Ra’iisul Wasaare Xamza oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir oo deeq raashin ah ku wareejiyey taliska Xoogga dalka

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta Taliska Xogga dalka ku wareejiyey deeq Mucaawino ah oo ay ku dhiirigalinayaan ciidamada Qaranka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku jira dagaalka Khawaarijta.

Ugu horreyn Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay deeqda maanta ay wareejiyeen in ay isugu jirto cunto qalalan iyo mid qoyan taas oo uu carbaabay in ay ku wareejiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Taliye ku xigeenka Saadka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ayaa ugu baaqay, Shacabka Caasimadda gaar ahaan; culimada, dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo aqoonyaahaanka in ay taageeraan ciidamada dowladda iyo kuwa geesiyaasha deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaariijta.

“Dowladeena Soomaaliyeed in aan garab istagaano, ciidamadeen in aan garab isgaagno, dadka deegaanka oo soo jeestay oo wacyigooda sidii hore uu ka duwan yahay in la garab istaago waaye,” sida uu yiri guddoomiye Yabooh.

Deeqdaan uu maanta gobolka Banaadir uu ku wareejiyey ciidama dowladda ee xilligaan dagaalka kula jira Khawaarijta waxa ay ahayd mid uu maamulka horay u balan qaaday, iyada oo Guddoomiyaha Gobolka uu sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin garab istaaga Ciidamada.

Share this Article

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Q.M.

New York, 18 September, 2023 – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo.

Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Ra’isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Rai’sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara.

Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.

 

Ciidamada qalabka sida iyo shacabka oo inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay inta badan fariisimihii ugu muhiimsanaa cadawga ee gobolka Mudug oo ay ka mid ahaayeen magaalooyinka Camaara, Bacaadweyn, Xin-labi iyo deegaano kale oo muhiim u ahaa Khawaarijta kuwaas oo kala ah; Galxagare, Hul-doonyaale, Sirgo iyo Qodqod.

Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta Dowladda oo ahayd fariisinkii ugu waynaa Khawaarijta ee gobalka Mudug ayaa qiyaastii 208-KM u jirta magaallo madaxda gobolka ee Gaalkacyo, waxaana guushaan laga gaaray cadawga ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin Khawaarijta.

Ciidanka Dowladda, Ciidanka Galmudug iyo Geesiyaasha deegaanka muddadii ay ku jireen hawlgallada guulaystay ee Khawaarijta looga saaray inta badan gobolka Mudug, waxa ay Khawaarijta gaarsiiyeen jab xooggan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ku xigeenka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.
Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada Jiilka shanaad (5G)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay si weyn ugu faaneysaa daah-furka hanaanka wada-tashiga ee aasaaska u ah istaraatiijiyadda Qaran ee Jiilka Shanaad (5G). Hindisahaan ayaa ujeedadiisu tahay in Soomaaliya wax laga bedelo, iyadoo Soomaaliya ay u soo baxday waa cusub oo iskuxirnaan, hal-abuurnimo iyo barwaaqo guud.

Qabyo-qoraalka la soo jeediyay ee Istaraatiijiyadda 5G ee Qaranka ma ahan oo keliya qorshe hawlgelin balse sidoo kale waa tallaabo hiigsi leh oo ka tarjumaysa sida qotoda dheer ee ay HIQ uga go’an tahay in ay Soomaaliya hesho isku-xirnaan dhijitaal ah oo dhammaystiran. Waxa ay ballan qaadaysaa in ay kor u qaado koboca dhaqaalaha iyo hal-abuurnimada, abuurto qaab-dhismeedka sharciyeed, taageerto cilmi-baarista iyo soo bandhigidda horumarka muuqda ee bulshada. Tiirka istaraatijiyaddan ayaa ah in kaabayaasha shabakadda 5G-ga la geeyo dalka oo dhan, iyadoo la hubinayo in si siman oo jaban loo helo adeegyada internetka iyo isgaarsiinta guud ahaan dalka oo dhan.

Iyadoo la raacayo awaamiirta Guddiga Maamulka Sare ee HIQ ee la daabacay 22 Sebtembar 2022, istaraatiijiyadani waxay jeexaysaa khariidad gaar ah oo loogu talagalay qoondaynta hirarka 5G iyo horumarinta kaabayaasha xiga. Tallaabadan, oo qeyb muhiim ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo daboolaysa teknoolajiyadda 2G ilaa 4G, ayaa dib u qaabaynaysa guud ahaan isgaarsiinta Soomaaliya.

