Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.

Duqa Muqdisho oo tabarucaad dhaqaale u ballan qaday Wiil Suuriyaan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guusha iyo amniga ay bulshada Caasimadda ku naallooneyso ay ku timid iskaashiga iyo wada jirka Ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed. ” Amniga Muqdisho in uu hagaago Shacabka Caasimada iyo laamaha amniga ayaa si wadajir ah iskaga kaashaday waana mahadsanyihiin.” Guddoomiye Madaale ayaa xusay in dadka ka dhex muuqday dabaal deggii maalmaha xorriyadda uu ka mid ahaa wiil yar oo Suuriyaan ah, kaas oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda xamaasaddaiyo shucuurta ka qeyb galayaasha munaasabadda. Cali Saahir oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa hees guubaabo ah ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, taas oo weyn u gilgishay qalbiyada dadkii goobta ku sugnaa. Mudane, Madaale ayaa sheegay in wiilkan yar ay siin doonaan tabarucaad dhaqaale oo bille ah marka uu qaan gaarana la siin doono shaqo maaddaama uu ka mid ahaa dadkii qurxiyay ama boorka ka jafay munaasabaddii 1-da Luulyo. Cali Saahir oo ah dhowr iyo toban jir kana mid ah qaxootiga Suuriyaanka ee ku nool Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhex muuqday xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya, isagoo si weyn usoo jiitay indhaha warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka.

TUUGGII CAQLIGA BADNAA (QEYBTII 1-AAD

Tuug guuray oo muddo xadidda xoolaha ummadda muddo dheer ku qaraabanayay ayaa habeen guri  dagan oo ay dadkii lahaa hawo gadis uga maqanyihiin u soo dhacay.

Kolkii uu gudaha galay wuxuu durbadiiba isku qaaday oo bartamaha u joogsaday qolkii jiifka, wuxuuna billaabay baaris iyo fatashaad si uu wax fudud oo uu haaban karo uga raadsado.

Armaajo walba wuu furay, koomadiis kasta ayuu  balaqay, daahyada iyo qaanadahana wuu eegay, balse wax alliyo wax uu qaato ayuu ka waayay.

Asagoo gurigii dhex meeraysanaya haddabana doc ama dhinac indhaha ku fiiqay, ayuu meel jawaano hoostood ah uga jeeday sanduuq ama abxad weyn oo ku dadan.

Haleel ayuu u abbaaray  oo durbadiiba waa uu jabiyay, balse waxba wuu ka waayay markii laga reebo buug weyn oo ay baalashiisa tirooyin xisaab ihi ku qornaayeen.

Guriga waxaa lahaa nin sarafle ah oo kamida lacag Kala rogayaasha waaweyn ee magaalada, buuggana wuxuu ku qoran jiray xogo la xariira howlmaalmeedkiisa iyo hanti loo dhiibto.

Tuugga waxay muhiimaddiisa iyo yoolka uu diiradda saarayayba ahaan inuu wax fudud haabto ka dibna uu la cararo, alaabaha culus iyo kuwa aan waxba u taraynna Dan kama lahayn, balse markii uu buugga arkay qorshe cusub ayaa u soo baxay.

Wuxuu ku fakaray inuu buugga qaato ka dibna uu baahiyo, makuu ninkaa lahaa la soo xariirona uu xoogaa qarasha oo baadi fur ah weydiisto, haddana way la ahaan waysay maxaa yeelay ninka saraflaha ihi wuu garan lahaa in buugga gurigiisa la xaday.

Wax maamintii iyo maantuujiskii ayuu dib uga noqday oo cabaar ayuu abla-ablaynta qorshaha isku howlay, ka dibna wuxuu go’aan buuxa ku gaaray qodob biyo kama dhibcaan ah oo uu maskaxdiisa ka helay.

 

Qodobkaasi wuxuu ahaa inuu buugga lacag dhowr Mallion ah gees uga qorto ka dibna uu ninka saraflaha ah ku qabsado oo ku yiraahdo lacagtii aan kuu dhiibtay isii, sidaas ayuuna yeelay.

Magaciisa oo 3xan, taariikhda, iyo tirada lacagta oo dhowr Mallion ahayd ayuu buuggii ku xariiqday ka dibna intuu isku laabay oo santuuqiisii ku riday, alaabtii uu Kala daadiyayna isku aruuriyay ayuu iska baxay.

Lasoco qeybta labaad.

WQ: Abwaan Hareeri

 

DOWLADDA OO CIRIBTIREYSA CUDURKA UGU XUN EE CURYAAMIYA DHISMAHA DOWLADNIMADA (WARBIXIN).

Masuq-maasuqu waa aafo dilootay Dowladnimada iyo cudurka ugu xun ee dumiya qaab-dhismeedkeeda hay’adeed, falcelin xun oo kan sameeyaa u haysto tallaabo u hiilineysa horumarkiisa noloeed, balse ah go’aan mugdi gelinaya mustaqblkiisa adduun iyo Aakhiro.

Soomaaliya oo dhaqankan tuuganimada ah dhibaato ku hayay muddo dheer ayaa qaadeysa tallaabooyin ka dhan ah kuwa caadeystay xatooyada xoolaha dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshiisa la dagaallanka masuq-maasuqa.,isagoo faray hay’adaha caddaalada iyo kuwa u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka in ay awooddooda dul dhigaan ciribtirka musuqa iyo ceebeynta cid walba oo ku lug yeelata boobka hantida ummadda.

” Dowladda Soomaaliya ma ogolaaneyso in waxa yarka ah ee gabadha jidka Shaaha ku iibisa ee rubaca sokorta ah ay soo gadatay canshuurta laga qaaday in nin inta jeebka ku shubto baxsado, subax, subaxyada ka mid ah gurigaada ha ugu soo lebesanin ninkaas tuugga ah inaad difaacdid, maxaa loo xiraa, maxaa loo hasytaa,maxaa loo ceebeynaa?, waa la ceebeynaa, waa la karaama tiraa, waxa uu mudan yahay karaaamo, sharaf iyo haybad malahan,ninka Alle ka cabsan waayana sharaf ma leh, nooma kala sokeeyaan dadka Soomaaliyeed ogaada ninka Shabaabka ah ee na qarxinayaa iyo ninka tuugga ah ee canshuurta xadaayo,isku si ayaa ula macaamileynaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo iyo fulinta amarka madaxweynaha ee ku aaddan qaadista dagaal dhab ah oo ka dhan ah masuq-maasuqa ayaa bannaanka soo dhigay kiisas la xiriira masuqa oo lagu eedeeyay mas’uuliyiin Dowladeed iyo howl-wadeenada qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda, kuwaas oo loo gudbiyay maxkamadaha awoodda u leh.

Shaqsiyaad badan oo loo haysto kiisas la xiriira masuq-maasuq ayaa ka soo muuqday fagaaraha caddaalada, waxaa sidoo kale, kala shaandheyn iyo baaris dheer ku socotaa qaar ka mid ah mas’uuliyiin iyo hay’ado Dowladeed, kuwaas oo lagu tuhmayo kiisas la xiriira masuq-maasuq .

Tallaabooyinka ka dhanka ah la dagaallanka masuq-maasuqa ay qaadday Dowladda oo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada si weyn u soo dhoweeyeen wuxuu dhabaha u xaarayaa in Soomaaliya ay gaarto isku filnaasho dhaqaale si aan uga maaranno kaalmooyinka caalamiga ah ee hadda ay ku tiirsan tahay Dowladda.

WQ: Daahir Aadan Cali

DHIBAATADA QABYAALADDA AY LEEDAHAY.

Waxaa muhiim ah inaanu kala fahamno Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabiilku waa wax laguugu garanaayo ruuxa aad adigu tahay iyo isir ahaan halka aad ka soo jeedo,abtirsigaagu halkuu ku arooro iyo dadka dhalasha ahaan isku xegtaan.

Ujeeddooyinkaasi waa kuwa uuu Eebba wayni ugu talo-galay kolkii tolka iyo jilibka uunkiisa isku raaciyay.

Sida ay diinteena suubbani tilmaamaysona qabiilkoo laysku aqoonsado iyo ku abtirsashadiisuba ceeb maaha, waxaana sidaa qeexaysa aayad ka mid ah aayadaha qur’aanka Eebbe,taasoo ahayd” waxaanu idinka dhignay qaabiillo iyo shucuub si aad isku barataan”.

Nabigeenii suubbanaa (NNKH) qudhiisa waxaa laga hayaa axaadiis badan oo abtirsiga iyo is taakulaynta xegaalka iyo tol waynaba tirtirsiinaysa.

Xariirinta iyo taban-taabada xigtadu waaba arrin waajib ah,oo ay diinteenu jidaysay qofkii qaraabada/xegtada gooyana wuxuu Illaahay u ballan qaaday inuu goyn doonno, sidaana wuxuu ku yiri xadiisul qudsi.

Qabyaalad: qabyaaladdu waa ficil xun oo ah inaaad qabiilkii u isticmaasho si qaldan waxeyna kugu hogaamineysaa, Dhibaato iyo burbur waxeyna kuu diideysaa horumarka iyo nolosha wanaagsan.

Qabyaaladdu waxaa keena jaahil nimada iyo bdoqonnimo markaad akhriso taariikhda dadyowga dunida ku nool waxaa ogaaneysaa dhibaatada ay leedahay qabyaaladda.

Dadka ay ku weyn tahay qabyaaladda waa kuwa ugu liita xagga nolosha.                    Waxa ay diinteena suuban waxa ay muslimiinta ka xarimtay qabyaaladda, dhibaatada qabyaaladda ma ahan dunida kaliya kugu saameyneyso ee waxa ay kula soconeysa ilaa iyo qiyaamaha, waxaana cadeyn u ah axaadiiskii Nabigeena Maxamed(NNKH) ee ahaa dadka udagaalama qabyaaladda kuwii wax dila iyo kuwii la dilaba waa ahlu Naar.

dunida kuwaa ugu hooseeya xagga nolosha waa kuwaa aan wali ka ilbixin dhibaatadii qabyaaladda wali waxey moodayaan in uu qabiilka wax taraayo laaakiin dhib mooyee dheef keeni meyso.

Tusaale waxaa kugu filan dalkeena halka ay qabyaaladdu geysay, waxa halkaan na dhigay waa qabyaaladda manta waxeynu nahay dal ay tusaale kusoo qaataan hogaaamiyaal shisheeye.

Markaan maamul dowlaadnimmo ka door bidnay qabyaaladda waxaa kala daatay awoodeenii waxaa lumay magacii iyo sharaftii aan laheyn.

Aynu iska deyno qabyaaladda si mustaqbalkeenna aduun iyo mid aakhiro an u wanaajino.

WQ: Dalka journal

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.

Wasiir Fiqi oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaateen maal gashiga dalka

-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed  oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.

Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

    

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda WFP

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

      

Duqa Muqdisho oo tabarucaad dhaqaale u ballan qaday Wiil Suuriyaan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guusha iyo amniga ay bulshada Caasimadda ku naallooneyso ay ku timid iskaashiga iyo wada jirka Ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

” Amniga Muqdisho in uu hagaago Shacabka Caasimada iyo laamaha amniga ayaa si wadajir ah iskaga kaashaday waana mahadsanyihiin.”

Guddoomiye Madaale ayaa xusay in dadka ka dhex muuqday dabaal deggii maalmaha xorriyadda uu ka mid ahaa wiil yar oo Suuriyaan ah, kaas oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda xamaasaddaiyo shucuurta ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Cali Saahir oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa hees guubaabo ah  ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, taas oo weyn u gilgishay qalbiyada dadkii goobta ku sugnaa.

Mudane, Madaale ayaa sheegay in wiilkan yar ay siin doonaan tabarucaad dhaqaale oo bille ah marka uu qaan gaarana la siin doono shaqo maaddaama uu ka mid ahaa dadkii qurxiyay ama boorka ka jafay munaasabaddii 1-da Luulyo.

Cali Saahir oo ah dhowr iyo toban jir kana mid ah qaxootiga Suuriyaanka ee ku nool Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhex muuqday xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya, isagoo si weyn usoo jiitay indhaha warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka.

CAAJISKA IYO HAL ABUURKA QOFKA INSAANKA AH!!!

Waa ay ku adag tahay in uu sariirta ka kaco ama uu hawl ku dhameeyo waqtigii loogu talo galay, waxa uu mar kasta ku raaxaystaa nafiska, waxa uu neceb yahay meelaha lagu soo ururo waxuunu ka fogaadaa buuqa, socodka badan iyo haasaawaha iska furan ma jecla waanu neceb yahay in uu qof kaste la hadlo, dhegeysiga hadalka badan iyo sheekeyntaba waxa uu ku dareemaa daal, hawsha loo diro waxa uu fulinteeda dib ugu dhigaa daqiiqadaha ugu dambeeya !

