Ra”iisul wasaare Xamse : Aqoonsiga Dadweynuhu waa Dastuuri

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in Aqoonsiga Dadweynuhu yahay Xuquuq Dastuuri ah oo maanta dowladdu hirgelisay, ayna heleen Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

         

Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)

Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na leeyihiin wuxuu ka hadli doonaa xaaladda Ciidan iyo Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Si fiican ugu fiirso erayada “Siyaasad iyo Dalka” oo is weydii goorma ayay Alshabaab dal u aqoonsadeen Soomaaliya?,  sow kuwii lahaa waa gobol hoos taga Alqaacidda oo cid kasta u furan?, goorma ayayse qaamuuskooda ku soo dareen arrimaha siyaasadda?,  Siyaasadda marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa” Sameynta wixii suurto gal ah”,  iyaga waxaa siyaasad u ah wax kasta oo aan suurtogal aheyn.

Sidoo kale u fiirso ninka hadlaya  waa Mahad Karatee, mid ka mid ah qandaraasleyaasha sida weyn uga macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed”,  Markii ugu dambeysay ee uu hadlo waxa uu qiil u sameeyay xasuuqii 29 October ee sanadkii hore ka dhacay Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo shacab ah!, Ma xusuusataa hadalkiisii?, wuxuu yiri ” Dowladda ayaa mas’uul ka ah shacabkii dhammaaday waayo, waxay rasaas ku furtay, gaarigii qaraxa siday ee aan ku dhufannay Wasaaradda Waxbarashada”

Sababta Mahad Karatee u hadlaayo waa maxay? Mahad Karatee ma aha, hoggaamiyaha dhabta ah ee khawaarijta ee aaway Axmed Diiriye? Jawaabta oo kooban, Shabaabku waxay ciyaarayaan kaarka qabiilka, sidaas darteed intii gulufkan lagu wiiqayo socday waxay isticmaalayeen kuwo fallooci ah oo ka soo jeeda beelaha deegaannada lagula dirirayo. Markii uu gubtay kaarkii  Yuusuf Sh. Ciise Kabo ku-tukade, hadda waa Karatee. Waa isku day quusi ka muuqato, bal haddii hab beeleed lagu beer laxawsan karo dadka deegaanka ee u kacay xididdo siibka khawaarijta Shabaab.

Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka socda dagaal jiritaan oo ay tahay in uu dhan u dhaco, dhanka uu u dhacayana waa muuqdaa!, Shabaab waxaa u furan labo waddo middood:-  In ay is dhiibaan iyo in ay ku dhammaadaan gacanta dowladda iyo shacabka is garabsanaya.

Maxaa laga filan karaa Mahad Karatee?  Marka uu khudbeynayo waxaad ka maqli doontaa Aayado Qur’aan iyo Axaadiith,  isagoo is bihin bihinaya, waxaa kaloo hadalkiisa ku jiri doona qiyaasteyda dhacdooyin kooxdu u arkaan guulo ay gaareen sida dagaalkii Cowsweyne, qaraxyo iyo weerarro kale, oo uu isku dayayo in uu kor ugu qaado mooralka maleeshiyaadka ciirsiga la’ ee kooxda.

Haddii la soo koobo hadalka Mahad Karatee waxa uu xambaarsan yahay catow iyo in uu guuldarrada kooxda u yeelo dhadhan guuleed,  Laakiin Shacabka Soomaliyeed iyo dowladdoodu waxay gaareen go’aankooda ah “Guul ama Geeri”

Mahad Karatee sidiiba la filayay ayuuba u calaacalay. Cadow ayaa na soo weeraray!,  Shareecadaa lala dagaalayaa!,  Guul ayaan gaarnay!,  Askarta Alle ayaan nahay, Balaa Balaa Balaa!, wuxuuna magac dhabay beelo uu is xijinayo oo uu yiri waxay noo yihiin garab. Waa siyaasadda qeybi oo xukun ee Argagixisadu muddo ku soo caano maashay, balse hadda u shaqeyn la’, wuxuuna guulo been ah ka sheegtay dagaallo ka dhacay meelo kala duwan sida Cowsweyne, Owdheegle, Daarunimca, Alkowthar, Ruun-Nirgood iyo goobo kale oo badankood lagu jabiyay, lagana eryay Alshabaab.

Mahad Karatee wuxuu ciyaaray kaalintii wariyeyaasha kooxda oo wuxuu soo gudbiye ka ahaa filin qoran oo ay la socdaan codad (Sound Bites) dad dhintay iyo kuwo nool oo si khaldan looga faa’iideysanayo fasirkooda, waxaase ugu xiiso badan calaacalka Mahad Karatee in uu Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad ka codsaday in ay garab siiyaan Alshabaab,  wuxuu soo xusuustay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Aqoon yahan, Culimo, Haween, Qurbejoog iwm, waxaase ugu sii yaab badan markii uu yiri:-  Wax dhiig leh idikuma jiraan miyaa?.