Iyadoo wax laga qabanayo baahiyaha hirarka 5G-ga, istaraatijiyaddu waxay xoogga saaraysaa isdhexgalka hirarka isku dubaridan ee qaybaha kala duwan sidookale na waxay xooga saaraysaa muhiimada ugu wayn oo ah u diyaarsanaanta deegaanka. Tan waxaa ku jira qaan-gaarnimada tayada aaladaha isticmaalaha iyo qalabka shabakadaha, taas oo muhiim u ah in si degdeg ah oo hufan loo geeyo 5G.

Iyadoo loo marayo qorshaheeda dhammeystiran, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay u aragtaa Istaraatiijiyadda 5G-ga ee Qaranka inay tahay tiir-dhexaadka furitaanka awoodda 5G-ga ee baaxadda leh ee dalka.

“Istaraatiijiyadu waa wax ka badan qorshe oo keliya – waxay ballan-qaadaysaa mustaqbal isbeddel iyo barwaaqo ku dhisan. Si midnimo lehna, waxaan u abuureynaa masiirka Soomaaliya oo rajo leh oo isku xiran,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud HIQ

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolajiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, oo ka hadlay xafladda furitaanka waxa uu yiri “Istaraatiijiyadda 5G ee qabyada ah waxay ka tarjumaysaa siyaasadda iyo istaraatiijiyada ICT-da ee 2019-24 ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada si loo horumariyo isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda Soomaaliya.” wuxuuna ku daray: “Daahfurka wada-tashigan wuxuu ku martiqaadayaa dhammaan daneeyayaasha inay wadaagaan fikradahooda iyo talooyinka ku aaddan istaraatiijiyadan.”

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay qaadatay hab loo wada dhan yahay si loo horumariyo Istaraatiijiyadda 5G ee Qaranka, waxayna ku casumeysaa dadweynaha iyo daneeyayaasha inay soo gudbiyaan ra’yigooda ka hor November 2, 2023. Dukumentiga wadatashiga waxaad ka heli kartaa link soo hoose:

Safiirka Shiinaha oo booqday Isbitalka madaxtooyada Qaranka

Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb Fe Shengchai ayaa kormeer ku tagay Isbitalka madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulan kula yeeshay agaasimah Isbitalka Dr Xuseen Maxamuud Xuseen.

Agaasimaha Isbitaalka Madaxtoyada JFS ayaa soo dhaweyn iyo warbixin kooban oo Isbitalka Madaxtoyada ku saabsan la wadaagay safiirka, waxaana uu dowladda Shiinaha uga mahadceliyey kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto dowladaha Soomaaliya caawiya.

Isbitalka Madaxtoyada JFS wuxu kaalin weyn ku leeyahay isku xirka iyo taakuleynta dhaawacyada ciidamah xoogga dalka iyo furitaanka Isbitalka degmada Cadale laga hirgeliyey oo weli qaar ka mid dhaqatirta iyo kalkaaliyasha Isbitalka Madaxtoyadu ay ku suganyihin Cadale.

Danjire Fe Shengchai ayaa mujiiyey sida ay dowladiisa uga go’antahay garab istaagga Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday dib u dhis iyo qalabeyn degdeg ah oo isbitaalka lagu samaynayo, sii wadista u qareemidda Soomaaliya iyo joogteynta taakuleynta shacabka Soomaaliyeed.

Xubin ka tirsan Khawaariijta oo isku soo dhiibay ciidanka nabad sugidda Koofur Galbeed

Baydhabo: Caddow Xasan Cabdi Cali oo kamid ahaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka hay’adda nabad sugidda Koofur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, xilli uu lasoo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Caddow ayaa argagixisada kaga biirey 2013-dii degmada Xudur, kaddib markii uu tababar ku qaatay Galgaduud, waxaana uu kamid ahaa qeybta jabhadda.

Waxa uu ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay gobollada dalka, taas oo markii dambe sababtay in uu isku dhiibo ciidamada dowladda kaddib markii ciidama dowladda iyo kuwa deegaanka ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta.

Caddow Xasan Cabdi Cali oo la hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isagoona saaxibadiis kale ee khawaarijta ka tirsan ugu baaqay inay isaga soo baxaan.

Isasoo dhiibista Caddow Xasan Cabdi Cali ayaa ku soo aadaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, kaas uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cudub ee Midowga Yurub

Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub marwo Karin Johansson.

Danjiraha cusub ee Midowga Yurub marwo Karin Johansson oo dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeysay guulaha laga gaaray dagaalka ciribtirka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Karin ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howgallada sifeynta Khawaarijta iyo sigidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaana u xaqiijiyay danjiraha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

     

Ciidanka Qaranka oo la wareegay Magaalada Camaara

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha difaaca shacabka ee dadka deegaanka ayaa hadda si buuxda ula wareegay magaalada Camaara ee gobalka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen