Dowladda Federaalka oo qorsheynaysa dib u dhiska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Dhuusamareeb- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga XFS Cabdinuur Daahir Fiidow oo uu wehliyo Safiir ku Xigeenka Midowga Yurub Thomas Kieler ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dhismaha Xerada Ciidanka xoogga dalka  Qeeybta 21aad ee uu fadhigeedu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay u leedahay Wasaaradda Gaashaandhiga dhismayaasha Xerooyinka Ciidanka gaar ahaan barta hogaaminta ciidanka qeeybta oo muhiim u ah dagaalka lagu ciribtiraayo khawaarijta.

Midowga Yurub ayaa maalgelinaaya dhismaha Taliska Qeybta, iyadoo mashruuca ay fulin doonaan Xafiiska Qaramada Midoobe ee u qaabbilsan fulinta Mashaariicda, ( UNITED NATIONS OFFICE FOR PROJECT SERVICES).