Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay Madaxa hey’adda Horumarinta Barnaamijyada Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay ( UNDP), Mr Lionel Laurens, waxaana kulankoodu uu ku aadana xoojinta xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda UNDP.

Wasiirka iyo Madaxa UNDP ayaa ka wadahadley wadashaqeynta labada dhinac ee taageerada wacyigelinta bulshada, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Iyaga oo isku af gartay qodobadi kulanka looga hadlay.

 

Guddoonka Baarlamaanka JFS oo ku wareejiyey Gudidda dib u eegista Dastuurka heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran

kulan ay maanta wada yeesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)ka dhacay Xarunta VILLA Hargeisa ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen ku xigeennada labada Gole ee Baarlamaanka JFS, ayay u jeedadiisu ahayd ku wareejinta Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si ay uga baaran degaan, uguna baddalaan luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay iyaguna waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

    

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Wadadda Via Liberia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada. Iyadoona dhismaha waddadan ay qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay waddadani u leedahay isu socodka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay Barnaamujka Caddaallada iyo Asluubta

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan.

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyay saaxiibbada caalamiga ah garab-istaaggooda ku aaddan in ay ka caawiyaan Hay’adaha Dawladda ka midha-dhalinta qorshaha Xukuumadda DanQaran ee helitaanka caddaalad la isku hallayn karo iyo garsoor madax bannaan oo dalka oo dhan la gaarsiiyo.

            

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyey kulanka Guddida joogtada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Mohamed Nuur Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 4-aad ee aan caadiga aheyn, ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ay yeeshaan, waxaana goob joog ahaa labada ku-xigeen iyo xubnaha Guddiga.

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa maanta looga hadlay heshiiskii ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ay xukuumadda u soo gudbisay Guddoonka labada aqal ee BJFS. Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in lagu wareejiyo Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan uguna dhigaan siiqad dastuur ka dibna ay horkeenaan fadhigga Golaha.

      

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug oo qaabilay Ergeyga Cusub ee QM

Dhuusamarreeb:-Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweynaha iyo wafdiga QM ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha,Arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale Arrimaha xasilinta.

       

Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada heysa haatan iyo Madaxdii hore, si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah oo lagu lafaguro arrimo ku aadan xaaladda Dalku ku sugan yahay iyo sii waddi geeddiga habboon.

Shirkaasi oo socday  muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmay, waxaana ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray qaarkood, Ra’iisul wasaareyaashii hore, Afhayeennadii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, iyadoo  inta uu socday shirka ayaa waxaa la iska xog wareystay xaaladda dalka uu maraayo, iyadoo Madaxda talada haatan dalka haysa ay dhegeysatay talada Madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan ayaa waxaa lagu timaamay inuu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, sidaasi aawadeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr:Xasan Sheekh Maxamuud uu casuumaad rasmi ah u fidiyay siyaasiyiinta iyo Madax dalka  horay xilal kala duwaan uga soo qabtay, si ay uga qeyb qaataan geedi socodka siyaasadeed iyo jaheynta mustaqbalka Doorashooyinka dalka.

shirkaan oo ahaa shirkii ugu horreyay oo nuuciisa oo kale ah oo aan hore loogu qaban Dalka gudahiisa, islamarkaana uusan wax Ajaaniib ah ku dhex jirin oo ay isugu yimaadan dowladda iyo madasha siyaasiyiinta, waxaa sidoo kale shirka ku soo biiraya labada guddoomiye baarlamaan iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo badi shirka diirada lagu saaray arrimaha jaheynta doorashooyinka iyo sidii ay u gorfeyn lahayeen arrimaah la xiriira go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Maamul goboleedayda,gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho, inta aan la horgeyn labada gole ee Baarlamaanka JFS.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka, isagoo sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Shirka oo soconayay muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga soo saaray warmurtiyeedka, markaasi kadib ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ku soo gaba-gaboobay Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in la dhageysto tallada iyo aragtida Shacabka iyo mas’uuliyiintii hore iyo kuwa hadda hadda xukunka haya, taas oo horseedeysa in la gaaro go’aan mideysan oo ku saleysan horumarka iyo geeddi socodka nabadda.

