Ra’iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dad weynaha.

Mudane, Xamsa Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabada xarigga lagaga jarayay xarunta keydka Qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu uu xil ka saaran yahay in ay dadka u adeegto, xarumihii loogu tala galayna ay wax ugu qabato, wuxuuna faray dadka deggen xarumaha dowladda in ay ka guuraan iyaga oo aan la qasbayn.

Ra’iisul wasaare Xamza“Dowladnimadii baan rabaa, adeeg caafimaad baan rabaa, tacliin baab rabaa haddana xarumihii loogu tala galay ayaan deggenaanayaa, isma keeneyso”.

Ra’aysul wasaaraha XFS ayaa xusay in uu garowsan yahay duruufaha dalka ka jira balse aysan suurta gal ahayn in dan guud laga hor mariyo tan gaarka ah.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in aysan suurta gal ahayn dal uu Caafimaadkiisu sidan yahay lana doonayo inuu soo kabto in xarumihii loogu shaqayn lahaa shacabka ay dad barakacayaal ah iska deggenaadaan.

Khawaarijta maxaa ka qabsaday deegaanka Bud-Bud? (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ka go’an in ay gabi ahaanba ka tirtirto Khawaarijta Dalka Soomaaliya meelaha ay kaga sugan yihiin ka soo afjarto degaannada ay kaga dhumaleeysanayan gobolada dalka, iyadoo dhawaan la soo gabagabeynayo dagaalka Wejigiisa 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ku wajahan Deegannada dhaca Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Waxaa hadda si dar-dar leh uga socda Deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug dagaal toos ah iyo duqeymo ay fulinyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wadamada aannu saaxiibada nahay qaarkood, iyadoo howlgalladaasi kuwii kugu dambeeyay ay ka dhaceen Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana la soo warinayaa in Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay cagta ku mariyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda khawaariijta oo ku yaalla dhulka howdka ah ee hoos yimada deegaanka budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/Dhexe Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, Ciidamada ayaa intii howlgalku socday kalkaasi ku dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo ka tirsanayaa  Kooxda Naflacaariga khawaarijta, iyaga oo ka saaray dhulka howdka ah ee hoos yimaada deegaanka budbud oo ay ku dhuumaaleysanayeen., wuxuuna intaasi raaciyay Taliyuhu inay sii wadi doonaan baacsiga kooxdaan  khawaariijta ah ee Alshabab oo ku harsanaa  meel yar oo howdka ah.

Howlgal kale oo qorsheysnaa oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen dhawaan deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi, lagana war helay xogtooda, iyadoo Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA uu sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen, taasoo halkasi dambas looga dhigay, waxaana halkaasi looga hortagay khatar walba oo ay ka damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan Dadka, Ciidamada iyo noolayasha kaleba.

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo Aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Deegaanka Budbud ayaa ah deegaan aad u qurux badan, waxa uu leeyahay Il-biyood aan waligeed gurin, sida ay Culumida Geologhiyada sheegeen waxaa deegaankaasi mara Webi dhulka hoostiisa ah, sidoo kale waxay caan ku tahay Fardaha, waxayna bilihii ugu dambeysay fariisin muhiim ah u aheyd Khawaarij Kaba ku tukade, kaasi oo ka soo jeeda Deegaankaasi, kadib markii uu ka soo cararay Degmada Aaden Yabaal oo markii hore saldhig u ahaa oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanku kala wareegeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooxda dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta ka wada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono Wejiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo Argagixisada, islamarkaana lagu soo af jari doono Wejiga 1-aad ee dagaalka, waxaana haatan la qorsheeyay in dhawaan laga soo jeesan doono ama laga soo fara xalan doono Gobolka Galguduud, iyadoo hore looga soo fara xashay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, waxaa kaloo dhawaan gacanta lagu dhigay Gaari waday qalab laga sameeyo Gawaarida aan Xabbadu karin, kuwaasi oo ay u isticmaalaan Baabuurta lagu soo raro qaraxyada, waxaana la keenay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale La taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca amniga Qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic, isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cuneqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay Dowladda Federaalka ah soo iibsan karto hubka qaarkiisa, taasina ay ka faa’iideysatay dowladda, si ay khawaarijta u ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horey nolagu oggoleyn ayaan sanadkii lasoo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan laheyd Helocoptarro, hubka loo yaqaan Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood sida Qoruga Hoobiyaha cabirkiisu yahay 120 ayaan farsamooyinka naloo oggol yahay ayaan ku keensannay dalka”, la Taliyaha ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XDS, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda badda iyo berrigaba.

