Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (SONNA): Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa si rasmi ah xariga uga jarey mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaalada Dhuusamareeb.

Mashaariicda oo kala ah suuqa ganacsiga Dhuusamareb iyo wadada garoonka diyaaradaha oo ah jid jaay ah oo dhererkiisu yahay 2.5Km ayaa xarig jarkooda waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socota wasaraddaha hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Federaalka, wasaarada hawlaha guud ee Galmudug, maamulka Dhuusamareb iyo qaar kamid ah bulshada caasimadda.

          

Wasiirka gaashandhigga oo la kulmay taliyaha Militariga dalka Qatar

Dooxa=Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan kula qaatay taliyaha militariga dalkaas sareeye guud (Duuliye) Saalim bin Xamad bin Maxamed Al-naabit.

Taliyaha iyo wasiirka gaashaandhigga dowladda FS ayaa ka wada hadalay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii Qatar ay Soomaaliya uga caawin lahayd dib u dhiska ciidanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Qatar ayaa ka mid ah dadalka carbeed ee iskaashiga dhaw la leh Soomaaliya, waxaana haatan dalkaas tababar u jooga saraakiil ciidan oo xirfado sare dalkaas ku soo qaadanaya.

Kulanka golaha shacabka oo looga hadlay hindise sharciyeedyada hantidhorka iyo hubka

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 10-aad ee Baarlamaanka 11-aad JFS oo ajandihiisu ahaa aqrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, qaybinta hindise sharciyeedka sharciga hubka ee Soomaaliya iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah bariga Afrika.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood ka yeeshay hindise sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, iyadoo su’aalo laga weeydiiyay wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iiman Cige, waxaana uu mid mid u dul istaagay dhammaan su’aalihii ay Xildhibaanadu weeydiiyeen.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Baarlamanka JFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa faray xoghaya guud ee golaha in uu sharciga ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u ambabaxay Tanzania

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka ka ambaxay, isagoo ku sii jeeda dalka Tanzania oo uu uga qaybgalayo shir madaxeed muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Daarusalaam inta u dhexeysa 24-26 July 2023.

Shirkan oo looga hadlayo ahmiyadda ay qaaradda Afrika u leedahay taabbagelinta awoodda dadweynaha, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaraddu hiigsaneyso ayaa mudnaan gaar ah u leh Xukuumadda Dan-qaran ee ku aadden horumarinta bulshada, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah.

Wasiirka Maaliyadda”Waxaan ka guuraynaa in Hanti dhowraha uu hoos yimaado Xukuumadda”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka maanta warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud,oo horyaal Golaha Shacabka BJFS

Wasiirka ayaa sheegay in sharciga Hanti dhowraha Guud uu wax badan ka baddali doono nidaamka Maaliyadeed iyo kor u qaadid hufnaanta Maaliyadda dalka,waxa uu shegay in ay muhiim tahay in laga guur Hanti dhowr hoos yimaado xukuumadda,xildhibaanada  ay tahay in ay ansixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo ay weydiiyeen xildhibannada oo ay kamid tahay sameynta sharcigan uu ku yeelanayo Hanti dhowraha jooga ayaa sheega in Hinto dhowraha uu ku joogo sharci la sameeyay 1972,inta sharcigaan la meel marinayana dalka isaga uu sharci u yahay,wasiirka ayaa dhammaan ka jawabay su’alihii xildhibaanada ay ka weydiiyeen shacriga Hanti dhowraha Guud.

Kulanka xildhibaanada oo wali socda ayaa maanta waxa ay Akharinta koowaad marsiinayaan shacriga Hanti dhowaraha,iyadoo dooda kadib ay go”aan ka gaari doonaan.

Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Dawladda Soomaaliya waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geediga-Dimuquraadiyadda.

Sidaasi awgeed Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa qorshe qabyo ah oo la sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Modoobay uu horey ugu rogay Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya kadib markii 1992-uu Dalka ka qarxay Dagaalka sokeeye, Rabshadihii Hogaamiye Kooxeedyada Dalka iyo kooxihii Hubeysnaa ee Ururo-Diimeedyada.

