Labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo yeelanaya kulan wadajir ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Ajandaha kulan maanta ayaa ahaa qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji oo soo xirta kulanka ayaa sheegtay in maalinta Arbacada xildhibaanad labada Gole ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan kulan wadajir ah.

 

 

   

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku Gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda UNFPA ayaa ka Wada Hadlay Hormarinta Adeegyada Caafimaadka, Barashada Farsamada Gacanta, Shaqa Abuurka Dhalinyarada iyo Xoojinta Wada Shaqaynta.

 

     

Taliyaha Ciidanka dhulka oo gaaray Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta.

 

  

Dowladda Soomaliya oo sheegtay in Ciidanka ATMIS dhammaantii baxayo December 2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadka dambe uu dalka ka baxayo askariga ugu dambeeya Ciidanka ATMIS.

La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo ka qeybgalaya Barnaamijka Dood ah oo kabaxayay
Twitter space ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sida qorshuhu yahay Saddexda kun ee ugu dambeysa ciidanka ATMIS ay dalka isaga bixi doonaan 30-December ee sanadka dambe sida uu heshiiska ahaa

La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kabixitaanka ATMIS kadib dowladda ay u diyaar garowda sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka,waxa uu tilmaamay in dowladda sidoo kale ay gaba gabo marsiineyso howlgalka ka dhanka ah khawaarijta wajigiisa koowaad dhawaana uu billaaban doono wajiga labaad si Argagixisada degaannada fara ku tirska ah ee ay ku dhuumaleysanyaan looga saari lahaa.

Sidoo kale wax u sheegay la taliyah in ay meel fiican mareeyso arrinta Cunaqabateeynta Hubka ee saaran Soomaaliya u sheegay in meel dhamaad ah mareyso Novembar sanadkana ay soo dhammaan doonto,taa oo dowladda Soomaaliya u fududeeyn doonto in ay saanad milatari ay doonto la soo dagi karto.

 

islmarakana dowladda soomaaliya ay la soo dagi doonto saanad Milatari.

Tuniisiya iyo Midowga Yurub oo gaaray heshiis ku saabsan kahortagga tahriiibka

Midowga Yurub iyo Tunisia ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi dhammaystiran oo looga gol-leeyahay in lagula dagaallamo socdaalka sharci darada ah,gaar ahaan dadka doonaya in ay u tahriibaan Yurub.

Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula Von der Leyen, Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte, iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa wadahadalo cusub la yeeshay Madaxweynaha Tuniisiya Kais Saied Axaddii iyadoo tirada muhaajiriinta iyo qaxootiga ka tagaya Tuniisiya iskuna dayaya inay gaaraan Yurub ay si aad ah kor ugu kacday bilahaan.

Heshiiskaan waxaa ku jira in la carqaladeeyo hannaanka ganacsi ee dadka wax tahriibiya, xoojinta ilaalinta xuduudaha iyo kor u qaadida xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo waddanka Tuniisiya oo dhaca Waqooyiga Afrika.

R/Wasaaraha Talyaaniga ayaa MadaxweynahaTunisia’s Saied ku casuumay shir caalami ah oo ku saabsan socdaalka,kaas oo dhacaya July 23.

Tuniisiya waxaa ku yaal goobo badan oo istiraatiiji u ah safarka badda ee ay deegsaan muhaajiriinta iyo qaxootiga u socdaalaya Yurub..

Goobihii laga saaray khawaarijta oo laga billaabay dib u soo celinta adeegyadii Bulshada

Gobolka Shabeellaha dhexe degaanno katirsan ayaa laga bellaabay mashaariic dib loogu dhisayo Xarumihii adeegyada bulshada sigaar degaanadii laga xoreeyay khawaarijta.

Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dexe oo kamid ah degannada khawaarijta laga xoreeyay ayaa dhawaan laga daahfuray mashruuc lagu dayactirayo Ceel-ka degmada ee Ceel-Siyaad oo 20-sano aan helin wax dayactir ah.

Ma ahan Gobolka Shabeellaha dhexe kaliya goobaha ay dowladda ka hirgalisay adeegyada bulshada ee waxa jira degaanno dhowr ah oo ay dowladu gaarsiisay adeegyadii Bulshada u baahneyd,sida Cafimaadka,Waxbarashada iyo Aminga oo mudda dheer khawaarijtu ku hayeen dhibatooyin kala duwan.

Dowladda soomaaliya ayaa waxa ka go’an in ay soo afjarto kooxda khawaarijta arxanka daran degaannada ay kaga dhumaleeysanayan gobolada dalka,iyadoo dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee looga saaray degaanada ay kaga suganyihii dalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda,

Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumadda iyo ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoosta ka xariiqay in Agaasimayaasha guud ee Wasaarradaha ay  lafdhabar u yihiin horumarinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha Xukuumadda ayna wakiil ka yihiin hay’adaha Dowladda, isagoo ku adkeeyay inay laba-laabaan gudashada waajibaadka saaran.

  

Madaxweynaha Galmudug oo casho sharaf u sameeyay madax ka socotay Qaramada Midoobay

Dhuusamareeb:-Madaxweeynaha Dowladda Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ugu sameeyay casho sharaf madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan IESG oo qaabbilsan arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyeynta, kuwaas oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.

Madaxweeynaha ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha dimuquraaddiyeynta iyo horumarka degaannada dowlad goboleedka Galmudug.

   

Ciidamada dowladda oo dilay 20 dhagarqabe oo ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay cagta ku mariyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda khawaariijta oo ku yaala dhulka howdka ah ee hoos yimada deegaanka budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay taliyaha guutada16-aad ee kumaandooska danab G/Dhexe Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, Ciidamada ayaa intii howlgalku socday kalkaasi ku dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo katirsanayaa   naflacaariga khawaarijta, iyaga oo ka  ka saaray dhulka howdka ah ee hoos yimaada deegaanka budbud oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Taliyaha ayaa sheegay iney sii wadi doonaan baacsiga kooxadaan  khawaariijta ee alshabab oo ku haray meel yar oo howd ah.

      

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay shirka amniga Galmudug

Dhuusamarreeb- Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka amniga kaasoo looga hadlay xaaadda guud amniga Dowladda Galmudug, amniga caasimadda iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah cadawga argagaxisada.

Shirka oo ay ka so qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Galmudug, saraakiisha Ciidanka iyo maamulka caasimada ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa dagaaalka ka dhanka kooxda khawaarijta iyo xoojinta amniga guud ee caasimada iyo deegaanada Galmudug.