Jab kale ayaa ku dhacay Kooxda Khawaarijta ah (WARBIXIN)

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa howgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya ee AFRICOM ayay waxay howlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah dhawaan ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta, waxaa marka hore dagaalku ku bilowday duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Drones ah ee AFRICOM, kadib waxaa xigay Ciidanka Danab oo cirka kaga soo degay, gumaad ba’anna u geystay Maleeshiyaadkii isku urursanayay Deegaankaasi, waxaana ugu dambeyntii dambastiray Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana howlgalkaa lagu bururburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawarijta Arxanka daran ee Al-shabaab, waxaa la soo warinayaa in .howgalkaasi ay gacan fiican ka geystay Shacabka deegaanka oo wada shaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka Qaranka ee hawlgalkaasi ku jiray.

Howlgalkaasi ayaa ahaa mid aad loo sii qorsheeyay, ayna ka qeybqaateen Xoogag isbiirsaday ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya  u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay Qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed, waxayna dhawaan saldhig cusub ka sameysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, kaasi oo ujeedkiisu yahay in si dhaqsi leh loo soo afjaro wejiga 1-aad ee ee dagaalka lagu sifeynayo deegaannada ay wali kaga harsan yihiin Gobolka, kadibna loo jeesto wejiga 2-aad ee dagaalka, kaasi oo ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada howlgal dhinaca dhulka ah, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha gumaca Rasaaseed ee geesiyaasha Qaranka, waxaana la filaa in deegaannada Ceel-buur iyo Galhareeri ay dhawaan gaaraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saaxiibada caalamka iyo dadka deegaannada, waxaana lagu soo khatimi doonaa joogitaankii muddo sanooyin ah ee ay khawaarijtu ku fasahaadineyeen, islamaarkaana ay ku duleysanyeen Shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Hawlgalkaani waxa uu qeyb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta, Dawladdana oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah,oo ay aad u dhibsadeen Ummadda ku nool deegaanada.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay howlgalkaasi iyo khasaaraha Maleeshiyaadkii naf la caariga ahaa ee ay dhowaan ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta,ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay lagu dilayin ka badan 200 oo Khawaarij ah, tiro intaas ka bandanna loogu dhaawacay, ilsmarkaana lagu qabsaday hub iyo sanaad ciidan oo fara badan.

Afhayeenka oo ka hadlay howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ayaa sheegay in loogu dilay khawaarijta in ka badan 30 Khawaarij ah oo ay ku jiraan laba horjooge, isagoo intaasi raaciyay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka, Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay khawaarijta ugu geysteen jab xooggan kana khaarijiyeen horjoogayaal sar sare.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaasi ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka loogu sifeynayo Dalka kooxd arxanka daran ee khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay Shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan dagaalkaasi ay si dhaqsi leh uu  Ciidankooda, aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.

Dhinaca Koonfur Galbeed haddaan eegno waxaa beryahaan ka taagnaa khalalaase ka dhashay go’doomi ay ku sameeyeen Khwaarjtu magaalada Baydhabo, waxaana kala go’ay isu socodkii Dadka iyo Maciishadda, waxaana la sheegay in uu sare u kacay sicirka la kala siisto Rashinka quutul-daruugiga, iyadoo aan wada ogsoonahay inay al-shabaab hore go’doomin u saarnaayeen muddo 12 sano ah Magaalooyinka ka tirsan Maamulkaasi, ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal Qorshaysan ka fuliyay xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla waddada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Howlgalkan oo dhacay Maqribnimadii ee xalay ayaa waxaa lagu dilay toban ka tirsan Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobtaasi, waxaana la soo warinayaa in goobta howlgalku ka dhacay ay aheyd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay lacgo baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool gobalka Baay, wuxuuna howgalku uu ku soo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay waddaa barnaamijyo badan oo dhinaca Ammaanka Dalka ah, waxaana ka mid ah in ay dagaal adag kula jirto Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, in ay dadaal ugu jirto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo diyaarinay inay si buuxda u hantaan Sugidda Ammaanka Dalka oo dhan iyo in ay dhimis ku waddo Ciidanka ka socda Midowga afrika ee ATMIS, kuwaasoo lagu wado inay gabi ahaamba dalka ka baxaan dhammaadka bisha Desember ee sanadka 2024-ka, qorshayaashii ayaa ah kuwa wada bar-bar socda oo ay dooneyso inay wada fulaan.

Saraakiil ku Eedaysan Musuq maasuq oo maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysaneysa dacwada loo haysto  Afar sargaal  oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq Xatooyo.

Afartaan Eedaysane ee la horeyay Maxkamada gobolka ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi Oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo Eedeyay  Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Wixii faahfaahin ah oo ku soo kordhah warka dhageysiga Maxkamadda gobolka Banaadir halkaan kala soco goor dhow.

Xogta Horjooge muhiim u ahaa Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Jubbada hoose (Warbixin)

Wel-marow, waxa ay in ka badan 45-km dhinac bari ka xigta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, halkaas howlgal ka dhacay waxaa lagu khaarijiyay horjooge lagu magacaabi jiray Maxamed Biyo-maalow.

Horjoogahan Khawaarijtu, wuxuu u qaabilsanaa dhaqaalaha iyo xoolaha uu ka uruuriyo dadka deegaanka Wel-marow ee gobolkaas.