” Odayaashaas siyaasiyiin hore oo Dalka soo xukuntay haddii ay tahay heer Dowlad dhexe iyo heer Dowlad gobolleed, kuwo kale oo hami leh in ay hadda dalka xukumaan raba ku jiro, waa isku nimiday labo maalmood oo dood aniga aragtideyda oo aad iyo aad u fiican ayay ahayd, ra’yi fiican, Araah fiican oo qurux badan qaarkood kuwii annaga aan qabnay ka qurux badan yihiin ayay walaalaheen soo jeediyeen, tixgelin ayay leeyihiin, shirkaas iyo shirar kale oo dambe ayaa la isku imaan doonaa,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha dastuurka, ayaa yiri-” Dastuurka bilo gudahooda inshallahu waa dhammeystireynaa, dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan six xor ah in loo qaado waa howl kale,tallaabo kale in la qaado waaye,laakiin Buug la leeyahay, Buuggan waa dastuurkii oo dhammeystiran waa inuu naga yimaadaa, waxaan mamnuucnay in Dastuurka bannaanka looga soo tashado, Neefaasho iyo IStanbul lala aado, mamnuuc ma dhaceyso,Soomaali ayaa iska leh dalkan Soomaali gudihiisa ayaa looga taahanaa,”.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha, waxayna ay sheegeen in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Argagixisada Khawaarihta ah ee Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftaasi waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Masuuliyiin maqaam sare ka haya Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Dhinaca kale dad badan oo isugu jiri Masuuliyiin kala duwan iyo falanqeeyayaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka fal celiyay qabsoomiddii shirkii ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho, waxayna ka dhiibteen fikrado inta badan ku tilmaamay inuu ahaa mid loo baahan yahay,kuna soo aaday xilli loo baahnaa, mar haddii ay wada tashanayaa Masuuliyiinta haatan talada Dalka heysa iyo siyaasiyiintii hore xilal kala kuwan ka soo qabtay, islamarkaana loo sheegay in loo baahan yahay talooyinkooda, waxay xuseen inay tahay arrin fiican.

“Ugu horreyn waxaan soo dhoweynayaa shirarka wada tashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ee ka qabsoomay Dalka. Waxaan amaanayaa niyad wanaaga Madaxweynuhu ku doonayo in uu Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada dhegaysto oo ka raadiyo talooyin fayow oo la xidhiidha horumarinta Dawlad-dhiska Soomaaliya, isagoo farta ku goday in waxa qudha ee aan hubo in laga faa’iidayo kulankan waa in Golahan sidaas u dhisnaado oo mucaarado qorshayaasha iyo hawlaha Dawladda badankooda ilaa 2026-ka”,sidaasi waxay yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Laakiin waxaa filayaa in aanu Madaxweynuhu halkan ku joojin doonin latashiga ee uu sidan kale Golle latashi u dhisi doono oo la kulmi doono qaybaha bulshada ee talada fayoobi ee aan danaha Siyaasadeed ku dhex qasneyni ka imaan karto sida Golaha Culimada, Golaha Dhaqanka, Golaha Ururada Bulshada Rayidka ee dalka ka jira, Golaha Looyarada iyo Aqoonyahanada, Golaha Dhalinyarada, Golaha Ururada haweenka iyo dabcan golayaasha Dawladda ee Dastuuriga ah iyo Golaha Madasha Qaranka ee Maamul Goboleedyada & Dawladda si talada dalka dhinacyada looga wada fadhiisto”, sidaasi waxaa qoray Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, horeyna u soo noqday Wasiir.

WARAABE BAA LAGA SHEEGAY: ILLA CANKA SUBAGU SOO QUBO MA QABOOBAAYO

Waraabe la wareystay lana weydiiyey su’aal ah: Mr Waraabow haatan waa adigan Da’ taagan, cimri-gaagana dhagar baad ku jirtay, boob iyo dhuumasho uu dhabarku muuqdo, cid ku jeceli ma jirto .. noolaha illaahay ku abuurey dunidda guud-keedda.