Haddii aad isku aragto astaamahaa wax ka mid ah waxa aad tahay qof caajis ah , laakii haka warwarin caajisnimada, waxa suuro gal ah in aan sida ugu wanaagsan uga faaiideysan karno caajisnimadeena ! Sidaa darteed ayaa aan isku dayaynaa in aan daaha ka qaadno doorka ay caajisnimadu ka ciyaartay ilbaxnimada basharka !

Caajisnimo awgeed waxa laga yaabaa in aad noqoto suugaanyahan ama qoraa amaba fikiryahan, laakiin kuu ballan qaadi maayo intaas, markaa ha iska dhaadhicin in aan ahay sida dhiirriyeyaasha dadka oo aan kugu boorrinayo in aad noqoto sugaanyahan ama qoraa ku dhisan in aad caajis tahay uun.

Bal aan warka kuu caddeeyo waxa iyana suuro gal ah in caajisnimadaadu tahay mid aan faaiido loo rogi karin kulana gudboon tahay in aad talo dhakhtar ka raadsato !

Qofka caajiska ah waligeedba waxa laga soo qaadaa qof taban oo taag yar, nafis doon dhamaas ah! hase ahaatee arrintani in sidaa loo fudeydsado ma aha; qofka caajiska ahi hawlo uu ku wacan yahay ayaa jirta, waana hawshiisa, hawlo uu jecel yahay kana miro dhalin karo sidaa awgeed badanaa marka loo diro hawl aanu lahayn ayaa uu yeeshaa astaamo qofnimo oo taban waayo waxa uu canaadayaa jawiga aanu dabci ahaan ogoleyn ee lagu jujuubay! Caajisnimada waa falcelin nafsi ah oo qofku culeys aanu u diyaar ahayn iskaga caabbiyo , waana xaalad aan loo bogin sababo badan awgood !

Caajisnimadu iyada ayaa aabbo u ah balwadaha xun oo dhan , haa sidoo kale caajisnimada ayaa falkisay ilbaxnimada basharka, sheekobaraleyda iyo mirqaanka; iyada ayaa sabab u ah dhamaan afkaarta dadka oo idil dhakofaarka u keenta.

Waagii dadku bilowga ahaa ee taariikhda la og yahay oo dhan ka hor, intii aan ilbaxnimo iyo aqoon la yeelan, waxa uu qofku dhex gucleyn jiray kaymaha iyo Duurka, isaga oo ugaar sanaya ama miro guranaya, inyar inyar ayaa ay dadka dhexdooda ama iyaga iyo deegaanku isku dhaafsan jireen waayo-aragnimo waxa se ay u guntanaayeen uun in ay ugaar soo qabsadaan ama isu diyaarinayaan rag iyo dumarba !

Waxase dadkan bilowga ah ka tirsanaa kuwo aan waxtar ku lahayn hawshaa oo godka iska fadhiya dabkana iska sii kulaala; badankoodu si ayaa ay naafo u ahaayeen ama caajisnimo ayaa naafeysay oo ka dhigtay waxtar laaweyaal! ugaar ma soo qabtaan xataa godka lagu hoydo ee ay sii joogaan ma ilaaliyaan umana babac dhigi karaan dhibta nolosha ee deegaanka ee ay dadka kale la halgamayaan si ay quudka maalinlaha ah u soo dhacsadaan! waa caajisiin waxase ay awoodaan wax kale.

waxa ay karti u leeyihiin caajisiintani in ay wax eeg eegaan oo ay isla sheekeystaan una fiirsadaan, waxyaabo aanay sagaaro ka biiqsan oo dadka kale aanay isku mashquulin ayaa ay waqtigooda ku qaataan, mashaakil yaryar oo aan dadka u muuqan ayaa ay ka fikiraan furdaamintooda, ma socon karaan oo guriga ma dhaafaan shaqana ma hayaan markaa waxa ay ka fikiraan halxiraaleyaasha nolosha, waxaanay is weydiiyaan su’aalaha aanay fursadda u helin kuwa nolosha u halgamayaa

sheekooyin ayaa ay abuuraan oo farsamooyin ayaa ay sameeyaan kol ay dhoobo ka sameeyaan wax u eg xayawaankii darraad la soo ugaadhsaday,  caajisnimadaa ayay ka dhalatay ilbaxnimadu oo dad caajisiin ah oo aan ka qayb gali karin shaqooyinka muruqa oo badankoodu naafo ahaan uga haray ayaa hindisay

haddii aanu jirin qof caajis ah dadku kama soo gudbeen badownimadii kaynta iyo eryadka duurjoogta oo halkaa ayaa ay iskaga faraxsanaan lahaayeen mana ay suuroobeen ilbaxnimada iyo reer magaalnimada maanta!

