Hey’adda Tayo-dhowrka Qaranka oo heshiis la gashay Shirkadda Bureau Veritas

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay heshiis la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee Bureau Veritas, si loo hubiyo tayada Badeecadaha imaanaya Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya  ayaa lagu yiri “Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed, iyadoo gudanaysa mas’uuliyadda ka saaran hubinta tayadda badeecadaha soo gala dalka iyo dhowrista bedqabka dadwaynaha Soomaaliyeed iyo bii’ada ay ku nool yihiin isla markaana hirgelinaysa go’aankii Madaxweynaha oo ahaa ‘’in dalkan uusan marnaba noqon doonin qashin-qub la keeno badeecaddaha dhacay iyo kuwa tayadooda ay hoosayso’’  ayaa waxaa ay heshiis tayadda lagu hubinayo la gashay Shirkadda Caalamida ah ee Bureau Veritas (BV).

Shirkadda Caalamida ah ee Bureau Veritas (BV), oo ah shirkad caalami ah kana shaqaysa wadamo badan ayaa heshiiska ay la gashay Hey’adda Tayo-dhawrka, waxaa uu dhaqangal noqonayaa 15/07/2023.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay hey’adda ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan ay qaban doonaan Barnaamij weyn oo lagu soo bandhigi doono heshiiskaan iyo Barnaamijyo kale oo muhiim ah. Waxaana ka soo qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda, Ganacsatada Soomaaliyeed, Urarada Bulshada Rayidka ah iyo daneeyaasha caalamka.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo qaabilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa maanta xafiiskii ku qaabilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Elfadil Saeed iyo xubno kale oo la socday.

Xoghayaha oo ugu horrayn Marwo Wafaa ka dhagaystay warbixin guud oo ku saabsan howlaha hay’addu ka qabato Dalka gaar ahaan xaaladaha bani’aadannimada, ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta, badbaadinta caruurta ee goobaha dagaalada, sare u qaadista Waxbarashada iyo dardargelinta taageerada hay’adda UNICEF siiyaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xoghaye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xaaji Geedi.

 

    

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta kormeeray Xafiisyada guddiyada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha ayaa u kuur galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada. Waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiirageliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda. Guddiyadda maanta sida gaar ah u kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

 

 

   

Dowladda Federaalka oo xoojisay dagaalka masuq-maasuqa 3-bilood ee ugu dambeysay (Warbixin)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan sheekh Maxamuud, wuxuu bishan April ee sanadkan ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo looga soo horjeedo masuq-maasuqa,isaga oo sheegay inuu khatar ku yahay horumarka Dalka iyo dadka.

” Ogaada walaalayaal, dadka Soomaaliyeedow meel kasta oo aad joogtaan war tuug ehel ma ahan oo qaraabo ma ahan oo saaxiib ma ahan oo isku haleyn ma galyo, qaraabeysiga aan ka dhaafno, saaxiibtinimada iyo ka xishoodka aan ka dhaafno,hadaad tuugga ka xishooneysid kan la dhacayna maxaad u sameyneysaa, lacagta ay Dowladda u baahan tahay dadka Soomaaliyeed adeegooda ay gacantooda ku jirtaa in Dowladda lagu kaalmeeyo lagu garab istaago adigana muwaadin ahaan waajib kugu ah inaad bixiso, Dowladda waxaa waajib ku ah in lacagtaas ku dhicin  gacan qaldan”,.

Laamaha ammaanka ayaa markiiba yagoo fulinaya amarka madaxda qaranka waxay ku dhaqaaqeen baaritaan iyo in sharciga la horkeenno shaqsiyaadka lagu eedeynayo falalka masuq-maasuqa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo door-weyn ku leh ololaha lagula dagaallamayo falalka masuq-maasuqaq ayaa soo bandhigay liis ay ku qornaayeen ilaa 18-eedeysane oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

” Baaris qoto dheer oo ay sameeyeen hay’adaha baarista iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ka dib, wuxuu xafiiska u gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir eedda 18-eedeysane oo loo haysto masuq-maasuq, been abuur document, lunsasho iyo leexsasho xatooyo xoolo dadweyne, ka faa’ideysi xafiis Dowladeed, dayacaad iyo gudasho la’aan waajibaadkii sharci ee saarnaa, eedeyaanayaasha la eedeeyay ayaa isugu jira sagaal eedeysane oo xiran iyo 9 eedeysane oo maqane ah.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaal sokeeye iyo bur bur ayaa Dowladdu waxay diiradda saartay in la helo daah-furnaan iyo nidaam maaliyadeed ee dalka si loo gaaro hadafka ay ka mid yihiin Deyn-cafinta iyo in Soomaaliya gaarto isku tasho dhaqaale.

Madaxweynah oo sharaxaad ka bixinaya waxyewlada masuq-maasuq ayaa dhanka kale, caddeeyay in eedeysanayaasha caddaalad ku filan.

” Waa naga go’an tahay ninkii hantida dadweynaha dhacaayo xadaayo in sharciga la horkeenno wixii sharciga iyo qaanuunka qabana la marsiiyo, la dulmin-maayo, waana sheegay hadda ka hor war ha cararin ha dhuumanin haddaadan waxba isku ogeyn oo waxba xadin,haddaadan tuug ahayn oo waxba haleyn, caddaalad-darana inaan qofna lagu qabanina waa waajib kale oo na saaran intaas ayaana garsoorka iyo aniga ka wada hadalnay waana ku kalsoonay garsoorka maanta jooga dulmi inuusan sameyneynin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale, dhibaatada masuq-maasuqa sharxay Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in masuqa uu yahay aafo mugdi gelisay horumarka Soomaaliya.