Xayawaanka iyo Bani’aadam-ba waad ka soo hoyatay meel kaste waa lagaa karhay, cid wax ku weeydinaysa ma jirto, oo adna cag dhigi-wayday, nasasho kaa dheer, doon-doon aad raadi-nayso baadi aanad lahayn oo in taad aad disho cunto baa Raabi ku daba dhigay, khaati baa lagaa tagan yahay.

Haddaba sidaana ku noolaan maysid iyo in aad orod uun ku jirto, ee maxaa tallo ah? si aad adna u degtid, makh-luuqa illahay-na ay kaaga nabad galaan, falaw-geed in aad raadiso ma kula tahay? Oo aad dayso dhagarta joog-tadda, ah ee aad noolaha ka gelaysid aan denbi kaa gelin?

Mr. Waraabe wuxu ku jawaabay: Fadlan Ha iga qosli-nin, Aniga abidkeey ma qaboobaayo ilaa canka subagu soo qubo naf-na isuma hayno, oo waan is og-nahay, waxaanse idiin sheegayaa, ilaa aan hello arrimahan soo-socda oo ay ii suuro-galaan, shaqada aan hayaa mid is taagaysa ma ahan, ee sidaas baan isu eryanaynaa inta dunida illaahay rogaayo ayaantii uu ugu tallo galay.

Waraabihi Waxa la sii su’aalay waa maxay xaajooyin-kaad tabanaysaa oo aad la harjadeyso? Ee aad heshiis u diidan tahay? Wuxu yiri: waxan idin iri, waad i daallinaysaan ee ma anaa Af dhul dhigayba weli, waxaan hoose oo dhamaan la isku daray, ilaa aan dabadda sidaan doonaayo ugu walaaqo, wax-ba ka hir geli-maayaan oo qodobadan baa sharciga ii yaalaa qorayaa ee ma haysaan, mise waa maya?

Waxaa la yiri Waraabow bal mari waxaad hayso:

Waraabe wuxuu yiri: Marka calool heeryo la iiga dhigo, kurusna Haamo, Raqna la iga sii wado, mid kalena la igu sii wado, Hanti aanan lahayen ka ciil beello oo markaas Cankeyga aan la eegin oo la ii garaaco Kabanka la yiraa Qaaciga, heesiba heesta la igu sii amaano wax kasta oo aan sameeyo la isu wariyo dhurwaa waa Awliyo soo daahiray .

Beer subaxii la ii shiillo, Hilib Falfal ah aan cidi taaban qado la iiga dhigo, Baruur baridda saar-saaro kibir awgeed, Xoolaha ummaddu ay aniga keli ahaan xero iigu jiraan, sidaan doonana ka yeello, oo aan anigu ku mushaaxo sidii Awr qooqan, baan wax la heshiin-kara.

Waraabe wuxuu warkiisi ku soo gabagabeeyey, bani’aadam aan wax iskaga tirinayaa ma jiro, oo sidaas baan ku dhameeyey hanti-dooddii, mana jooji-naayo ilaa la ii saxiixo arrimaha aan sare ku soo taxay, oo ilaa la iga daayo waa Tuug, waa waalan yahay, balse la ii bixiyo Magac-yadda ugu wacan sida Ma Daale, Macaane, Malable, Subagle, oo la joojiyo sheekada ay iga sameyneyso Galdogob Times iyo qaar badan oo markaas baan kala nasaneynaa ee waad deg-degay-saan ee horta aan dhogor dhacsado.

