Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwaan kuriday labo ruux oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamada ciidamadada ayaa xukunno kala duwaan ku riday labo ruux ka tirsana Khawaarijta ka geystay magaalada Muqdisho falal dilal iyo arbushaadda oo lagu qalqal galinayay amniga.

Labada ruux ayaa kala ahaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Argagixisada ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxa ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee Dilalka iyo Arbushaadda Muqdisho ilaa Ceelasha.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye ayaa waxa ay ahaayeen saaxiibbo iska raacay isticmaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka,Baariyow oo muddo gaaraysa 10 sano la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waxaa uu ku Qanciyayy  Qoslaaye oo ay saaxiibo ahaayeen.
Maxkamadda Ciidamadada oo kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay  xukunno kal duwaan,Axmed ayaa maxkamada ku riday xukun gaaray ilaa 15 sano xabsi ciidan ah halka Aadan ay ku xukuntay maxkamada  5 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan la yeelatay guddoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileeta Maxamed Dileeta,kulanka ayaa ahaa sida ay dowladda Soomaaliya u hanan laheed hoggaanka Madaxweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu wado doorashadiisa sanadkaan in la qabto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa u diray dhiggisa Dileeta Maxamed Dileeta codsi ah in lagu taageero Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una sharaxan xilka Madaxweynaha  Midowga Baarlamaannada Adduunka,xilkaan ayaa u sharaxan afar dowladood oo Afirka kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.

 

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Ceel la-helay ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay Shacabka Khawaarijta ay sida qasabka ah uga saareen Guryahooda magaalooyinka Ceel la-helay iyo Ceel-garay inay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo ay dib u dhigeen Khawaarijta.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale aad u bogaadiyay Geesiyaasha dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Ciidanka Qaranka oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Khawaarijta.

Howlgal ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo

Ciidanka kumaandooska Danab iyo Darwaashita Jubbaland ayaa hawlgal wada jir ah oo ay ka fuliyey kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii  deegaanada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo looga sifayn laha haraadiga maleeshiyadka Khawaarijta ah ee halkaas ku dhumaaleysanaya.

Deegaanada howlgalka u ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah Barjala,Dharkayn urur,Sariiraha,Orgiyow,Yaaq caleen iyo Aboodin kuwaa oo dhamaantood ay ka sameeysteen ciidamada talisyo ay ugu tala galeen in halkaas ay ka sugaan Amniga deegaannaadan ay ciidamadu saldhigayda ka sameysteen.

Maleeshiyaadka naflacaariga ah ee Khawaarijta Al- shabaab ayaa halkaasi isku uruurusanayay todobaadyadii lasoo dhaafay waxaan ay ka sameysay godod ay ku dhagrayeen dadka shacabka ah iyagoo doonayay in ay ku aasan Qaraxyo si ay waxyeelada dadka ay u siyaadiyaan.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ka war helay oo ka hortagay dhagarta ay maleegayaan haraadiga nafla caariga ah ee Khawaarijta Al-shabaab ay ka wadda deegaannaada aan kor ku soo xusnay,waxaan halkaas ay ka sameyeen ciidanka howlgal looga sifaynayo.

Isku dayga ay ku doonayeen maleeshiyaadka in ay shacabka ku hagar daameyaan wadooyinka halbowlaha u ah deegaanadaa oo ah kala bare Degmada Afmadow iyo Degmada Kismaayo ayaa noqday mid aan u suurta galin oo ay ka hortageen ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamul goboleedayada Galmudug,Hirshabeelle,Jubbaland iyo Koonfur galbeed ayaa waxaa ay waddeen dadaalo lagu doonayo sidii dalka looga xoreyn lahaa haraadiga maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ku dhumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobolada dalka.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta hawlgalinta ciidanka Qaranka ee Dhuusamareeb

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.
“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan ayna laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed .
     

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo ka digtay duufaanta El-Nino

Guddoomiye hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hay’adda SoDMA kaas oo looga hadlay u diyaar garowga xilli roobaadka soo aaddan iyo u diyaar garowga ka hor tagga dufaanta El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaybo ka mid ah goballada dalka xilli roobaadka soo socda.

Guddoomiyha hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku magacaabay guddi 6-xubnood ah oo ka shaqeeyn doona ka hortagga, isku xirka hay’adda iyo ka jawaabidda musiibada El-Nino oo la saadaalinayo bilaha soo aaddan ee October iyo November sanadkaan.

Kulanka todobadlaha ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

    

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay madasha iakaashiga Shiinaha iyo afrika

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaga Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qayb galay xaflada abaal marinta  ” sahminta hawada sare”, (My Dream of Going to Space).

Munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen xoghaynta guddiga Dabagalka Shiinaha ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika iyo Xafiiska Injineerinka Hawada Sare ee Shiinaha ayaa ujeeddadiisu ahayd in dhallinyarada Afrika laga qaybgeliyo dadaallada sahaminta hawada sare.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay qibradda shaqo ee “TIANHE PRIZE” ee laga soo ogaaday saldhigga hawada sare ee Tiangong iyo kulan xog-wareysi ah oo lala yeeshay cirbixiyeennada Shiinaha.

Danjire Cawaale Kullane, oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa ka mahad celiyay martiqaadka loo fidiyay, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay barnaamijyada hawada sare ee Shiinaha u leeyihiin dhiirigelinta dhalinyarada Afrika ee dhanka sayniska iyo tiknoolajiyada.

Ka qeybgalka safaaradda Soomaaliya ayaa muujineysa sida ay kaga go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sayniska iyo tignoolajiyada ee Shiinaha iyo Soomaaliya.   

Xeer ilaalinta Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir u gudbisay dacwadda 6 sargaal ka tirsan waaxda canshuuraha Barriga

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 6 sargaal ka tirsan waaxda Canshuuraha Barriga ee wasaaradda maaliyadda dowladda FS kuwaasi oo ku eedeysan musuq-maasuq, sameynta Documents been abuur iyo ku tagri Fal awoodda Xafiis dowladeed.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa arrintaasi lagu faahfaahiyey

Madaxweynaha Galmudug iyo agaasimaha NISA oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan

Xinlabi: Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray deegaannada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee gobolka Mudug oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Khawaarijta ah.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa shalay ilaa galinkii hore ee maanta ku sugnaa deegaanka Xinlabi oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada qalabka sida iyo ciidanka deegaanka, isagoo ugu hambalyeeyey guulaha isdabajoogga ah ee Khawaarijta ay ka gaareen.

Madaxweynaha ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Xinlabi ee muddo dheer u oomanaa neecaawda dowladnimada, isagoo kula dardaarmay inay ciidamada la shaqeeyaan, si loo soo gaarsiiyo adeegyada bulshada ee aas aasiga ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo in ku dhaw saddex toddobaad ku jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa usoo wareegay deegaannada gobola Mudug ee ay ciidamada geesiyaasha ku baacsanayaan khawaarijta arxanka daran.

  

Guddiga horumarinta adeegga bulshada aqalka sare oo kormeeray Isbitaalka xogga dalka

Guddiga horumarinta adeegga bulshada aqalka sare ayaa maanta kormeeray isbitaalka xoogga dalka oo ay ka socotay shaqada maalinlaha ah ee loogu adeegayo geesiyaasha Xoogga Dalka, iyagoo u kuurgelaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka, baahiyaha ka jira iyo xaaladda bukaannada, ayay warbixin guud ka dhagaysteen Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga iyo Agaasimaha Isbitaalka oo uga warramay xaaladda guud ee Isbitaalka.

Xubnaha guddiga adeegga bulshada aqalka sare oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga sanatar Dr Cismaan Maxamuud Maxamed {Dufle} ayaa intii ay ku sugnaayeen Isbitaalka waxay mid mid u booqdeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo dhawaacayada lagu daawaynayo.

Guddiga ayaa bogaadiyay shaqada socota iyo dadaalada ay muujiyeen bahda caafimaadka Isbitaalka xoogga, waxayna ballanqaadeen in ka guddi ahaan ay kala shaqayn doonaan maamulka Isbitaalka xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira Isbitaalka xoogga dalka.