Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan la yeelatay guddoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileeta Maxamed Dileeta,kulanka ayaa ahaa sida ay dowladda Soomaaliya u hanan laheed hoggaanka Madaxweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu wado doorashadiisa sanadkaan in la qabto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa u diray dhiggisa Dileeta Maxamed Dileeta codsi ah in lagu taageero Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, una sharaxan xilka Madaxweynaha  Midowga Baarlamaannada Adduunka,xilkaan ayaa u sharaxan afar dowladood oo Afirka kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.