Khawaarijta Saaka, subax madow ayay u aheyd’ (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan, islamarkaana ay garab istaagaan Ciidanka Qaranka, waxaana ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabayaasha Khawaarijta ah ee ku ad adag falalka lagu dhibaateeyo Shacabka iyo dalka, islamarkaana ka dhega adeega in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta, iyadoo uu wali si dardar leh u socdo dagaalada xoogan ee lagula jiro Kooxdaasi ayay Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Howlgalkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa in lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadowga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari oo kale iyo hub fara badan, haddaba siduu ku dhacay howlgalkaasi?, waxa uu u dhacay sidan:- Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira howlgalka sifeynta ah ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu geystay cadawga jab xooggan oo aysan weligood ka soo waaqsaneyn.

Maleeshiyaadka Khawaarijta oo galabta lagu jabiyay deegaanka Qodqod ayaa magaalada Camaara xalay geeyay meydka horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobolka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, sidoo kalena hoggaaminayay maleeshiyaadkii lagu laayay deegaanka Qodqod, sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Camaara ayaa sheegaya in cadowgu halkaas ay geeyeen meydad iyo dhaawacyo badan oo qeyb ka ahaa Maleeshiyaadkii galabta lagu gumaaday deegaanka Qodqod, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaladaasi ay sheegayaan in Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ay saaka uga dabatageen Khawaarijta Magaalada Camaara, islamarkaana howlgallo sifeyn ah ay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Meelaha qaar Khawaarijta waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay intooda badan, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka, waxaana Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay shalay jab xooggan ku gaarsiiyay Khawaarijta deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara.

Maxay ka dhigan tahay la wareeggidda Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad?, waxay ka dhigan tahay in gabi ahaanba ay gacanta dowlada soo galaan Degmooyinka iyo Deegaannada hoos yimaada Gobolka Mudug, taasi ayaa ah in ay kooxda Khawaarijtu ay kaga harsan yihiin Dowlad-goboleedka Galmudug oo kaliya qeybo yar oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kuwaasina maalmaha soo socda ayaa gacanta lagu dhigi doonaa, “Maalmihii wacnaa wey soo socdaan”, sida uu hore u yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dal xoreeye Dr: Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku sugan Bartan hoggaaminta Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Mudug, Galguduud iyo Shabeelada dhexe khawaarijta si fiicanaa loogu quraacday, waxaa ka socdo howlgallo barakeysan, iyadoo Dhulka Howdka ah ee hoos yimaada Degmada Mahadaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Qaycad oo ka tirsan Mudug, ayay dadka deegeenku sheegeen inay ka maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka lagu garaacayo khawaarijta, halka ay ciidamada huwanta la wareegeen deegaanka Bacaadweyne, xilli ay kooxda khawaarijta faarujiyeen Cammaar, ka dib markii Qodqod lagu dubtay shalay, taas oo ay ka difaacayeen magaalada Cammaara, iyadiina ay Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay haatan si buuxda ula wareegeen.

Howlgal lagu beegsanayo horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa ka socday Aagga Jiinka Webiga Shabeelle, dhanka Bari deegaanno hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay fulinayaan ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka, waxayna Sirdoonka Qaranka ay si dhow ula socday xogta horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo muddooyinkaan isku aruursanayay Aaggaasi, iyadoo ay jiraan khasaare xoog leh oo cadowga lagu gaarsiiyay howlgalkaan.

“Xafiiskii Amiirka Khawaarijta gobolka Mudug iyo qolkiisii ciriiriga ahaa horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo ahaa horjoogihii Jabhadaha gobalka Mudug u qaabilsanaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab waa difaacan waayay, waa kaasaa dabada jeediyey, kana huleeley! Ilaahay ayaa ku mahadsan, mujaahidiintuna ha guulaystaan”!, oraahdaasi waxaa Bartiisa Bulshada soo dhigay Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS oo bilahaanba ku sugnaa Aagga hore ee Degamada Xarardheere ee uu ka socdo Dagaalka lagula jiro Khawaarijta, “Khawaarijta Saakay subax madow oo kale ayay u aheyd”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

“ Khawaarijta jab weyn ayaa ka gaaray Gobolada Mudug, Galguduud, Bakool iyo Shabeelada Dhexe, Allow adaa mahadaa iska leh, Geeshkayagoow guuleysta”, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xuuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa isna ku soo qoray Bartiisa Bulshada.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug, ka dib qabashadi Saaka ee Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, isagoo si aad ah u soo dhoweeyay guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca Shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka. Ciidanka xoogga, kuwa difaaca Shacabka iyo Daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuridda ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaannada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara, iyadoo Subaxnimadii hore ee Saaka ay ciidamadu ka qabsadeen khawaariijta Degmada Bacaadweyne, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.