Hadda Ogow Shacabka uu gargaarka ka dalbanayaa waa kuwii uu tarab-tarabta ugu laayay qaraxyada ee uu digashada ugu daray!  Isgoyska Zoobe October 14,2017-kii iyo October 29, 2022kii, Zope 1, waxay Khawaarijta  Alshabaab ku xasuuqeen ku dhawaad kun qof, kan labaadna in ka badan 100 ruux oo rayid ah.

Mahad Qaleey (Karatee) markii uu hadlaayay kama muuqato in uu furin dagaal joogo.,  waxa uu ka soo hadlayaa qol si fiican loo naqshadeeyay oo qaboojiye ku xiran yahay, laguna xardhay astaamaha khawaarijta. Waxa uu joogaa goob aan dagaal ka jirin hadda, waxay noqon karta jilib ama goobaha kale ee kooxdu ku dambeyso. Mahad Karatee, waxaa codkiisa ka muuqata cabsi iyo walwal uu ka qabo masiirkiisa iyo kan kooxdiisa gabaabsiga ah. Horjoogeyaasha Argagixisadu taariikh ahaan ma tagaan, kumana dhintaan fagaareyaasha dagaalka.

Tusaale ahaan;  Hoggaamihii Alqaacidda Usaama Bin Laadin waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Pakistan, Ninkii baddelay ee Ayman Aldawahiri waxaa lagu dilay Guri ku yaalla xaafadda diblomaasiyiinta ee Kabul, Axmed Godane waxaa lagu dilay meel u dhow Baraawe isagoo qare cunaaya,  Aadan Ceyrow waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Dhuusamareeb,  Saalax Nabhaan waxaa lagu dilay duleedka Baraawe,  isagoo  tijaabsanayay gaari nooca raaxada ah oo hadiyad loo siiyay, Fasuul Cabdalla waxaa la dilay isagoo gaari ku watay 40 kun oo Doollar, markii uu waddo khaldan qaaday.

Madaxda Argagixisada iyaga iyo qoysaskoodu qeyb kama aha dagaallada ee carruurta islaameed ayay xaabo ka dhigtaan marka ay marin habaabiyaan.

W.Q. Liibaan Cabdi Cali.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan sagootin ah xalay u qabtay Wafdigii ka Socday Dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalat kulan casho sharaf sagootin ah u sameeyay Wafdiga Dowladda Djibouti ee maalmahaan Magaalada Muqdisho u joogay ka qeybgalka Bandhiga Filim-ka dib-u-curushada Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaladda iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Djibouti, Ahna Madaxa Wafdiga Mudane Muumin Xasan Barre ayaa Duqa Magaalada Muqdisho kaga mahadceliyay marti-soorka heerkeedu sareysa ee uu u sameeyay Wafdiga dalka Djibouti, asigoona xusay in ay taasi xoojineyso xariirka Walaaltinimo, dhaqan iyo dhiig wadaag ee ka dhaxeeya labada shacab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Shacabka iyo Dowladda Djibouti kaga mahadceliyay dadaalka iyo juhdiga ee kusoo bixiyeen Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo garab istaaga Hiilka Walaaltinimo leh oo ay weli ku taageerayaan Dowladda Soomaaliya, iyagoo weli u huraaya Naftooda sidii xasilooni waarta loogu heli lahaa gayiga Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga XFS, Xildhibaano ka tirsan BFS, Danjiraha Dowladda Djibouti u jooga Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Aqoonyahano, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka G/Banaadir & Dowladda Hoose ee Xamar.

     

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay wafdiga walaalaha dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay wafdiga walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka qadada ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, Xildhibaano iyo madaxda kale oo ka soctay Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ugu horeeyo Wasiirka Caadaaladda iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre, ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida walaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa wafdiga walaalaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, u sheegay in aanu marti aheyn ee ay joogaan dalkooda, waxaana uu xusay in la xoojiyo iskaashiga labada dowladood.

     

Ciidanka Qalabka Sida oo dilay Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta

Muqdisho, 15 September 2023: Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta.

Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah.

Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in  lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:-

Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.

Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.

Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.

Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.

Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta.

Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta

Horjooge ka tirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga

Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sanoah ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa saaka isku soo dhiiiibay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

Horjoogahaan oo Khawaarijtu ugu yeerto Malaaq UK ayaa  u qaabilsanaa daaweynta maleyshiyaadka, waxaana uu ku sheegay sababta uu uga soo baxay inay tahay in khawaariijta meel kasta oo ay joogaan ay ku sii badaneyso cabsida ,isla markaana uu yimid  kala shaki badan oo dhexdooda ah.

Qofkii latuhmo waa la qaarijinaa sidaas darteed ayaan anigoo ka faaideysanaya Cafiska dowladda uga soo baxay ayuu yiri Yuusuf Malaaq.

Madaxweyne Qoor-qoor” waxaan ballan qaadeynaa in Khawaarijta laga weyn doono Gal-mudug”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor  oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in si xooggan uu u socdo dagaalka looga horjeedo kooxaha khawaarijta ee ku sugan goobaha fara kutiriska ah ee deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha galmudug ayaa caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dhowaan arki doonaan Guulo waaweyn oo laga gaaro dagaalka khawaarijta.