Ku darsoo Dalku wuxuu leeyahay Xeeb dheer iyo xuduudo iska furan maadama ay burburtay Dowladii Dalka ka jirtay, iyadoo qeybaha kor ku xusan ay fursad u heleen inay noocyada hubka kala soo degaanka, taasoo sii dheereysay Colaada isla markaasna laga cabsaday inay ku fidaan Dalalka Deriska. Sanadkii 2013-kii ayay Golaha Amaanka ee UN-ka ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in qeyb ahaan la qaado xayiraadii saarneyd muddo sanad ah, wuxuuna qaraarkaan u saamaxay Dowladda Federaalka inay soo iibsayo Hubka noocyada dhexe iyo kuwa fudud, si ay uga caawiso inay Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada iyo in Ciidamadeeda xagga Amaanka hormariyaan.

Waxaa dhamaadka sanadkaan lagu wadaa in Golaha Amaanka ay shir ka yeeshaan sidii loogu oggolaan lahaa in Dowladu soo iibsato Noocyada Taangiyada, Hoobiyaha dhumucdiisu gaareyso 120-mm, noocyada Drones-ka, Diyaaradaha, Maraakiibta Dagaalka noocyada Sawaariiqda iyo lidka diyaaradaha.

Waxaa kaloo jirta in kulan looga hadlayay howlgalka wadajirka ah ee dowladaha safka hore lagu qabtay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ah  ee Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Abaanduulaha iyo ku xigeenkiisa dhanka Lojistikada ee Howlgalka, Safiirka ku xigeenka dowlada Mareekanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Timothy Trenkle, U qeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo U qeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Safaarada.

Kulaanka ayaa looga Hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin:

  • Ahmiyada Howlgalkaan iyo sidii Dowlada Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd.
  • la dagaalanka dhibaatada Khawaarijta khatarta ku ah Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga.
  • Qorshaha diyaar garowga iyo meelaha ay wax maraayaan.
  • Muhiimada ay leedahay abaabulka iyo ka qeyb galka bulshada (Community Engagement) iyo ilaalinta dadka rayidka (Protection of Civilian).
  • Muhiimada ay leedahay Xasilinta (Estabilisation).

Dhinaca kale Ilo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Dowladda Maraykanka ay dhawaan marti gelin doonto Kulan Qaaraan loogu uruurinaayo Ciidamada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan ilaa 6-Dal oo ay ku jiraan Midowga Yurub, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Newyork ee Wadanka Maraykanka bisha Septembar ee sanadkan, marka uu bilowdo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ka dhici doon Magaalada New Yorka

Warkaan oo laga soo xigtay  Saraakiil Shisheeye oo daneynaysa arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Yabooha kaalmadaan ay si gaar ah u khuseyso Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo lagu wado inay ka soo qeyb galaan Kulanka Dalalka USA, Qatar, UAE, Turkiga, Sacuudiga iyo Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub, waxaana lagu wado in Qaaraankasi uu Soomaaliya gaarsiin karo haddii la helo, baahida Qalab iyo Saad ee Ciidamada Federaalka ilaa Sanadka 2027-ka.

Ciidamada Dowladda ilaa 2006-dii dagaal kula jirtay Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo kooxdani laga saaray Magaalooyinka waaweyn, balse weli maamula degaanno Baadiyaha ah, abaabul ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya Xoogagga  Maxali ah oo soo bilaawday sanadkii tagay (2022-kii), Iskaashigaan ayaa suurto geliyay in Degaanno badan laga xoreeyo kooxda Khawaarijta ah ee Shababka.

Kooxdaan oo cadaadis kaga imaanaya Gulufka Ciidamada Dowlada ayaa kaga jawaabay qorshe laba afle ah, waa marka hore waxay isku dir ka dhex bilaabeen Beelaha dhexdooda, iyagoo ku taageeray Beelaha qaarkood Hub iyo Rasaas, si loo masquuliyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyayCiidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa maanta howlgal ka dhan ah kooxda khawaariijta ah ka sameeyay deganno dhowr ah oo hoos yimaada dagmada galcad ee gobolka Galgaduud.

Degannadaasi oo kala ah Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33km kaga beegan degmada Galcad  ayay ciidanku  burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhuumaleysaneen iyo miinooyin ay la damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo ay ku diyarinayeen degaannadaasi, iyadoo Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan oo la hadlay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen dhagarta khawaarijta ay u soo maleegayaan Shacabka,islamarakan ay ciidamadu ay ka hortageen.

Sagaal ruux oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suudan

Diyaarad rayid ah oo nooceedu ahaa Antonov ayaa maanta ku burburtay garoonka Port Sudan ee Dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari oo mileteri ah.

Bayaan ay soo saareen ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in shilkasi oo ay sababeen cillad farsamo uu ka badbaaday cunug yar .

Shilkaan diyaaradeed ayaa yimid 100 maalmood ka dib markii 15-kii bishii Abriil ee la soo dhaafay uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa kale ee la magic baxay Taageerada degdegga ah .

Magaalada Port Sudan oo dhacda bariga Bada Cas ayaa kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Gegida diyaaradaha ee Port Sudan ayaa ah tan kaliya ee weli ka shaqeysa dalkaasi,waana marin muhiim u ah gargaarka dibadda ee aadka loogu baahan yahay.

Dagaalka ka socda Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3000 oo qof sida lagu sheegay qiyaas maxalli ah.

Saraakiil ku Eedaysan Musuq maasuq oo maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhaxe,oo loo heysto Musuq maasuq.

Sarakiishaan ayaa ka howlgalayay xarumaha wasaaradda maaliyada iyo Bankiga dhexe ay ku leeyhiin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal la xariira xatooyo xoollo dadweyne.

Edeysanayasha ayaa kala ah Abuukar Maxamed Cali maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde,Abduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon qasni ka Tirsan Banki Dhaxe qeybta Dakhliga ajaanibta ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde,kuwaa oo dhammaan xeer ilaalintu ku soo eedeysay xatooyo xoollo dadweyne.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in marnaba usan aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Wixii faahfaahin ah oo ku soo kordhah warka dhageysiga Maxkamadda gobolka Banaadir halkaan kala soco goor dhow.

Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo khawaarijtu ku lahayeen degaanno hoos yimaada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa howlgal ka dhan ah kooxda khawaariijta ah ka sameeyay deganno dhowr ah oo hoos yimaada dagmada galcad ee gobolka Galgaduud.

Deganada Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33km kaga beegan degmada Galcad  ayay ciidanku  burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhuumaleysaneen iyo miinooyin ay ladamacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo ay ku diyarinayeen degaanadaasi.

Saraakiisha hoggaamineeysay howlgalkan oo la hadlay warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kawar heleen dhagarta khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka,islamarakan ay ciidamadu ay ka hortageen.

 

   

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga dalalka soo koraya iyo sharciga caalamiga ah

Beijing- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan ” Waddamada soo koraya  iyo sharciga caalamiga ah”.

Munaasabadan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Shuruucda Caalamiga ah ee Shiinaha, Akademiyada Sharciga Caalamiga ah ee Aasiya iyo Machadka Sharciga Caalamiga ah ee Jaamacadda Wuhan ayaa lagu xusay xafladda furitaanka kalfadhiga lixaad ee “Hay’adda Wada-tashiga Sharciga Caalamiga ah ee Shiinaha, Aasiya iyo Afrika ee Mashruuca Cilmi-isweydaarsiga Sharciga Caalamiga ah.”

Madasha daah-furka aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, wakiilo ka socday hay’adda sharciga ee Aasiya iyo Afrika, khubarada sharciga caalamiga ah ee Shiinaha iyo dalal kale oo kala duwan.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray mowduucyo muhiim ah oo la xiriira sharciga iyo nidaamka caalamiga ah, iyadoo si gaar ah loogu lafa-guray saameynta dalalka soo koraya ay ku leeyihiin shuruucda caalamiga iyo horumarinta aragtida sharciga caalamiga ah ee Shiinaha.

Danjire Kullane, ayaa intii ay socotay munaasabadda waxa ay fikrado is weydaarsadeen ka soo qeyb galayaasha, iyagoo ka wada hadlay arrimaha sharciga, caqabadaha gobolka, iyo dhinacyada suurtagalka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha. Tani waxay abuurtay fursado wadashaqayn iyo aqoon wadaag ah oo ka dhexeeya

Dhamaan ka soo qeybgalayaasha madashan muhiimka ah ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda kordheysa ee ku aadan sharciga caalamiga ah ee iyo wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah iyo kor u qaadista nidaamka si loo helo horumar waarta.