Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga howlgabka Shaqaalaha

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa,kaa uu shir guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga.

.Ajendaha kulan, ayaa ahaa Wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, waxna xubnaha guddiga ka dooday. Qodobada qaar, ee ku jira Hindise-sharciyeedkan ayagoona wax-ka-bedel ku sameeyay Cutubyo kamid ah, Cutub-yada Hindise-sharciyeedka Liiltirka iyo howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda XFS.

Xubanaha guddiga waxa ay shegeen in ay sii wadayaan Akhrinta iyo wax-ka-bedelka Hindise-sharciyeedkan Maadama uu muhiim u yahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Dhanka kale Guddoomiye Xil.Nadra ayaa sheegtay Inay ka shaqeyn doonaan,Ayna marsiin doonaan. dhamaan Hab-raacyada Hindise-sharciyeedka uu maro, si waafaqsan Dastuurka kmg ah iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS Sida Dhageysiga Dadweynaha Akhrinta 2aad,3aad iyo Ansixintiisuba.