Haddaba si loo sii dar-dargaliyo dhameystirka Wejiga 1-aad ayuu Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka General Axmed Aadan u gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud , halkaasi oo Fariinsin u ah Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyee, isagoo kormeeray fariisimaha ciidanka, wuxuuna halkaas kula kulmay Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga, islamarkaana waxaa uu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta,  waxaana u sheegay in ay u diyaar garooban dhameystirka Wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee sanadkan 2023-ka ay ka mid tahay in sare loo qaado tababarka wariyeyaasha gaar ahaan qibradda gabdhaha saxaafadda ku jira.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka warfaafinta XFS, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door weyn ku yeeshaan jiheynta Umadda.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Wasaaradda warfaafintu uu qorshaheedu yahay in ay tababarkani ugu faa’iideyso 150 xubnood oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed dhowaanna ay gaarsiin doonaan gobollada dalka oo dhan.

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Pretoria- Koox burcad ah ayaa Magaalada Cape Town ee dalka koofur Afrika ku dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Cabdulle.

Marxuum Xasan Axmed ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla xaafadda side B oo ka degmada Khayelitsha ee Magaalada Cape Town.

Kooxda geysatay dilka ayaa qaatay inta badan alaabadii tiillay dukaanka iyo lacag.

Boliiska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna sheegeen in ay samayn doonaan baaritaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhowed gaaray Jawhar

Jawhar(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jowhar , iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Faahfaahin isha ku haay wargeyska dalka

Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay Saanad Ciidan oo isugu jirta Diyaaradaha dagaalka iyo hub culus

La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

La taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay DF soo iibsan karto hubka qaarkiisa taasina ay ka faa’iideysatay dowladda si  khawaarijta loo ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horay loogu oggolayn Soomaaliya ayaan sanadkii la soo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan lahayd Helocoptarro, Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood ayaan farsamooyinka na loo oggol yahay ku keensannay dalka”.

Mudane, Xuseen Macallin ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XD, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda Badda iyo berrigaba.

Ra’iisal wasaare Xamse oo kulan la qaatay guddiga dib u daabicidda Shilin Soomaaliga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay guddiga dib u daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna, si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xukuumadda Dan-qaran ee dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, guddiga hagidda mashruuca kal-kaal ee dib u daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta xarumaha Bangiga dhexe ee dowlad goboleedyada iyo qorshaha dhaw dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Wasiirka warfaafinta oo daah-furay dood wadaag ku aaddan gaarista Soomaaliya oo nabad ah

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa munaasabada furitaanka ka sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’antahay in Soomaaliya la gaarsiiyo marxalad ay ka faa’iideysato khayraadkeeda, dhallinyaradeedana loo abuuro mustaqbal ifaya oo wanaagsan, isagoo tilmaamay in doodaha furan ay ka mid yihiin 3-da jiho ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dagaal ciidan, mid dhaqaale iyo midka fikirka ah oo bulshada looga wacyi galiyo khatarta fikirka xagjirka khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Khawaarijta kaalinta kaga aaddan ay sii xoojiyaan, si loo soo afjaro Khawaarijta dadka nabadda u diiday, isagoo doodda u rajeeyey in ka soo baxaan aragtiyo maangal ah oo bulshada waxtara.

Dood wadaagga waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Booliska, Maamulka gobolka Banaadir, Culimada Soomaaliyeed iyo boqolaal shacab ah, iyadoo laga filayo in ay ka soo baxaan aragtiyo wanaagsan oo qeyb wayn ka qaata dagaalka ka dhanka fikirka xagjirka ee Khawaarijta.

14-ruux oo loo haysto dambiyo argagixiso oo la horkeenay maxkamadda ciidamada qaybteeda 60-aad

Baydhabo: Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwad loo haysto 14-ruux oo ku eedaysan dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, u garsoor doonashada kooxda iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin falal argagixiso.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka qaybteeda 60-aad gaashaanle Maxamuud Maxamed Iidow ayaa maxkmadda ka hor aqriyey dambiyada loo haysto eedaysanayaasha, isagoo codsaday in la marsiiyo sharciga Islaamka, si loogu ciqaabo damniyada ay gaysteen oo qaar ka mid ah ay qirteen.

Eedaysanayaasha oo 3-ka mid ah ay ciidan ahaayeen ayaa iyagana maxkamadda la horkeenay eedo loo haysto oo ay ka mid yihiin la shaqaynta kooxda Khawaarijta iyo dayacaadda hubkii lagu aaminay ee ay Qaranka ugu shaqaynayeen.

Gaashaanle sare Aaden Abuukar Maxamed guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybteeda 60-aad ayaa soo xiray fadhiga dhagaysiga dacwadda, isagoo xusay in maxkamaddu dhawaan soo saari doonto go’aanka xukunka eedaysanayaasha 14-ta ah ee dambiyada kala duwan ku eedaysan.

Labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo yeelanaya kulan wadajir ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Ajandaha kulan maanta ayaa ahaa qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji oo soo xirta kulanka ayaa sheegtay in maalinta Arbacada xildhibaanad labada Gole ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan kulan wadajir ah.