WQ: Galdogob Times

 

TUUGGII CAQLIGA BADNAA (QEYBTII 1-AAD)

Tuug guuray oo muddo xadidda xoolaha ummadda muddo dheer ku qaraabanayay ayaa habeen guri dagan oo ay dadkii lahaa hawo gadis uga maqanyihiin u soo dhacay.
Kolkii uu gudaha galay wuxuu durbadiiba isku qaaday oo bartamaha u joogsaday qolkii jiifka, wuxuuna billaabay baaris iyo fatashaad si uu wax fudud oo uu haaban karo uga raadsado.
Armaajo walba wuu furay, koomadiis kasta ayuu balaqay, daahyada iyo qaanadahana wuu eegay, balse wax alliyo wax uu qaato ayuu ka waayay.
Asagoo gurigii dhex meeraysanaya haddabana doc ama dhinac indhaha ku fiiqay, ayuu meel jawaano hoostood ah uga jeeday sanduuq ama abxad weyn oo ku dadan.
Haleel ayuu u abbaaray oo durbadiiba waa uu jabiyay, balse waxba wuu ka waayay markii laga reebo buug weyn oo ay baalashiisa tirooyin xisaab ihi ku qornaayeen.
Guriga waxaa lahaa nin sarafle ah oo kamida lacag Kala rogayaasha waaweyn ee magaalada, buuggana wuxuu ku qoran jiray xogo la xariira howlmaalmeedkiisa iyo hanti loo dhiibto.
Tuugga waxay muhiimaddiisa iyo yoolka uu diiradda saarayayba ahaan inuu wax fudud haabto ka dibna uu la cararo, alaabaha culus iyo kuwa aan waxba u taraynna Dan kama lahayn, balse markii uu buugga arkay qorshe cusub ayaa u soo baxay.
Wuxuu ku fakaray inuu buugga qaato ka dibna uu baahiyo, makuu ninkaa lahaa la soo xariirona uu xoogaa qarasha oo baadi fur ah weydiisto, haddana way la ahaan waysay maxaa yeelay ninka saraflaha ihi wuu garan lahaa in buugga gurigiisa la xaday.
Wax maamintii iyo maantuujiskii ayuu dib uga noqday oo cabaar ayuu abla-ablaynta qorshaha isku howlay, ka dibna wuxuu go’aan buuxa ku gaaray qodob biyo kama dhibcaan ah oo uu maskaxdiisa ka helay.

Qodobkaasi wuxuu ahaa inuu buugga lacag dhowr Mallion ah gees uga qorto ka dibna uu ninka saraflaha ah ku qabsado oo ku yiraahdo lacagtii aan kuu dhiibtay isii, sidaas ayuuna yeelay.
Magaciisa oo 3xan, taariikhda, iyo tirada lacagta oo dhowr Mallion ahayd ayuu buuggii ku xariiqday ka dibna intuu isku laabay oo santuuqiisii ku riday, alaabtii uu Kala daadiyayna isku aruuriyay ayuu iska baxay.
Lasoco qeybta labaad.
WQ: Abwaan Hareeri

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 48 -AAD)

Markuu arkay in ay gambarkeedii soo sidato, ayuu intuu Cumareey oo ku soo laabtay sacabka garabka ka saaray barkinta hoosteedana nus shilin ka soo bixiyey ku yiri, “Haye abbaa, Cumareey, jallaataan rabaa ma i dheheeno? Bax nuskaan shilin khaadee, jallaato ku soo gado. Koodka jallaata ka soo gado, yaa igaarkeey? Bax hee. Iska jir yaah! Soco hee!”

Markuu rakadii aabbihii ka booday ayay hooyadiisna u raacisay, “Nabarkii soo nakhatid walaashaada ii khubeey dheh yaah?”

Markii Cumareey jallaatadiisii ku orday, Ay- Caddeyna intay qaxwihii u dhigtay, albaabkii riixday, si aan hadalkooda carruurtu u maqlin, fadhi u kaankaansanayso, ayuu Xaaji Muumin yiri, “Caddeey haye, ii warran hee! Maxaa waaye waaba soo daahdaye, intee ku makhnayd?”

“Ee suukhdaan ku maqnaay. Lo’ooshinka aan coos u soo iibihaayey. Waaba ku soo noogay. Lugaha dhanaaba i xanuunowhaaya. Aaa!”

“Iihi, ii waran hee, hadda see waaye xaalkaada?”

“Wallaahi hadda in oo kula hadlana waa rebey, adna waaba i weceesee, baraabar waayebee, waxaanba iska arkay, ad wax ma ogtid, waa imaaheesaa waa baxee lee, wax ma na warsaheesid, ma kastay?”

