Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Secours Islamique France SIF

Gudoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Maxamuud Macallin ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda Secours Islamique France SIF oo uu hogaaminayey madaxa hay’dda Gorkhamas Huseynov.

Kulanka oo is barasho iyo gogol xaar u ahaa wada shaqayn dhexmarta labada hay’adood ayey uga wada hadleen labada mas’uul sidii SoDMA looga caawin lahaa in deeganada laga saaray Khawaarijta iyo kuwa dhawaan laga xorayn doono ay bulshada halkaas ku nool gargaar loo gaarsiin la haa iyo in ay ka saacidaan qeybo kamid ah xarumaha Hay’adda maaraynta musiibooyinka sidii qalabeyn loogu sameeen lahaa.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo guddoomiyay kulan ku saabsan caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka, kaas oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxakamdaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo  sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

   

      

Madaxweyne Laftagareen iyo Cabdi kariin Guuleed oo wada hadlay hannaanka loo wajahayo wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland

Baydhabo- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada uqaabbilsan Wada-hadallada Soomaaliland Mudane, Cabdikariin Xuseen Guuled oo maanta Baydhabo gaaray.

Ergayga Gaarka ah  iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa ka wada hadlay hannaanka loo wajahayo wada hadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhaweeyay dedaallada Xafiiska Ergayga, isagoo u muujiyay garab istaag buuxa,wuxuuna Ergayga dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyay talooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaadda qorshahiisa.

   

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa khawaarijta

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah, kana tirsanaa kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Yuusuf oo tan iyo 2019 ka tirsanaa Argagixisada ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa basaasidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee isticmaala waddada ceelasha biyaha marka ay gudbayaan iyo xilliga ay Muqdisho kusoo laabanayaan.

Ninkan ayaa sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray $130, waxaana lagu qabtay howlgal ciidan oo 19 kii January ee Sanadkan ka dhacay degaanka ceelasha xilli uu watay Caag ay ku wada jiraan Masaggo iyo Bastoolad.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta Keydka Qaran ee Daawada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

      

Ra’iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dad weynaha.

Mudane, Xamsa Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabada xarigga lagaga jarayay xarunta keydka Qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu uu xil ka saaran yahay in ay dadka u adeegto, xarumihii loogu tala galayna ay wax ugu qabato, wuxuuna faray dadka deggen xarumaha dowladda in ay ka guuraan iyaga oo aan la qasbayn.

Ra’iisul wasaare Xamza“Dowladnimadii baan rabaa, adeeg caafimaad baan rabaa, tacliin baab rabaa haddana xarumihii loogu tala galay ayaan deggenaanayaa, isma keeneyso”.

Ra’aysul wasaaraha XFS ayaa xusay in uu garowsan yahay duruufaha dalka ka jira balse aysan suurta gal ahayn in dan guud laga hor mariyo tan gaarka ah.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in aysan suurta gal ahayn dal uu Caafimaadkiisu sidan yahay lana doonayo inuu soo kabto in xarumihii loogu shaqayn lahaa shacabka ay dad barakacayaal ah iska deggenaadaan.

Khawaarijta maxaa ka qabsaday deegaanka Bud-Bud? (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ka go’an in ay gabi ahaanba ka tirtirto Khawaarijta Dalka Soomaaliya meelaha ay kaga sugan yihiin ka soo afjarto degaannada ay kaga dhumaleeysanayan gobolada dalka, iyadoo dhawaan la soo gabagabeynayo dagaalka Wejigiisa 1-aad, si loogu gudbo Wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ku wajahan Deegannada dhaca Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Waxaa hadda si dar-dar leh uga socda Deegaanno ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug dagaal toos ah iyo duqeymo ay fulinyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wadamada aannu saaxiibada nahay qaarkood, iyadoo howlgalladaasi kuwii kugu dambeeyay ay ka dhaceen Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana la soo warinayaa in Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxay cagta ku mariyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen kooxda khawaariijta oo ku yaalla dhulka howdka ah ee hoos yimada deegaanka budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/Dhexe Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, Ciidamada ayaa intii howlgalku socday kalkaasi ku dilay in ka badan 20 dhagarqabe oo ka tirsanayaa  Kooxda Naflacaariga khawaarijta, iyaga oo ka saaray dhulka howdka ah ee hoos yimaada deegaanka budbud oo ay ku dhuumaaleysanayeen., wuxuuna intaasi raaciyay Taliyuhu inay sii wadi doonaan baacsiga kooxdaan  khawaariijta ah ee Alshabab oo ku harsanaa  meel yar oo howdka ah.

