Wasaaradda gaashaandhigga oo faah-faahisay malleeshiyaad iyo horjoogayaal laga laayay khawaarijta

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay malleeshiyaadkii dhowaan ay ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta.

General, Caanood ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilay 200 oo Khawaarij ah tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay.

Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe loogu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah oo ay ku jiraan laba horjooge.

Ciidanka xoogga ayuu sheegay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay khawaarijta ugu geysteen jab xooggan kana laayeen horjoogayaal sar sare.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaa ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka lagu sifeynayo khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan Ciidankooda aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqey in lala dagaalamo musuqmaasuqa, loona hoggaansamo sharciga.

2-Kulankii wadatashiga ee madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, talooyinna ay ka soo baxeen.

3-Qaramada Midoobay oo soo dhoweysat kulankii wadatashiga madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ku dhex marey magaalada Muqdisho.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay kulan heer caalami ah oo lagu midaynayo barnaamijka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan,ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay war-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyey madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta keydka dawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

7-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley xil wareejinta wasiirada cusub ee Shaqada iyo Maaliyadda.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay guddiga dib u daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga.

9-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dadweynaha.

10-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayey horumarinta cadaaladda iyo garsoorka dalka, oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya  arrimaha garsoorka.

11-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si shacabku u helaan adeeg garsoor oo hufan.

12-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 30 ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab ku dilay degaanka  Ceel Qurac ee gobolka Galguduud. Khawaarijta ayaa halkaasi isku uruursanayey si ay shacabka u dhibaateeyaan.

13- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Saciid Maxamed.

14-Wasiirka Hawlaha Gnuud ee Soomaaliya Mudane Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir ayaa sheegay in mashruuca Negaad ee horumarinta magaalooyinka dalka lagu dhisay 7 waddo oo ku kala yaalla Garowe iyo Baydhabo, iyadoo sidoo kale la filayo dhameystirka laba waddo oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

15-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta, kaasi uu kor loogu qaadayo aqoonta gabdhaha ee maamulka warbaahinta.

16-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka cusub ee UNDP Somalia, Mr Lionel Laurens, kala hadley xoojinta xariirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya wasaaradda iyo hay’adda UNDP.

17-Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

18- La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

19-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Boqortooyada Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

20-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay dayactirka waddada Via Liberia ee magaalada Muqdisho.

21-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatey Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

22-14-ruux oo loo haysto dambiyo argagixiso oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada qaybteeda 60-aad.

23- Taliyaha Ciidanka Dhulka General Axmed Aadan ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

24-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska ee Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

25-Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

26-Ciidamada Xoogga Dalka oo 20 dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

27-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho.

28-Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkadda caalamiga ah ee Bureau Veritas, si loo hubiyo tayada badeecadaha imaanaya Soomaaliya.

29-Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Xaafada Weydow ee degaanka Garasbaaley gargaar ugu qeybisay 3,000 oo qoys oo iskugu jira dad danyar ah, kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo dad barakacyaal ah.

30-Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa kulan la xiriira horumarinta waxbarashada la qaatay Wakiilka Wasaaradda Tacliinta Sare ee Masar Dr. Maxamed Samiir Xamsa.

31-Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo hawlgal ay ka fuliyeen koonfuurta Soomaaliya ku soo qabtey xubno looga shakisan yahay ka mid ahaanshaha kooxda Khawaarijta ee Al Shabab.

32-Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Jubbaland oo 17 dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta ku dilay hawlgal ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Weelmaaro ee gobolka Jubbada Hoose.

33-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre oo kulan la yeeshay dhiggiisa Rugta Ganacsiga ee dalka Serbia.

 

   

Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ; Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u marayaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.

Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la filayo in dhawaan ay  Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.

Shuruucda hor-tebinta uleh  Wasaaradda oo ay doonayaan inay  usoo gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS  sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.

Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.

      

Ciidanka xoogga dalka oo 30 khawaarij ah ku dilay deegaanka Ceel-qurac

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelada dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa SONNA u sheegay in howlgalka ay Ciidanku ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu.

Mudane, Al-caddaala ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu howlgalkaasi ku dileen in ka badan 30 ka tirsanaa Khawaarijtii halkaas ku sugnayd, iyagoo kala wareegeen hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta, waxaana hadda socda howlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta.

