Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane,Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay howlgallo ciidanka xoogga iyo saxiibada Caalamka ay kawadaan degaannada,Oobaale iyo Ciid-ciidka oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle,halkaa uu ka soconayo dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga iyo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladaa oo billaawaday shalay walin socda jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo isku uruursaneyay degaanno dhaca wabiga jiingiisa,waxa uu timaamay in khasaaraha dib ay kala soo wadaagi doonaan warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgallo ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ay ka sameyeen degaanka Qoqod ay ku dileen 30-katirasan khawaarijta kuwa kalana lagu dhaawacay,sidoo kalana ciidanka ay gubeen afar Gaar,halka laba Gaari oo Nuuca dagaalka ah ay ciidanku gacanta ku dhigeen.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha waweyn ee ay soo hoyeen geesiyaasha ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka,islamarkaana ay sii socon doonaa howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Ciidanaka Qaranka ayaa sacadihii ugu dambeeya guula waweyn ka soo hooyay howlgallada ka dhanka ah kawaarijta iyo ciidamada saakay ay la waregeen degaannada Bacaadweyn,Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.

Prime Minister Hamza leaves for the US to attend UN General Assembly

The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, HE Hamza Abdi Barre and a delegation he led left for the United States of America to attend the United Nations General Assembly taking place in New York.

The Prime Minister will deliver a speech at the General Assembly and discuss the latest developments in Somalia in the areas of security and resolution, decreasing poverty, health, education, economic development, production, human rights, justice, building government agencies, and climate change.

Prime Minister Hamza will have several sideline meetings while he is in the US, starting with the Secretary-General of the UN and other officials from the US.

Prime Minister Barre will also meet the Somali community in the United States and brief them on the situation of the country including the successful elimination of the Al-Shabaab terrorists and the liberation of dozens of areas from their control.

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

Khawaarijta Saaka, subax madow ayay u aheyd’ (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan, islamarkaana ay garab istaagaan Ciidanka Qaranka, waxaana ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabayaasha Khawaarijta ah ee ku ad adag falalka lagu dhibaateeyo Shacabka iyo dalka, islamarkaana ka dhega adeega in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta, iyadoo uu wali si dardar leh u socdo dagaalada xoogan ee lagula jiro Kooxdaasi ayay Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa in lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadowga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari oo kale iyo hub fara badan, haddaba siduu ku dhacay howlgalkaasi?, waxa uu u dhacay sidan:- Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira howlgalka sifeynta ah ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu geystay cadawga jab xooggan oo aysan weligood ka soo waaqsaneyn.

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo galabta lagu jabiyay deegaanka Qodqod ayaa magaalada Camaara xalay geeyay meydka horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobolka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, sidoo kalena hoggaaminayay maleeshiyaadkii lagu laayay deegaanka Qodqod, sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Camaara ayaa sheegaya in cadowgu halkaas ay geeyeen meydad iyo dhaawacyo badan oo qeyb ka ahaa Maleeshiyaadkii galabta lagu gumaaday deegaanka Qodqod, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladaasi ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ay saaka uga dabatageen Khawaarijta Magaalada Camaara, islamarkaana howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay intooda badan, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka, waxaana Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay shalay jab xooggan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.

Maxay ka dhigan tahay la wareeggidda Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad?, waxay ka dhigan tahay in gabi ahaanba ay gacanta dowlada soo galaan Degmooyinka iyo Deegaannada hoos yimaada Gobolka Mudug, taasi ayaa ah in ay kooxda Khawaarijtu ay kaga harsan yihiin Dowlad-goboleedka Galmudug oo kaliya qeybo yar oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasina maalmaha soo socda ayaa gacanta lagu dhigi doonaa, “Maalmihii wacnaa wey soo socdaan”, sida uu hore u yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dal xoreeye Dr: Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku sugan Bartan hoggaaminta Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Mudug, Galguduud iyo Shabeelada dhexe khawaarijta si fiicanaa loogu quraacday, waxaa ka socdo howlgallo barakeysan, iyadoo Dhulka Howdka ah ee hoos yimaada Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Qaycad oo ka tirsan Mudug, ayay dadka deegeenku sheegeen inay ka maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka lagu garaacayo khawaarijta, halka ay ciidamada huwanta la wareegeen deegaanka Bacaadweyne, xilli ay kooxda khawaarijta faarujiyeen Cammaar, ka dib markii Qodqod lagu dubtay shalay, taas oo ay ka difaacayeen magaalada Cammaara, iyadiina ay Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay haatan si buuxda ula wareegeen.

Howlgal lagu beegsanayo horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa ka socday Aagga Jiinka Webiga Shabeelle, dhanka Bari deegaanno hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay fulinayaan ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, waxayna Sirdoonka Qaranka ay si dhow ula socday xogta horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo muddooyinkaan isku aruursanayay Aaggaasi, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo cadowga lagu gaarsiiyay howlgalkaan.

