taasi ay keentay in dalkeena uu Ka hormaro waddamo badan oo afrikaan ah sidoo kalena la tartamo wadamada horumaray dhaqaalo ahaan iyo ciidan ahaanba, taasina waxa ay keentay in dalkeena uu ixtiraam xooggan ku yeesho caalamka isla markaana lagu soo tartami jiray si saaxiib dhow dalkeena loola noqdo.

Burburkii ka dib dalkeena Soomaaliyeed waxa uu galay xaalad hubinti la aan dhaqaalo ah oo u horseeday in dalkeena wax kasta oo kaabayaasha dhaqaale ee dalka uu burburo sidoo kale waxa aan gaarnay heer ah in aan maciishada aan iibsan kari weynay oo noo horseeday islamarkaana aan gaarnay heer ah in nala caawiyo oo ay inoo soo gurmadaan dowladdo badan oo midba midka kale inaga lahaa dano badan waxaana uu dalkeena u ekaaday dal aan ifafaalo wanaagsan aan laheen u baahan in marwalba la caawiyo.

Hadaba dhaqaalo xumadaas baahsan ee dalkeena haysato sideen oga bad baadin karnaa inaysan soo noqon tii dhacday oo kale.

Dalkeena Soomaaliyeed waa dal qani ku ah nicmooyin badan uu Alle SWT siyeey una baahan in nicmooyinkaas looga faa’ideeyo shacabkeena Soomaaliyeed loona soo saaro si dhaqaalohooda  isbadal ugu yimaado.

Dalkeena waxa uu leeyahay aqoon yahano badan oo soo bartay cilmi kala duwan kuwaas oo ay galiyeen juhdi iyo dadaal xooggan islamarkaana ay u baahan yihiin in aqoonta ay soo barteen ay galiyaan dalkooda si ay oga faa’ideestaan shacabka Soomaaliyeed oo ay doonayaan isbadal xooggan oo dhankasta ah gaar ahaan dhanka dhaqaalaha ah.

Dowladdu waxaa looga baahan yahay dadaal iyo dib u habeen dhaqaale oo xooggan si ay dowladda ay dalka oga saarto dhaqaalo xumada baahsan oo ay dalka heesto ayada oo bulshada Soomaaliyeed ku boorineysaa in ay hormariyaan ilo hooda dhaqaale oo ay ugu horeeyaan dhismaha warshado waxsoosaara, Tacbashada beeraha, soo jelaabashada kalluunka iyo in dowladdu ay ku dhiirato in ay shacabkeeda ay u soo saarto kheeraadka inoo aasan.

Ugu danbeyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin hormar dhankasta ah taasina waxa ay ku imaan kartaa is gacan qabsashada shacabka Soomaaliyeed gudihiisa iyo dowladda si dalkeena uu ugaaro meesha aan joogno meel kawanaaysan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

TALADA WANAAGSAN WAA TUBTA LOO MARO HORUMARKA

Soomaalidu waxay ku maahmaahda talo adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola haddii talo wanaagsan la waayo wixii la qabtaahi waa talo xumo.

Waxaa muhiim ah in la helo talo laga baaraan degay oo dadka lagu hoggaamiyo, waxaan maqli jiray Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa

talada wanaagsan waxay ku dhex jirtaa shacabka dhexdiisa waxaana looga fadhiyaa ummadda waxgaradka ah, dhaqanka iyo siyaasiyiinta daacad ah.

marka la helo dhaqan iyo xukuumad hoggan adag leh waxaa la gaari karaa siyaasad deggan oo aan is qooraansi la heyn, sidoo kale waxaa loo baahan yahay goleyaal difaaca dalka iyo dowladda, daldaloollada siyaasadeed ee  laga soo geli karo qarankana ka owda.

Haddaba, bulshada dalka ku nool hannaanka geediga siyaasadeed waddooyin badan ayay u maraan mana ahan haddii aad fahmi weydo meesha loo socdo in aad buuq ummadda ku furto, waxaa habboon inaad  marka hore  hubsato xaaladda uu waddanku ku jiro.

Waddanka manta wuxuu ku jiraa dagaal looga soo horjeedo argagixisada gam ka dhigtay ummadda soomaaliyeed kuwaasoo doonaya in ay soomaalida ka tirtiraan adduunka iyaga iyo calankoodaba, cadawgaas guunka ah ayaa lala dirirayaa ee buuq kale uma baahna in dalkaan lagu furo.