Caajisnimadu mar walba ma xuma , waxa ay fursad kuu siin kartaa in aad wax fiirfiiriso oo aad farfaarto adiga oo raadinaya qaab ka fudud midkan kadeedan ee dadku dantooda ku gaaraan adna ay caajisnimada ama naafonimadu kuu diidday ;

Qofka caajiska ah waxa uu mar kasta doonaa qaab fudud oo uu hawlaha ku fushado, ma jecla daalka iyo kadeedka, sida uu u dhibsanayo qaabka ay dadka ku gedaamani u shaqeeyaan ee adag isuna weydiinayo qaab tooda ka fudud oo haddana uu kula noolaan karo ayaa uu helaa fikrado dadka ka daahnaa! In faras la heenseysto oo la fuulo ama gaadhi la hindiso waxa ay fikraddeedu ku arooraysaa qof socodka iyo orodka caajis ka ahaa, guryaha dhagaxa ah waxa ku fikiray qof ka waahsaday furista iyo dhisidda joogtada ah ee guryaha qoryaha ka sameysan oo iyaga laftooda uu hindisay qof ka caajisay qodista godadkii la gali jiray , rasaasta iyo gantaalaha fikrad iyo farsamo ahaanba waxa ay ku aroorayaan qof la mid ah ninkii soomaaliyeed ee ay caajisnimadu, fuleynimana waa lagu sheegaaye, ka yeersiisay “waar colka waraf ma lagu dayay ?” wax kastana waa la mid, qofka caajiska ahi ma aha mar kasta qof taban !

Aan u fiirsano sheekada qofkii bilowga ahaa ee caajiska ahaa qofkii hindisay afkaarta, dhugashada, sheeko xariirada iyo qoraalka, qofkani markii uu ka caajisay in uu ka qayb galo nolosha muruq-maalka ee dadku quudka ku eryanayaan ayaa ay firaaqo ku soo baxday waxaanu ku maarraroobay fikirka oo waa wax la iska garan karo ah in noole kaste leeyahay qaab uu iskaga dhawro dabargo’a oo uu deegaanka kula qabsado afkaarta iyo wax fasirka ayaa uu ka dhigtay hab uu deegaanka kula qabsado, waxa uu qofkaa caajiska ahi soo saaray waxa aragtiyo dadka wareeriyay waxaanu macnayaal saaray dhacdooyinka uu ugaarsaduhu orodka ku dhaafay !

Bal u fiirso nolosheena caadiga ah qofka shaqeeya ee ku mashquulsan shaqadiisa socodka lugta iyo adeegga gacanta noloshiisana aanay firaaqo ka bannaaneyn fursad uma helo in uu fikiro, wax u fiirsado , hal-abuur iyo qoraal hindiso ama ku mashquulo falsafadda iyo suugaanta, awooddiisa oo dhan waxa uu ku bixiyaa shaqadiisa sidaa awgeed waqti kuma lumiyo ka fikirka waxyaabaha liita marka shaqadiisa loo eego

tusaale ahaan hadalka dadka waxa ay isugu gudbiyaan baahiyaha ka dhexeeya oo intaa wax ka baxsan uma leh qofka hawllan balse qof caajis ah oo camal la’ ayaa isla hadalkii ku fikiray markaa ayaa uu tidcay ama isku beegbeegay odhaahyo ay dad kala duwan kaga hadleen baahiyo kala duwan inta uu isla raadsaday oo uu xiriiriyay waxaana halkaa ka soo baxday suugaan iyo maahmaahyo ama murti

Halka uu qofkaa shaqadiisa ku adagi fiidka u seexdo in uu berri xilli hore ugu kaco shaqadiisa, faylasuufka ama suugaanyahanka ama qoraagu waxa uu ku saamalaylaa in uu tix yar qoro ama sheeko yar curiyo ama ninkaa fiidka seexday nafsaddiisa macneeyo.

WQ: C/risaaq Axmed Absuge