” Masuq-maasuqa ( Corruption) marka laga hadlo waxa kaliya u yaqaanaan in qofka Dowladda joogaa ama xukunka jooga wax masuq maasuqo, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga in iskuulka ka jiro masuq-maasuqa, ma oga inuu jaamacadda ka jiro masuq maasuqa,dukaanka inuu ka jiro masuq-maasuq, masuq-maasuq Soomaaliya waa mehradeedii,mushaakilka ay ka imaaneyso inuu hoos yahay ma oga, haddaan rabno marka inaan Dowladda iska saxno waa inaan qofka soo saxno, qaa inaan qoyska ama Bulshada soo saxno, intaas oo la isku soo daray ayaa Dowlad dhasha,”

Durba waxaa muuqda miraha dagaalka ka dhanka ah masuq-maasuqa sida ku cad warbixin Dowladdu ay ka soo saartay dakhiga ka soo xarooday Dal ku galka iyo warqadda ruqsad-siinta shaqaalaha ajaaniibta ah.

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Sidoo kale Saraakiisha Xarunta ayaa lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaa 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolk Banaadir.

 

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 3-aad

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne, sida uu caddeynayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana jira in seddaxdii bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad 40 ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sida Warbaahinta Qaranka ay ogaatay.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh iyadoo ay jiraan kuwa baxsad ka ah sharciga oo ku jira liiska la doon doonayo.

Haddaba iyadoo ay jiraan Olole ka dhan ah la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku booriyay shaqsiyaadka wajahaya Eedeymaha in ay hortagaan sharciga oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto.”Ha cararin haddii aadan tuug aheyn oo aadan waxba xadin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh. “Inaad maxkamadda hor istaagto oo aad caddeyso inaadan wax dambi ah laheyn maaha dembi”, ayuu sii raaciyay hadalkaasi oo ka jeediyay Masjidka Shuhadada Jimcihii la soo dhaafay.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta la dagaalanka musuq-maasuqa, isagoo ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka inay wajahaan dacwado sharci ah, halkii ay ka carari lahaayeen, wuxuu u diray fariin adag oo ku saabsan sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka musuqa maasuqa iyo horumarinta cadaaladda, maadaama ay Dowladdu waddo dadaallo ay ku dooneyso in la helo isla xisaabtan daahfuran si loo abuuro kalsooni ay shacabku ku qaban hey’addaha dowladda iyo cadaaladda, Maadaama Soomaaliya ay ku sii socoto waddadii ay ku gaari laheyd xasilloonida iyo horumarka, taasi oo door muhiim ah ka ciyaari doonta qaabeynta mustaqbalka dalka.

Madaxweyne ayaa xusay in ay muhiimad gaar ah leedahay in laga wada shaqeyo sidii loo soo afjari lahaa Musuqa maasuqa, isagoo si gaar ah ugu baaqay Culima’udiinka in ay door firfricoon ka qaataan wacyigalinta bulshada ee ka dhanka ah musuq maasuqa, wuxuuna dhammaan muwaadiniinta ku booriyay in ay ka qaataan kaalintooda dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqmaasuqa?

Dabayaaqadii Abriil-2023-ka dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa ka mid ah garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada Ajaaniibta oo ka mid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyay isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, kaasi oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyay, taasi oo muujineysa dadaalka dowladdu ugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay, taasi oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaasi adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023-ka.

Tusaale:- Bishii January ee sanadkan waxaa uu xafiiska Fiise kordhinta uu qabtay lacag dhan $423kun 950, halka fasaxa shaqada Ajaaniibta iyana laga qabtay isla bishaasi lacag dhan $036kun iyo 500.

Bisha Kordhinta Fiisaha.

January $423,950.00.

February $375,530.00.

March $268,840.

April. $231,460.

May $361,470.

June $480,550.

halka Dakhliga ka soo xarooda Fasaxa Shaqaalaha Ajaaniibta uu ahaa sidan:-

Bisha Fasaxa shaqada

January $036,500

February $071,160

March $78,770

April. $219,290

March $386,060

June $340,730

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

La soco qeybta 4-aad

Ciidanka xoogga oo howlgal lagu ciribtirayo khawaarijta kawada inta u dhexeeyso degaanada Gal-cad iyo Bud-bud

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada tuulooyinka u dhexeeya degmada Gal-cad iyo degaanka Bud-bud ee gobolka Gal-guduud.

Howlgalka ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta waxaana lagu burburiyay goobo Cadowga keyd u ahaa oo ay Sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Howlgalka ayaa lagu dilay Maleyshiyaad fara badan oo ku dhuumaaleysanayay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, saraakiisha ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howlgalkaan lagu dilay 18 dhagarqabe oo ay kujiraan horjoogayaal.

Taliyaha Boliiska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta Ciidanka Birmadka Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye iyo Saraakiisha Birmadka iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska, ayaa kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska ee Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa korjoogteynta Hanaanka Shaqo iyo baraarujinta Ciidanka Birmadka ee ka howlgala Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo casho sharaf u sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hooygiisa casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Mudane Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah.

Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay Madaxa hey’adda Horumarinta Barnaamijyada Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay ( UNDP), Mr Lionel Laurens, waxaana kulankoodu uu ku aadana xoojinta xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda UNDP.

Wasiirka iyo Madaxa UNDP ayaa ka wadahadley wadashaqeynta labada dhinac ee taageerada wacyigelinta bulshada, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Iyaga oo isku af gartay qodobadi kulanka looga hadlay.