Xoolo nool oo lagu wareejiyay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Ceeldheer

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Degmada Ceeldheer ayaa shalay la guddoonsiiyay  xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.

Muno C/qaadir Hooleey oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, islamarkaana ka soo jeeda Deegaanka Ceeldheer  ayaa xoolo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa maanta 40 neef oo Ari  ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay Muuma Hooleey garab istaaga ay u muujisay Ciidamada u taagan difaaca dalka.

Muuna Hooleey waxay horey Xoolo nool ugu deeqday Ciidamada ku kala sugan Magaalooyinka Galcad iyo Masaqawaa oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha JFS oo Roma uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, iyagoo halkaas uu kaga qeyb-gali doona shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgali doono madasha geeska Afrika iyo Talyaaniga iyo sidoo kale shirka caalamiga ee la dagaallanka cunno yarida iyo macluusha oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka qeybgalaya shir saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga, isagoo sidoo kale kulammo doceedyo ah la qaadan doona madaxda kala duwan ee ka soo qeyb-galeysa shirar kaas ka dhacaya magaalada Roma.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga howlgabka Shaqaalaha

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa,kaa uu shir guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga.

.Ajendaha kulan, ayaa ahaa Wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, waxna xubnaha guddiga ka dooday. Qodobada qaar, ee ku jira Hindise-sharciyeedkan ayagoona wax-ka-bedel ku sameeyay Cutubyo kamid ah, Cutub-yada Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda XFS.

Xubanaha guddiga waxa ay shegeen in ay sii wadayaan Akhrinta iyo wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedkan Maadama uu muhiim u yahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Dhanka kale Guddoomiye Xil.Nadra ayaa sheegtay Inay ka shaqeyn doonaan,Ayna marsiin doonaan. dhamaan Hab-raacyada Hindise-sharciyeedka uu maro, si waafaqsan Dastuurka kmg ah iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS Sida Dhageysiga Dadweynaha Akhrinta 2aad,3aad iyo Ansixintiisuba.

  

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha bixinta Baasaboorka Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis

Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa dhamaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhegeystay Agaasimayaasha waaxyaha, kuwaas oo Warbixino ka siiyay sida ay u socdaan shaqada ay u qaabilsanyihiin Hay’adda ee ah bixinta adeegga Baasaboorka Shacabka, kaas oo laga bixiyo labada degmo ee ay ku yaalaan Xafiisyadaas. Sidoo kale mudadii uu Agaasimuhu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala Xafiisyada uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda iyo caqabadaha shaqo ee ka jira halkaas.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegga dadweynaha isla markaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Shacabka yimaada xarumaha adeegga Baasaboorka laga bixiyo iyo Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, kormeerka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa waxaa kormeer kiisa ku wehlinayay, Madaxa Kaalinka Agaasinka Guud, Agaasimaha Waaxda Baarista iyo Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta.

 

   

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya oo kulan la yeeshay madaxda howlgalka midowga Afrika ee ATMIS

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la yeeshay madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Milatariga ATMIS, Sareeye Guud. Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta Ciidanka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhexaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa amaanka Dalka maadama ay mas’uuliyada  sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.

       

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka oo magacaabay xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka IGAD

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD.

Xubnaha la magacaabay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD ayaa kala ah:

  1. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh
  2. Xil. Maxamuud Axmed Aadan
  3. Xil. Maryam Aweys Jaamac
  4. Xil. Maxamed Cusmaan Cumar
  5. Sen. Sareedo Maxamed Xasan

 

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare BJFS

Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ka saaran la xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo uu hogaaminayo Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Marwo Fahmo Axmed Nuux.

Kulanka oo la isku dhaafsaday su’aalo, warbixinno iyo falanqayn ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, ayaa si gaar ah Wasiirka wax looga waydiiyay qorshe howleedka wasaaradda, siyaasadda Qaran ee Wasaaradda uga taalla dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha Dalka, garoomada ciyaaraha, xiriirka Wasaaradda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlad Federaalka iyo su’aalo kale oo muhiim aha.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo Wasiir ku xigeenka ayaa masuuliyinta Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare, waxay faahfaahin dhamaystiran ka siyeen dhammaan su’aalihii ay ka qabeen howl-qabadka Wasaaradda.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo kulanka su’aalo waydiinta ah soo xiray ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha, sida ay warbixinta uga siiyeen su’aalihii ay qabeen.

                     

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo sheegay inuusan jirin xariir ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Iiran

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin wax xariir dublamaasiyeed ah oo ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sidoo kalena waxaa uu tilmaamay inaysan jirin dublamaasiyiin Soomaaliyeed oo ku qoran safaarradda Iiran,

Wasiirka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS ayaa la weydiiyay waxa uu ka ogyahay Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo safaro joogto ah ku taga dalka Iiraan

“Sideedaba Safaarad aynu leenahay oo nooga furan Iiran iyo xariir dublamaasiyeed oo Iiran aan la leenahay ma jiro, sidaas awgeed ma lihin dublamaasiyiin noogu qoran safaaradda Iiran, kuwii xilligii uu xariirku go’ay joogeyna waan ka soo ceshanay” ayuu yiri wasiirka Abshir Cumar.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada mudane Abshir Cumar Huruuse oo uu wehlinayao Wasiir dowlaha Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Guddiga ugu warbixiyay habsami u socodka howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sida ay u shaqeyaan safaaradaha dalalka caalamka aan ku leenahay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo maanta booqday kulliyada Ciidamadda ee Dowladda Qatar

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku jooga Caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa maanta soo booqday Kulliyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Qatar.

Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kulliyadda iyo machadka ayaa daaran sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee wasaaradaha gaashaandhigga labada dal.

                     

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo furay Shirka Saraakiisha Boliiska heer federaal iyo heer dowlad goboleed

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin,  ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, ka daah-furay shir ay isagu yimaadeen Taliyeyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada,  Boliiska Federaalka ah iyo Madaxda Unugyada Baarista Dembiyada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Kan Federaalka.

Ujeedka Shirka, ayaa ahaa dardargalinta howlaha Ciidanka Booliska labadiisa heer, La dagaalanka Khawaarijta, Dambiyada Abaabulan iyo sidii la isu waafajin lahaa Boliiska Dowlada Goboleedyada iyo kan Federaalka ah, loogana caawin lahaa baahiyaha ka jira dhanka shaqada.

Boliiska Soomaaliya labadiis heer, ayaa door muhiim ah ka qaata dib u xoreynta Dalka, Hirgalinta Sharciga iyo Guud ahaan adeegyada Dadweynaha