Kulan ku saabsan doorka uu shacabka ka qaadan karo amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Taliska qeybta ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay munaasabad ujeed keedu aheyd doorka bulshada kaga aadan Amniga  kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo marti gelisay kulanka ayaa tilmaamay in bulshada reer Wadajir ay yihiin kuwa nabadda iyo Dowladnimada jecel islamarkaana ay la shaqeeyan maamulka degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in Booliska iyo shacabka ay yihiin kuwa si dhow saaxiib u ah loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa waxa uu tilmaamay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran shacab iyo Dowlad, islamarkaana Amniga uu fura u yahay horumarka iyo dib-udhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa bogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda ugu basilyihiin dowladnimada iyo xoojinta horumarka.

Munaasabadan kadib ayaa shahaadooyin sharaf la gudoomsiiyay qaar kamid mas’uuliyiinta degmada Wadajir, kuwaas oo lagu dhiiragliyay howlihii wanaagsanaa oo ay ka qabteen degmada.

         

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada sanadka cusub ee Hijriyada 1445

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu munaasabadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1445-ka (Hijiriyada) awgii uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu hambalyo taa la mida u dirayaa waddammada Islaamka gaar ahaan shucuubta Muslimiinta ah ee adduunka ku nool. Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay in sannadkan cusub uu noqdo barwaaqo iyo horumar waxaana uu ummadda Soomaaliyeed Alle uga baryay inuu nabad gelyo iyo barwaaqo siiyo.

Kumaantoosta Danab iyo Gorgor oo hawlgallo qorshaysan ka wada Galgaduud

Galcad-  Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandoosta Danab iyo Gorgor ayaa maanta howlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta kawada deegaano hoos yimaada dagmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay ammaanka deeganada iyo dhulka miyiga ah oo khawaariijtu si dhuumaaleysi ah ay ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo lagu ciribtirayo kooxda Khawaarjita ah, si deegaanada ay mudada cadaadiska ku hayeen loo gaarsiiyo nidaamka dowladnimada.

Soomaaliya oo ku sii dhawaanaysa bar-dhammaadka deyn cafinta

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa manta kulan is-xog wareysi ah la yeeshay madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka maaliyadda guud ee Public Financial Management (PFM).

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa muujiyey ahmiyadda ay dalka u leedahay dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Wasiirka warfaafinta oo Muqdisho tababar uga furay 30-gabdhood oo wariyaal ah

Tababarka kor u qaadista kaalinta gabdhaha ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha warbaahinta dalka oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya gabdho ka kala socda warbaahinta gaarka ah, ururada warbaahinta, warbaahinta maamulka gobolka Banaadir iyo warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ugu horayn furitaanka tababarka sharxay muhiimadiisa ayaa tilmaamay in uu u gaar yahay gabdhaha suxufiyiinta ah, si kor loogu qaado doorkooda.

Faarax Cumar Nuur xoghayaha ururka Suxufiyiinta FESOJ oo ku hadlay afka ururruda iyo hay’adaha warbaahinta ayaa ku bogaadiyay wasaaradda warfaafinta qabashada tababarkaan u gaarka ah dumarka xilligan, si loogu dhiira galiyo kaalintooda maamulka Warbaahinta, ayna muujinayso ahmiyada gabdhuhu u leeyihiin horumarka saxaafadda.

Mudane Daa’uus Aweys Jaamac wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay tababarkan ayaa sheegay in u jeedka ay u qabatay wasaaraddu uu yahay xoojinta kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta.

“Tababarkan waxaan ugu talo galnay in ay ka faa’iidaystaan 30 gabdhood oo saxafiyiin ah, hiigsigeena waa in aan gobollada dalka oo dhan gaarsiino ilaa 150 gabdhood oo aan u tababarayno maamulka hay’adaha warbaahinta, si kor loogu qaado kaalinta dumarka ee saxaafadda,” ayuu yirri Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiir Daa’uud ayaa intaas ku sii daray in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad-dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door-weyn ku yeeshaan jiheynta ummadda.

Ra’iisal wasaare Xamse oo kormeeray xarunta dhexe ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada hay’adda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.