“Xafiiskii Amiirka Khawaarijta gobolka Mudug iyo qolkiisii ciriiriga ahaa horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab waa difaacan waayay, waa kaasaa dabada jeediyey, kana huleeley! Ilaahay ayaa ku mahadsan, mujaahidiintuna ha guulaystaan”!, oraahdaasi waxaa Bartiisa Bulshada soo dhigay Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS oo bilahaanba ku sugnaa Aagga hore ee Degamada Xarardheere ee uu ka socdo Dagaalka lagula jiro Khawaarijta, “Khawaarijta Saakay subax madow oo kale ayay u aheyd”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

“ Khawaarijta jab weyn ayaa ka gaaray Gobolada Mudug, Galguduud, Bakool iyo Shabeelada Dhexe, Allow adaa mahadaa iska leh, Geeshkayagoow guuleysta”, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa isna ku soo qoray Bartiisa Bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug, ka dib qabashadi Saaka ee Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, isagoo si aad ah u soo dhoweeyay guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca Shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka. Ciidanka xoogga, kuwa difaaca Shacabka iyo Daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuridda ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaannada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara, iyadoo Subaxnimadii hore ee Saaka ay ciidamadu ka qabsadeen khawaariijta Degmada Bacaadweyne, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Baarlamaannada Dhallinyarada Adduunka

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo ka furmay dalka Vietnam

Shirkaa ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhalinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah, waxana halkaa xildhibaanada ay kusoo bandhigeen horumada ay gaareen dhalinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisidda.

Xildhibaan C/risaaq Aadan Warsame, (Xusul) oo kamid ahaa xildhibaannadii khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada.

“dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhalinyarada, waxa ayna ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara”.sida ayuu yiri Xildhibaan Xusul

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona, isbeddelka cimilada, iyo argagixisada oo khatarta ku ah nolosha.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ciidanka ku bogaadiyey howlgalka sifaynta khawaarijta

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo ah u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug ka dib qabashadi Saaka ee Dagmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne-xigeenka ayaa aad u soo dhoweeyey guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca shacabka ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyey, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka.

Mudane Ciid ayaa ku amaanay ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhurida ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaanada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara.

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug waxa ka qabsadeen khawaariijta Dagmada Bacaadweyn, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo sifayn ah kawada magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad

Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ayaa saaka howlgallo sifayn ah waxay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka

Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa shalay jab xoogan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.

Wasiirka maaliyadda XFS oo Nairobi kulan kula yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Nairobi­- Wasiirka Maaliiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Nairobi ee dalka Kenya ayaa shir Guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afkrika.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa looga arrinsaday qorsheyaasha Horumarinta ee ay Dowladda Soomaaliya ka dooneyso Bangiga Adduunka in uu maalgaliyo kadib marka ay Soomaaliya gaarto barta kama dambeysta ah ee Deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo uu ku sheegay in ay tahay hadafka koowaad ee Wasaaradda Maaliyadda.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxibada caalamka ee sida joogtada ah u taageero Dowladda Soomaaliya, Bangigu hadda waxa uu Soomaaliya ka fuliyaa mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

   

Ciidamadda xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Qodqod ee gobolka Mudug

Gaalkacyo- Ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliya iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta jab xoog leh ku gaarsiiyay howlgal xoogan oo ay ka sameeyeen deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribtirka Khawaarijta.

Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah

Ciidamadda Ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari qarax ah oo la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo

Ciimadda ammaanka magaaladda Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo gaar ahaan howlgaladda xasillinta caasimadda ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari qaraxa ah oo ay khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso kaas oo nuuciisu yahay Leylo calaawi (Landcruiser), laguna soo raray waxyaabaha Qarxa.

Ciidamadda dowladda oo si weyn uga feejigan dhagaraha ay magaleeyaan khawaarijta sidoo kalena kaashanaya maamulka deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay fashiliyaan gaarigaan laga soo buuxiyay baaruuda loo yaqano TNT ee qaraxyada loo isticmaalo iyo eedeysanihi wadagay, waxaa ku socota baaris lagu horgeynan doono caddaalada sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali Doodishe.

Gaariga ayaa waxaa saarna illaa toban jirgaan oo labaatanlayaal ah oo ay ku jiraan baaruuda loo isticmaalo qaraxyada ee loo yaqaano “TNT”, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay darawalkii waday gaariga, “labo taargo oo ah kuwa ay isticmaalan dowladda goboleedyada dalka ayaa gaariga lagu soo xiray si ay dhagar-qabayaashu ay uga dhuuntaan ciidamadda” ayuu yiri Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali Doodishe afhayeenka booliiska Soomaaliya.