Qof waliba waxaa looga baahan yahay inuu ka fiirsado waxa uu sameynayo asigoo raacya talo beereysa ama abuureeysa xasillooni iyo degenaan, nabad iyo wada jir, isagoo ka eegaya danta guud taasoo abuuri karta siyaasad deggan iyo jawi horumar leh oo uu dalkeennu u aayo.

Haddaba, looma baahna inaad la shakheyso ama aad gacan siiso cadowga dalka adigoo xagal daacinaya jihaadka lagula jiro qowleysatada aan arxanka laheyn ee waxaa loo baahan yahay in dalkaaga aad u reebto dhaxal wanaagsan oo maguuraan ah iyo aayatiin wanaagsan, ummadda soomaaliyeedeey waqtiga aad joogtaana yuusan idinku dhaafin talo xumo, waayo tala xumadu taran iyo tiigsimaad ma leh, dembi aakhiro iyo mid adduunka way kuu horseeddaa.

Talada wanaagsan waa tii lagu tanaado tubta loo marana way toosan tahee dadoow tii rabbi yaan la iloobin.

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre  

TAABAGELINTA NABADDA WAA FIKIR ISKU TASHI AH

Ummad kasta marka ya fekeraan oo ay gartaan waxa ka maqan Meesha ay jiraan si loo helo baadida maqan waxay qorsheeyaan ama meel isla dhigaan in la helo amni iyo kala dambeyn si loo qabto shirar looga hadlayo arrimaha loo baahan yahay.

Horumarka nabaddu waa midka ugu horreeya qorsheyaasha kala duwan ee horumarka , gogosha lagu wada hadlayo, shorarka wada tashiga si ay u noqdaan kuwo madaxbannaan oo aan ka cabsaneyn suuqyada iyo waddooyinka .

Waxaa waajib ah in la dejiyo qaacido nabadeed iyo amnio o muwaadinku danahiisa kaga fekeri karo waxayna arrintaa u baahan tahay feker iyo wada tashi wadajir ah .

Xaaladaha amniga ma aha kuwo hal gacan  wax lagu xasilin karo waana in marka hore xukuumaddu ciidan u diyaarisaa kaas oo ah mid u taagan xaaladda amniga magaalooyinka iyo degaamada mar kasta oo loo baahdana laga heli karo telefanno u gaar ah lana dejiyo baro u gaar ah oo ay ka gurman karaan.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la soo celiyo roondadii habeenkii wareegi jirtay ayna helaan xiriir bulshada dhexdeeda ah ayna yihiin kuwo u tababaran la shaqeynta dadweynaha soona jiidan kara bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ciidanka ammaanka waa kuwo ka duwan ciidamada kale o oleh xirfad aqooneed oo isdhexgalka bulshada isla markaana la socon kara wax kasta oo ka dhex jira waana in ciidankaasi yeeshaan saldhigyo gaar ah toos ugu ixrnaadaan goobaha lagu lafa gurayo arrimaha amniga.

Si loo yareeyo qarashka waa in la soo kobo goobaha shirarka ee ay ciidankaasi mas’uul ka ha yihiin haddii ay goobahaasi bataana waxaa badaneysa baahida amniga .

Ciidankani waa in ay helaan guddiyo kala sarreeeya oo kala heer heer ah ilaa heer gobol waana in ay yeeshaan calaamado u gaar ah oo xitaa ciidamada kale ku aqoonsan karaan.

Ciidanka xasilintu waa in ay ka kooban yihiin dad waayo arag ah waana in ay helaan wacyigalin dheeraad ah ayna guddiyada amnigu si joogto ah ula socdaan xaaladdooda siiba qaabka shaqada iyo wax kasta oo ku soo kordha.

Aminiga la’aantii waa aqoon la’aan iyo dhibaato waana kalsooni darro sidaas darteed waa in amnigu noqdaa waxa ugu horreeya ee laga shaqeeyo ka hor arrimaha kale oo dhan.

WQ; Abwaan Gabayre

 

SOOMAALIYA OO SOO CESHANEYSA DOORKII AY KU LAHAYD SIYAASADDA GOBOLKA (TWITTER SPACE)

Soomaaliya oo soo Ceshaneysa door kii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda Arrimaha dibadda.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways oo ka qeyb galay dood lagu qabtay Twitter Space-ka ee Telefashinka Qaranka.

IGAD iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ma yihiin kuwo saameyn leh oo xalin kara caqabadaha ka jira gobolka?

iskaashiga Bariga Afrika, maxay ahmiyad u leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka?’

Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aala dhowr ah oo intooda badan ku saabsanaa Urur Goboleedka IGAD oo xubin muhiim ah ay ka tahay soomaaliya iyo ururkaba.

Wasiir Da’uud Aweys ayaa Sheegay in ku biirista Soomaaliya Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ay wax badan  ka faa’iidi doonto oo ay ka mid tahay.

Ururkaa oo dowlada badan ku midoobeen hay’ada hoodana mudda dheer ay la shaqeynayeen ay Soomaaliya khibrad ka qaadan doonto sharciyada, hannaanka ay u shaqeyaan iyo in Ganacsatada jooga wadamadaa inta badana marun lagaliyo joogista wadamadaa ay heli doonaan sifa sharciyadeed oo ay ugu shaqeeysataan dowladaha xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Bariga Afrika, Ugu danbeyna ay u isutagaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahayeen iyagoo kaashanaya khibradaha ay ka faa’iideen wadamada ay joogan.

Sidoo kale Wasiirka, oo ka jawaabay su’aallo dhowra ah oo ay ka mid yihiin hadii Soomaaliya ku biirto ururka Bariga Afrika, ma jiraa sharciyad dowladda kaga dagasan wada shaqeynta iyo dhanka isu socodka?

Wasiirka ayaa tilmaamay in ururka uu leeyahay sharciyad lagula dhaqmo waddamada xubnaha ka ah, Soomaaliyana qeyb ka noqon doonto, balsa Soomaaliya ay wax badan ka faa’iidi doonto ka mid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa da’daal badan ku bixineyso ka mid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika oo ay ku mideeysan yihiin ilaa toddoba (7) dowladood, waxana hadii loo oggolaado ka mid noqoshada Ururka ay Soomaaliya wax badan ka faa’iidi doonto.

 

MUSUQ MAASUQU WUXUU CAQABAD KU YAHAY DAWLADNIMADA QEYBTA 1-AAD

Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa (corruption),Carabigana waa (fasaad) Macno ahaanna waa  sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin  noocya badan leh(transgression).dhanka kale haddii loo dhigo Musuqmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hey’adaha dowladda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

Noocyada Musuqa:- Qeybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isdaba marinta,2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha, 3-Musuqa ku takrifalka awoodda, 4-Musuq maasuqa Doorashada. 5-Musuqa duudsinta xaq Qof  leeyahay, 6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan laheyn. 7-Musuqa sheegashada aqoon ama Khibrad uusan qofku laheyn. 8-Musuqa  gudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday, 9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay. 10- Musuqa Been abuurka.

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Muddadii ka danbaysay burburkii dalka, Soomaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey, Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa hey’adaha dawladda, iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay lunsadaan hantida dadweynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida  dhismaha Waddooyinka, Iskuullada iyo Isbitaallada, waxaa kaloo
musuqa sida weyn noo saameeyey ka mid ah laaluushka oo saameyn weyn ku yeeshay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi laheyn u ragaadiyay hey’adaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. 
Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac Bulsho, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada, wuxuuna u horseedaa nolol xumo, isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada.

Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato laheyn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban.3- in sidoo kale dib loo hubiyo loona tirakobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

4- in Xukuumaddu hubiso qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay, xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.
5- in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta heyd’aha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jeclaysi iyo qaraabakiil.

5- in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qeybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad weyn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka noolasha oo dhan, qeybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labaduba; isagoo kor u sii kordhay hab dhaqan ahaan oo aan waliba caadi aheyn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii, Madaxweynaha hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo ka hadlay furitaanka kal-fadhigii seddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay, “in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqmaasuq oo aad u xun oo ay qaar ka mid ah dowladu sababteedu leeyihiin”.

Dowlad wanaagga waa hanaan dhaqaalaha, siyaasada iyo maamulka dal uu maro meel la dhihi karo waa mid hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaasadaha dowladeed, sidoo kale dhammaan codka qofka awooda leh iyo qofka aan awooda laheyn waa la maqlaa marka ay noqoto qorsheynta, qiimeynta & hergelinta intaba. Dowlada wanaagsani waxay xiriir la leedahay suuqyada ganacsiga, bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah, caalamka & hey’adaha caalamiga ah. Dowlada wanaagsani waa mid ka fog masuqmaasuqa waa mid leh xisaabtan.

Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

La soco Qeybta 2-aad