Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay dhaarinta xubnaha Golaha wasiirada Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub ee Gollaha Wasiiradda maamulka ee uu shalay soo magacaabay.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa sidoo kale ka qeyb galay Munaasabadda Dhaarinta Xubaha Cusub

  

Maxkamadda Racfaanka oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 Ajaaniib ah

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ruux oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah in ay ka sameeyen xeebaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha oo hore ay xukunka ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa racfaan kasoo qaatay maadaama qareenadooda ay sheegeen in aysan ku qancin.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa fadhiga maanta kusoo bandhigay qalabka lagula socdo dhaqdhaaqa maraakiibta, oo sheegayay xilliyada doomahaan ay soo galeen aaga dhaqaalaha gaarka ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Saciid Cali Maxamed ayaa soo gaba-gabeeyay fadhiga maanta waxaana uu sheegay in Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝘁𝗼 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay.

    

 

Soomaaliya iyo Bakistan oo iska kaashanaya horumarinta Barnaamijka Teknoloojiyadda

– Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah arrimaha dibadda iyo Seyniska iyo Teknoloojiyadda waddamkaas, ayaa laga daah-furay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Daah-furka Barnaamijka muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay labada wasaaraddood iyo sii-hayaha safiirka safaaradda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barta Dalkaas.

Ugu horeyn, Dr. Maxamed Iqbaal , agaasimaha guud ee Barnaamijka Comsec ayaa sheegay in loo baahan yahay sare u qaadista xiriirka waddamada ku mideysan ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), si xalal waara looga gaaro baahiya markaas taagan.

Sidoo kale, sii-hayaha safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Bakistan Mudame Shirwac Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo dhinaca Teknoloojiyadda, isagoo agaasinka Comsec uga mahadceliyay daah-furka Barnaamijkan muhiimka u ah Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa bixin doonna ilaa 10-deeq waxbarasho (chollarship),seminaaro iyo tababaro la xiriira cilmi-baarista seyniska iyo Teknoloojiyadda, kuwaas oo looga faa’ideyn doonna ardayda Soomaaliyeed ee daneyneysa Barnaamijkan.

Gacan ka hadalkii tiktok-ga ee sababay geerida iyo garsoorka ciidamada

:-Kiiskaan Sharma’arke Xuseen jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billaawday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo kamid ahaa dhallinta TIKTOK-GA isticmaasha 29-jun ee sanadkaan,xili ay ku soo wada  xifaal tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan halkaa oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha Tiktoka.

Sharma’arke ayaa habeenka kadib soo kaxeystay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cismaan (Suleey) oo labadaba katirsan ciidanka NISA kana mid ah eedeysanayasha dhageysiga Maxkamdda ka soo hor muuqday,intaa kadibana halkaa ay ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali

Gacan ka hadalka isku badalalay dilka ee dhalinta dhaxmaray ayaa markii hore ku billaawday sida Maxkamadda laga hor sheegay Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shalay u fariisatay dhageeysiga kiiska ka dhan ah dhillinyaradaani,iyadoo xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ay halka ku soo bandhigeen cadeemo lid ku ah eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka Xasan Cali Nur (Shuubte) oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in go’aaka ay maxkamadda soo sheegi doonto.

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada hadleen arrimaha xoojinta xiriirka labada waddan, Deyn-cafinta, maaddama Ruushka uu ka mid yahay dalalka Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

” Raashiya waa tagnay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo,waxaan la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, inaan tagno waxay ahayd waddanku waxayna leenahay xiriir diblomaasiyadeed, safiir ay leeyihiin baa ina cover-gareeya, safaaradda Raashka ee Jabuuti safiirka u jooga ayaa Soomaaliya safiir u ah, inagana safaarad ayaannu ku leenahay Ruushka, waan waddan ka mid ah shanta waddan ee awoodda ku leh security councilka, waa waddan aynu lahayn xiriir hore oo weyn inkastoo sanad-dahan dambe uusan active ahayn, ardayna inaga joogta sanad kastana ina siiya scholarship, waa waddan ka mid ah haddii uusan ahayn waddamada ugu badan ee deynta badan inagu leh ee hadda kala xaajooneyno in ay deynta naga cafiyaan, in nalaga qaado cunaqabateynta hubka, maaddaama ay na soo casuumeen inaan u tagno waanu ajiibnay waanu tagnay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Huruuse ayaa sheegay inaanu u jirin warka heshiiska sida warbaahinta qaar u dhigeen, balse uu jiro heshiis ku kooban MOU oo ah iskaashiga xiriirka caalamiga ah, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro heshiis ciidan oo ay  Ruushka la galeen.

