Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta tababbar u furay 30 Saxafi oo ka kala socday Wakiilada Warbaahinta Qaranka ee Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa xusay in tababbaradu ka mid yihiin shaqo maalmeedka Warbaahinta maadaama markasta horumar joogto ah ku talaabsato hababka wax tebinta ee Warbaahinta casriga ah.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta ayaa xusay in tababbarkan lagu baran doono hababka wax tebinta,wax soo saarka,Barnaamuj samaynta,tifaaftirka iyo ka jawaabista Fariimaha khaldan.

          

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 4-aad

Dawladda cusub ee uu Maamulkiisa ugu sarreeyo Madaxeynaha iyo Raiisul-wasaarahaba waxaa looga baahan yahay inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa,islmarkaana hoos u fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa howlaha Xafiisyada Dawladda, haddii aan taas la helin waxay la kulmeysaa naceybka shacbiga oo ay horey u daashadeen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin badan, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn Indhaha ugu hayaan Maamulka cusub oo lagu naaaneeso Dawladda isbedelka.

Haddaan ka eegno dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda waxay shacbigu ku leeyihiin ma dacwoon karo Qof Jeeb maran, adigoo arkaayana Xoolahaagii ayaa hortaada lagu siinayaa cid kale oo u soo dhaqaale urursaday xaqa masaakiinta danta yar, Dawladduna looga fadhiyo inay u hiiliso Dadka dan yarta ah, waayo Ummad la maamulo waxaa garsoor u ah cadaalad, haddi la waayana waxaa xumaanaya kalsoonida shacabka, horaa waxaa loo yiri Cadaaladda ayaa na wada deeqda.

Dhanka Wasaaradaha haddii aynu ka eegno waxaa lagu tilmaama inay ka mid yihiin meelaha musuq-maasuqu daashaday, waxaadna arkeysaa in shaqaale muddo fog u shaqeynayay Wasaaraddaasi oo khibrad iyo aqoonba u leh howshaasi, haddana aan heyn xuquuqdii uu lahaa, iyadoo la shaqaaleysiiyo qof aan aqoon iyo khibrad u laheyn shaqadaas, waana is dabamarin xuquuqda shaqaalaha, taasina ay ka dhalato hoos u dhaca wax soosaarka Shaqaalaha.

Dhinaca Amniga haddaynu u galno, musuq-maasuqu marka uu galo waxaa hoos u dhacaya ammaanka iyo kala dambeynta, waxaana kordhaya qaraxyada, dilka, dhaca iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya nabadgalyada Dalka, iyadoo arrinta Musuq-maasuqa ay horay uga hadleen Masuuliyiinta ugu sarreysa Dalka iyagoo sheegay in muhiimadda koowaad ay siinayaan la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana laga dhur sugayaa inay ka dhabeeyaan arrintaasi, innagoo ogsoon in ay adag tahay in Dal ka soo kabsanaya bur-bur dhinacyo badan leh inuu si dhaqsi ah ula dagaalamo musuq-maasuq iyo wax is daba-marin,

Waxaa kaloo looga baahan yahay Xukuumadda inay la timaado habka iyo nidaamka ay ula dagaalameyso Musuqmaasuqa nooc kasta ee uu leeyahay, islamarkaana ay ku ciribtiri karto, waxaanse jeclaa in aan mar uun aragno qof Maxkamad loo soo taago Musuq-maasuq iyo wax is-daba-marinta, waana aragnay arrintaasi, waxaana dhawaan la soo taagay Eedeysanayaan Maxkamadda loo heysto dambiyo ku saabsan Musuqmasuq iyo wax is-dabamarin sidaasi awgeed waxaa leeyahay Musuq-maasuqu waa dilaaga habka dowladnimo, sidaasi awgeed waxaa loo bahan yahay in arrintaasi xoogga la saaro sidii mar uun loo ciribtir lahaa.

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyay isbeddel togan oo muujiyay in haddii Saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan, islamarkaana maareeyaan ayay dowladdu heli kartaa dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne, islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maalintii khamiista aheyn dhageysatay dacwad loo heysto  Afar Sargaal oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq lala xariirinaayo Xatooyo Dadweyne, Lunsasho hanta Qaran, lacag dhaqis iyo kuwo kale, iyadoo Afartaasi Eedaysane ee la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu kala magacaabaa,Cabdulaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur iyo Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaantood loo heysto xatooyo xoolo dadweyne oo lagu soo Eedeyay Saraakiisha intii ay ka mid ahaayeen howlwadeenadda hey’adda  Socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023), “Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hanti dhawrku ku sameeyay hey’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wada shaqeyneed la leh hey’daha dowladda ee Baaristu khuseyso”, ayuu yiri Hanti dhowraha Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan ayaa isna isagoo Warbaahinta la hadlaayay yiri “Sharciga lagama dhuuman karo qofkii hanti uu ka sameeyay musuq-maasuq, dalka gudahiisa ama dibad geysto waa laga daba tagayaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin Dowladdu in la musuq maasuqo hantida Ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay, wuxuuna intaasi raaciyay in Dowladdiisu ay wax badan ka qaban doonto waxa uu ugu yeeray “tuug” iyo “tuug kalkaal”, ee ka dhex jira hey’adaha Dowladda sida uu sheegay.