“Laakiin waxaan u jeedaa, lamadaani beri lamadaani beri ma ahee waliba ka sii badan, gebertaayna Maana-Faay, aad iyo aad aniga xaalkeeda murugaas i geliyey. Minanka waa ka soo daaheesaa. Iihi. Cawadii ma kuu hurdeeso, hungurigii ma kuu cuneeso. Iihi, gabartii waa kuu murugeysan tahay lee. Wax ma kuu sheegaheeso. Haddii warsado, maxaa ku daaray dhoho, warkeyga waaba dhibaa. Dhirifaa ka soo haray. Wax kasta waa ka dhirfeey.”

“Iihi, adina waa u jeeddaa gabartaan sidii nakhatay. Muggoo ani waa ku dhibtooday. Haddii macallin u qaba leeheed, haddii takhtar u gee leheed, haddii wax kale ku suubi leheed, adigay ku jirtaa.”

Xaajigu inkastoo uusan gabadha xaalkeeda ula socon sida hooyadeed ula socoto, habartuna ku dadaali jirtay in ay gabadheeda u ceeb qariso, haddana wuu la socday isbeddelka Maana-Faay ku dhacay, waayo, ma ahayn wax qarsoomi kara. Arrintaasina waxay ku haysay walwal xoog leh. Sidaas awgeed, wuxuu go’aan degdeg ah la soo gaaray walaalkii Aw-Mukhtaar. Waana sababta uu galabtaas Ay-Caddeey ugu yeeray.

Intuu qaxwihii kululaa qab siiyey, ayuu isagoo koobkii dhulka u sii wada wuxuu yiri, “Caddeey, runtaada waaye, gabartaan xaalkeeda ma fiicna, taladana annakay na jirtaa, annakaa waalidiintii eh. Ani naftirkeyga in hadal kuu sheego waa rebey. Maanta waxaa i soo khabsaday walaalkeyga Aw- Mukhtaar.

Waxaas i dhahay ‘Eebbowgey i dhegeyso. Yarkii waa i dhibay, Abuukar. Cawadii siyeed saac, sagaal saac, markiin fejerka u baxo aas iga hor imaahaa. Wareeg lee. Sagaal saac cawo ninkii socday khatar ma ku sugnoo? Maana-Faay naftirkeeda waa weynaatay.

Aweesna waa imaaday. Hadda waxaan rabaa in iskool-xirow waxba la sugin, dadkaan arooskoodii Jimcadaan laga dhigo, oona eh bil Mowliid 14.’ Waxaan dhahay marxabba. Barbaar waaye, anina habartaan u sii sheegaa, ee ogow. Maxaa jiraa Caddeey gabartaan waa weynaatay. In dhakhso loogu aroosiyo maahine si kale ma ku degeyso.

Macallinna ma degeeso, takhtarna ma ku degeeso, wax kalena ma ku degeeso. Hadda xaalkaas aan soo dhammeesannay, baraabar ma ahoo Caddeey?”

Intay soo ruqaansatay, codkeedii miskiinka ahaana quwad dahsoonayd ku dallacday bay tiri, “Haah! Waaba soo dhammeesateenba miyaa? Ma soo dhammeesateenbo?”

“Mayee waa soo dhammeesannay. Maxaa jiraa adina waa kuu sheegoohaayaa,” ayuu si gabbasho ku jirto u yiri, isagoo u eg nin looga naxsaday ka hor-

imaad kadis ah. Hadduu ku tala geli lahaa wuxuu sii diyaarsan lahaa erayo uu isku difaaco.

“Waxaa soo dhammeesan kartiin ma jirto,” Caddeey baa tiri, “Xaal dhammaadayna ma ii keeni kartiin. Wax ma ii sheegeesid, wax ma i warsaheesid. Wax lee soo dhammeesaheesaa miyaa?”

Isagoo weli is-qaboojinaya si ayan mashruuciisa carqaladi uga hor imaan, ayuu yiri, “Laakiin adi hadda maa kuu kow eh, Soonfurtii ani ma kuu sheeginoo in afarta carruur walaalaha eh la is- dhaafiyo oo la isu aroosiyo?”

