Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiint XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo adèega 5G

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan  Axmed Cismaan Diiriye ayaa daah-furay shir looga hadlayay istaraatijiyada adeega 5G,kaa oo ay ka qeyb galeen xubnno ka socoday xarumaha isgaarsiinta dalka

Wasiirka waxa uu sheegay shirkaan wadatashiga ah uu qeyb weyn ka qaadan doono suuq xor ah iyo guud ahaan amniga Qaranka

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta”  5G waxa uu ka qayb qaadan doonaa suuq xor ah iyo amniga  Qaranka”

Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa ka warbixiyey nuxurka adeega 5G,ayaa sheegay in adeegaan uu faa’iido badan u leyahay waxbarashada hormarka ganacsiga guud ahaan dalka,waxa uuna tilmaamay in mudda dhaw adeegaan lagu baahin doono guud ahaan dalka

Waxa uu sheegay in maalmaha shirka uu socdo looga doodi doono sidii adeeg internet ah oo tayo sare leh u  heli lahayeen bulshada Soomaaliyeed.

 

Maxkamadda ciidamada oo Xukun Dil toogasho ah ku fulisay Askari horay Dil u geystay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan Dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Waana fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay shacab iyo ciidan

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaadeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

“Khawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layhay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirin”.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

“Waxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuulada” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo Safar Shaqo u Aaday Dalka Kenya.

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka,  guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Maxaa laga filan karaa kulanka Qaramada Midoobey ee ka furmaya New York?

In ka badan 140 hoggaamiye iyo wakiillo dawladeed oo ka kala socda caalamka ay ku qulqulaya Magaalada New York ee Dalka Mareykanka si ay uga hadlaan kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo furmaya brrito.

Jadwalkaan sannadlaha ah ee ay isugu tagayaan madaxda caalamka waxay fursad u siineysaa in ay soo  bandhigaan mudnaanta sanadka soo socda ee ku aadan in iskaashi laga yeesho arrimaha khuseeya caalamka,gaar ahaan dhinacyada amniga,horumarka iyo isbadalka cimilada.

Doodda guud ee sanadkan waa Dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah, dardargelinta Ajendaha 2030 ee ku wajahan gaaritaanka nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka.

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay si weyn uga dhex muuqdaan arrimo la xiriira xiisadda isbaddalka cimilada iyo dagaalka Ukraine .

Wasiir Axmed Xasan : Inta Madaxweynaha JFS uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta

Wasiirk wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo ku sugan Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo shalay lagala wareegay khawaarijta ay ku ammaanay Madaxeynaha jamuuriyadda federaalka Soomaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ka go’naashaha dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Wasiir Axmed Xasan ayaa sheegay in inta uu Madaxweynaha JFS uu xiranyahay tuutaha safka horana u joogo ciribtirka khawaarijta aysan jiri doonin cid dib uga laabaneyso howlgallad dalka looga xoreynayo khawaarijta.

” Inta Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta”,wasiir Axmed Xasan

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay la garab taagantahy Shacabka adegyadii bulshada in laga hirgaliya degmada Bacaadweyn diyaarna ay u tahay,Shacabka ayuuna uga baaqay in ay adkeystaan Amniga degaanka oo ay ka difaacdaan khawaarijta.

Hadalkaan ayuu wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ka jeediya Dagmada Bacaadweyn oo si buuxda ay ula wareegeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan oo sidoo kale goobta ka hadalay ayaa sheegay in shacabka ay isku tashadeen ayna ka go’antahay inay cadowga iska dulqaadaan.

Wasiirka kalluumeysiga XFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Bacaadweyn oo saakay laga xoreeyay khawaarijta

Bacaadweyn-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee xoogga dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa gaaray magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka mudug oo saakay laga saaray khawaarijta.

Mas’uuliyiin gaaray ayaa kormeeray guud ahaan magaaladda Bacaadweyne ee gobolka Mudug oo saaka cadowga laga xoreeyey khawaarijta iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada.

Howlgalka saaka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan khawaarijta, iyada oo tiro intaa ka bandanna lagu dhaawacay.

Mas’uuliyiinta oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay magaalada Bacaadweyn ayaa sheegay in Khawaarijta khasaare xooggan lagu gaarsiiyey isla markaana aan looga hari doonin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

          

Wasiirka Amniga XFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaladda Jeddah

Jeddah-Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe), oo hoggaaminaya Wafti uu ka mid yahay taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Caasimada Dalka Sacuudi Carabiya.

Waftigaan ayaa safarkoodu salka ku hayaa casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen dhigooda dalka Sacuudiya.

Kulanka ayaa ku saabsan dardargelinta dhismaha iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

          

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shir weynaha Aqoonsiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray munaasabada shirka weynaha  Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afasiyooni ee Garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP. Guddoomiyaha ayaa qaatay  Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa.

       

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ururka G77

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

Ururka G77 ayaa markii hore lagu aasaasay 77 dal oo dalkeennu ku jiray tan iyo 15 Juun 1964, oo hadda 60 sano jirsadey waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku.

Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee dalkeennu ka gaaray xagga Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.

Waxa uu wasiirka kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda wufuudda shirka kasoo qayb gashay iyo kuwa dawladda martida loo yahay ee Cuba.

Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa yiri “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah”

Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Dawladdeennu waxay marwalba mudnaanta kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is qaddarin”