” Tuug Kalkaal yaan la noqonin, tuugga waa la qabanayaayee ha qarinin,kan shaqada joogo ee xafiiska tuuganimada ka socoto joogow, adigu haddaadan tuug aheyn sheeg, war meeshan nimaa joogee hala fiiriyo dheh, shaqaa laga qabanaa,tuug wuxuu sababayaa inaan daciif ahaano,dhaqaalo yaraanno,inaan iska bixin weyno qarashaadka, ciidan inaan qoran-weyno oo aan ku filnaan weyno,macallimiinta inaan mushaar siin weyno, yacni wax walba oo Dowlad laga rabay,”, sidaasi waxaa yiri Madaxweune Xasan Shiikh.

Dadka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu u sheegay in Shabaabka wax qarxiya iyo kan hantida ummadda dhaca uu si isku mid ah ula dagaallami doono,isagoo ka dalbaday in ay garab ku siiyaan Dowladda, ” Tuuggu Shabaab kama sokeeyo,ehel ma ahan, qaraabo ma ahan, ninka tuugga lagu tuhmaayi xeerka hortiisa la geynaa sharciga wuxuu qabanaannaa la marsiinaa,”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ee badbaadinta hantida dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed ayaa noqon kara mid guuleysta haddii shacab iyo Dowlad si wadajir ah loo wajaho, iyadoo dad badani arrintan si weyn u soo dhoweeyeen.

Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii

-Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo xalay ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga,wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka.

Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka

Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad oo gaaraysa 11,500 oo xujay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galcad oo lagu wareejiyay xoolo lagu dhiiragalinayo

GALCAD- Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa maanta lagu xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid haweenka Soomaaliyeed.

Muno C/qaadir Hooleey oo mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa xoollo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Madagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheere iyo Xaradheere ayaa maanta 20 neef oo ido ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay Ciidamada utaagan difaaca dalka.

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa kulan wax ku wax ku ool ah kula qaatay magaalada Jabuuti, Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Mudane, Dr Workneh.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ku saabsan barnaamijyada horumarineed kuwaasoo gacan ka geysanaya horumar dhaqan-dhaqaale, iyo sidoo kale kor u qaadista iskaashiga lababda dhinac.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Urur Goboleedka IGAD taageeradda ay mar walbo la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Howlaha guud oo wadda Qorshe Warshado looga dhisayo meelo ka baxsan magaalada Muqdisho

Wasiirka wasaaradda howlaha guud & dib u dhiska iyo guriyeynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay waddaan qorshayaal looga dhisayo Warshado meelo ka baxsan caasimada Muqdisho.

Wasaaradda howlaha guud ayaa wadda istaatijiy cad oo ay ku doonayso in ay ku hirgaliso xaruumo loogu tala galay in laga dhiso Warshado wax soo saar oo u yeesho dalka.

Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Ururada Bulshada iyo odoyaal kale

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Dowladd Goboleedka Koofur galbeed.

Kulankaasi waxaa dhinacyadii ka qeybgalay ay isku dhaafsadeen tallooyin ku saabsan habka sooyaalka wadahadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed.

Ergayga ayaa xubnahaasi ka dhageystay arragtida iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahalka DFS iyo Somaliland iyo hannaanka ugu haboon ee loo mari karo.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ururada bulshada iyo odoyaasha dhaqanka uga warbixiyay sida ay lagama maarmaanka u tahay hirgalinta qorshaha wadahallada DFS iyo maamulka Somaliland.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagoo uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannada Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxda Warfaafinta XFS “waxaa naga go”an in aan xoojinno doorka aqooneed ee saxaafiyiinta

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ayaa  soo xiray tababar aqoonkororsi ah oo loo qabtay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah oo ka hawlgala hay’adaha Warbaahinta gaarka ah iyo ururada saxaafadda.

“ka wasaarad ahaan waxaan rabnaa in tababarka gabdhaha aan sii wadno waxaanna gaarsiin doonaa dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada “ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Warfaafinta.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle ,waxa uu kula dardaarmay gabdhaha saxafiyiinta ah ee ka faa’iidaystay tababarka in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii ay ka faa’iideysteen tababarkaasi aqoon-isweydaarsuga ah.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Marwo Fartuun Axmed Xasan ayaa sheegtay in u jeedka tababarka uu ahaa xoojinta doorka dumarka ee maamulka Warbaahinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,waxa uu socday muddo 3 cisho ah,iyadoo ka qeyb galayaasha ay halkaasi ku  qaateen casharro la xiriiray habka maamulka hay’adaha warbaahinta,gaar ahaan xal u helidda caqabadaha iyo fursadaha gabdhaha ee hay’adaha warbaahinta.

Antonio Guterres oo ku baaqay in la dhaqangaliyo qaraarka ku saabsan ka-hortagga nacaybka diimaha

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay muujiyay taageerada uu la garab taagan yahay bulshada Muslimiinta caalamka,kadib kulankisa Kooxda Safiirada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  waxa uu muujiyay in si buuxda loo dhaqangaliyo Qaraarka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ka-hortagga nacaybka diimeed ,kaas oo uu tilmaamay in uu horseedayo  kicinta takoorka, cadaawadda ama rabshadaha.

Qaraarka ku baaqaya in la cambaareeyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Qur’aanka kariimka ah, laguna tilmaamay inay yihiin filal nacayb diineed ah ayaa waxaa u codeeyay 47 xubnood oo golaha ka tirsan.

Afhayeenka xafiiska xoghayaha Stephane Dujarric ayaa bayaan ku sheegay in Guterres uu cambaareeyay falalka dulqaad la’aanta ah  ee abuuraya Islaam nacaybka,

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii Salwaan Momika uu bishii hore Masjidka Stockholm ee dalka Sweden ku gubay kitaabka Quraanka ,kaasi oo ay si weyn u cambaareeyeen dalalka Muslimka ah.