Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay mas’uul ka tirsan Hay’adda IMF

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Mudane. Biixi Iman Cige ayaa Aaladda fogaan-araga kulan muhiim ah kula yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah agaasimaha Sare ee IMF u qaabilsan Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda uu marayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo hiigsiyada Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Barnaamijka deyn-cafinta.