Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ka qayb galay shir madaxeedka Afrika ee horumarinta Aadanaha

Daaresalaam: Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyey shir madaxeedka Afrika ee horumarinta Aadanaha oo lagu qabtay Daaresalaam ee dalka Tanzania.

Wasiirka ayaa sharxay xaaladda waxbarashada dalka iyo hiigsiga ummaddeena, isagoo sheegay in waxbarashadu fure u tahay nabadgelyada, wada noolaanshaha iyo horumarka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya oo dadkeedu dhallinyaro u badanyahay ay wajahayso cadaadis ballaaran oo ka haysta fidinta waxbarashada, balse dowladdu ay qaaday tallaabooyin waawayn oo waxbarashada aas aasiga ah lagu horumarinayo laguna tayeynayo.

 

Gudiyada maaliyadda ee Labada gole ee Baarlamanka oo kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda

Gudiyada aqalka sare iyo gobolaha shacabka ee Baarlamanka FS ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo ay wehliyaan masโ€™uuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa looga hadlay ku noqoshada miisaaniyadda Qaranka ee 2023ka, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen isbadalada ku yimid madaxyada maaliyadda qaarkood.

Baarlamanka Jamhuuriyadda FS ayaa todobaadkan la horkeenay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, taas oo wali doodeedu ay socoto.

ย ย 

Ciidanka xoogga dalka oo nawaaxiga degmada Waajid ku dilay 25 khawaarij ah

Waajid- Ciidanka xoogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khawaarijta la laayay ay shan ka mid ihi ahaayeen ajaanib, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyadii ay ka carartay kooxdu iyagu soo qaadeen.

Warar ka madax bannaan maamulka degmada oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in qasaaraha lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka ka dhacay galbeed degmada Waajid uu intaas ka badan yahay.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฎ ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—ž๐˜‚ ๐—ซ๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ด๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

DaraSalaam, Tanzania(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo Raโ€™iisul Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhinacyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan.

ย ย ย ย ย ย 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin ah oo kooxda khawaarijtu ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa marka hore ammaan ballaaran u soo jeediyay ciidamada kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay amniga Caasimadda guulo wax ku ool ahna kasoo hoyay la dagaallanka Khawaarijta iyagoo kaashanaya shacabka.

Ku simaha madaxweynaha anha guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in saraakiisha ay ku jiraan dad dedaalayo, daacadna u ah dalkooda, aadna u sharaf badan, balse dhinaca kale ay jiraan dambiilayaal isku dhex qarinayo Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaaโ€™imiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa laammaha ammaanka faray in si degdeg ah baaritaan xoog leh loogu sameeyo dhacdadaas, isagoo amray in dambiilayaasha fududeeyay qaraxa gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhaqsiyaha badan, caddaaladdana loo mariyo.

Sheekh Aadan Madoobe, ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in goob uu ammaankeedu aad u sugan yahay qarax lala galo waxyeellana laga geysto, isagoo ku celceliyay in la helo jawaab lagu qanci karo.

Shalay ayay ahayd markii dhagar qabe ka tirsanaa khawaarijta uu qarax is miidaamin ah ka geystay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku shahiideen xubno ka mid ahaa Ciidanka xoogga dalka.

Wasiirka beeraha XFS oo faah-faahin ka bixiyay shir madaxeedka QM ee hannaanka cuntada Adduunka ee ka socda magaalada Rom

Rome- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS, Axmed Madoobe Nuunow oo qeyb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS ee magaalada Rome uga qayb galaya shirka xal u helidda cunno yarida Caalamka ayaa ka war bixiyay ajendaha guud ee kulanka.

Wasiir Nuunoow oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay Shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee hannaanka cuntada Adduunka oo ka furmay magaalada Rome Caasimadda Talyaaniga ahna xarunta hayโ€™daha FAO, IFAD iyo WFO, ayaa waxaa ka qayb galay labaatan xubnood oo kala matalaya dowlado ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka oo ay si wada jir ah u fureen Xoghayaha guud ee QM Antรณnio Guterres iyo Giorgia Meloni, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa hannaanka Cunno yarida Adduunka, heer Caalami iyo heer dowladeed iyo mid goboleed.

Ajendaha shirka ayaa sidoo kale waxa ka mid noqon doona in xal loo helo Cunno yarida xooggan ee dunida soo food saartay, in wax laga qabto waddamada saboolka ah iyo saamaynta ay ku yeesheen dagaalka ka socda Yukurayn iyo Ruushka, Is-beddelka cimillada iyo in shirkan uu jawaab ka bixiyo sidii loo heli lahaa xog ku aaddan heerka cunno yarida Adduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah loogana hadlayo Cunno yarida Adduunka ayaa wuxuu socon doonaa muddo Saddex cisho ah, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo ay ka mid yihiin in la abuuro iskaashi xooggan oo dhex mara dowladaha, kaas oo sare loo qaadayo wax soo saarka si loola ย tacaalo Cunno yarida, in hayโ€™adaha Caalamiga sida QM ay qayb lixaad leh ka qaataan sidii looga hortagi lahaa Cunno yari keeni karta macaluul, dhimasho iyo bara kac, in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo lagu daboolayo baahiyaha horumarineed ee wax soo saarka iyo in wax laga barto waddamada maareeyay Cunno yarida.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga oo gaaray heshiis iskaashi

Ankara- Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed oo uu wehliyo Aggaasimaha xiriirka arrimaha dibedda maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane, Ekrem Yรผce.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa waxaa looga hadlay, iskaashiga iyo horumarinta labada magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarrada shaqaalaha iyo iskaashiga maamulka labada magaalo.

Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane, Ekrem Yรผce ayaa wafdiga ka socda Soomaaliya u sheegay in uu booqasha rasmi ah ku iman doono Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

ย ย ย ย ย ย ย 

Safiirka JFS ee Shiinaha oo kullan muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

Beijing:- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, kaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee ee Beijing.

Kullanka, ayaa daarnaa dadaallada horumarinta, hal-abuurka, iyo iskaashiga caalamiga ah ee Shirkadda tareennada (China Railway Group Limited (CREC). Intii ay socotay munaasabadda, masโ€™uuliyiinta CREC waxay ka wada hadleen sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta tayada sare leh, hal-abuurka, iyo ilaalinta deegaanka.

Danjire Kullane, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya u xiisaynayso xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, wuxuuna bogaadiyay ka qeyb qaadashada CREC ee kaabayaasha tareennada Shiinaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale booqday hoolka bandhigga ee CREC si ay wax uga ogaadaan waxyaabihii u qabsoomay shirkadda iyo qorshaha mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay horumarka Shiinaha uu ka sameeyay kaabayaasha tareenada, wuxuuna rajo ka muujiyay isweydaarsiga aqoonta iyo kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta Soomaaliya u leedahay Barnaamijkan.

Raโ€™iisul wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya

Daarusalaam- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

ย ย ย ย ย ย ย 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Rome uga qaybgalay shir caalami ah oo looga hadlay cuna yarida

Rome- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo, maadaama dalagyada ka baxa Soomaaaliya ay ka kooban yihiin dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

โ€œSoomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka, taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara.โ€ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed, dowladduna ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada.