Ciidanka Qaranka oo fashiliyay qarax Khawaarijta ku soo weerartay deegaanka Laas-gacamay

Ciidanka Qaranka ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo khawaarijta saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne.

Deegaanka Laas-gacamay waxaa joogay  mas’uuliyiin oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo halkaas u joogay dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Laba ka mid ah askarta ciidanka Qaranka ayaa ku dhaawacmay intii lagu jiray howlgalka ka hortaga Gaarigaan ay cadowgu ku soo xireen Waxyaabaha Qarxa.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo kormeer dhiirigalin ah ku tagay furimaha dagaalka ee Galmudug

Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka Bulacle ugu tegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Xildhibaanada ayaa ciidamada geesiyaasha ku dhiirigeliyey dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta, waxayna furinta ugu geeyeen xoolo nool, iyagoo ka balan-qaaday in deegaan kasta oo cadowga ay ka xoreeyaan ay uga daba-tegi doonaan.

Xildhibaanadaan oo kala ahaa Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, Senator Zamzam Daahir, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, waxaa kormeerkooda ku wehliyey guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Sidoo kale masuuliyiintii iyo saraakiishii ay deegaanka Bulacle ugu tageen waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow, Jeneraal Aadan Abshir Laba-afle, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Xorogaay iyo saraakiil kale oo ciidanka hoggaaminaya.

Kulan looga hadlay cabsida laga qabo musiibada El-Nino oo lagu qabtay Muqdisho

Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa lagu qabatay kulan u dhaxeeyay hay’adda, Wasaaradaha iyo urur-rada ay wada-shaqeynta la leedahay oo looga arrinsanayay ka hor tagga iyo u diyaar garowga musiibada El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn taban ku yeelato qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, xubo ka socday bulshada rayadka iyo ururka haweenka.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Gurmadka deg-degga ah ee NEOC, Xassan Cabdulqaadir Ciise, ayaa maaxda kulanka ka qeyb gashay la wadaagay warbixin kooban oo ku aaddan khatarta iyo cabsida laga qabo saameynta taban ee ka dhalan karta duufaanta El-Nino, taasoo wadata fatahaado sababi kara barakac bulsho oo xooggan, waxaana lagu ballamay in wadajir loogu diyaar garoobo ka hor tag iyo daba-tag intaba.    

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhan Aadan Cumar ayaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka u magacaabay Mudane Abdulkadir Mohamed Hassan “Madoobe”.

Sidoo kale Xoghayihii hore ee Guddiga Mudane Maxamed Deheeye Ismaciil ayaa asna loo magacaabay La-taliye Sare ee Arrimaha La-tashiyada Dastuurka.

Guddoomiye Burhan ayaa Xoghayaha Guud M.ne Abdulkadir iyo La-taliyaha M.ne Maxamed Deheeye mid walba Alle ugu baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa Agaasimihii hore ee Guddiga ugu mahadceliyey muddadii uu soo hoggaamineyey maamulka Guddiga. 

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka sare oo gaaray Laascaanood

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomite Ku-Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan labada gole iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa gaarey magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool.

Ujeeddada wafdigan ayaa ah u kuurgalida, xaalada degaanka iyo sidii ay dowladda Federaalka ugu gudbin lahaayeen warbixin rasmi ah. Soo dhawaynta kadib waftiga ayaa booqdey hoyga isimada goobaha ay dhibtaadadu iyo burburku ka soo gaareen dagaaladii ka dhacay Laas Caanood iyo Goojacadde.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif ,Xildhibaan Xamsa Sayid Xamsa iyo Xildhibaan Cali Sayid Faqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay maamulka degaanka , isimada iyo shacabka degaanka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin midnimada dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa dhankiisa xusay in safarkooda uu ku saabsan yahay adkeynta midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

 

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay aqoon-kororsi ku saabsan horumarka la hiigsanayo 2030-ka

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay aqoon-kororsi ku saabsan dardar gelinta horumarka laga gaaray Ajendaha 2030-ka.

Munaasabaddan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Xarunta Shiinaha ee Caalamiyaynta iyo Qaramada Midoobay  ayaa ujeedadeedu ahayd in lagaga wada hadlo doorka Shiinuhu ka qaadanayo dardar gelinta Yoolalka Horumarineed ee (Sustainable Development Goals (SDGs).

Aqoon-kororsigan ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan guulaha Shiinaha, caqabadaha, iyo fursadaha la xiriira yoolalla horumarineed ee (SDGs), ka hor shirwaynaha Yoolalk horumarimeed (SDG) ee 2023 ee New York.

Danjire Kullane, ayaa sidoo kale, madasha kaga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Shiinaha iyo ka qayb qaadashada dardargelinta horumarka laga gaaray SDGs ee dibadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto isbeddelka cimilada, sinnaan la’aanta dakhliga, iyo caqabadaha jira si loo horumariyo (SDGs).

Wuxuu Danjire Cawaale Kullane bogaadiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay dhimista faqriga, wuxuuna carrabka ku adkeeyay suurtagalnimada kaalmada horumarineed ee Shiinaha.

Ugu dambeyn, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ku baaqay in la iska kaashado joogtaynta iyo ka-qaybgalka wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee jira, dardar gelinta iyo kobcinta bulsho caddaalad iyo Barwaaqo ku dhisan.    

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta, Wax ka qabashada Abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa Mashaariicda Dowladda Ingriiska ay Waddo Deeganada Koonfur Galbeed.
   

Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.
               

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhameystirka dhismaha waddo Laami ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadda Laami ah oo dhaxmarta Degmada Kaxda, iyada oo dhagax dhigan ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Waddadan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa halbowla u ah isku socodka degmada Kaxda, waxaana jidkaan Laamiga ah lagu dhisi doona masharuuca Dalkaaga ku dhiso Hal dollar.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan talaabooyinka wax ku’oolka ah ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda, si magaalada ay ula tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.      

Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwaan kuriday labo ruux oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamada ciidamadada ayaa xukunno kala duwaan ku riday labo ruux ka tirsana Khawaarijta ka geystay magaalada Muqdisho falal dilal iyo arbushaadda oo lagu qalqal galinayay amniga.

Labada ruux ayaa kala ahaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye oo Argagixisada ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, waxa ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee Dilalka iyo Arbushaadda Muqdisho ilaa Ceelasha.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye ayaa waxa ay ahaayeen saaxiibbo iska raacay isticmaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka,Baariyow oo muddo gaaraysa 10 sano la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waxaa uu ku Qanciyayy  Qoslaaye oo ay saaxiibo ahaayeen.
Maxkamadda Ciidamadada oo kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay  xukunno kal duwaan,Axmed ayaa maxkamada ku riday xukun gaaray ilaa 15 sano xabsi ciidan ah halka Aadan ay ku xukuntay maxkamada  5 sano oo Xabsi Ciidan ah.