“Markaas naftirkeeda wax adi iyooney walaalkaada soo dhammeesateen lee ii sheegtay mooshi maahine, ani taladay ma aheen.”

“Hadda xaalkaan waa dhammaaday. Anina khoolkeeyga waa baxay, khoolkeeyga ma soo nakhsahaayo. Adina rabsha naga dhaaf Caddeey!”

“Geberteyda igaarkaas ma lagu daraayo, minankaasna ma la geehaayo. Geberteyda meel xun ma la gelihaayo. Walaalkaada naag xun aas khabaa. Soonto an waa akhaan, afkeeda hanuunaas dheer yahay. Balaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteyda ma aha. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow aa lagu daraa. Koo kaloo lagu daraayo ma leh.”

Xaaji Muumin intuu markiisa kululaaday buu si xanaaq ah u yiri, isagoo xaaskiisa indho kuukuusan ku fiiqaya, “Haah! Caddeey illaa, ani lillaahi aan kugu wadey, adna lakhdabaad igu wadey. Inaad taladeyda ku jirin oo adi gaar u tashaheesid, an waa ogaaday Caddeey. Berigaan ogaaday. Berigaan ogaaday.”

“Abidkaada ogaaw maahine waligaada ogaaw.” Xaaji Muumin intuu istaagay, tusbixiisiina hore u qaatay buu si kulul u yiri, “I makhal Caddeey! Ani adoogiiyaan ahay, ani wudin dhoho aa yeelaysaa, maahine koo kale ma jiro.

Maana-Faay, Abuukar Aw-Mukhtaar aa lagu daraa. War badan ma rabo. Hadal dambena ma igu soo nakhi kartid!” Waana dhaqaaqay isagoo xammaysan.

“Waa kugu soo nakhaa, waana kuu sheegaa,” Ay- Caddeey baa ka daba qaylisay. “Nidar aan ku maray, saddexdeeydaa saaran, waa i fureysaa maahine, Maana-Faay nin aan Jiilaani Xaaji Macow aheen oo lagu daraayo ma jiro!”

Intay markeeda istaagtay bay gurigii ku dhaqaajisay, iyadoo xiimaysa, xooggeediina laba jibbaarmay. Alaabooyin bay kala tuurtuurtay. Ilmihii bay ku qaylqaylisay, qaarkoodna u gacan qaadday.

Armaajadii bay huruuftay. Alaabna kala baxday. Ugu dambaystiina intay shukadeedii hore u qaadatay bay iska dhaqaaqday, iyadoo hoos ka guryamaysa.

Ay-Caddeey sideeda qof dhib badan ma aha. Mar dhif ah ayey dhacdaa in khilaaf dhexmaro iyada iyo ninkeeda.

Hase yeeshee, guurka Maana-Faay, baa wuxuu yahay arrin xasaasi ah. Waa arrin muddo badan laga dhur sugaayey, loo wada hanqal taagayey; qofba si u qorsheysanaayey.

Xaaji Muumin markii u horreysay ee uu arrintaan xaaskiisa la socodsiiyey, Ay-Caddeey diidmo cad uma muujin, umana riyaaqin. Inkastoo uu ka maqlay erayo aan badnayn oo ay ku durayso Iikar iyo hooyadii Soonto, haddana waxay ula ekaatay qof aan mashruuca hor taagnayn.

Dhinaca bixinta Maana way ka biya diidsan tahay, laakiin, dhanka aroosinta Aweys way ku faraxsan tahay. Waa arrin ay in badan ku riyoonaysey. Jiijana qof xun ma aha. Hase yeeshee, Ay-Caddeey markay ciddooda war gelisay, ayay haweenku ku soo guubaabiyeen “gabadhaasi yay innaga na dhaafin.

Aweysna annagaa gabar fiican u hayna.” Maana waa qof qaali ah oo loo wada han weyn yahay. Abtiyaasheed iyo adeerradeed qolaba dhankeeday ka dhawranaysey.