Horjooge Biyo-maalow, wuxuu ka soo jeedaa degmada Jammaame ee gobolka Jubbada hoose. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku tilmaamaeen inuu ahaa nin arxan-daran oo dadka si xoog ah kaga qaada dhaqaalaha ama xoolaha yar ay haystaan,ciddii diidana uu amri jiray in la Khaarijiyo.

Isaga oo ka socdaaalay deegaanka Wel-marow ee hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, waxaa ka war helay ciidanada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, waxayna qorsheeyeen howlgalkii lagu soo afjari lahaa horjoogan unmadda dhibay, kaas oo ugu dambeyntii sababay in nafta la dhaafiyo horjoogahan iyo maleeshiyaadkii la socday.

Gobolka Jubbada hoose iyo deegaanno kale oo hoostaga gobolka Jubbada dhexe, waxaa bilihii u dambeeyay lagu ciqaabayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaa, kuwaas oo qeyb ka ahaa dhibaateynta shacabka ku nool Jubbooyinka.

Ruushka:” Maraakiibta ku socda Ukraine waxaan u aragnaa kuwo qayb ka ah dagaalka”

Ruushka ayaa ka digay in maraakiibta ku safraya dekedaha Badda Madow ee Ukraine,isla markaana oonaya in ay qaadaan badeecadaha raashinka  loo tixgelin doono bartilmaameedyo militari iyo kuwo qeyb ka ah dagaalada ka socda dalkaasi.

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha  Kyiv uu sheegay in uu sameyn  doono marin ku meel gaar ah oo maraakiibta ay kusii wadaan karaan dhoofinta badarka ,xilli Moscow ay ka baxday heshiiskii u fasaxayey  bixinta shixnadaha cuntada ee dekedaha Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Arbacadii in ay u arki doonto dhammaan maraakiibta u safraya Ukraine in ay suurtagal tahay in ay wadaan shixnad milatari oo ku socda Kyiv .

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay hirgelin doonto mawqifkeeda cusub ee ku aaddan kahortagga maraakiibta ku sugan badda madow,hasa yeeshee lama sheegin tallaabada ay ka qaadi doonaan maraakiibta u socdaaleysa Ukraine.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhacay deegaan u dhow Buur-hakaba ku dilay 10 khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba.

Hawlgalkan oo dhacay Maqribnimadii caawa waxaa lagu dilay toban ka tirsan Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobtaas.

Goobta hawlgalku ka dhacay waxa ay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay lacgo baad ah, iyaga oo maalmihii dambe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool gobalka Baay.

Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed.

Ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan khawaarijta oo lagu dilay hawgalladii maanta

Muqdisho 19 July 2023: Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Khawaarijta.

Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu bururburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.

Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka.

Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta.

Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha saddex wado

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa xariga ka jaray dhismaha wadda Interlock ah oo laga fuliyay saddex waddo oo ku dhacda Waddada Taleex iyo Xaaji Baasto, taas oo dhismaheeda ay iska kaa shadeen Maamulka Degmada iyo bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle ayaa tilmaamay in dhismaha waddadan ay baahi weyn u qabeen bulshada reer Hodan maadaama wadooyinkan ay yihiin kuwa ganacsi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dadweynaha Gobolka Banaadir ay u istaagaan xoojinta ka qeyb qaadashada mashruuca dalkaaga ku dhiso Hal Doolar oo ah mashruuc ahmiyad gaar ah siinaya dhismaha waddooyinka Magaalada.

   

Soomaaliya oo ka qeyb gashay madasha beeraha dunida oo lagu qabtay dalka Turkiga

Ankara- Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Maamulka Gobolka Banaadir Mduane , Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga Mudane , Maxamed Xasan ayaa magaalada Samsun ee dalka Turkiya ugu qeyb-galaya madasha beeraha dunida.

Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa sida ugu habboon ee loo kordhin karo wax soo saarka beeraha, loona horumarin karo dadka iyo hay’adaha ay quseyso, si loogu faa’iideysto magaalooyinka, isla markaana loo dhiiri geliyo beeraleyda.

Madashaan oo ay ka qeybgalayaan dowladdo fara badan iyo daneeyayaasha horumarinta beeraleyda ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 20 July 2023.

  

Shir looga hadlayay amniga Jubbaland oo lagu qabtay degmada Luuq

Luuq- Madaxwayne kuxigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga guud ee gobolka Gedo oo lagu qabtay degmada Luuq.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaanno katirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland, maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, saraakiisha laamaha amniga degmada iyo kuwa nabad ilaalinta ATMIS.

Shirka ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaray sare u qaadista la dagaallanka malleeshiyada Al-shabab iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee gobolka Gedo.

   

Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo kormeeray garoonka diyaaradaha Muqdisho

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa Mudane Cabdirisaaq Maxamed Abiikar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Maareeyaha gegida diyaaradaha Muqdisho iyo qeybta Dakhli uruurinta garoonka, Xafiiska Bankiga dhexe laanta madaarka, qeybaha socdaalka iyo jinsiyadaha, hay’adda saadaaha hawada, iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee garoonka Aadan Cadde.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa in xafiiska Xisaabiyaha guud uu u kuurgalo sida ay u socdaan howlmaalmeedka Xafiisyada uu kormeeray iyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneed sare u qaadista iyo sugidda adeegyada bulshada, taas oo ay daba socoto isla xisaabtan dhab ah.