Ciidanka Xoogga oo deegaanka Jameeco ee gobolka Baay ku dilay 15 Khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku burburiyay jidgooyo iyo xarun Khawaarijtu ku la hayd deegaanka Jameeco ee gobalka Baay, halkaas oo ah goob ay doonayeen in ay ku cuna qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalkaas.

Hawlgalkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 15 khawaarij ah kuwaas oo ay ku jiraan saddex Horjooge.

Waxaa gabi ahaan la burburiyay jidgooyadii Khawaarijta waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen.

Waana hawlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba halkaas oo Khawaarijtu ay isku dayaysay in ay xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan Shacabka.

Ciidanka Xoogga oo ka jawaabaya isku dayga Khawaarijta ayaa bilaabay hawlgallo lagu beegsanayo jidgooyooyinka xaaraanta ah ee Khawaarijta ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kullan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti

Jabuuri:- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Ilyas M. Dawaleh.

Labada wasiir, ayaa isweydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasoo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama dambeys ah, sidoo kale, waxay kale, waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

Wasiir Beenebeene, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Mudane Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta milgaha iyo sharafta leh ee uu u fidiyay asiga iyo wafdigiisa.

 

Hay’adda Taya-dhowrka iyo Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Heshiis kala saxiixday

Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan oo ay weheliso Maareeye ku-xigeenka hay’adda Marwo Suuban Cabdi Nuur Gaas iyo Masuuliyiinta kale ee hay’adda, ayaa maanta xafiiska dhexe ku soo dhoweeyey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolajiyada Mudane Hussien Ahemd Ulusow, Mareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.

Soo dhaweynta kadib, Mareeyaha hay’adda Taya-dhawrka Marwo Xaawo Axmed Xasan  iyo Maareeywha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh ayaa heshiis ku kala saxiixday xarunta hay’adda, waxaana goob joog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Ticknoloajiyada Mudane Xusee  Axmed Culusow iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskan wuxuu abuurayaa qaab-dhismeedka iskaashi ee dhex maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha soo socda:

Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate) iyo
La dagaallanka ganacsiga sharci darrada ah ee soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektrooniga ah.  

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay mas’uul ka tirsan Hay’adda IMF

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Mudane. Biixi Iman Cige ayaa Aaladda fogaan-araga kulan muhiim ah kula yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha Sare ee IMF u qaabilsan Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda uu marayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo hiigsiyada Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Barnaamijka deyn-cafinta.

  

Duqa Muqdisho oo la kulmay Lionel Laurens

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya Lionel Laurens.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa loogu hadlay dar-dar gelinta Mashaariicda Horumarineed oo ay Hey’adda UNDP ka taageerto Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo cusub oo lagu gaari karo Qorshayaasha Hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ugu horeyso, dib-u-dhiska kaabayaasha, horumarinta xirfadaha iyo aqoonta Howlwadeenada iyo taaba gelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in fulinta Barnaamijka Siyaasadda loo dhan yahay oo ay ugu horeyso Awood siinta Haweenka, Xalinta Khilaafaadka iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ay horseed u noqon doonto ka dhabeynta Hiigsiga iyo Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod.

     

Shirweynaha Wadatashiga & Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada oo Muqdisho ka furmay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye (Ex School Polizio) si wadajir ah ugu daah furay Shirweynaha Wadatashiga iyo Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada.

Shirweynahaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Saldhigyada & Hogaamada, Ururada Bulshada Degmooyinka, Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada oo dhamaantood laf-dhabar u ah Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Madasha ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Booliska, asigoona Bulshada ugu baaqay in gacmaha la is wada qabsado oo la is kaashado si loogu guuleysto cadowga.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Shirweynahaan uusan noqon doonin mid la isugu yimid oo lagu kala tagay, balse uu noqon doonno mid ay iskula jaan qaadaan Bulshada iyo Booliska, maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ay kaashan doonaan Booliska.

       

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlaayay ajandeynta hindise sharciyeedyadda iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo uu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo dhammaan xubnaha guddiga ayaa waxaa uu guddiga cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajendeynta hindise sharciyeedyaddii iyo heshiiskii la horkeenay.

 

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal dhan ah Khawaarijta ka Sameeyay degmada Qoryooley

Howlgal qorshaysan oo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo kaashanayey dadka deegaanka ka sameeyeen degmada Qoryooley waxaa ay ku wareejiyeen bar-control oo ay lacago baad ah khawaarijta uga qaadayeen shacabka ku safarka ah waddooyinka isku xirah qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalkaan ayaa intii u socday waxaa lagu qaarjiyay labo maleeshiyadka Khawarijta ka tirsanaa sidoo kalena waxaa lagu soo afjaray  haraadiga maleeshiyadii goobta ku sugneyd.

Ciidanka ayaa burburayey goobtii khawaarijta ay dadka uga qaadayeen lacagaha baada ah sida uu warbaahinta Qarnka u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose.

    

Shirka Golaha Wasiirrada JFS oo looga hadlaya Amniga dalka

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.
    

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed oo karmeeray Dugsiga Tababarka General Kaahiye

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.