“furimaha dagaalka ayaan ku sugan nahay ,waanna joogi doonaan ilaa la ciribtiro khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa shacabka La wadaagay in laga hortagay weerar fulaynimo ah oo kooxdaasi ay fuliyeen,isagoo intaa raaciyay in aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray isaga iyo xubnihii kale.

Dhanka kale,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in billad geesinimo ay mudan yihiin Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xasan oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaanno federal ah iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacameey oo ka tirsan Galmudug.

Billaddaan ayaa ah abaalmarinada heerka ugu sarreeya ee geesinimada,waxaana Dawladda Galmudug ay si buuxda u kafaala qaaddey  qoyska iyo ubbadkii ay ka tageen naftood hurayaashaasi.

Maamulka Galmudug ayaa waalidka dhalay marxuumiintaasi uga mahad celiyay waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashaasi ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri qpraal ka soo baxay Dowladda Galmudug.

 

Wafdi ka soday Baarlamaaka FS oo Sacuudi Carabiya kula kulmay madaxda Guddigga shuurada iyo kan sanduuqa horumarinta

Wafdi ka soday Guddigga  Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dalka Sacuudi Carabiya wadahadal kula yeeshay masuuliyiin ka tiran golaha Shuurada iyo kan sanduuqa horumarinta ee dalkaas.

Wadigaan oo uu hoggaaminaayey Xildhiaan C/Laahi Bitaan,waxa ay maglaada Riyaad wadahadal kula yeesheen Guddoomiya xiriirka dibadda ee golaha shuurada ee Scuudi carabiya Feys C/lla.

Labada dhinac waxa ay kulankaasi kaga hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta barnaamihyada lagama maarmaanka ah ee khuseeya dhinacyadaasi.

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadlay is-dhaafsiga booqashooyinka  muhiimka ah ee wax u taraya labada dal iyo sidii Somaaliya gacan looga siin lahaa dardargalinta adeegyada ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wafdigaasi oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya ,waxa ay sidoo kale Xarunta Sanduuqa horumarinta Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmeen madaxa hey’addaasi Sayid Murshad.

Mas’uulkaasi waxa uu xildhibaanadaasi ka socday Baarlamaanka Soomaaliya u ballan qaaday in ay ka qeybqaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya

 

Mareykanka:Shaqaalaha shirkadaha waaweyn ee Gawaarida oo sameeyay shaqo joojin

In ka badan 10,000 oo shaqaale ah oo ka tirsan saddex ka mid ah shirkadaha sameeya baabuurta ee Maraykanka ayaa bilaabay shaqo joojin, sida uu sheegay urur ay ku bohoobeen shaqaalahaasi.

Shaqo jooojintaan ayaa ka  bilaabatay saddex warshadood oo ay leeyihiin General Motors (GM), Ford iyo Stellantis,waxaana jira cabsi laga qabo in carqalad weyn ay ku timaado shirkadaha waaweyn ee xagga warshadaha baabuurta iyo in uu sare u kac ku yimaado iibsadayaasha gawaarida.

Ururka (UAW) ayaa sheegay in shirkaduhu aysan soo bandhigin dalabyo la aqbali karo,ka dib markii qandaraasyada shaqaaluhu ay dhaceen habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Madaxa ururka Shawn Fain ayaa BBC-da u sheegay in shirkadahaasi hadda ay u taallo sidii ay u xallin lahaayeen khilaafkaasi,isagoo intaa taaciyay in marka la bilaabo daryeelka shaqaalahooda ay wax kasta dhammaan doonaan.

Ururku waxa uu raadinayay in 40% la kordhiyo mushaharka shaqaalaha oo xilligaan gaaraya ku dhawaad 140,000 oo xubnood.

Shuruudaha shaqaalaha waxaa kale oo kamid ah in afar cisho ay shaqeeyaan todobaadkii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka warbixisay xaaladda Soomaalida ee ku sugan Marooko iyo Liibiya

Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa ka warbixisay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool ama ku sugan dalalka Marocco iyo Libya oo ay ka dhaceen  dhibaatooyin bini’aadanimo oo ay sababeen dhulgariir iyo duufaado kale.

Xoghayaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhambaallo isugu jiray tacsi iyo garab istaag u dirtay maamulka Dalka Marooko iyo Liibiya oo ay wajaheen dhibaatooyin ka dhashay dhulgariir iyo fatahaado kale.

Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa xusay in Safaaradda Soomaaliya ay booqatay goobaha ay ka dhaceen dhulgariirka ,isagoo intaa raaciyay in aysan jirin jaaliyad Soomaaliyeed  oo dhibaatooyin ka soo gaareen masiibooyinkaasi.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa sheegay in masiibooyinka ka dhacay Liibiya ay ka badbaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Xoghayaha joogtada ah ee  Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Mudane Xamsa Aadan Xaadow,waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed ay la soo xiriiraan wasaaradda,gaar ahaan haddii ay jiraan dad dhibban oo ku sugan dalalkaasi.