Howlgal kale oo qorsheysnaa oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen dhawaan deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi, lagana war helay xogtooda, iyadoo Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA uu sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen, taasoo halkasi dambas looga dhigay, waxaana halkaasi looga hortagay khatar walba oo ay ka damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan Dadka, Ciidamada iyo noolayasha kaleba.

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo Aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Deegaanka Budbud ayaa ah deegaan aad u qurux badan, waxa uu leeyahay Il-biyood aan waligeed gurin, sida ay Culumida Geologhiyada sheegeen waxaa deegaankaasi mara Webi dhulka hoostiisa ah, sidoo kale waxay caan ku tahay Fardaha, waxayna bilihii ugu dambeysay fariisin muhiim ah u aheyd Khawaarij Kaba ku tukade, kaasi oo ka soo jeeda Deegaankaasi, kadib markii uu ka soo cararay Degmada Aaden Yabaal oo markii hore saldhig u ahaa oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanku kala wareegeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooxda dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta ka wada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono Wejiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo Argagixisada, islamarkaana lagu soo af jari doono Wejiga 1-aad ee dagaalka, waxaana haatan la qorsheeyay in dhawaan laga soo jeesan doono ama laga soo fara xalan doono Gobolka Galguduud, iyadoo hore looga soo fara xashay Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, waxaa kaloo dhawaan gacanta lagu dhigay Gaari waday qalab laga sameeyo Gawaarida aan Xabbadu karin, kuwaasi oo ay u isticmaalaan Baabuurta lagu soo raro qaraxyada, waxaana la keenay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale La taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca amniga Qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic, isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cuneqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay Dowladda Federaalka ah soo iibsan karto hubka qaarkiisa, taasina ay ka faa’iideysatay dowladda, si ay khawaarijta u ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horey nolagu oggoleyn ayaan sanadkii lasoo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan laheyd Helocoptarro, hubka loo yaqaan Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood sida Qoruga Hoobiyaha cabirkiisu yahay 120 ayaan farsamooyinka naloo oggol yahay ayaan ku keensannay dalka”, la Taliyaha ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XDS, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda badda iyo berrigaba.

Haddaba si loo sii dar-dargaliyo dhameystirka Wejiga 1-aad ayuu Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka General Axmed Aadan u gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud , halkaasi oo Fariinsin u ah Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyee, isagoo kormeeray fariisimaha ciidanka, wuxuuna halkaas kula kulmay Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga, islamarkaana waxaa uu ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku ammaanay guulihii ay ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta,  waxaana u sheegay in ay u diyaar garooban dhameystirka Wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee sanadkan 2023-ka ay ka mid tahay in sare loo qaado tababarka wariyeyaasha gaar ahaan qibradda gabdhaha saxaafadda ku jira.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka warfaafinta XFS, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door weyn ku yeeshaan jiheynta Umadda.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Wasaaradda warfaafintu uu qorshaheedu yahay in ay tababarkani ugu faa’iideyso 150 xubnood oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed dhowaanna ay gaarsiin doonaan gobollada dalka oo dhan.

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Pretoria- Koox burcad ah ayaa Magaalada Cape Town ee dalka koofur Afrika ku dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Cabdulle.

Marxuum Xasan Axmed ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla xaafadda side B oo ka degmada Khayelitsha ee Magaalada Cape Town.

Kooxda geysatay dilka ayaa qaatay inta badan alaabadii tiillay dukaanka iyo lacag.

Boliiska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna sheegeen in ay samayn doonaan baaritaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhowed gaaray Jawhar

Jawhar(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jowhar , iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Faahfaahin isha ku haay wargeyska dalka