“Heshiiska ma jirto sida Medi-yuhu sheegay heshiis aanu galnay, heshiis ciidan,heshiis ganacsi iyo heshiis kale haba yaraatee,waxaannu saxiixnay MOU la yiraahdo Political consultation oo ah Standard caalami ah ama template lala galo waddan kasta oo ah macnaha iskaashiga, xiriiria caalamiga iyo wixii la mid ah oo caalami ah marka kaas ayuu ahaa, xiriirkeenuna waa xiriir wanaagsan,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daddaalka xooggan ku bixineysa xoojinta xiriirka caalamiga ah ay Soomaaliya la leedahay dalalka intiisa kale.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta shixnadda dalka yimaada

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta furay xaflad loo sameeyey daahfurka iyo dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Abdi Nuur oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskani uu yahay siddii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda, waxaana ay xustay in shirkaddani ay tahay shirkaddani ay mas’uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.

Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ciidamada, Culimaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna tilmaamay in arrintani ay muhiim u tahay caafimaadka qofka bani Aadamka ah ee Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay waajib tahay ilaalinta tayada badeecadaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane Jibril Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

Wasiirku, wuxu sidoo kale xusay in barnaamijkani uu kaalin weyn ka qaadan doonaa kor u qaadista dakhliga gudaha, horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabto tayada badeecadaha ee dalka. Waxa kale oo uu boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay kaalinta horumarka ah ee ay mar walba kaga jiraan dalka balse aan la aqbali doonin ganacsato dalka u soo dhoofisa waxyaabo tayadoodu ka hoosayso halbeegyada dalka.

               

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq  Maxamed Yonis iyo xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa su’aalo weydiin, la xisaabtanka iyo kor-joogteynta Wasaaradda Arrimaha Dibidda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada mudane Abshir Cumar Huruuse oo uu wehlinayao Wasiir dowlaha Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Guddiga ugu warbixiyay habsami u socodka howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalalka caalamka aan ku leenahay.

Intaasi kadib Guddiga ayaa guda galay su’aalo weydiinta Madaxda Wasaaradda, ayagoo inta badan weydiimahooda kuwajahneeyd saafaradaha dibadda dhibaatooyinka ay ku qabaan shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta wadamada Safaaradaha aan ku leenahay  iyo sidoo kale Safiirkii hore ee u fadhiyay dalka Sacuudiga ayaa wax laga weydiiyay Wasiirka waxa keenay is casilaadiisa iyo arimo quseeya Shaqaalaha Wasaaradda ee ku kala qoran safaaradaha Dibadda aan kuleenahay.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay Guud ahaan Su’aalihii ay weydiiyeen Xubnaha Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS.

Gabagabadii Guddoomiyaha Guddiga  Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo soo xiray kulanka maanta uu Guddigu layeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ayaa umahadceliyay Wasiirka, Wasiiru-dowlaha iyo xubnaha kale ee lasocday Sidoo kale waxa uu sheegay in uu siisocon doono wada shaqeynta iyo la-xisaabtanka Wasaaradda uu layeelanayo Guddigu.

             

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shirguddoomiyey kalfadhiga 3-Aad kulankiisa 2-Aad ee wadajirka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen.

Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee BJFS.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hantida Dhowrka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in kulankan uu yahay qeybin kaliya balse kulanka dambe loogu doodi doono hindise sharciyeedka.

          

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo tababbar u furay xubno ka tirsan Senatorada aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa hannaanka sharci samaynta ee sharci dejiyaasha Golaha Aqalka Sare oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Haweenka Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa guddiga Haweenka Aqalka Sare ku booriyay qaban-qaabada kulankan oo kor u qaadaysa aqoon-dhiska Sanatarrada Aqalka Sare iyo abuurista shuruuc dan u ah dalka.